Soomaaliya iyo
maanta
Marka
laga hadlayo
xaaladaha kala
duwan ee dalku
soo maray, ugu
horayn waxaa qof
kasta la gudboon
inuu si
wanaagsan oo
miyir qab ah,
isla markaana
mug iyo miisaan
leh uu ku eego
xaalada dadka
iyo dalku ay soo
mareen ama ku
sugan yihiin.
Waxa haboon in
la is waydiiyo
horumarka laga
gaadhay iyo waxa
qabyaaladu ay
soo kordhisay oo
aan burbur iyo
kala yaac ahayn.
Qabyaaladu waa
mid diinteena
wanaagsan inooga
digtay, sidoo
kale dhaqan
ahaan waxaynu u
leenahay waayo
aragnimo
wanaagsan hadii
aynu wax ku
qaadanayno.
Hadaba, hadii
aad la socotay
qiimaynta
maqaaladii
taxanaha ahaa ee
Socdaalkaygii
Soomaaliya,
marka laga eego
waxa dhici kara
mustaqbalka dhaw
iyo kan fog,
sida muuqata
hadii aan la
abuurin isku
duubni iyo
iskaashi wayn oo
arimahaa lagaga
gudbo, waxaa la
odhan karaa
marxalada maanta
la maryo waa mid
dadka
Soomaaliyeed
aanay hore u soo
marin xataa
waqtigii
dagaalada
sokeeye ay
socdeen ee
burburka iyo
qaxu ay sida
xawliga leh ku
socdeen, waayo
waxaa la soo
maray waqtiyo
adag oo maamul
la’aan ah oo ay
sii dhamaanayso
asaasku umadeed
aqoonta,
dhaqaalaha iyo
isku xidhnaanta,
waqtiga soo
socdaana wuxuu
noqon doonaa
hadii aan laga
tabaabulshaysan
oo
simbiriirixasho
uu keeno mid aan
cidina ka soo
kaban karin.
Hadaba sida
muuqatana, marka
laga yimaado
itoobiyaanka iyo
qabqablayaasha
waxaa hubaal ah
in dalkii la
haysto cid
haysatana aan la
garanayn,
kooxaha
siyaasaduna waa
kuwo aan
ikhtiyaar
lahayn.
Faragelinta
dalka ka
jirtaana sida
muuqata waa mid
aad u
ballaadhan,
hadaba
iswaydiintu
waxay tahay,
maxaa inala
gudboon? Hawshu
ma sahlana waana
mid u baahan
talo, isku
xidhnaan iyo
isku tashi aad
ballaadhan,
wax-garadka iyo
aqoon yahankana
waxaa la gudboon
inay ka
shaqeeyaan
wacyigelinta,
iyadoo la
adeegsanyo wax
kasta oo suuro
gal ah si dadka
loo fahan siiyo:
- Sidii
dadku u
garan
lahaayeen
marxalada
lagu jiro
iyo in wixii
horay u
dhacay ay
ahaayeen wax
gacmaha iyo
maskaxda
soomaalida
ka
shisheeyey,
hadaba sidii
arimahaa
lagaga gudbi
lahaa waa in
la dejiyo
hab dadka
looga dhex
abuuri karo
iskaashi
wayn oo
dhinac kasta
taabanaya
iyo isu soo
noqosho
dhamays
tiran.
- In xoog
iyo xeelad
aan loo kala
hadhin sidii
la isaga kor
qaadi lahaa
cadawga
dalka kusoo
duulay iyo
taakulaynta
muqaawada
gudaha,
ogsoonow
Muqdisho
keliya ma
aha waxa la
haystaa.
- Dadku
meel kasta
ha joogaane
waxa la
gudboon inay
la yimaadaan
iskaashi ku
dhisan
xirfad
siyaasadeed
oo saraysa.
- In laga
digtoonaado
shirqoolada
dadka
maangaabka
ah lagu jaah
wareerin
karo oo lagu
kala dhan
taali karo
isku
duubnida
hadii
xaaladu sii
adkaato.
Doorka aqoon
yahanka iyo
taariikhda
dagaladii
sokeeye
Soomaaliya
waxaa ka dhacay
xadgubyo waawayn
oo aan weli laga
soo hor ka
laaban, kuwaas
oo u baahan in
wax laga barto,
sidaa awgeed waa
in la xasuustaa
in marxalad
kasta oo umadi
soo marto in ay
ka mid tahay
taariikhdeeda,
sidaa awgeed
dhinaca
taariikhda,
wacyi gelinta,
waxbarashada,
diiwaan gelinta
iyo warbaahinta
intaba waxaa
haboon in loo
dejiyo qaab
looga hadli karo
dagaaladii
sokeeye, iyadoo
laga duulayo
aragti fog, sida
muuqatana waxaa
lagama maarmaan
ah in la helo
qodoban soo
socda:
- In la
isla helo
hab arimahaa
loo waajihi
karo, iyadoo
taariikhda
la gelinayo
macluumaad
wax tar leh,
si looga
reebo kayd
iyo ku cibro
qaadasho
taariikheed.
- In la
tixgeliyo
dareenka iyo
isku xidhka
umada,
hadaba waxaa
haboon in
arintaa loo
waajaho si
mug leh,
loona helo
dad
aqoonyahano
ah oo si
wanaagsan
uga soo
shaqeeya
marxaladaa
taariikheed,
iyadoo loo
kala saarayo
heer
garaadka
kooxeedyo
kala duwan
sida:
-
Qaybta
hanuuninta
iyo
waxbarashada
dadka
waawayn.
-
Qaybta
waxbarashada
da’yarta
si loo
dareen
siiyo
ama ay
ula
socdaan
marxaladaas.
-
Qayba,
geli
karta
goobaha
taariikhda
sida
madxafyada.
Horumarinta
dhaqaalaha
Sida aan la
socono waxaa
badaha aduunka
dhex jibaaxayaa
waa da’yartii
soomaaliyeed ee
hogaankii maanta
iyo berrito,
hadaba waxaa
inala gudboon in
loo hawl galo
sidii loo hakin
lahaa hayaanka
dadka, arintaana
waxaa qayb wayn
ka qaadan kara
in la dejiyo
qorshe arintaa
wax looga
qabanayo, iyadoo
la kaashanayo
maskax,
iskaashi, maal
gashi dhaqaale
iyo in awooda la
saaro xaga
aqoonta, wacyi
gelinta,
waxsoosaarka iyo
shaqo abuuris.
Horumarinta
ganacsiga:
Inkastoo
horumarinta
ganacsiga uu ku
haboon yahay in
ay ka hadlaan
dadka
soomaaliyeed ee
ganacsiga
bartay, hadana
waxaa muuqata in
xawaaladuhu ay
yihiin asaaska
iyo tixraaca
maanta ugu wayn
ee Soomaaliya ka
jira, sidaa
awgeed waxaa la
gudboon inay
iska kaashadaan
sidii ay talo
iyo cilmi
baadhis ugu
diyaarin
lahaayeen
ganacsatada
intii suuragal
ah iyo weliba
inay ka ka qayb
qaataaan qalabka
waxsoosaarka,
dhoofinta iyo
sahaminta
intaba.
Horumarinta
waxsoosaarka
Beeraha iyo
xooluhu waa ilo
dhaqaale oo
aaasaas
wanaagsan leh,
hadaba in kastoo
ay jiraan
dhibaatooyin
waawayn hor
yaala
horumarintooda,
hadana waa kuwo
ay sahlan tahay
in wax laga
qabto hadii si
wanaagsan la
isaga kaashado,
sidaa awgeed
waxay mudan
yihiin in awooda
la saaro.
Xaga
garsoorka
Garsoorku
waqtigan dawlad
la’aanta lagu
jiro wuxuu
leeyahay
muhiimad gaar
ah, sidaa awgeed
waa lagama
maarmaan in loo
hawl galo sidii
loo heli lahaa
qorshe garsoor
oo wanaagsan,
iyadoo dadka
tusayo laguna
baraarujiyo
muhiimada uu u
leeyahay inay la
shaqeeyaan.
Cabudhinta
iyo dilalk
qorshaysan
In dadka lagu
baraarujiyo in
aan wax
gargortan ah
laga gelin
dilalka
qorshaysan, isla
markaana la
qaado
tallaabooyin
dadku iskaga
kaashanayaan
sidii arimahaa
wax looga qaban
lahaa. In dadka
wada shaqaynta
la leh cadawga
ee fuliya
dilalka iyo
gacan gelinta
dadka meel looga
soo wada jeesto.
In cabudhinta
iyo caga
juglaynta lagu
hayo culimada
iyo dadka
aqoonta leh si
wanaagsan loola
socdo iyo in aan
wada shaqayn
lala yeelan
maamulada
arimahaa ku
hawlan. Waxaa
dhici karta in
ay jiri karaan
dad ku khasban
inay fuliyaan
arimo aan
wanaagsanayn,
sidaa awgeed waa
in si aan toos
ahayn dadkaas
loogu wacyi
geliyo in
arimahaa sida ay
yihiin aanay u
fulin. In
culimada iyo
aqoon yahanada
lala yeesho wada
shaqayn
wanaagsan, in si
wayn oo wada jir
ah loogu hawl
galo sidii
Itoobiyaanku ay
dalka uga bixi
lahaayen,
taasina waa mid
qof kasta waajib
ku ah, wixii
arintaa ka
dhalan karana
waa in naf iyo
maalba loo
huro. Sida
muuqata
Soomaaliya
waqtigan uma
baahna wax
ciidamo
shisheeye ah,
iyada ayaana
isku filan,
waayo markii
maxkamaduhu
gacanta ku
dhigeen gobolo
badan waxay
muujiyeen inay
dalka si degdeg
ah nabadgelyo
uga soo dabaali
karaan, taasuna
waxay ahayd
talaabo
wanaagsan oo
natiijadeedu
markiiba la
arkay.
Wax ka
qabashada
dhibaada qaadka
Qaadku wuxuu
ka mid yahay
dagaalka dadka
lagula jiro,
sidaa awgeed
waxaa loo baahan
yahay in la helo
qorshe midaysan
oo arintaa looga
badbaadinayo
da’yarta,
xaalufinta
dhaqaalaha iyo
burburinta
waxsoosaarka.
Dhamaad,
Taxanihii
Socdaalkaygii
Soomaaliya.