SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Sept 19, 2007

  • Mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobey oo  dib looga celiyay Magaalada Baydhabo

  • Isbahaysiga Asmara oo la sheegayo in uu xal ka gaaray khilaafaad ku aadanaa magacaabista xilalka..

  • Gacma Dheere oo ka codsaday Hay’adaha samafalka inay gargaar la soo gaaraan dadka tabaaleysan

  • Qaraxyo iyo Weeraro shalay ka dhacay suuqa Bakaaraha

Mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobey oo  dib looga celiyay Magaalada Baydhabo

Maalintii shalay ahayd ayaa Diyaarad siday mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobey una qaabilsan dhinaca xaquuqda Aadanaha oo lagu magacaabo Q. Al-Najaar uu ka soo degay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo. Mas’uuliyiin ka tirsan ciidanka Nabad sugida ayaa dib ugu celiyey diyaaraddii khabiirkaasi. Iyo haddana lama garanayo sababaha mas’uulkaasi dib loogu celiyey idyaaraddii uu saarnaa, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in mas’uulkaasi uu u yimid Baydhabo in uu Dowladda kala hadlo arrimo la xiriira xaquuqda Aadanaha, maadaama  tan iyo markii ay timid Dowladdu Magaalada Muqdisho ay  dhaceen falal dhowr ah oo xaquuqda aadanah lid ku ah, warar kale ayaa waxay sheegayaan in khabiirkaasi wareysiyo uu horey u bixiyey uu ku sheegay in dowladda Federaalku Sameysay tacadiyo si weyn uga soo horjeeda Xaquuada Aadanaha.

Khabiirkaan oo ah mid madaxbanaan isla markaana la shaqeeya Qaramada Midoobey ayaa waxaa la sheegay in uu dib ugu laabtay Magaalada Nayroobi, waxaana la filayaa in uu maanta qabto shir jaraa’id. Imaanshaha uu doonayey in uu yimaado S oomaliya waxay ku soo beegantay xili ay saddexda mas’uul ee Dowladda Federaalka ka maqan yihiin dalka oo ay ku sugan yihiin Dalka Sucuudiga, waxaana wax laga weydiiyey guddoome ku xigeenka Baarlamaanka sababaha dib loogu celiyey khabiirkaasi, waxa uuna ku jawaabay “waxaan kala socdo ma jirto, hase yeeshee waxaan u maleynayaa in ay tahay arrimo la xiriira hay’adaha nabas sugida”.

Khabiirkaan oo dhowr jeer horey u yimid Soomaaliya ayaa soo maray dhowr gobol oo Soomaaliya, isagoo uruurinayey tacadiyo la xiriira dhinaca bini’aadannimada. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa horey u sheegay in Dowladda Federaalka diyaar u tahay in Soomaaliya lo soo diro guddi heer caalami ah oo baara tacadiyo la sheegay in ay ka dhaceen Soomaaliya oo la xiriira dhinaca xaquuqda Aadanah.

Isbahaysiga Asmara oo la sheegayo in uu xal ka gaaray khilaafaad ku aadanaa magacaabista xilalka..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Asmara waxay sheegayaan in 191-da xubnood ee Isbahaysigaasi ku jirta ay isku mari la’ yihiin cidda loo dooranayo Guddoomiye ku xigeenada iyo xoghayaha guud, iyadoo la filayey in maalintii doraad ahayd la soo doorto xubnahaasi si loo dhameystiro hogaanka sare ee Isbahaysigaasi, waxaana socda shirara gooni gooni ah la xiriira ciddii loo dooran lahaa jagooyinkaasi, sidoo kale waxaa la sheegayaa in ay isku mari la’ yihiin ciddii loo magacaabi xoghayaha arrimaha  Gaashaandhiga, Xoghayaha arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha, hase yeeshee warar  kale oo aan helnay ayaa waxay sheegayaan in habeenkii xalay la dhameystiray khilaafkaasi, waxaana la filayaa in maalinta khamiista ah la magacaabo xubnahaasi.

Horey ayaa isbahaysigaasi guddoomiye loogu doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, halka golaha dhexena loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan. Isbahaysigaani ayaa sababaha loo aasaasay lagu sheegay sidii dalka looga saari lahaa ciidamada Itoobiya ee ku soo duulay dalka Soomaaliya. 

Gacma Dheere oo ka codsaday Hay’adaha samafalka inay gargaar la soo gaaraan dadka tabaaleysan

Wasiirka arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Max’ed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) ayaa ugu baaqay Hay’adaha samafalka in ay gargaar la soo gaaraan dad tiradoodu gaareyso Labo Malyan oo Qof oo ku dhibaateysan Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo la ildaran cuduro iyo Gaajo.

“ Haddii aan gargaar lala soo gaarin waxay keeni kartaa masiibo bini’aadan” ayuu yiri Gacma Dheere oo sheegay in hay’adaha samafalka ka gaabiyeen sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkaasi.

Dad fara badan oo ka cararay dagaaladii ka dhacay Muqdisho ayaa dhibaato xoog leh ku haysataa inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo lagu jiro Bishii barakeysneed ee Ramadaan, ilaa iyo haddana ma jirto hay’ad wax gaarsiisay dadkaasi, waxaana sidoo kale dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya waxyeelo ka soo gaartay fatahaadaha wabiyadda Jubba iyo Shabeele oo sababay waxyeelo xitaa gaartay dalagyadii Beeraha.

Qaraxyo iyo Weeraro shalay ka dhacay suuqa Bakaaraha

Wadada labaad ee Aadan Cadde ayaa waxaa shalay ka dhacay qaraxyo iyo weeraro lala beegsaday Ciidamada Dowladda Federaalka ee halkaasi ku sugan, taasina waxay keentay in ciidamadu ay weerar ku soo qaadaan shirkado iyo goobo ganacsi oo ku yaalay goobahaasi, waxaana ka mid ahaa goobihii weerarada lagu soo qaaday xarun idaacada shabeele, hase yeeshee dagaalkaasi waxa uu saameeyey xarunta Inter Global iyo shirkadaha Xawaaladaha Dahabshiil iyo Mustaqbal, waxayna wararka qaar sheegayaan in labo qof oo ka tirsan shaqaalaha Global Internet ay soo gaareen dhaawacyo, sidoo kale mid ayaa ka dhintay midna waa uu ka dhaawacmay shirkadda Qaran Express, iyadoo maalintii shalay ahayd dadweynaha ku nool Muqdisho aysan tagi wadadaasi kuwaas oo doonayey inay lacago ka soo qaataan shirkadaha Xawaaladaha maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaaan.

Dowladda Federaalka ayaa horey u sheegtay in ay ciidamada ka saartay suuqa Bakaaraha hase yeeshee lama garanayo sababaha soo celiyey weeraradaani.

Idaacadda Shabeele oo loogu hanjabay in la duqeyn doono

Tan iyo markii ay Dowladda Federaalka timid Magaalada Muqdisho dhamaan warbaahinta Soomaaliya waxay bartilmaameed u noqotay dilal, weeraro iyo hanjabaadyo, iyadoo 11-kii Agoosto ee bishii hore magaalada Muqdisho lagu dilay agaasmiyaashii Idaacadaha Horn AFrika iyo Capital ayaa waxaa maalintii shalay ahayd weerar lagu soo qaaday Idaacadda Shabeele waxaana weerarkaasi gaystay ciidamo ku sugan Isgoyska Aadan Cadde.

Weerarkaan oo bilowday abaarihii 10:30-kii ayaa socday ilaa iyo galabnimadii iyadoo Idaacadda lala dhacayey qoryaha noocyooda yahay Dhashiigaha iyo Dabamiishaarka, waxayna tasina keentayi n ay walwal iyo walbahaar ku abuurto weriyahaasha iyo shaqaalaha Idaacadda, waxayna ku adkeysteen in aysan marnaba hawada ka bixi doonin, hase yeeshee 5:30 ayaa ku simaha agaasimaha Idaacadda Shabeele waxa uu sheegay in ay Idacadda daminayaan kadib markii loogu hanjabay in haddii ay damin waayaan madaafiic lagu garaaci doono.

Hay’adda Xaquuqda Aadanaha, ururada Saxafiyiinta iyo safriika Mareykanka u fadhiya Magaalada Nayroobi ayaa cambaareeyey weerarkaasi kuna tilmaamay mid caburin kara saxaafadda xorta ah ee Soomaaliya, maadaama dastuurka  Federaalku sheegayo damaanaqqaadka saxaafadda xorta ah.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii weriyahaasha idaacadda inta laga soo dejiyey xarunta Idaacadda loo waday dhanka Madaxtoonyada looguna hanjabay in la dili doono.

amiin khasaaro
amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 19, 2007

baydhaboBaarlamaanka DFKMG oo qaban qaabinaya qorshe loogu yeerayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG
Xildhibaan Maxamed Qanyare: "shir 45-casho socdey inay ku baxdo $8-milyan wax dhici kara ma ahan..." Akhri...

plAfhayeenka Madaxweyne-xigeenka Puntland oo Shaqaaqooyinka Laascaanood ku eedeeyey inuu ka danbeeyo Xaabsade.... Akhri

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com