SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

B A S  18

[Qaybtii I-d]

Q:1aad | 2aad


Cabdiwali Sh. MaxamedCabdiwali Sh. Maxamed

Ifaqoon@hotmail.com


Sidded iyo toban sano Xamar (Muqdishow) cag ma dhigin. Maalinkii iigu dambeysey wuxuu ahaa 15/01/1991dii. Waxaan ka sii qaxay xaafadda Madiina (Wadajir) oo aan ku soo qaxay maalmo ka hor. Cabsi darteed markaan lugaha dhulka ku xajin kari waayay, hugunka madaafiicda, xabbadaha iftiima oo Tareesada loo yaqaan aad wadnahayga u gilgileen ayaan goostay, afar taayar iyo bateri wada cusub in aan ku xirto xaajiyad laba-shirrey ah  oo nin aan ilmo-adeer nahay oo dibadda safar ugu maqnaa uu guriga ku xeraystay.

Orodkii aan ku jiiray Kenya iyo Suuriya wuxuu iga tuuray qaaradda Yurub (Europe). Saddex sano oo aan dhex ku sii jirey mooyee, shan iyo toban sano aniga iyo qoyskaygu waxaan mar degganayn koofurta Holland tuulo ku taal oo dadka ku nooli aysan ka badnayn 25.000; halkaas oo si diirran naloogu soo dhoweeyay aniga iyo qoyskayga, carruurtuna ay ka heleen fursad nololeed, waxbarasho iyo ammaan. Tuuladaa magaceeda waxaa la yiraadaa; Papendrecht, waxayna u dhexeysaa Breda iyo dekedda caalamiga ah ee Rotterdam lagu magacaabo.

Hadda aniga iyo carruurtii oo qoysas yeeshay waxaan ku wada nool nahay Birmingham oo carro Ingiriis ah.

Cimilo isrogrogta iyo degaan aanan shaqo ku lahayn oo qalo iyo kedis badan ayaa gu’yaal iyo xagaayo faro badan iigu soo galeen; aniga oo aan isku duwan dharkii, kharajkii iyo qorshihii lagu dhaafi lahaa xilliga qallafsan. Sannad walba aniga oo aan tabaabushaysan ayaa marna qabow soo gala, marna kulayl soo galaa. Roobku waa quble aan kala joogsan, maalin walba waa ku caaccaa, dalladdii  aan tabcadana meel ayaan uga kacaa!

Wax kasta haddaan isku deyey la qabsan kari waayay qaabka loogu nool yahay Yurub. Keligeyna ma qabo daltabyada iyo qalada. Rag iyo haween faro badan oo gedahayga ah ayay la soo deristey xaalad nololeed tayda la mid ahi.

Waxaa soo kordhay ifafaale cusub oo baaritaan iyo diraasad in lagu sameeyo mudan, si loo helo qaabka ugu wanaagsan oo nolosha qurbuhu xiise ugu yeelan karto dadka Soomaaliyeed, isla markaana loogu dulqaadan karo nolosha cusub oo lagu khasban yahay.

Runtii. Soomaalida qurbaha ku nool waxaa ku dhacay wax loo yaqaan: Cultural shock oo ah isku-dhac dhaqameed saamayn weyn ku yeeshay nafsadda qofka, xiriirka iyo wada-noolaashada qoysaska, korinta ubadka, soo-saaridda fac aqoon leh oo ku hubaysan afka iyo dhaqanka Soomaalida. La-qabsashada bulshooyin afaf iyo dhaqmmo kala gedisan leh oo meel ku wada nool, aynuna ku soo dhex-dhacnay innaga oo aan xiiq-tiran wax fudud ma aha in ay naga dhaadhacdo isdhexgalka bulshooyinka (integration). Badanaa Soomaalidu waa dad qalo badan, isla markaana jecel iyagu in ay isku meeraystaan, bulsho kalena aysan ku milmin.

Ragga iyo haweenka isku-filka aan nahay cilmi ma raacdaan, aqoon kale ma kororsadaan, shaqo u munaasab ah ma qabtaan, meel ay ku shaxaan looma diyaarin, xataa haddii loo abaabulo gole ay ku kulmaan, haasaawe-xumi iyo sheeko dulucdeedu tahay qabiil iyo gacan-ku-dhiigle caan ah daafici ayaa lagu kala dhiman. Reer-reer ama reer-hoosaad ayaa loo kala fariisan, xan iyo dembi wax aan ahayn lalama kala dheelmado. Carruur yaryar–intooda badani-ma korsadaan. Wax lagu nool yahay, Allaa og!. Meel qorrax diirran iyo neecow macaan leh ayaa u hillaacaysa.

Alle mahaddi, carruurtii lala soo qaxay waa koreen. Badankood iyaga ayaa isku fillaaday, tiro yar oo beerta gashay mooyee. Jeeb ahaan dayrsi ma jiro, ha yeeshee had iyo goor hoosta ayaa laga gunuunucayaa! Tabasho faro badan ayaa la sheegtaa oo wax baa maqan, waana la soo dhufan kari la’ yahay waxaasi waxa ay yihiin.

Masruuf iyo marashi haweenku ragga ma weyddiiyaan, guri kiro lagama baxsho, takhtar iyo dawo waa laba tallaabo. Waxbarashadu waa lacag la’aan, carruurtana barqadii waxaa la siiyaa cunno nafaqaysan oo kulul oo aan lacag la weyddiin. Masaajid Soomaali abaabulatey ayaa magaalo kasta ku yaal, makhaayado Soomaali leedahay oo cunno Soomaali lagu kariyaana waa buux. Haddana, nafsad ahaan, lama deggana, gabow degdeg ahna rag iyo haweenba waa taabtay. Juucjuuc iyo riix takhaatiirtii saari kari weydey ayaa qof waliba subixii la soo kacaa!

Haddaba, mar haddii garaadkii Soomaalidu tartiib-tartiib u soo kacayo, heshiisyo dhawr ahna Jabbuuti ay ku kala saxiixdeen ARS iyo xukuumadda ku-meelgaarka ahi, lana filayo guud ahaan in dalku dego, gaar ahaanna Xamar nabad iyo meel loo noqon karo in ay tahay la soo sheegay ayaan gaarey go’aan ah in aan soo arko caasimaddii Somaaliya oo mar lagu koolkoolin jirey luulkii Badweynta Hindiya (The pearl of Indian Ocean) oo sahan iyo sida wax u gaareen aan u soo kuur-galo. Waxaan xirxirtay shandaddii, Baasaboorkii oo Dutch (Nederland) ahna waa soo dhoweystey.

Hilow ba’an ayaan u qabaa arkidda Xamar oo nabad ah!

‘Suumanka xirta, kol dhow waxaan caga-dhigan doonnaa gegida dayaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan” markaan maqlay ayaan dariishadda ka milicsaday Muqdishow oo hoostayda ka muuqatey. Hal dhisme iyo hal jid waa ka garan waayey magaaladii aan 38da sano ku noolaa, marar badanna joog sare bilicda Xamar waan ka daawaday, ha yeeshee quruxdii Muqdisho maanta waa taariikh oo kaliya. ‘Xamar daawo dacallada’ mindhaa maanta looguma heeso!.

Xamar waa ku barbaaray, hawadeeda iyo ciiddeedana jeclaaday. Jidadka iyo guryaha mid-mid ayaan u aqaan, wax baan ku bartay, waa ka shaqeeyay, waa ku guursadey ilmaa iigu dhashay. Ha yeeshee, nasiibdarro, maanta waxba waa ka garan waayey joog sidaa aan u dheerayn kolkaan ka soo eegay. (Xamareey waa lagu xumeeyey yaa ku xaal marin doona), Axmed Naaji Sacad oo laf io ludba Reer-Banaadir ahi maasha ku barooray?!.

Gegida dayaaradaha ilaa Hoteelkii aan ku degey marna bidix baan eegaa, marna midig baan eegaa, ciil iyo murugo wax dhaafsanse iima kordhin. Waxaa ii sawirantay magaalo burburinteeda aan loo kala harin. Waxaad moodda magaalo dhul-dhigideeda qandaraas lagu siiyey shirkad caalami ah oo waayo’aragnimo dheer u leh duminta magaalooyinka.

K4 (Kilometer Four) markaan arkay waxaa si xun ii wareegtay caloosha, saameeyn fool xun oo maskaxdayda abid ka bixinna waa igu beerantay. Aarkadii (Arco del trionfo popolare); taalladii guusha shacabka astaanta u ahayd waxay isu rogtey derbi shabbaax (Kabdhood) lagu bartay! Taalaaladii geesigii weynaa Al-imam Axmed-Gurey halkeedii ma saarna. Waxaan iskula hadlay Melez Zenaawi hadduu Mujaahid Axmed-Gurey oo seeftiisi bidixda ku haysta, midigtana xakamaha faraskii oo qorrax-dhac u socda meeshiisi ku og yahay kuma dhiiradeen xad-beenaadka ciidamaddiisa in uu ka soo tallaabiyo, dabadeedna Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo xeradii 77na uu ku furo!

Qolkii la ii qabtay markaan shandadihii dhex-dhigtay ayaan sariirta ku fariistay. Fakar iyo isla-sheekaysi dheer ayaan galay. Malaha saacad waa dul fadhiyey sariirta. Waxaan iskula

hadlay waxaa ka mid ahaa; ‘Tolow, waatan Soomali lagu ibtileeyay qabiil-wax-ku- qaybsigee, goorma ayay oran doonaan qabaa’ilkii ka qaday burburinta Xamar laguma salayn 4.5, loomana dhammayn?! Sidaa daraadeed, halkaa xaq ayaa nooga maqan sidaa awgeed, waa inaan naloogu tegin burburinta inta maanta ka taagan caasimadda Soomaaliya. Si cadaalad ku dhisan waa in aan uga qayb-qaadano duminta Xamar ama wax aan ku samirno naloo sheego, intaan Soomaali dib loo soo uruurin’!

Anigoo ku dhawaaqaya, ‘war ma waalan tihiin, maxay tahay waxa yar oo Muqdisha ka taagan aan burburinno? Ma waxaad dooneysaan in guriga keliya oo aan Xamar ku lahaa lagu burburiyo 4.5’ ayaan ku baraarugey dhawaaqa Raadiye yar oo FM ah oo miiska ii saarna!

Raadiyahaa yar waxaa loo yaqaan; (isha ha iga galin). Dadka magaalada oo dhan ayaa wada sita, wuxuuna lee yahay Anteeno gadaal loo taago. Badanaa qofku isaga oo socda ayuu dhegeystaa. Inta garabka iyo dhegta la simo ayuu socdaa. Mid isla hadlaya oo gadaashiisa maraya ayaa anteenadii isha dalaq isaga siin! Wuxuu ku seleli mid leh; “war belaayo ku qaaddaye, indhaha ha naga ridin, wax daran baad tahaye!”

Barnaamijyadii Raadiyo Muqdishow ka bixi jirey midkoodna lagama saaro Idaacadaha FM-ka ah oo Xamar ku badan. Waxay u badanyihiin Idaacado cid faaf-reeb ku samaysa aysan jiri. Warka Idaacadd oo Soomaali oo dhan dhagaysato waxaa lagu furaa; Beesha reer hebel warmurtiyeed ay soo saartay waxay ku sheegtay hawshaa in aan loo dhamman, kolsoonidiina ay kala laabatay. 

AKHRI qaybta IIaad....

Cabdiwali Sh. Maxamed

ifaqoon@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Aga! Wax walba ma la is oran?!: Soomaalidu, waa ka mid ummadaha hadal quluud leh oo.. AKhri...

Faafin: Somalitalk.com | Dec 12, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS