SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

PUNTLAND MA "QOYS" BAA MISE MAAMUL? 

Waxaa marag ma doonto ah in maamul goboleedka Puntland ay wada dhisteen ummada isir wadaaga ah ee wada dega mandiqada Puntland. Ujeedooyinka loo aasaaseyna ay ahayd in ay ka badbaadaan burbukii soomalia inteeda kale aafeeyey, ayna kuwada noolaadaan midnimo, nabad, sinaan iyo cadaalad. Kana wada qayb qaataan horumarka mandiqadda. 

Xilligan hadda la joogo taladii iyo masiirkii Puntland waxay gacanta u gashey madaxweyne talada ka qaata rag calooshood u shaqeeystayaal ah oo qurbaha waxba ka qabsan kari waayey, doonayana in ay muddo yar xoolo fara badan ku tabcadaan oo ay ka waayeen qurbaha.

Shakhsiyaadkaa waxay ka soo jeedaan qooyska madaxweynaha oo ay jiffo hoose wada yihiin.

Dhaqaalahaas farah badan waxay ku raadiyaan si baadil ah hadday ahaan lahayd:

- Lacagaha been abuurka ah ay dibada diyaarado kaga keensadaan gudahana ku daabacdaan iyagoo adeegsanaya rag ay u wakiisheen.

- Shirkado tuugo ah oo ay lacago fara badan ka qaataan ugana beddeshaan khayraadka uu RABI ku manaystey manadaqa Puntland.

- Waxy iib geeyaan dhagxaanta badda (Corel Reef)  una iib geeyaan wadanka isutaga imaaraatka carabta isla markaana ka dejiyaan dekkad ku taal imaaradda shaariqa ee wadanka isu tagga imaaraatka carabta.

Dhagxaantaas la xaalufiyey waxay hooy u yihiin kalluunka maxaliga ah taas oo ah mid curyaaminaysa taranka kalluunkaas. 

Sida aad la wada socotaan asbuucii hore madaxweynaha maamul G .Puntland oo ay weheliyaan wafdi ka kooban qooyskiisa sida C/laahi Sicid Samatar, Siciid Faarax Yare, Cismaan Cabdulahi Diyaano, Khalif Ciise Mudan iyo rag kale, waxay u anbabaxeen dalka Itoobiya.

Arrinkaas waxa uu ka fajaciyey shacabka reer Puntland gudaha iyo dibadaba waxaana la is waydiiyey halkii ay ka baxeen golihiisa wasiirada iyo umada inteeda kale.

Waxaa xusid mudan intuusan madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ka amabaxin garoonka caalimiga ah ee magaala madaxda Puntland ee Garoowe in u waraysi siiyey British Broadcasting Corporation- Laanta af soomaaliga, waxa uuna yiri " Wasiirka batroolka iyo tamarta ee dawlada federaalka ee soomaaliya waa nin aan war hayn oo rag burbka Puntland ka shaqeeya ay dhegta wax ugu sheegeen".

Hadii aynu xaqiiqda is waydiino keebaa khaldan Wasiirka oo yiri Khayraadka  

umadda soomaaliyeed shirkadahaas laguma aamini karo, sababtoo ah ma ahan shirkado waxay sheeganayaan ah, ee waa shirkado burcad ah oo raba in ay ka faa'idaystaan wadciga ay maanta Soomaaliya ku jirto , waxaan hadalka wasiirka maqraati u noqonaya hadalka isla madaxweynaha puntland oo horey u xaqiijiyey in shirkadahini ay yihiin "Jirri".

Janaraal Cadde Muuse shirkadahaas uu ku tilmaamey tuugada ayuu maantey rabaa in uu mar labaad u gacan geliyo khayraadka umada soomaaliyeed.

Haddaba akhristoow  madaxweynaha Puntland iyo wasiirka batroolka iyo tamarta ee DFKG ah keebaa labada burburka Puntland ka shaqynaya? !! Waa su'aal furan !!!!!!

Waxaanu ka helney ilo lagu kalsonyahay in Janaraal Cadde ku hamiyaayo muddo sagaal bilood ku kororsado xukunka isagoo isu dhererinaaya in uu la dhaco dawlada federal-ka ee soomaaliya.

Ma moodaa in uu jananku dab lugaha la gelaayo arrintaas oo keenaysa in dagaal sokeeye oo lagu hoobto Puntland ka dhaco, waa arrin halisteeda leh oo  umadda reer Puntland uga digayaan in uu ka waantoobo kana haro arrinkaas oo inta ka hartey Puntland uusan gacantiisa ku burburin.

Ian Smith ma muuqdeen afrikana ma maageen hadaan garab la siinin" ee jananka kalsoonidaas wayn xaggee buu ka haystaa?

Ma waxuu ka haystaa:

- Isimada Puntland

- Shacabka Puntland

- Dawlada federalka Soomaaliya

- Mise waxuu hiigsanayaa himiladiisii in uu ciidamo calooshood u shaqeeystayaal ah uu keeno gayiga Puntland si uu ugu cabburiyo shacabka reer Puntland

Taasi ma hirgeli kartaa? Waa su'aal kaloo furan!!!!!!!!!!! 

Qalwadii mas baa galay qodax baase hoos taal, waxaa shacabka reer Puntland ku haboon feejignaan, wada shaqeeyn, iyo in ay wada dhawraan midnimadooda iyo jiritaankooda . 

Inshalah iftiin baa ka dambeeya mugdiga hadda lagu jiro. 
 

Puntland Guul iyo Barwaaqo…. 

By:

Guudoomiyaha Qurba joogta Puntland (Puntland Diaspora)

Khalid Shuceyb
khalid-shuaib@hotmail.com
Perth, Australia.  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 5, 2008


Baaq badbaado oo ka yimid Jaaliyadaha Dibadda ee reer Puntland

Ku: Maamulka Dawlad Goboleedka Puntland.
Ku: Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Puntland.
Ku: Isimada Guud ee Puntland.
Ku: Culumaa'udiinka reer Puntland.
Ku: Aqoonyahanka reer Puntland.
Ku: Ganacsatada reer Puntland.
Ku: Haweenka, Dhalinyarada, Siyaasiyiinta iyo dhamaan waxgaradka
reer Puntland.

Ka dib markii jaaliyadaha reer Puntland ee ku nool dibadda ay yeesheen shirar wada tashi ah oo ku dhexmaray khadka telefoonka (teleconference) waxay walaac ka muujiyeen xaaladaha maamul, amaan, dhaqaale iyo bulsho ee la soo deristay Dowlad Goboleedka Puntland, waxayna jaaliyaduhu isla qaateen in aan xaalada Puntland maanta indhaha laga qarsan karin. Waxay sidoo kale isla qireen in madaxda maamulka Puntland ay ku guuldaraysteen habsami u socodsiinta maamulka, difaaca iyo sugidda amniga, iyo wax ka qabashada burburka dhaqaale ee ay sababeen samaynta iyo keenida lacagaha been abuurka ah. Sidoo kale waxay lumiyeen midnimadii iyo kalsoonidii shacabka reer Puntland.

Sidaa daraadeed si loo badbaadiyo haykalka iyo himilooyinka ay higsanayso Dawlad Goboleedka Puntland, waxaa jaaliyadaha dibadda ee reer Puntland ay soo jeedinayaan talooyinkan hoos ku qoran:

  • Waa in la midoobo maamul iyo shacabba, lagana hortago wax kasta oo midnimada wax u dhimaya.
  • Waa in si wadajir ah loo soo celiyo deegaanada ka maqan Puntland, loona wada hawl galo maamul iyo shacabba.
  • Waa in si wadajir ah looga hortago falalka amaan darro ee bad iyo barriba.
  • Waa in si wadajir ah looga hortago burburka dhaqaale, loona ciribtiro samaynta iyo keenida lacagaha been abuurka ah, waana in la soo qabqabto makiinadaha lagu sameeyo lacagaha been abuurka ah laguna gubo goob fagaare ah si loo xakameeyo sicir bararka loona abuuro kalsooni dhaqaale.
  • Waa in laga digtoonaado wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo wadajirka maamulka iyo dadka reer Puntland sida hadalhaynta qodida shidaalka iyo kala saaridda gobolada Puntland.
  • Waana in la qabtaa shirweyne lagu turxaan bixinayo arrimaha mugdiga geliyey himilooyinkii Puntland ayna ka soo qaybgalaan maamulka, wakiilada qaybaha kala duwan ee bulshada sida isimada, aqoonyahanka, ganacsatada, haweenka, dhalinyarada...iwm iyo jaaliyadaha dibadda.

Waxaa baaqan si wada jir ah u soo saaray jaaliyadaha reer Puntland ee ku kala nool waqooyiga Ameerika, Yurub, Australia, Bariga dhaxe iyo Afrikaba. Wixii faahfaahin ah kala xiriir afhayeenada guddiga xiriirka jaaliyadaha.

C/kaafi Xassan Maxamed
Maxamed Cabdi Faarax Qambi
Burhaan Muuse Cali Baalle.
Tel: 44 7946201160 ama
bmuuse@gmail.com, Qambi123@yahoo.co.uk

Mar 21, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.