SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Dagaal Culus Oo Isniintii ka dhacay Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Sh/hoose.
  • Xildhibaan Qanyare Oo Sheegay Inay Sharcigii Awood Qayabsiga Ku Tunteen Masuuliyiinta Dowlada Ugu Saraysa..
  • Waxgarad Uu Horboodayo Afhayeenka Beesha SSC Ee Ku Sugan Muqdisho Oo Cambaareeyey Weerarkii Ka Dhacay Duleeka Laascaanood.

Dagaal Culus Oo Isniintii ka dhacay Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Sh/hoose.

Sept 17, 2007: Dagaal u dhexeeya labo milayshiyo beeleed oo Isniintii ka dhacaymagaalada marka ee xarunta gobolka sh/hoose ,islamarkaana ay ku geeriyoodeen labo qofood halka dhaawcuna la sheegay inuu marayo 10-neeyo dad ah .

Iska horimaadkan ayaa salka ku haya dilkii loo gaystay shalay galab taliye klu xigeenkii ciidamada booliska dowlada KMG ah maxamed siyaad sinjibiil oo shalay gbal dhacii gaari uu watey ay tacshiirad la beegsadeen milayshiyo beeleed hubaysan islamrkaana uu geeriyooday halka ay ku dhawacmeen 4-askari oo ilaaladiisa kamida .

dagaalkan oo maanta mar kale ka dhex qarxay gudaha magaalada marka ayaa marba marka kasii dambaysa waxaa sii badanaya milayshiyada ka qayb gelaysa dagaalkan ,iyadoo xiligna uu dagaalkaasi isu bedelay mid beeleed .

taliyaha ciidamada booliska gobolka sh/hoose ayaa la sheegay inuu gaaray goobtaasi dagaalku ka socdo islamrkaana isku dayey inuu dhex dhexaadiyo labada beelood islamrkaana loo yareeyo colaadasocota iyadoo aysan jirin wax guul ah oo la taaban karo oo ilaa iminka ay kala gaareen dhinacyada isku haya halkasi

Dhinaca kale isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga ayaa gebi ahaanba xirmay iyadoo la sheegay inuu dagaalkaasi marba marka kasii dambaysa uusii xoogaysanyo ,islamrkaana warar dheeraada oo laga helayo ay sheegayaan in guuto ka tirsan ciidamada milatariga oo fariisinkoodu yahay dugsiga tababarka laant buuro lagu wado inay kala dhex galaan dhinacyadaasi ku dagaalamaya magaalada marka . 

Xildhibaan Qanyare Oo Sheegay Inay Sharcigii Awood Qayabsiga Ku Tunteen Masuuliyiinta Dowlada Ugu Saraysa..

Kulan ay isugu yimaadeen maanta hoolka shirarka ee xarunta ADC ee magaalada baydhabo golaha baarlamaanka ayaa ka doodayeen mooshin ah awood qaybsiga ee afarta beelood iyo barka oo dowlada FKMG ah la sheegay in lagu soo dhisay Shirkii Embaghati .

Kulankan oo ahaa mid laysku weydaarsady doodo kulul ayaa xubnihii halkaas ka hadlay waxaa kamid ahaa xildhibaan maxamed qanyare afrax oo dhowaanahan aan wax hadal ah laga maqlin islamrkaana sheegay in masuuliyiinta dowlada ugu sarsareysa ay ku tunteen sharciga awood qaybsiga isagoo eeda dusha kaga tuuray madaxweyne yuusuf , raysal wasare geedi iyo weliba gudoomiyaha baarlamaanka sh,aadan madoobe .

qanyare oo hadaladiisu kululaayeen ayaa sheegay inay masuul ka yihiin ku tumashada sharciga masuulyiinta dowlda ugu sarsaraysa iyagoo ayuu sheegay u muuqda kuwo iska laalay sharcigaas awood qaybsiga ah oo aysan waxbaba ula muuqan .

Sidoo kale xildhibaan kasoo jeeda beesha shanaad ayaa sheegay in la xaqiray islamrkana uu carabka ku balaadhiyey in la dulmay oo aysan jirin wax xaquuq ah oo lagaga tix geliyo dowladan FKMG ah.

Iskusoo wada duuboo xildhinaanada dowlada KMG ah ayaa waxaa dhowaanahan kasoo ifbaxaya xubno kulul oo la xisaabtamaya dowlada islamrkaana u muuqda kuweo dhinacyada haysta masuuliyiinta ugu saraysa dowlda iyo qaabka ay ku shaqaynayaan iyadoo arintani kusoo beegmayso xili ay masuulyiinta eeda la saaray ay dalka dibada kaga maqan yihiin .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..


mutamar
Mutamarkii Minneapolis .... Ka akhri halkan.....


batroolQaybsigii Batroolka Soomaalida
Qoraalkii lataliyaasha shirkadaha KuwaitEnergy & MedcoEnergi ay  DFKMG magaalada Malindi ugu usoo bandhigeen June 12, 06, ee qaybsiga Batroolka Soomaalida, oo ku qoran:
PowerPoint ama PDF.

oil Xaqiiqada Dhabta ah ee ka dambaysa "Sharciga Batroolka Soomaaliyeed" Waa duudsin Khayraadka Shacabka Soomaaliyeed muddo 70-ka sano ee soo socota.. Waxaana la is weydiinayaa in Baarlamaanka DFKMG uu xeerkaas ansixin doono.... Akhri [Xog iyo warbixin]....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com