SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

C/llaahi Yuusuf “markii hore waan sheegey in haddi aan wax qaban waayo aan xilka iska dhiibayo”

Madaxweynahii DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed oo 10 kii Oktobar 2004 loo magacaabey Madaxweynaha Somaaliya oo haatan laga joogo mudo afar sano iyo dheeraad ayaa iska casilay xilkaasi kadib markii uu hor yimid xubnaha Baarlamaanka oo fadhi ku lahaa Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa warqadda istiqaalada ku wareejiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isaga lagu wado in uu sii hayo xilkaasi tan iyo inta laga magacaabayo madaxweyne Soomaaliyeed.

Markii uu ku dhawaaqay in uu madaxweynuhu wareejiyey xilka waxaa u dhacay sacab, isagoo yiri “markii hore waan sheegey in haddi aan wax qaban waayo aan xilka iska dhiibayo” wuxuu shegay in uusan hadal badan ka gaari Karin oo ay Diyaarad u taagan tahay Garoonka waxaana lagu waramey in uu u dhaqaaqi doono dhanka Magaalada Garoowe, oo uu ka soo jeedo

C/llaahi Yuusuf oo la filayay in uu is casilo maalintii sabtida ahayd ayuu dib u dhac ku yimid kadib markii uu madaxweynuhu codsaday in ciidamada maamul gobaleedka Puntland ee ku sugnaa magaalada Muqdisho loo daad gureeyo magaaloyinkii ay ka yimaadeen ee Puntland, waxaana shalay iyo maantaba ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Magaalada ciidamadaasi iyo xaasaskooda, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay ciidamada iyo tiknikadooda ay sii raacaan ciidamada Itoobiya kuwaas oo la filayo in ay ka baxaan dalka maalmaha soo socda.

Istiqaalada madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa timid kadib markii uu cadaadis uga yimid beesha caalamka, isla markaana loo aqoonsaday in uu yahay nin caqabad ku ah dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxa uuna cadaadiskii ugu weynaa ku yimid dowladda Mareykanka kadib markii ay magaalada Nairobi C/llaahi Yuusuf kulan kula qaadatay kaaliyaha arrimaha dibadda ee Afrika ee Mareykanka Jenday Farayzier, sidoo kale waxa uu cadaadis uga yimid urur gobaleedka IGAD oo sheegay in ay cunaqabateyn ku soo rogi doonaan madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Isku soo wada duuboo C/llaahi Yuusuf waa uu tagay, waxaase la wada sugayaa sida uu xaalka Soomaaliya noqon doono, waana su’aal ay dadweynuhu isweydiinayaan, waxayna qaar ka mid ah dadweynuhu qabaan in tagista C/llalahi Yuusuf ay keeni karto in xalka Soomaaliya uu noqdo mid fududaada, qaarkood waxay sheegayaan in ay keeni karto in ay isk hor imaadyo ay dhex maraan kooxaha muqaawamada ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Maamulka Somaliland oo walwal ka muujiyey ciidamada C/llaahi Yuusuf ee ku soo wajahan Puntland.


Ciidamada Itoobiya ayaa sii galbin doona ilaa iyo 60 Gaari oo Tikniko ah oo C/llaahi Yuusuf uu horey uga keenay gobalada Puntland kuwaas oo ku biiri doona ciidamo kale oo iyana ku sugan maamul gobaleedka Puntland, hase yeeshee maamulka Somaliland ayaa iyagu walwal ka muujiyey imaanshaha ciidamadaasi iyo tiknikadooda, iyagoo ka cabsi qaba in labada dhinac uu dagaal dhex maro, gaar ahaan deegaanka Laascaanood oo ay kal hore qabsadeen ciidamada Somaliland.

Nin Odey ah ayaan wax ka weydiiyey ciidamadaan iyo tagistooda maamul gobaleedka Puntland, waxa uuna yiri “Dhegihii libaaxa ee lagu hayay Muqdisho, maanta waxa uu u wareegay dhinaca Somaliland, marka waa xaalad ku soo korortay gobaladaasi, marka waxaan dhihi lahaa dagaal waxaa ka wanaagsan in la wada hadlo lana heshiiyo”.

C/llaahi Yuusuf horey ayaa waxa uu u sheegay in gacanta Puntland ay ku soo laaban doonto magaalada Laascaanood oo uu sheegay in ay si gardaro ah ay ku qabsadeen maamulka Somaliland, sidoo kale Gen. Cadde Muuse ayaa waxa uu sheegay in ay dib u soo ceshan doonaan magaalada Laascaanood oo uu sheegay in ay ka mid tahay deegaanada Puntland.

C/llaahi Yuusuf oo saacadaha soo socda tagi doona magaalada Garoowe ayaa waxaa sidoo kale waxaa ka walwalsan musharixiinta jagada maamul gobaleedka Puntland, iyagoo ka cabsi qaba in uu faragelin ku sameeyo hawlaha doorashooyinka ee maamul gobaleedkaasi, oo uu waayadan ka jiray isqabqabsi dhexdooda ah.

Dowladda Itoobiya oo labada dhinac Somaliland iyo Puntland xiriir la leh ayaa waxay dooneysaa in arinta Laascaanood lagu dhameeyo wada hadal iyo isafgarad, hase yeeshee maamulka Puntland waa uu ku gacansayray waanwaanta ay wado dowladda Itoobiya, waxayna soo jeediyeen in magaalada Laascaanood ay ka baxaan maamulka Somaliland

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Hambalyo sanadka cusub ee Hijriyadda 1430


Maanta oo ku began 1-da Muxaram waxay ku buuxsantay sanadka cusub ee 1430, waana maalin ku weyn ummadaha Muslimiinta ah meel kasta oo ay ka joogaan caalamka.

Sanadka cusub ee Hijriyadda inta badan Islaamka ma xasuustaan, waxayna ka door bidaan sanadka miilaadiga ah, hase yeeshee markii ay dhaceen dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya, waxaad moodaa in arrintaasi ay soo yaraaneyso dadkuna ay fahmeen in Muslimiintu ay leeyihiin sanad gaar u ah.

Bilowgii sanadka cusub ee Hijriyada, waxaa tiirka u qotomiyay Cumar Binu Qadaab (RC), hase yeeshee bilowgiisii ayaa xiligaasi waxa uu Cumar soo jeediyey in la sameeyo sanad gaar u ah muslimiinta, hase yeeshee golihii shuuradda ee waagaasi ayaa dad fara badan waxay soo jeediyeen fikrado far abadan oo ku aadan sanadka islaamka, qaar waxay soo jeediyeen in sanadka laga bilaabo markii uu dhasahay Nabi Muxamad (NNKH), hase yeeshee qaar ayaa ka soo horjeestay arrintaasi, haddana waxaa la soo jeediyey in laga bilaabo waqtigii uu dhintay Nabiga, hase yeeshee qaar ka mid ah dadka ayaa soo jeediyey in maalin murugo ku ah muslimiinta aysan habooneyn in laga bilaabo, wax la doodaba waxaa markii dambe la isku raacay in sanadka Hijriyadda laga bilaabo markii laga soo hijrooday Maka loona soo haajiray Madiina.

Bisha Muxaram waxay leedahay maalmo ay kaga duwan tahay bilaha kale, waayo waxaa ku jira maalinta la yiraahdo (Yoowmu Cashuura) oo ah tobanka bisha Muxaram oo ah maalinkii Nabi Muuse (CS) uu ka adkaaday Fircoon iyo Qawmkiisii, waxaana muslimiinta ku wanaagsan in ay maalinkaasi soomaan, hase yeeshee Nabiga ayaa ogaaday in maalinkaasi Yahuuduna Soonto, sidaa darteed si loo khilaafo yahuuda ayuu Nabigu (NNKH), waxa uu amray muslimiinta in labo maalin laga soomo oo noqon karta maalmaha tobanaad iyo kow iyo tobnaad, ama sagaaladaa iyo tobnaad.

Haddaba ummadaha Islaamka meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed u rajeynaynaa in ay sanadkaan sanadkiisa ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Dec 29, 2008


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS