SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Xaflad

Xaflad ka dhacday Xarunta Iskoolka Aayaha ee Boosaaso

Halkan ka daawo Sawirada Xaflada 

Tan iyo markii la aasaasay Golaha Aayaha ee xaruntiisu tahay magaalada Boosaaso, waxaa isa soo tarayey horumarka iyo guulaha laga gaarayo arrimaha bulshada Gaar ahaan, waxbarashada iyo isku xirka bulshada. Waxaa ka dhacday Xarunta schoolka aayaha ee magaalada Boosaaso, xaflad si wayn loo soo agaasimay, taas oo lagu gudoon siinayey Ardaydii ugu horeysay ee wax ku bartay si tabarucaad ah, islamarkaana ka qalinjabisay Schoolka aayaha ee magaalada Boosaaso, una gudbay heerka 1-aad ee dugsiga sare.


Xafladaan oo muddo socotay ayaa waxaa qudbado kala duwan ka soo jeediyey xubno ka tirsan masuuliyiinta aayaha, culumaa’udiin iyo martisharaf kale oo ka soo qaybgalay xafladaas. Sidoo kale waxaahalkaasi Maanso Gabay ah ku cabiray ra’yigiisa Abwaan Khadar C/laahi “ casayr”, tix lama ilaawaan ah ka tiriyey xaflada, islamarkaana jiidatay dhamaan dadwaynihii ka soo qaybgalay. Haddaba uma baahna inaan sharaxaad dheer ka bixiyo Xafladaas waxaana qof kasta oo ay gaarto warbixintaan ay ka dheehan karaan, sawirada la socda.. 


Haddaba wixii talo iyo su’aale ah fadlan ku soo dir 

Halkaan kadaawo Sawiro kale oo badan

Xuseen  Cabdi
hussein_abdi@hotmail.com
  


Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: