SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

B A S  18

[Qaybtii II-d]

Q:1aad | 2aad


Cabdiwali Sh. MaxamedCabdiwali Sh. Maxamed

Ifaqoon@hotmail.com


Ilaahay amarki saaka waxaan ka soo toosay hoteel ku yaal xaafadaha Xamar mid ka mid ah. Waaddadii Maka Almukarrama la oran jiray oo boholo iyo bacaad u rogantay siigana ka duulayso ayaan dhinac istaagay. Intii ishaydu gabatay kuma arag hal dhisme oo dhaqan. Basaasta magaalada ka muuqata waxaad mooddaa qaab cusub oo quruxinta magaalooyinka ay ku soo kordhiyeen qabqable yaashii muddada dheer ka doobinayay.

Dhisme kasta ama dhinac baa dunsan, ama xabbado shaandho looga dhigay raadkood ayaa ku yaal. Waxaad mooddaa god Dawoco oo dhan walba u furan. Hadday caasimadaha dunidu ku tartamaan qashinka magaalo kasta dhex yaal, Muqdishow waxaan lagula murmeen kaalinta koowaad iyo ammaan dheeraad ah.

Baldoosar codki wax aan markii hore u qaatay ayaa dhanka bidix oo aanan ka sugeyn gaadiid in uu ka iman karo ka soo yeertay. Halhaleel ayaan u eegay, mise meel xoogaa durugsan waxaa ka soo socota uuro madow oo samada isku shareertay. Jidka intaan gadaal uga gurtay ayaan aad u bidhaansaday balada soo qablamaysa.

Bas wax u eg oo wajiga hore ay kaga xiran tahay haraaq catirowday oo ay ku qoran tahahay tirada ah 18 oo Kol dambe aan ogaaday micnaha tiradaasi ku fadhido ayaa meel durugsan ka soo qab-qab leh.

Bas ku sheeggu dhinac ayuu u janjeeraa, marbaan is iri, “Alleylehe, geddoon”. Summadda ah SOOMAALIYA ayaa ka lulata, inkastoo xarfihii qaar go’een qarraa daldalan yihiin haddana raadkii xarafka ayaa meeshi ka sii muuqda. Qalfoofku isuma dheellitirra ismana haysto. Taayarrada hore kuwa dambe waa ka gaaban yihiin ku caynna ma aha. Buudigu waa jiingad iyo laamayeeri dhaxalaystay oo ay isu hayaan silig iyo masaamiir, qaar daateen. Muraayado iyo nalal ma dhaqna.

Matoorku waa Baldoosar matoorki dibadda ayuuna yaal, markiiba fuusto biyo ah ayaa lagu shubaa, shidaalka uu ku socdo wax uu yahay cidina ma taqaan, ma diesel baa?!, ma biyaa?!, ma dhiig dad baa?!. Kan dambe u daa!. Batarigu ma dhaco. Gudihiisa kuraasi kuma xirra, rakaabku sidii jawaanno cusbo ah ayay sagxadda isdul raseysan yihiin. Labad dheeg iyo dusha sare waxaa ku xir-xiran dad carruur, haween iyo waayeel u badan. Ragga baska soo afduubay iyo shaqaalahooda oo kaliya ayaa hub sita.

Meeshii aan ka durkay intuusan soo gaarin dhowr bohol ayuu ku dhacay, ha yeeshee, rakaabka oo kuwii basku u qafaallaa qoryo dhinacyada kala taagan yihiin ayaa mar walba ka saara. Qaar rakaabka ka mid ah taayarka dambe ayaa cardaaduqaha ka dhigay, looma hakan la ismana waydiin in ay dhinteen iyo in ay noolyihiin. Ragga baska wata iyo kuwa u shaqeeya wadne naxa, beer qoyan iyo dareen danqada kuma beerra, waa dhagax dixeed taabasho iyo tuujin ay isku too u tahay.

Bas caynkan oo kale ah kama shaqeeyo waddo dunida guudkeeda ku taal oo aan ahayn waddooyinka Soomaaliya, maxaa yeelay MOT (Ministry of Transportation test) waxa loo yaqaan muddo carradan kama shaqayn. MOT waa fasax Wasaaradda Gaadiidku bixiso oo sanadle ah oo ay qaataan gaadiidkii la sharribo. Waraaqdaa oo caddayn u ah gaadiidkaasi inuusa dadka iyo hantida halis  u ahayn.

Bas 18 markuu ila simanyahay ayaa waxaa hor istaagay dad fara badan oo waddada kaga soo dhacay meel wajigayga ku qumman. Dadkaa waxaan ka garatay; rag culimo ah, rag iyo haween Barlamaankii Baydhabo ka soo goostay, rag iyo haween qurbaha ka yimid, rag iyo haween bulshada raydka ah ka tirsan, dhallinyaro wadani ah iyo akhyaar kale.

Markaan ogaaday ulajeedada kicisay raggaa iyo haweenkaa gurmadka ah, waxaan goostay in aan ku biro, una hiilliyo rakaabka muddada dheer baska ku xanniban oo, ay curaar u heysteen horor dadqaad ah oo ku mamay dhiigga dad maato ah oo muddo 18 ah sano u jujuubnaa.

Xoogaggaa baska hor istaagay waxay khasab ka dhigeen in baska la joojiyo oo la wada hadllo, muddo dabadeedna kuwii basku u afdoobnaa waa la maquuniyay lagana awood roonaaday, iyagoo ku gunuunucay; “ma annagaaba weli rakaabka quuburahageyney?!, tolbeelaye, ma annagaaba weli rakaabka qubuuriha geyney?!”.

Afduube yaashii waa kala yaaceen, halkaa ayay afka saareen!. Lagama harin waana lagu dabajoogaa. Waa dambiile yaal gacmaha dhiig ku leh, magac yadooda kol dhaw ayaa la naadin. Liiska ay soo saari doonto maxkamadda gabood falkii ka dhacay Soomaaliyo ayaa mid mid looga akhrisan doonaa. Ruuxaan ka hor tii Alle aan ku bixin, dhiigga gacmihiisa ka gobo’ gobo’ waa la soo raaci! (HEI).

Raggii iyo haweenkii libinta keenay waxay ku tashadeen, hor iyo horraan in ay wax ka qabtaan labada qodob oo kala ah:

Kow: Baska in rakaabka laga soo rogo daryeel degdeg ahna lala gaaro kala sooc la’aan.

Laba: Baska in dayactir iyo dib u habayn degdeg ah loo qaado si uu u noqdo gaadiid la siman kuwa caalamka ka hawl gala oo aqoonsi leh, isla markaana buuxiya shuruudaha u dhigan daryeelka iyo badbaadada rakaabka iyo hantidooda.

Ushii samada loo tuuro dhul dhicimayso, ilyartaa isqabatay. Dad gurmad ah oo aan hayb kala lahayn, dan gaar ah aan xeerinayn, isu calool xaaran, niyada fiyow oo badbaadinta rakaabka  dhab ay ka tahay ayaa dhan walba ka soo borqaday. Mid biyo la ordaya, mid raashin la ordaya, mid daawo la ordaya, mid dhar la ordaya. ‘Walaal maxaan kuu qabtaa?. ‘Walall waxaan u baahnayy, waxaa iyo waxaa’. Maanta cidina shiidaad uma hayso tororog iyo hadal aan milgo lahayn. Gormad heer sare ah oo qorshe iyo nidaam u degsan lagu agaasimayo ayaa si niyad sami ah loo gudo galay.

Rakaabkii oo baska laga soo rogay dhulkana daadsan ayaa lala dhex cararay wax kasta oo ay u baahdeen oo gargaar degdeg ah. Dariishadaha baska mid ka mid aha ayaa nin gudaha ku xanibmay ka soo tuuray laba qori oo kuwa naafadu ku booddo ah, isagiina isa soo laalaadiyay isagoo damacsan in uu isa soo tuuro. Degdeg inta ugu orday ayaan garbaha qabtay dibaddana u soo saaray.

Waa nin aan da’diisu ka yarayn lixdan iyo meelahaa, miisaankiisuna ka badnayn 45kg. Wuxuu ku labisanyahay macawis duruf ah, shaar madoobaaday oo jeexjeexan iyo cimaamad faraqyo leh.Timaha madaxa iyo garkuba waa ku bexeen waana caddaadeen. Waxaa ka muuqda rafaad dabo-dheeraaday, nafaqa darro iyo daal fara badan.

Runtii wuxuu tilmaan dhab ah u yahay rakaabka baska laga soo dhaadhiciyay. Ninkaa dibnihiisa (Alxamdu Lillaah) wax dhaafsan kama soo bixin, intaan ku maqnaa labadii qori oo uu ku boodayay. Lugta midig ayaa ka go’an ilaa sinta.

Kolkii rakaabkii ruux walba gurigiisi ama meeshii uu ku hoyan jiray la gaar siiyay, baskiina hooso lagu dayactiro loo riixay ayaan ninkii odaga ahaa ku soo laabtay. Waxaan soo dul istaagay isaga oo dhulka fadhiya, cantoobo ciid ahna labada sacab marba mid ku shubaya, ku celcelinaya: “Alaxamdu Lillah”. Waa nin iimaanku qanjaha joogo dulqaad u leh rafaadka dheer oo soo maray, rajana aysan ka dhammaan.

Labada garab inta qabtay ayaan sare u joojiyay labadii qorina kilkilaha u galiyay. Si aad ah ayuu wajigayga ugu dheygagay. Indhaha inta marmaray ayuu mar kale i soo eegay. Laba ilaa saddex jeer kolkuu sidaa sameeyay ayuu yiri: ‘walaaloow hebel, hebel, hebel ma tahay?!’. ‘Haah’ markaan iri, hadal kalana aanan raacin ayuu mar labaad qoryihii tuurtay oo luqunta isaga key maray.

Muddo kolkuu luquntayda ka lushay ayaan dareemay illin kulul oo indhiisa godmay ka soo butaacday in ay garabkayga qoysey. Dhabarka intaan u salaaxay ayaan aniga oo murugaysan, iri; ‘waa dhammaatay, waa dhammaatay’. Isaga oo weli luqunta iiga maran ayaan hoos inta isu gaabiyay labadii qori mar labaad u soo qaaday. Makhaayad noo dhowna ku luudiyay.

Kursi markaan fariisiyay ayaan ku iri; ‘qadee oo si fiican u qadee’. Wiilkii makhaayadda ka adeegayay markuu na soo dul istaagay ayuu ku yiri: “koob shah ah, xabbad bur ah iyo xabbad sanbuus ah ii keen”. ‘War mayee si fiican u qadee’: ayaan ku iri. ‘Wax intaa ka badan igama dagi karaan, cunno xiisaheed waa hore ayaan ka tegey, raashinku iima dhadhamo’ ayuu iigu jawaabay isaga oo madaxa lulaya.

‘Wadaayoow, wajigaagu waa igu yaal, waana soo dhufan kari la’ahay ee magacaaga maad ii xusuusisid’: ayaan ku iri aniga oo dhoollo cadaynaya. Durba wuxuu la soo booday: ‘waa gar in aan isu kaa sheego mooyee lagama yaabo in aad i garatid, waxaan ahay hebel, hebel, hebel”.

‘Heedhe, ma Majabe ayaad tahay?!’. ‘Haah’ markay dhibnihiisa soo dhaaftay ayaan madaxa hoos u rogey, gacantana afka saaray. Durba ilmaa i soo waydaaratay. ‘Ninkan ma Majabaa?!’ Wallee adduunyaan naallo lahayn!’, hoos ayaan intaa isugu sheegay. 

Haddiiba waxaa ii sawirmay muuqaalkiisi 20 sano ka hor. Wuxuu ahaa nin karti iyo hufnaan ku can baxay, aad u firfircoo, jir dhisan oo dheerar iyo lixaad Eebbe ku manneystay. Maad, kaftan iyo qosol badan oo la kulan kiisa loo xiiso. Aqoon sare leh, curin badan, saaxiibadi xiriirka uu la lee yahay aad u ilaaliya, isku xiraantooda iyo wada jooggoodana maskaxda ka dambeysa ah. Ruux caro ay ku kala dheelmadeen lama sheegin. Labo saaxiibadi ka mid ah oo isdiidan abid iskuma eegan, qaab uu u heshiiyaba waa kii qalbigooda burcad isu mariya. Xan, been, kala sooc, eex iyo isku dir weligi laguma soo oogin. Lama arag isaga oo xanaaqsan ama dagaal u tafoxaydan. Nabad, nabadayn iyo horumar wax dhaafsan waqti iyo karti toona kuma lumin.

[la soco qaybta III-aad] 

Cabdiwali Sh. Maxamed

ifaqoon@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Dec 21, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS