SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

II CODDEE

amiinW/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


       “Ii coddee”, “kuu coddeyn maayo”, “war ha loo coddeeyo”, “War yaan loo coddeyn”, ereyadaasi waa ereyo maalmahan si weyn ugu soo batay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobalada dalka, waxa uuna asal ahaan ka yimid ama la bartay xiligii Doorashadii C/qaasim ee Tuulada Carta ee dalka Jabuuti.

      Anigoo gaari ka raacaya Isgoyska Hawl-Wadaag ayaa nin baabuurka raray oo Soomaalidu u taqaano nacamleeye, waxa uu igu yiri “Ii Coddee”, waxaana weydiiyey waxa aan ugu coddeeyo, wuxuuna iigu jawaabay “Waxaad iigu codeysaa in aan gaariga raaco”, aniguna inta aan fahmay ayaan si hal haleel ah guriga gaariga u tiiksaday, waxaana  mar kasta maqlayey ninkii Nacamleeyaha ahaa oo dadka ku oronaya “Ha la ii coddeeyo……ha la ii coddeeyo……… ha la ii coddeeyo…”, mid kale oo saaxiibkii ah oo isna raray gaari kale oo kuwa dadweynah qaada ayaa isna waxa uu ku qaylinayey “Ha la ii coddeeyo”, hase yeeshee kii hore markii uu dhameystay coddeyntiisii oo loogu shubay ayaa saaxiibkiisa waxa uu ku yiri “Ha kugu taagnaato, cid kuu coddeyneysa meeshaan ma joogtee”, waxa uuna ka daba tuuray hadal ahaa “Wallee mar dhow ayaan helayaa dad ii coddeeya, waana kaa daba imaanaya oo ku dhaafi doonaa oo dadka kale ee jidka taagan ay ii coddeyn doonaan”.

      Haweenay da’ ah ayaa nin kale oo nacamleeye ah ayaa ku yiri “Hooyo maad ii coddeysid”, waxayna tiri “Ma doorashaa jirta sideen kuugu coddeeyaa” “maya hooyo Gaariga inaad fuusho iigu coddeey” ayuu ku yiri, Islaantii si tartiib ah ayay gaarigii ku fuushay, hase yeeshee gaarigii mar uu meel dhex sii marayey ayaa miino ku qaraxday, hase yeeshee ciddi wax kuma noqon, habartii oo wareersan oo jiho looga yimid garan la’ ayay waxay ku calaacaleysay “Balaayo kuu coddeysay, ma waxaanoo ila rabaxay markuu I lahaa ii coddeey”, iyadoo inkaartameysa boorka iska jafeysa ayay jidkii ku dhacday, maadaama uu gurigooda dhawaa, hase yeeshee intii ay sii socotay Islaanta ayaa iskula hadleysay “ii coddey aa… ii coddey aa”.

      Markii Haweeneydii gurigii ay tagtay ayaa ilmaheedii ku soo carareen, waxayna mar kasta ku qaylineysay “ii coddey aa…. ii coddey aa, balaayo ku aragtay, dhimashuuba ii waday”, carruutii ay dhashay ayaa waxay qaar ka mid ah yiraahdeen “Alla Hooyo maskaxda ayaa laga galay, hooyo waa side maanta ereyo aanan kaa maqlin jirin ayaad ku hadaaqeysaaye?”.

      Carruurtii ayaa ogaatay in Hooyo ay xanuunsan tahay oo aysan wanaagsaneyn, waxaana markiiba loola cararay Isbitaal lagu daweeyo dadka waalan ama dhimirka la’.

      Markii la geeyey Isbitaalkii ayaa ninkii Liis hayaha ahaa waxa uu Illaahey afkiisa ka dhawaajiyey “Hooyo ii coddey”, habartii inta ay dibadda ku dhacday, “Meel waliba ma joogaa ninkan ii coddey ku haya, war meesha ha la iga wado” ayey ku barooratay.

      Markii Islaantii inta la qabqabtay ayaa dhakhtarkii loo geeyey waxa uuna u soo qoray daawooyin, hase yeeshee markii guriga lagu soo celiyey ayaa Haweeneydaasi yara seexatay kadibna waxaa taam ku soo laabtay miirkeedii, waxayna ka sheekeysay wixii qabsaday.

      Maqaayad ayaan galay, waxaana dalbaday Muufo, muufada dadka Soomaalida waxay ku jecel yihiin in ay ku cunaan Muus iyo Liin, markii la ii keenay dalabkeygii ayaa Kabalyeerigii waxaan ku iri “Aaway Mooskii”, isagoo la hadalaya ninkii Kushuunka ku jiray ayuu yiri “War ninkaan ha loo coddeeyo”, waxaan weydiiyey waxa la iigu coddeynayo, waxa uuna igu wargeliyey in Moos uu dhamaaday balse bedelkiisa la helayo, sidaa darteed aan aqbalo in kaas aan u coddeeyo, waxaanse weydiiyey waxa moos bedelkiisu yahay, waxa uuna yiri “Waa sonkor”, balse waxaan u sheegay in taas aan la iigu coddeyn, laakiin aan ka jeclaan lahaa Liin Dhanaan, waxa uuna igu yiri “Iyana ma taal, ee waxaa noogu coddeysaa bedelkeeda” “oo Maxaa bedeli kara?” ayaan weydiiyey “Waa Cusbo” ayuu si sahlan iigu jawaabay, inta aan yaabay ayaa hadalkeyga ku soo koobay in aan waxba la iigu coddeyn, balse iyana waxaan ka dalbaday in sidaan Muufada inaan ku cuno ay iigu coddeeyaan, mar qura ayay qosol la wada dhaceen oo ay igu yiraahdeen “Waan kuu coddeynay”.

      Ii coddey waxa uu qayb ka yahay ereyada macnaha kale loo yeelay ee ku soo kordhay dalka, waxaana ii coddey markii hore lagu yaqiinay wixii doorasho ku saabsan, hase yeeshee ereyadan waxaa hadda si aad ah ugu dhiban dadka reer Miyiga ah, maadaama dadka reer Magaalka ah ay fahmeen ereygaasi sidii la doono ha loo isticmaalee, waxaana mararka qaar dhacda in ereygaani uu buuq ka dhex dheliyo Bulshada dhexdeeda, inkastoo haatan fahamkiisu soo yara badanayo  

W/D:Amiin Yuusuf Khasaaro.

amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2007

Mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobey oo dib looga celiyay Magaalada Baydhabo
.Isbahaysiga Asmara oo la sheegayo in uu xal ka gaaray..
.Gacma Dheere oo ka codsaday Hay’adaha samafalka inay..
.Qaraxyo iyo Weeraro shalay ka dhacay suuqa Bakaaraha..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sept 19

baydhaboBaarlamaanka DFKMG oo qaban qaabinaya qorshe loogu yeerayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG
Xildhibaan Maxamed Qanyare: "shir 45-casho socdey inay ku baxdo $8-milyan wax dhici kara ma ahan..." Akhri...

plAfhayeenka Madaxweyne-xigeenka Puntland oo Shaqaaqooyinka Laascaanood ku eedeeyey inuu ka danbeeyo Xaabsade.... Akhri

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Qamar Cali
"waxaana jira oo la keeni doonaa 40-Konteenar oo isugu jira Daawo iyo Qalab Caafimaad oo yaala dalka".. Akhri...

Dagaal Culus Oo Isniintii ka dhacay Magaalada Marka
iyo Xildhibaan Qanyare Oo Sheegay Inay Sharcigii Awood Qayabsiga Ku Tunteen Masuuliyiinta Dowlada Ugu Saraysa..

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com