SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweyne Sh. Sharif oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Dowladda Finland.  

Mr Pekka Haavisto oo xubin ka ah Baarlamaanka dalka Finland, isla markaana ah Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Finland u qaabilsan Geeska Afrika ayaa muddo labo casho ku joogay booqasho magaalada Muqdisho. 

Mr Haavisto ayaa u yimid Muqdisho si uu u arka mas’uuliyiinta Dowladda FKMG ah si uu ugala hadlo arrimaha nabadgelyada, dib-u-heshiisiinta iyo sidii Dowladda Finland ay gacan uga geysan laheyd dib-u-dhiska Somalia. 

Mr Haavisto muddadii labada cisho ee uu joogay Muqdisho waxuu la kulmay guddi hooseedyada baarlamaanka iyo ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Cisman Cilmi Boqorre, sidoo kale waxuu la kulmay ururada bulshada rayidka ah, dumarka, Odayaasha dhaqanka, ganacsatada. Mr Haavisto waxuu kaloo la kulmay oo uu xafiisyakiisa ugu tagey Ra’iisal Wasaare Omar Abdirashid oo uu wehliyey Wasiirka Tacliinta Sare Ibrahim Addow. Ugu danbeyntii Mr Haavisto inta uusan ka soo bixin magaalada Muqdisho waxuu xafiiskiisa ugu tagey Madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Ahmed oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii dowladda Finland ay gacan uga geysan laheyd dib-udhiska, iyo nabadeynta dalka.  

Mr Haavisto ayaa ballanqaaday inuu warbixin u gudbin doono EU iyo dowladiisa Finland, waxuuna sheegay inuu diyaar u yahay inuu u ololeeyo sidii Somalia loo kaalmeyn lahaa.

Waxaa soo tebiyey: engabdirahman@googlemail.com


Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Tilmaamay Budhcad Badeedka Sii Xoogaysanaya Kuwo Dalka U Horseedi Kara Qabsasho

Dowlada Midnimada ee soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujisay budhcad badeedka sida xowliga ah ugu sii fidaya xeebaha soomaaliya taasoo ay sheegeen inay caqabad ku tahay jiritaanka dowlada soomaaliya ee iminka jirta .

Afhayeenka Madaxtooyada Xasan Cali Xayle oo warfidiyeenada kula hadlayay maanta Guriga Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in falalka afduubka ah ee ay kooxaha budhcad badeedku ka gaysnayaan xeebaha fog fog ee badda soomaaliya ay waxyeelo ba,an sii gelinayaan madaxbanaanida dalka soomaaliya islamrkaana ay cabsi ka qabaan in dalka soomaaliya la qabsado waa siduu hadalka u dhigaye .

"Falalka kooxaha burcad badeedka, waxay shaki gelineysaa madax banaanida Soomaaliya, waayo waxaa dhici kara in falalkaas ay geysanayaan in Caalamka oo dhan uu soo jeesto,oo ay xoog ku muquunioyaan taasina ay meesha ka saarto Dowlada oo fashil ku dhaco "ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha xasan cali xayle.

Sidoo kale cabshadan kasoo yeedhay dowlada KMG ah ayaa kusoo beegmaysa xili ay budhcad badeeda ka qowlaysata badaha soomaaliya ay si is daba jog ah u qabsadeen dhowr markab oo si weyn aduunku isha ugu qabtay islamrkaana ay kamid ahaayeen markabkii Ukraine ee Hubka siday , mid kale oo Saliida siday ee laga lahaa Boqortooyada Sacuudiga iyo kuwo kale oo iminkaba gacanta ay ku hayaan .

Degmada Xeebta Ee Xaradheere Oo Maanta Lagu Arkayey Diyaaradaha Qumaatiga U Kaca Ee Dagaalka Oo Dul Heehaabaya


Wararka laga helayo deegaanka degmada xeebta ah ee xara dheere ayaa sheegaya in lagu arkayey manta diyaaradaha qumaatiga u kaca ee nooca loo yaqaano helipcoptarka oo dul heehaabaya halkaasi iyagoo la sheegay inay ahaayeen kuwa ciidamada ee hubka xambaara islamrkaana deegaankaasi kusoo kordhiyeen cabsi xoogan .

Mid kamid ah dadka deegaanka xara dheere oo magaciisa ku sheegay oo aan khadka telefoonka kula xiriirnay ayaa shabakada afnugaal u xaqiijiyey inay jiraan diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca ay dul heehaabayeen xaabta degmada xaradheere iyo deegaanada ku dhow dhowba taasoo la sheegay inay baadi goob ugu jiraan nin Eng ah oo u dhashay dalka maraykanka oo la sheegay in afduub loogu haysto gudaha wadanka soomaaliya .

Sidoo kale goob joogahan oo magaciisa kusoo gaabiyey afrax ayaa cadeeyey inay degmada xaradheere manta laga dareemayey cabsi iyo walaac xoogan oo ay ka cabsi qabaan inay diyaaradahani gaystaan duqayn waloow auysan jirin ilaa iminka waxyeelo ay gaysteen .

Dhowaanahanba waxaa xeebta dhereran ee badweyne hindiya ku sugnaa maraakiibta dagaalka ee laga leeyahay wadamada yurub iyo amerika kuwaasoo la sheegay inay diyaaradahani kasoo duulayaan islamrkaana la sheegay inay ka dambeeyeen hesheeskii la gaaray ee ahaa in weeraro lagu qaado budhcad badeeda faraha ba,an ku haysa maraakiibta isaga kala goosha bada cas iyo badweynta hindiya ee mara xeebaha fog fog ee dalka soomaaliya .

Si kastaba ha ahaatee Diyaaradahan laga sheegay deegaanka degmada xeebta ah ee xara dheere ayaa kusoo beegmaya xili ay manta qaylo dhaan xoogan kasoo saareen dowlada KMG ahi xarunta madaxtooyada ee muqdisho taasoo ay ku sheegtay inay walaac ku hayaan budhcada sii xoogaysanaysa ee kusii fidaya badaha wadanka soomaaliya .

Warbaahinta Muqdisho Qaarkood Oo Markale Cambaareeyey Maamulka Puntland Xili Uu Weli Xabsiga Ku Jiro Weriye jaamac Ayaanle

Qaar Ka Tirsan Warbaahinta Madaxa Banaan Ee Ka Howl-gala caasimada Muqdisho ayaa Ku Eedeeyey Xubin Kamid ah Ururka Nusoj inuu ka dambeeyey xabiskii Lagu xidhay weriye jaamac ayaanle fayte magaalada boosaaso kaasoo la sheegay inuu qoray warbixinta (mar uun madaxweyne I dhaha )islamarkaana dusha laga saaray weriyaha xabsiga ku jira .

Weriye c/risaaq sheikh aduunyo oo isagu kasoo jeeda bahda warbaahinta islamarkaana u dhashay maamulka puntland ayaa la sheegay inuu qoray warbixinta lagu eedeeyey weriye jaamac ayaanle taasoo la tilmaamay inay si weyn uga soo horjeesteen kadib markii la cadeeyey inuusan jaamac ayaanle fayte uusan shaqo ku lahayn warbixintan ay hor istaageen wasiirka arimaha gudaha dowlad goboleedka puntland gen.c/laahi axmed jaamac (ilka jiir) iyo taliye ku xigeenka ciidamada booliska puntland col.jaqanaf oo lasheegay inay dusha ka saareen jaamac ayaanle islamarkaana xooga saareen sidii xabsiga loo dhigi lahaa weriyahaasi .

Saxaafada oo xidhiidh la samaysay wasiirka arimaha gudaha puntland gen.ilka jiir oo wax laga weydiiyey in cadayn loo hayo xabiska weriyahaasi ayaa ka gaabsaday islamrkaana ku adkaystay waa dembiile oo keliya .

Dhinaca kale warar hoosaadyo laga helayo maamulka puntland ayaa sheegaya in weriye jaamac ayaanle uu si weyn uga horjeestay islamrkaana wax uga qoray doorashadii madaxweyne c/raxmaan faroole oo la sheegay inuu u garab dhiibiyey madaxweynihii hore ee cadde muuse tasoo la sheegayo in ciil qab badan oo lagu eedaynayo weriyahaasi xabsiga loo dhigay .

Si kastaba ha ahaatee warbaahinta qaarkeed ayaa eedayn kale dusha kaga tuurtay maamulka cusub ee puntland taasoo ay sheegeen inay xad gudub tahay in weriyahaasi uusan wax dembiya lahayn islamrkaana layska indho saabayo cida warbixinta qortay waa hadii ay dembi tahaye taasina ay meesha ka saarayso xoriyatul qowlka iyo xoriyada saxaafada islamrkaana muuqaalku uu yahay aarsi qarsoon oo ay masuuliyiinta puntland ku aarsanayaan


yaasiin faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: