SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAFAR

Socdaalkaygii Soomaaliya:

Qaybta 5aad. 

Nolosha miyiga:

Nolosha dadka Soomaaliyeed oo lagu tilmaami jiray in mid intiisa badan loshoodu ay ku tiirsan tahay xoolaha nool iyo beeraha, arintaas ayaa maanta la moodaa in isbedel uu ku yimi, iyadoo isbedelkaas aanu jirin wax u diyaarsan oo lagu bedelay sida shaqooyin ama ilo wax soosaar oo kale.

Rubuc qarni ka hor qofkii yaqaanay nolosha miyiga Soomaliya sidayda oo kale wuxuu markiiba dareemi kara baaxada isbedelka dhaqan dhaqaale ee soo wajahay ilihii dhaqaale ee ugu muhiimsanaa nolosha dadka Soomaaliyeed, tusaale ahaan sannadihii sideetamaadkii in kastoo meelo dalka ka mid ah ay dagaalo ka jireen haddana nolosha dadku waxay ahayd mid degan, inaga oo ka eegayna qodobadan hoose:

  • Isbdelka dhaqanka

    Aqal Somaaligu wuxuu lahaa dhaqan iyo maamuus u gaar ah, iyadoo in badan oo suugaanta soomaalidu ay tilmaamayso muhiimada u lahaa iyadoo tusaale loogu soo qaatan jiray dhinaca quruxda dhaqanka, sida maantaba aduunku ugu kala horeeyo dhinaca aqoonta, dhaqaalaha iyo dhismaha, taasoo ka tarjumaysa heerka horumarineed.

    Wuxuu aqalku lahaan jiray waxa u gaar ah oo loo yaqaanay, sida gurgurka (sida ubada ama qunbaha ama tebedda siduu ninba u yaqaan), hadhuubka iyo dhiilaha caanaha, selladaha iyo saababka wax lagu rito. Wuxuu lahaa surrad sida kebedda, aloolka, hararka iwm, wuxuu kale oo lahaa dhigo iyo alool, kash-kaash (caws dhulka lagu goglo) iyo derin ama wax la mid ah, kuwaas oo marka la isu geeyo dadku ka heli jireen dugsi iyo hurdo raaxo leh. Waxaa iyaguna jiray haamo waawayn oo biyaha lagu kaydsado. Isku soo wada duuboo marka reerku guurayo waxaa aqalka qaadi jiray ama dhawr awr. Waa tii abwaankii uu lahaa:

    Deryaale cad bay lahayd1  (aqalka).  
    Dalan daaliyey lahayd2 (awrka gurgurshaaga ah).

    -Maanta dhulka miyiga ah kama jirto bilicdaa aan soo sheegnay ee aqal soomaaligu lahaa, waxaana la odhan karaa aqal soomaligii gebi ahaanba meesha wuu ka baxay, waxaana dadka aqal u ah shiraac ama bac yar oo aan xataa kulaylka iyo qorraxda midna ka celin karin

    - Marka reerku guurayo bacda ayaa la duuduubaa deetana qof baa qaada ama shiraaca iyo dhawr caagadood ayaa awr la saaraa…

  • Dhaqaalaha

Sannadihii sideetamadkii qoyska reer miyiga ah ee leh 100-150 neef oo adhi ah wuxuu ka mid ahaa reeraha nolosha miyiga ugu faqiirsan, iyadoo ehelka iyo xididkuba u aqoonsan jireen inuu yahay qoys mudan in la caawiyo. 
- Maanta qoyska 150 neef oo adhi ah haystaa wuxuu ka mid yahay kuwa ugu qanisan nolosha miyiga…

Berigii hore xooluhu tiro iyo tayo loogu dhibaatoon karo ayey lahaayeen, waayo marka laga eego xagga tirada waxay ahaayeen xoolo badan oo dheef lagama waayi jirin, waxayna ku filaayeen isla markaana ay hayeen dad badan. Xagga tayada caanaha haraga, hilibka iyo iibkaba intuba waxtar ayey ahaayeen, mana jirin dhibaatooyinka dhaqanka iyo dabeeca ee maanta taagan. Nadaam dawladeed ayaa jiray oo dhoofka xoolaha ayaa furnaa, waxayna dalka dib ugu soo laaban jireen iyagoo lacag adag ah, taas oo ka qayb qaadan jirtay nolosha dadka miyi iyo magaalaba, kaabina jirtay dhaqaalaha guud ee dalka. Maanta waxaa xidhmay inta badan sayladihii laga bartay xoolaha soomaalida kadib karkii mudo dheer uu dhoofkoodu xidhnaa. Sidoo kale horumarinta, tayeynta iyo farsamayntii xoolaha ayaa istaagtay.

Isbedelka cimilada iyo nabaad guurka heerka ay maanta gaadheen ayaa la odhan karaa waa mid aanay taariikhdu horay u qorin. Intii aan wadooyinka marayey dhulka wax farqi ah oo wayn uma aanu dhaxayn marka laga eego xaga xaalufka iyo kulaylka abaaraha.

Berigii hore marka meel ay abaari ka dhacdo waxaa jirtay meel kale oo aanay abaaruhu gaadhin sidaa awgeed dadku way isu guuri jireen ama isu xoolo goyn jireen, waxaana jiri jiray dhacdooyin lagu xasuusto sida dhacdadan oo kale:

-Waxaa la yidhi, waxaa jiray laba nin oo saaxiibo ahaa. Waxay ahaayeen laba nin oo reer miyi ah oo ka midaysan xagga dhaqanka. Waxay isku tirinayeen inay ka mid ahaayeen ragii ugu taajirsanaa deegaanada ay ka soo jeedaan, sidaa awgeed midkoodna xisaabta kuma darsan inuu maalin maalmaha kamid ah uu noqon doono dadqal. Waxaa isugu danbaysay waqti wanaagsan, balse waxaa dhacday waqti kale oo abaaro ba’an yimaadeen, kuwaasoo dad iyo xoola kala diray. Muddo ka dib ayaa labadii nin waxay isugu yimaadeen saylada Burco, iyadoo mid ka mid ah uu halkaas hilible ka yahay. Ninkii socdaalka ahaa ayaa inta istaagay ninkii si layaab leh u waydiiyey ”war miyaadan hebel ahayn...”. Ninkii kalena si uu ugu xog waramo isla markaana ugu dana sheegto dhinaca kalena u xasuusiyo xigmada rabaaniga ah ee odhanaysa in waqtigu yahay ayaamo wareega oo wanaagu uu marba dhinac jiro, isaga laftiisuna tan oo kale u soo joogay, ayuu inta tix gabay ah isla markiiba isku toosiyey yidhi: 
”Kefedaha dalooliyo mindaa daabka la hayaaye 
Daarood siduu beri ahaa loo dad qalatowye” (waqtigii ciidankii daraawiishtu uu jabay) 
Nafta dooji mooyee xarrago laga dawaareeye...

Sidoo kale faa’iidada xooluhu laheeyeen waxay jiray waqti odayaashu ay odhan jireen “waxaas aduunka dagaalo ka dhacaya -wankaygaa ayaa la isku laynayaa!”

Waxaa laga yaabaa inaad aragto reer haysta xoolo badan oo aad is odhanayso “waar xoolihii sow kuwan dhaqan”, laakiin marka aad wax ka sii ogaato waxaa kuu soobaxaya in dadka magaalooyinka iyo debadaha aaday aaday ay xoolaha kaga tagaan dadka weli miyiga ku sii danbeeya.

Arimahaas aynu ka kasoo hadalay oo dhan waxay aasaas u yihiin fahmka isbedelka xawliga leh ee muddo 25 sano gudahood uu hoos u gooyey hanaankii dhaqan dhaqaale, khaasatan ilihii dhaqaale ee dalka ugu muhiimsanaa, iyadoo dhaqaale kale oo bedelay aanay jirin, taas waxay samayn ku yeelatay nolosha dadka miyi iyo magaalaba. 

Dhulka miyiga ah waxaad ku arkaysaa rag badan oo tulooyinka iska tuban iyo dhalinyaro badan oo halkaas ay ku haysato shaqo la’aan ba’an iyo dhibaatooyinka qaadka.Waxaa tuulooyinka la geeyaa qaadka sida magaalada oo kale. Waxaa dhici karta inaad aragto nin qaadka dhaafsanaya wixii uu gacanta ku hayo sida caanaha, neefka iibka ah iyo haraga xoolaha. Mudadii koobnayd ee aan joogay  waxaan maqlay dumar oo dhalin yarada ku leh “naa haraga inooga soo xereeya yaanay qaad inaga siiane..”. Waxaa laga yaabaa in ay dhacdo in nin reer miyi ah galabtii tuulada ka carraabo isagoo qaad cantuugsan, isla markaana uu habeenkaas caruurtiisa kula hoydo casho la’aan.

Dhulka miyigu waa halka ay ka baxday halhayska ”aaba qaatay”, taas oo macnaheedu yahay in ay dhici karta in ninku adhigiisa xado marka xaaladu adkaato si uu ugu dayn baxo ama uu qaad u siisto. Wuxuu qaadku dawr wayn ka qaataa ismaan dhaafka iyo dilka had gooraale dadka ay maqlaan. Inkastoo xaaladu heerkaa gaadhay hadana weli xooluhu waxay ku fadhiyaan miisaan aad iyo aad u wayn. 

Dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale ma aha kuwo intaa ku eg, balse waa kuwo sida aynu la socono guud ahaan Soomaaliya si wayn u wada saamayey. Waxaa isbedel kan la mid ah uu ka jiraa dhulkii beeraha qaniga ku ahaa. Sidaa awgeed waxaa dadka la gudboon in la dhiiri geliyo sidii loo maalgashan lahaa xoolaha nool iyo dhulka beereedka halka maanta dadku ay yihii kuwo magaalooyinka ku buuqsan, taasu waxay keeni karta fa’iidoyin badan oo dhinac kasta leh. 

Laba maalmood, 10 adhiya iyo laba geel ah

Socdaalkaygu wuxuu ku beegnaa waqti abaaruhu ay gaadheen heerkii u ba’naa. Waxaan dhulka miyiga ah ku hoyday laba habeen. Waxaan u tegay reer ka kooban saddex qays. Labada habeen waxaa isku darka saddexda qoys ka dhintay adhi gaadhaya 10 iyo laba neef oo geel ah, taas oo ah dhibaato ay la wadaageen dalka intiisa badan. Xoolahaas ayaa sida la ii sheegay u dhimanayey macaluul ka dhalatay cunto la’aan, waxaa la ii sheegay wax roob ah inaan la helin muddo lix bilood gaadhaysa. Dhinaca kale hadaan eegno Denamrk oo ka mid ah dalalka dhaqaalahoodu sida wayn ugu tiirsan yahay wax-soo-saarka beeraha waxay saxaafadu usbuucan qortay in qaybo dalka ka mid ah aanu wax roob ah ka di’in laga soo bilaabo 1. Maayo. Sida warbixintu sheegtay waxay arintaasu halis wayn ku tahay waxsoosaarkii beerah ee la sanadkan la sugayey. Denmark ayaa caadiyan sanadkii soo saarta sagaal mio. oo  ton oo midho kala duwan ah (u badan noocyada sareenka). Waxay saadaashu ay sheegaysaa muddo usbuuc gudihii, hadii meelahaasu aanay doogsan in 25-30% uu hoos u dhici doono wax-soo-saarka beeruhu mudo lix billood gudahood ah. Hoos u dhaca ayaa la filayaa inuu dalka u saamayn doono siyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay cashuuraha oo hoos u dhaca, waxsoosaarka xoolaha nool oo hoos u dhaca khaasatan doofaarka, quudinta  xoolaha oo ku kici doona qarash badan oo cunto dheeraad ah loogu soo iibiyo iyo guud ahaan sicirka cuntada oo kor u kaca iwm. Haddaba Soomaaliya dhulka miyiga ah oo laba maamood aan joogay heerka uu gaadhay xaalufku waxaanu iibinay mesego xoolaha lagu quudinayo, iyadoo dadkana ay ka muuqato nafaqo darro wayn, halkaa waxaad ka qiyaas qaadan kartaa heerka ay gaadhi karto xaaladu 20 sano oo qorshe la’aan ah, isla markaana ay dhaceen col iyo abaaro.

Waxtarka ilaha dhaqaale ee soojireenka ah oo la maalgashado

Siyaabaha dhulka miyiga ah loo horumarin karo ayaa noqon kara sidaan horay u soo sheegnay in:

  • Dadka reer guuraaga ah la dejiyo, iyadoo xoolaha nool loo rogayo kuwo fadhiya, halka ay hadda ka yihiin xoolo socda. Si arintaa loo hirgeliyana waxaa haboon in biyo la helo sida ceelal la qodo, beero loo sameeyo dadka iyo xoolaha, beerahaas oo dadka baahidooda iyo xaalufka intaba wax ka tari doona, sidoo kale waxaa abuurmaya aasaas (infrastructure) baahi wayn dhaqaaluhu u qabo.
  • Dadka laftiisa ayaa u baahan in lagu baraarujiyo nadaam shaqo, halka uu qofka beeralayda ah subixii uu tuulada ka aadi lahaa inuu u shaqo tago dhinaca beertiisa iyo xoolihiisa, isagoo 8-10 saacadood marka uu soo shaqaysto deetana u qado doonto mesegada gurigiisa laga diyaariyey.
  • Miisaanka ay dadku ku hayaan magaalooyinka oo yaraada iyo faqriga oo arintaasi ay wax ka tari doonto.

Macnaha erayada:

[1] Daryaale waa aqal Soomaaliga, marka laga yimaado arimaha dhaqanka waxaynu ku macnayn karnaa heer aqoon iyo hantiyeed (heer ama marxalad)

[2] Gurgurshaa waa arw aad u tababaran oo loo yaqaano hayin. Marka la guuro waxaa la saraa caruurta, biyaha iyo sahayda, loogamana yaabo inuu kala tuurtuuro, hadaba waxaanu ku macnayn karnaa aqoon (garashada), aaminaad iyo hogaan.:

...............

Akhri qaybta 6aad...

Hassan Nuur, Århus/Denmark
jointgroup@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 7, 2008

BAARID | SEARCH


sahaminBoosaaso: Weerar Lagu Qaaday Gaari ay Leedahay Shirkadda Sahaminta...
.Guddoomiyaha G/Bari oo qiray weerarka gaari Booyad ah
.Su'aalo la weydiiyey Wasiirka Macdanta iyo tamarta DGPL
.Boosaaso: Basaska oo Shaqo Joojin ay Sameeyeen....
Akhri Wararka sahaminta Shidaalka iyo Puntland

Xog ma ka Haysaa Shirkadda Consort Ltd?... Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS