SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Zuma Iyo Ololaha Doorashada Koonfur Afrika

Kumanaan dad ah ayaa iskugu soo baxay Fagaaraha wayn ee loo yaqaano SULDAN BAHU CENTER ee ku yaala xaafada ay soomaalid ka dagto magaalada johannesbrug ee mayfair.

dadka isku soo baxay oo badnaa dadka muslimka ah ee ku nool dalkaani koonfur afrika misana ahaa taageerayaasha ANC-da ayaa aad u jilbeysnaa kuna dhaawaqa hal ku dhigyo ay ku amaanayaan Jacob Zuma sidoo kale waxaa goobta soo gaaray madax ka tirsan ANC-da waxaa ka mid ahaa wasiirka amniga qaran iyo Basaraabka gobolka Gauteng Paul iyo wini mandele , iyo madax kale oo aad u baddan oo wejigooda ka muuqata farxad aan la qiyaasi karin.

Jocab Zuma oo ah Madaxwaynaha Xisbiga Talada ka haye Dalkaani Koonfur Afrika ee ANC ayaa ku jira ololihiisi ugu danbeyey ee Musharaxnimo misana ah musharaxa xisbiga ANC u taagan jagada madaxwaynanimo ee Dalkaani Koonfur Afrika.

Madaxwaynahe Jocab Zuma ayaa medasha ku yiimid Diyaarada yar oo Holicopter ah ka dibna dadkii meesha isugu soo baxay ay hal mar soo dhaweyn iyo mar xabeyn u muujiyeen madaxwaynaha ANC ahna musharaxa u taagan Jagada madaxtinimo ee Xisbiga uu madaxda u yahay ee dalkani koonfur afrika.

Zuma ayaa soo istaagey masraxa soo dhaweyn ka dib ayaa waxaa uu khubadiisii daah fur uga dhigey Magaca ilaahay isagoo bisinka si caadi ah u aqriyey ka dibna khudbadiisa diirada ku saaray in hormar lagu gaari karo wada jir iyo in qof walba uu ka shaqeeyo danaha dalka waxaana ka mid ahaa hadaladiisii " aad baan ugu faraxsanahay inaan idin kala soo qaybgalo isku soo bixiina maanta, runtu waxay tahay in dadka oo dhan isku bahan yahay oo anan idinka la aantiin ananan wax noqoneen jiritaankeenuna uusanba jireen ka soo bilow halgankii ilaa maanta oo aan idin hortaaganahay".

Madaxwayne Zuma oo aad uga hadlay muhiimada ay leedahay in la wada shaqeeyo kuna jirto danta guud ee dalka ayaanan ka saarin meesha in uu ololihiisi ugu danbeyey ku jiro oo waliba u harsantahay hal usbuuc waxana mar uu ka hadlayay doorashada yiri " aniga halkaan uma imaanin inaan idin dhaho ii codeeya ee waxaan halkan i keenay inaan idin la qaysado farxadiina waxna idiin sheego midaas oo ah in cida aad u aragtaan inay dadka iyo dalkuba dan u yahay inaad doorataan midaas oo ah mid idinka dan ii idiin ah anana dan inoo ah.

Madaxwayna xisbiga talada haya ayaa ka dhawaajiyey inay jiraan rag hore ay saaxiibo dhab ah ahayeen oo soo wada halgami jirey ay maanta ka soo horjeedaan mar uu arintaasn ka hadlayayna waxa ka mid ahaa hadaladiisa " Waxaa jira rag badan oo aan saaxiibo nahay balase maanta arimo siyaasadeen ay na soo kala dhax galeen oo xitaa xisbigaba ka baxay oo aasaasey xisbi kale kuwaas anigu waxaan u hayaa wali saaxiibtinimadii waxaan aad u xasuustaa raga qaar in isku meel nalagu xirey xitaa hal mar mahan xiligaas oo ahayd waqtigii gobonima doonka xisbiga talada haye ee ANC koonfur afrika" waxa sidoo kale oo afkiisa ka yeersiyey hadi aan noqdo madaxwaynaha dalkani koofur afrika aniga saaxiibadey ma siidayn doono oo wali waxay ii joogi doonaan booskoodii waxaana rajeynaya inay nala shaqeyn doonaan.

sida badan dalkaani koonfur afrika ayaa aad looga xiiseeyaa khudbadaha oo soo jeediyo madaxwayna xisbiga talada haye ee dalkaani koonfur afrika dadka qaarkiisa ayaa ii sheegaya inay ka yimadeen gobolo aad u fog fog midaasna ay ku tusinayso xiisaha gaarka ah ay leedahay madaxwayna ANC ahna musharaxa Jagada Madaxtanimo ee dalkaani koonfur afrika.

Jacob Zuma ayaa intii khudbada ku dhax jirey ka dhawaajiyey hormarka iyo dhaqaalaha waxaana ka mid ahaa hadaladiisii " koonfur afrika shacabkeeda iyo madaxdeedu waxay mar walba u tagan yihiin horomarka dalkooda iyo danihiisa gaar ahaneed iyo waliba waxaan xil iska saaraynaa inaan qaarada afrika hormuud u noqono oo aan ka saarno dhibaatada haysata, mar uu arinkaasi ka hadlayayna waxa uu yiri " annagu hadii aan mas uuliyad isa saarno qaarada oo dhana mas uul baanu ka nahay, hadiise qof walbaa is tusiyo inuusan mas uuliyad haynin cid ku talaabsan kartaa horomar ma jirto ilaa la helo inuu qof walbaa xil saaran yahay".

Mar uu si toos ah ula hadlayay bulshada islaamka ah ee ku nool dalkaani koonfur afrika in badan oo iyaga ka mid ahna ay usoo halgameen kana mid ah xubnaha sar sare ee xisbiga talada dalka haye ee ANC ayuu madaxwaynuhu ku sheegey inay dalku uu yahay mid diimaha oo dhan u furan diinta islaamkuna ay u leedahay muhiimad gooni ah midaas uu yiri " shacuubta koonfur afrikan ka ah ee islaamka ah iyo annagu waligeynba waxaanu ahayn dadkii ka dhiidhiyey inay heeryada gomeystaha iska qadaan ilaa iyo maantana u taagan horomarka dalka dhinac kasto ay ahaatoba" waxaa uu ugu danbeyntiina madaxwaynaha hadalkiisa ku soo gaba gabaeyey inay isaga ka shaqsi ahaan maanta farxad gooni ah u tahay madaama ay tahay maalintii aan dhashey oo maanta ku beegan.

Zuma ayaa dadka badankiisu rajeynayaa inuu noqon doono madaxwaynaha badali doono kan hada haye ee Madaxwayne Kgalema Motlanthe waxaana dadka badan kiis is waydiinayaan Zuma iyo wax qabadkiisa oo inta badan la rumaysan yahay inuu wax ka qaban doono arimaha ay ka mid yihiin amniga iyo dhaqaalaha kuwaas oo aad ugu muhiim ah bulshada ku nool dalkaani koonfur afrika.

Si kastaba Ha ahaatee waxay ahayd uun usbuuc ka hore markii ay taageerayaasha Jocab Zuma ay u dabaal dagayeen dhawaaqii ka soo yeeray hey'ada garsoorka qaranka ee dalkaani Koonfur Afrika ee loo yaqaano marka magaceeda la soo gaabiyo (NPA) ay si cad ugu dhawaaqday in ay la laabatay dacwadii ay ku heysteen madaxweynahaha xisbiga talada haya ee ANC lana filayo in uu madaxweyne ka noqdo dalkaani koonfur afrika usbuuc ka dib, sidoo kale waxay samayn wayn ku yeelan doontaa bulshada soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalkaani koonfur afrika oo in yar oo ka mid ah u heli doono inay codkooda dhiibtaa laakin marka loo eego sanadihii hore ee la dhiiban jirey cod bixinta aysanba jiri jirin qof soomaali ah oo cod dhiibte balse doorashada dhici doonta usbuuc ka dib ay qaybtooda ka qaadan doonaan.

Fiiro Gaar ah

Doorashada Koonfur Afrika IYo samaynta ay ku leedahay Soomaalida ku nool dalkaani koonfur afrika kala soco warbixinada dambe insha Allah.

Mohamed Ismail

mismacil@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: