SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qarax Saaka ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama oo qasaare  u gaystay Askarta DFK.


Waxaa saakay waabarigii qarax miino uu ka dhacay nawaaxiga Hotel Ambassador ee  waddada Maka Al-mukarrama ah, taasoo lala beegsaday ciidamadda militariga Dawladda Fadaraalka Kumeelgaarka ee fariisinka ku leh naawaxiga guriga shaqaalaha oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Midowga Afrika ee u jooga dalka nabad ilaalinta.

Qaraxaasi oo ahaa miinada dhulka lagu aaso lagana hago qalabka loo yaqaano remote control-ka ayaa waxa uu qarxay waqti ay halkaasi marayeen ciidamada militariga DFK oo hawlkaasi ka waday hawlo miino baaris ah oo ay maalin walba ka sameeyaan wadada isku xirta isgoyska km4 ilaa isgoyska Dabka. 

Dad goob joogayaal ah ayaa xaqiijisay in qaraxaasi uu ku geeriyooday mid ka mid ah ciidamadii militariga DFK, waxaana ku dhaawacmay labo kale oo ka tirsan ciidamada militariga, inkastoo taasi aysan xaqiijinin taliska ciidamada militariga dawladda Soomaaliya.

Qaraxaasi kaddib ayay ciidamada militariga waxay gebi ahaanba waddadaasi ka xayireen isu socodka dadka iyo gaadiidka iyagoo halkaasi isku gadaamay muddo saacado ah, inkastoo markii dambe ay xaaladdu caadi ku soo noqotay, isu socodkii dadka iyo gaadiidkana ay dib uga hawl bilaabeen waddada Maka Al-Mukarrama. 


Muuse Maxamuud Jiisow 
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia 
00252-1-5576666
00252-50-907666 

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: