Magaalooyinkii oo lagu ururay
Ummada kasataa waxay soo martaa
marxalad laga yaabo in ay iyada u gaartahay, hadaba hadii aynu
marxaladaha ay Soomaaliya aynu soo martay wax ka yara taabano, gaar
ahaan dhinaca magaalaynta iyo deegaanka oo ah kuwo isku xidhan. Heerarka
ay soo martay Soomaaliya waxaynu u kala qaybin karnaa marxaladihii hore
ee magaalaynta sida magaalooyinka Muqdisho, Harar, Saylac iwm. Waqtigaa
magaalooyinku waxay lahaayeen hab dhaqan sida maamul iyo adeeg oo ay ku
horumareen. Socdaalkii Abu Cabdullah Muxammad oo loo yaqaano Ibnu
Batuuta uu ku maray magaalooyinka Saylac iyo Muqdisho horaantii qarnigii
14aad wuxuu kaga waramay arimo la xidhiidha hab magaaleedka, hogaanka,
dadka, dhaqanka iyo dhaqaalaha, sidoo kale magaalada Herar ayaa qoraayo
badan ay wax ka qoreen, hadaba si aynu u soo gaabino nuxurka maqaalka
hadii aynu intaa ku dhaafno marxaladaas, bal aynu usoo noqono dulucda
iyo marxaladihii ku xigay.
Qarnigii 19aad waqtigii gumaysigu dunida uu ku fidayey iyo
isbedeladii magaalaynta waqtigaas waxaa Yurub, Maraykanka iyo meelo
kaleba ka jiray xaalado aan sahlanayn oo marxalada isbdelka magaalayntu
ay ku jirtay. Waqtigaas waxaa Soomaaliya lafteeda ka bilowday xaalad
taas la mid ah, kaas oo lahaa laba weji oo kala duwan. Weji wuxuu ahaa
magaalooyinkii ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyadii gumaysiga ka soo horjeeday,
wejiga kalena wuxuu ahaa mid gumaysigu hogaaminay. Habkan danbe ayaa
Soomaaliya ka hanaqaaday, kadib marjii la wiiqay kacdoonadii gumaysiga
ka soo horjeeday. Haddaba wixii waqtigaa ka danbeeyey Soomaaliya
korodhka magaalayntu wuxuu ahaaa mid isa soo tarayey, taasoo ay kala mid
ahayd isbedelada aduunka ka socday, inkastoo ay jireen dhibaatooyin
badan oo xaga aasaaska (infrastructure) ah. Si kastaba ha ahaatee
magaalooyinkaas waxay laahaayeen maamul, kala danbayn iyo nadaam adeeg
oo gumaystayaashu ay dejiyeen, kadibna waxaa nadaamkaa dhaxlay
dawladihii kala danbeeyey inkasta aanu noqon mid la jaan qaada
horumarkii magaalooyinka aduunku ku socday, hadana haba koobnaade
magaalooyinku waxay ahaayeen kuwa nadaamkaas ku sii socda oo koraya ilaa
laga gaadhay waqtigii dagaalada sokeeye ay dalka ka bilaabmeen.
Wixii waqtigaa ka danbeeyey waxaa magaalooyinku soo mareen laba
isbedel oo la odhan karo isku waxaqti ayey ahaayeen, kuwaas oo kala ahaa
waqtigii dagaalada sokeeye ee waawayni ay soo gaadheen magaalooyinka
intii u dhaxaysay 1988-1995, taas oo ahayd marxalad dadku ay marba dhan
isu buuranayeen. Waxaa meesha ka baxay maamulkii iyo hab dhaqankii
magaalooyinku ay lahaayeen. Waxaa magaalooyinka ka dhacay fawdo iyo
dagaalo curyaamiyey nadaamka iyo adeegii muhiimka u ah nolosha. Waxaa u
soo guuray dad badan oo aan hogaan lahayn, waxaana la odhankaraa wuxuu
ahaa waqti magaalooyinku ay masaafo wayn hoos u gooyeen. Marxaladaa
waxaa ka danbaysay marxalad kale oo taas aan waxba ka sahlanayn. Intii u
dhaxaysay 1996-2008 waxaa weli saamayn wayn ku lahaa magaalooyinka
dhaqamadii laga dhaxlay dagaalada sokeeyey. Magaalooyinku ma aanay helin
hogaan dhamaystiran iyo adeeg gaadhsiisan heerkii loo baahnaa. Labada
marxaladood ayaa ahaa kuwo isku dhaw sidaa awgeed waxaa la odhan karaa
ma aanu jirin farqi wayn oo u dhaxeeyey marka laga eego dhinaca
horumarka, laakiin wuxuu noqon lahaa belowga isbedel wanaagsan, hadii la
heli lahaa hogaan wanaagsan. Magaalooyinka ayaa waxaa ka sii jiray
xaalad ay weli la ciirciirayaan isbuurashada dadka, sababo la xidhiidhay
duruufo badan oo isbiirsaday oo aad u adag, kuwaas oo u baahanaa maskax
iyo iskaashi u baahan.
Marxaladan danbe ayaa ku soo beegantay waqti ay ganacsatada iyo
qurbajoogta Soomaaliyeed bilaabeen sidii ay dalka u maal gashan
lahaayeen, inkastoo la odhan karo meelaha qaar waxaa ay hakiyey
dagaalada qabqablayaashu ay hogaaminayaan ee marba ka soo cusboonaanaya
iyo faragelinta shisheeye, khaasatan magaalooyinka ku yaala koonfurta.
Hogaan la’aanta jirta awgeed korodhka magaalooyinku ma uusan noqon
mid qorshe, nadaam iyo istaraatiijiyad ku socda isla markaana leh
asaaska iyo adeegyada muhiimka u nowon kara isbedelada bilowga ah ee
dib-u-cusboonaaday. Wuxuu ku bilowday fawdo iyo qorshe xumo wayn, sidaa
ayuuna ilaa iyo hadda ku socdaa, iyadoo loo sababayn karo arimo kala
duwan. Isbedelka ayaa bilowday waqti duruufo la xidhiidha xaga maamulka,
aqoonta, farsamada iyo aasaaska intuba aanay jirin. Dadka ayaa
magaalooyinka ugu soo qulqulayey si aan qorshaynayn oo xad dhaaf ah,
taasi waxay keentay in ay ka abuurmaan dhibaatooyin kale oo aan lagu
talo gelin.
Maalgashiga ganacsatada iyo qurbajoogtu wuxuu noqday mid aan helin
daraasado la xidhiidha sidii iyo habkii ay dalka ku maal gashan laaheen
iyadoo aanu jirin deganaansho wanaagsan oo maal gashigaasu u baahnaa,
isla markaana wuxuu ahaa mid aan habaysnayn wax mideeya (organisers and
advisers) aan lahayn, taasi waxay keentay in magaalooyinka ay mar kale
dad badan isku buurtaan.
Dad badan oo qurbojoog ah ayaa dhulka miyiga ah ka soo xereeyey
kumanaan qoys oo xoolo dhaqato ahaa, kuwaas oo manaafacaadsan jiray kuna
asturnaa xoolahooda Dadkaas ayaa ku soo xerooday magaalooyin aanay ka
jirin asaas muhiim ah sida shaqooyin, waxbarasho wanaagsan, adeeg,
maamul iyo nabadgelyo wanaagsan toona. Waxay dadkaasu la kulmeen
dhibaatooyin kale oo badan sida deegaan xumo, shaqo la’aan iyo dakhli ku
filan oo aan u diyaarsanayn, waxaa kale oo dhici karta in xataa marmarka
qaarkood qofka reerka meesha dejiyey uu ahaa hal qof, isagana ay ku iman
karto duruuf aan lagu talo gelin, deetana ayba halkaas halis ku gasho
noloshii reerka oo dhan. Waxaa dadkaasi markale ay magaalooyinka ku soo
biiriyeen boqolaal kun oo dhalin yaro ah oo aan lahayn tab iyo xirfad ay
ku shaqaystaan.
Dhalinyaradaa intooda badan ayaa ku biira buushashka1, halkaana ku
barta qaadka iyo dhaqan xumada. Intooda badana waxay noqdaan wax
qabqablayaasha askar u noqda, kuwo ku biira mooryaanta, qaarkoodna waxay
noqdan wax badaha isku biimeeya iyo wax gidaarada taagan. Waxaa la ii
sheegay in dadkaas aanay ka soo bixin wax la taaban karo. Arintaasu
masiibada dhaqan dhaqaale ee ay keentay ma aha mid halkan lagu soo koobi
karo, mana aha wax la fudaysan karo.
Muhiimada ilaha dhaqaale ee soo jireenka ah:
Ilaha dhaqaale ee soo jireenka ah way ka qarash iyo hawl yar yihiin
in wax cusub la abuuro, dadkuna si dhaqan ahaan ah ayey ugu samir iyo
xirfad badan yihiin, wax-ka-bedel kastaa oo lagu samaynayana wuxuu u
baahan yahay istaraatiijiyad iyo iskaashi badan. Hadaba siyaabaha wax
looga bedelo karo xoolaha nool ee Soomaaliya waxaa la qaadan karaa arimo
badan oo la daraaseeyey, sida:
- Waxaa haboon in laga waantoobo in magalooyinka laga dhiso guri
aan biyo, koronto, ammaan iyo raaxo (sanitation and service) toona
lahayn, waxna hoos oolin, deetana dadka laga soo barakiciyo
xoolahooda, iyadoo la keenayo magaalooyin aanay ka jirin hogaan,
maamul, nabadgelyo sugan, nadaam dhaqaale, mid shaqo iyo adeeg kale
tooana. Si arimahaa wax loga qabto waxaa loo boohan yahay in ilaha
dhaqaale ee soo jireenka ah dib loosoo nooleeyo isbedelna lagu
sameeyo (livelihood economic renovation), waayo weli aasaas adaga
ayaa ka sii nool iyadoo la qaadanayo sida:
- In feker cusub lala yimaado sida ugu fudud ee loo dejin karo
xoolaha nool.
- In dadka loo jiheeyo hab wax soo saar, in la baro habka
iskashiga iyo shaqada
- In la maal gashado dhulka miyiga ah, shaqo shan dheefood ah
dheh, ama shan shinbirood oo aad hal dhagax ku wada dishay, sidee?
- In dadka aan laga bara kicin xoolahooda, balse la tayeysiiyo
iyadoo wax laga bedelayo habka maanta, sidoo lake wax laga
bedelo habka ah masaariif bixinta ku dhisan ee hadda ay
qurbajoogta intooda ban la daalaa dhacaynayaan.
- In dadka iyo xoolaha la wada dejiyo dhulka miyiga ah halka
hadda ay xooluhu iyo dadkuba yihiin kuwo socda.
- In koox koox la isu bahayto intii isku deegaan ah oo
doonaysa inay wax wada qabsato, isla markaana isku maal iyo
muruq biirsadaan oo ceelal biyood qotaan isla markaana qalabka
beeraha wada iibsadaan, hadii qalabku qaali noqdo waxaa la heli
karaa dad iyagu qalabka keensada oo laga kiraysto.
- Duruufaha jira in isbedel laga bartaa isla markaana halkii
marka dadku toosaan ay magalooyinka aadi lahaayeen uu qofku
dhanka beertiisa aado iasagoo 8-10 saacadood marka uu soo
dhaqaysto u qado doonto mesegada gurigiisa laga sameeyey.
- In la helo dad ka talo bixin kara habka deeganka (qiso
dhacday2) iyo in hab is iskaashatooyin ah loo dego si loo
wadaago waxyaalaha aasaasiga ah sida waxbarasha, dukaanka,
Bankiga iwm.
- In ganacsatada iyo dadka maalqabeenka ay ka qayb qaataan qaabka
dejinta iyadoo la adeegsanayo istaatiijiyad isla markaana hab
shareecada wafaqsan la waafajin (Islamic credit system) ayo.
- Dagaalkii labaad ee aduunka markii Nazigu Yuhuuda baacsanayey
waxaa Yurub ka abuurmay halgan lagu badbaadinayey da’yartii Yuhuuda.
Waxaa ka mid ahaa halgankaas in dhulka qaboobaha ah isla markaana
kaymaha ah ee Sweden iyo Norway u dhexeeya la isugu geeyo caruurtii
Yuhuuda. Waxaa halkaa looga dhisay herooyin wax lagu baro, qaarna
dad gaar ah ayaa kafaalo qaaday. Waa dadkaas iyo wixii ay dhaleen
dadka maanta aduunka meel laga maro la la’yahay. Markaa waxaa loo
baahan yahay in loo hawl galo sidii dunida Carabta arintaa oo kale
looga heli lahaa, kaas oo dibad iyo gudaba u dabooli kara.
- In loo hawl lago sidii wax looga bedeli lahaa bahka ay hay’adaha
badidoodu u shaqeeyaan iyo sida sharci darada ah oo ay kaalmooyinka
ku helaan kuna maamulaan, khaasatan kuwa UNka, tusaalooyin ayaan soo
qaadan doonaa maqaaladeena danbe...
KFA. (Consequences):
- 1 Arinta buushashka maqaaladeena danbe ayaan kaga hadli doonaa
ee hamoogaan.
- 2 Koox qurba joog ah ayaa is urursatay waxay isu geeyeen
hanti, ceel ayey qodeen, waxay sameeyeen beer cawska laga beero, nin
ka mid ah ayaa hawshaa looga tegay. Beertii si wanaagsan ayey u hana
qaaday, laakiin dadkii iyo xoolihii ayuu uga taag waayay, maalin
kasta waa u dagaal iyo rafaad. Maalintii danbe ayuu goor galab ah u
yimi iyadoo inta gabdho beertii jabsadeen laba awr oo caws ah ka
rarteen. Wuxuu waydiiyey “maxaad beerta iiga gurateen”. Waxaa loogu
jawaabay “waar orod isla hadal maadaa dhulka leh”, isagiina waa nin
ay dhibaatadu ka badataye labadii awr ee cawska ahaa ayuu dab
qabadsiiyey. Cabaad, labadii awr ayaa xanuunkii iyaga oo gubanaya
midba dhan u caray. Gabdhihiina way carareen oo dadkii bay qaylo
kula dhex dhaceen, laba nin ayaa qoryo la soo booday. Ninkiin Isagoo
meeshii jooga ayuu arkay weerarka lagu soo yahay, dagaal baa halkaa
ku dhex maray, labadii ninba wuu ugu hurgufay! Markii uu arkay
meesha uu xaal maryo ayuu inta beertii dab qabadsiiyey cagaha wax ka
dayey oo basaaboor uu mar hore meel ku tuuray inta la soo booday oo
dalkii ka cararay. Wuxuu ku noqday meeshii uu markii hore ka yimi
isagoo fara madhan.
- Bururka ku yimi rukumada bulshadu ku taagnayd waxaa ka mid ah
hogaankii dhanka, arintaa maqaaladeena danbe ayaan ku qaadaa dhigi
doonaa...
- Yaa iska leh shirkadaha qaadka, dhibaatada dhaqan dhaqaale ee
qaadku sababay, xagee bay ka timaadaa lacagta adag ee qaadka lagaga
soo iibiyo Ethiopia, taas sida toga ugu shubmaysa, maqaaladeena
danbe.
- Soomaali marduuf qaada helay waa majnuun falane
Wuxuu diliyo intuu maydka la ordaayo
Macnaha dawladnimo uma muraadaane!
Maqaalo sida isugu xidhan oo fure isu ah, la soco qaybaha danbe:
- Waa maqaalo taabanaya nolosha magaalooyinka sida adeega,
deegaanka iyo maamulka, waxaan tusaale wanaagsan ugu soo qaadan
doonaa Hargaysa aniga oo isku dayi doono inaan dhinacyo badan kaa
tuso.
- 750 feet ayaa hoos ugu daagdegi doona dhinacyada maamulka,
deegaanka, dhaqanka iyo dhaqaalaha.
- Waxaan soo qaadan doonaa tusalooyin iyo dhacdooyin xaqiiqda ku
qotoma oo kala duwan, kuwaas oo qaarna ay Hargaysa la wadaagto
magalooyinka kale ee Soomaaliya qaarna ay iyada ugaar yihiin.
Nabadgelyada:
Waxaa la odhan karaa Soomaaliya guud ahaan dagaalkii sokeeye 95% wuu
ka dhamaaday, marka laga reebo waxyaalaha uu ka tegay sida tusaaleheena
KFA, waxaa keliya oo nabadgelyada culayska ku haya xasaradaha ay
abuurayaan kuwa maamulada sheeganaya, gunaanadka qaraaladeena danbe.
Ku dayosho:
- Booqo maktabada Gaandi, boostadii hore ee badhtamaha Hargaysa,
dhulkii ma u socotaa? Horay ugu sii qaad hal ama laba buug oo
wax-tar-ah ama adeeg kale oo muhiima ah...
- Maqaaladeena danbe, wadada ma ku safraysaa, booqo Sheekh, wax
talo iyo tayeyn ah ma u haysaa hooyada waxbarashada? Waxaan soo
qaadan doonaa muuqaal yar oo ku saabsan magaalada Sheekh.
- Akhri Maqaalka xiga...