SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Wasiirka Biyaha iyo Macdanta ee DFKMG  Dr. Maxamed Nuuraani Bakar " waxaan  deeq Ceel ah ka helney Amiirka dalka…."
     

  • XILDHIBAAN MAX’ED QANYARE AFRAX “Sharciga unbaa lagu soo heshiiyay mooyaane jeceyl kuma wada fadhino”
     

  • XIDHIBAAN MAX’ED CALI SHIRIYE “Marka hore shaqaalaheena Baarlamaanka kuma salaysan yihiin nidaamka awood qeybsiga ah ee 4.5, marka waxaa haboon..”
     

  • XILDHIBAAN MUUSE SUUDI YALAXOW “Cid yeelaysaa ma jiro aniga ciidamadeyadu waa qoronayaa kuwaagana  waa la diidayaa waa in lagu saleeyaa qorista ciidamada 4.5”
     

  • XILDHIBAANAD Avv. MARYAN CARIIF QAASIM “cidii jibinaysa ha jibisee ma qabanaa mise waan u qoslaynaa?”

  • XILDHIBAAN MUSTAF SH. CALI DHUXULOW “Qodobka 12-aad ee Axdiga waxa uu sheegayaa in in si cadaalad ah loo qeybsado Kheyraadka iyo Awooda dalka  kalma hari karaan”
     

  • XILDHIBAAN CALI BAASHI “Ma dhamaan howshii la xisaabtanka xukuumada  hadaba waxaa na hor fadhiya wasiir” {Dood xiiso leh}


Wasiirka Biyaha iyo Macdanta ee DFKMG  Dr. Maxamed Nuuraani Bakar "waxaan deeq Ceel ah ka helney Amiirka dalka Imaaraadka Carabta …."

Kulankii Baarlamaanka ee shalay oo soo xaadireen 142 mudane, islamarkaana uu shirgudoominayey Gudoomiye ku xigeenka labaad ahna kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Prof. Maxamed Cumar dhalxa ayaa xubnaha Baarlamaanka waxay Ajandaha hore doodooda ku soo qaateen Gudigii hore loo magacaabey ee ka soo talo bixinayey Nidaamka Awood qaysiga ayaa xubnaha baarlamaanka qaarkood carabka ku adkeeyeen inaan Wasiir dambe warbixin laga dhegeysan doonin oo uuna ugu dambeeyo Wasiirka Biyaha iyo Macdanta, waxaan dhiman 9 Wasiir oo qaarkood dalka ay ku sugan yihiin. 

Wasiirka Biyaha iyo Macdanta ee DFKMG  Dr. Maxamed Nuuraani Bakar oo warbixin siiyey Baarlamaanka ayaa waxaa faahfaahin ka bixiyey qaab dhismeedka Wasaaradda Biyaha iyo Macdanta, waxa u qabsoomey mudadii uu xilka hayey iyo Qorshaha 6-da Bilood ee Soo socda. 

 Wasiirka isagoo arimahaasi ka hadlaya waxaa uu yiri "wasaaraddu waxay dhistey Agaasime Guud,Agaasime waaxeedyo oo isugu jira Agaasimaha Maamulka iyo lacagta, Agaasimaha Qorsheynta, kan macdanta, Horumarinta Biyaha, kan sharciga, Tababarada iyo Dayactirka, waxay keloo Wasaaraddu isu yeertey dhamaan Hay'adihii Biyaha ku shaqada lahaa oo dhan, waxaana shir ugu qabanay Maamulka Gobolka Baay iyo Degmooyinkiisa, UN- Agenciess-ka, kuwa caalamiga iyo kuwa gudaha, islamarkaana aan xilka kala wareegney xilkii ay hayeen". 

Md. Nuuraani wuxuu keloo sheegey "in Wasaaradiisu ay sameysay qorshe 6-da Bilood oo lagu kormeerayo meelaha Biyo la'aanta darani ka jirto, iyo sidii wax looga qaban lahaa, islamarkaana lag raadinayo sidii ay ku heli lahaayeen Biyo Nadiif ah Gobolada iyo Demooyinka Dalka, waxaana inoo suura gashay Degmooyin Biyo la'aan ka jirtey sida Demada Diinsoor oo ay hoos yimaadiin, Raaxoole,Misira,Gurbaan,Buulo Barako iyo Degmada Buur- hakaba oo ay hoos yimaadaan Moode moode, Lug Habar, Dharqo". 


Dr.Maxamed Nuuraani Bakar

Wasaaradu waxay gacan ka geysatey inta Ceel ee shaqeysa iyo inta aan shaqeyn ee hore u jiri jirey, iyadoo ay garab ka heleyso Hay'adda SWALIM inta aanu ka gaari karayney Gobolada iyo Degmooyinka ee hada nabadgelyada ka jirto, waxaana gacanta ku haynaa Mashruuc Biyo Gelin Degmada Baydhabo oo ay inagu kaalmeynayso UNICEF, sida dadka ay u helaan Biyo nadiif ah, wuxuuna maryaa gebogebo, Wasaaradu waxay gacan siisay dadka ka soo barakacay dalka gudahiisa si ay u helaan Biyo nadiif ah ee hada ku nool Boonkaay, ADC, ONT iyo kuwa Muqdisho, wasaaraddu waxay gacanta ku haysaa dhameystirka sharciga Biyaha iyo Macdanta, waxaana dooneynaa inaan dhowaan Baarlamaanka horkeeno, waxaan  deeq Ceel ah ka helney Amiirka dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Saa'id oo ay inoo soo marsiiysay UNDP , kuwaasoo aan doonayno inaan ka hirgelino sida Dayniile,Walaweyn, Farsooley, Degmada Buur-hakaba, tan Baydhabo, Gurbaan iyo Buqda". 

Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadii dalka oo ay Biyo ka heli jirtey 30 Ceel oo ku yiiley dginaca Af-gooye, in 15 ka mid ah deg deg loo dayactiro, si dadka caasimada ku nool ay u helaan Biyo nadiif ah, waxaan keloo qorsheynaynaa 18-kii Ceel eek u yiiley Ceel Cirfiid oo dhamaantood dumey in dib loo qodo, lana dayactiro, sidoo kale waxaan keloo ka codsanayey qaar ka mid ah Hay'adaha Caalamiga in 10 Gobol iyo Degmooyinkooda oo dalka ka mid ah laga hirgeliyo iyo Tuulooyinkooda Biyo Gelin ayuu warbixintiisa ku soo koobey Wasiirka Biyaha iyo Macdanta DFKMG Dr. Maxamed Nuuraani Bakar". 

  • XILDHIBAAN MAX’ED QANYARE AFRAX “Sharciga unbaa lagu soo heshiiyay mooyaane jeceyl kuma wada fadhino”

  • XIDHIBAAN MAX’ED CALI SHIRIYE “Marka hore shaqaalaheena Baarlamaanka kuma salaysan yihiin nidaamka awood qeybsiga ah ee 4.5, marka waxaa haboon..”

  • XILDHIBAAN MUUSE SUUDI YALAXOW “Cid yeelaysaa ma jiro aniga ciidamadeyadu waa qoronayaa kuwaagana  waa la diidayaa waa in lagu saleeyaa qorista ciidamada 4.5”

  • XILDHIBAANAD Avv. MARYAN CARIIF QAASIM “cidii jibinaysa ha jibisee ma qabanaa mise waan u qoslaynaa?”

  • XILDHIBAAN MUSTAF SH. CALI DHUXULOW “Qodobka 12-aad ee Axdiga waxa uu sheegayaa in in si cadaalad ah loo qeybsado Kheyraadka iyo Awooda dalka  kalma hari karaan”

  • XILDHIBAAN CALI BAASHI “Ma dhamaan howshii la xisaabtanka xukuumada  hadaba waxaa na hor fadhiya wasiir” {Dood xiiso leh}

 Xildhibaan Cali Baashi  ayaa isna soo bandhigay fakir ah:-

“Waxaa na hor yaala howl balaaran oo ma dhamaan howshii la xisaabtanka xukuumada  hadaba waxaa na hor fadhiya wasiir ka tirsan  wasiiradii aan u yeeranay, shaqada dowladana waa inay gudiga soo baraan inay ku salaysan yihiin 4.5”ayuu yiri Xidhibaan  Baashi  

Xidhibaan Mustaf Sheekh  Cali Dhuxulow ayaa doodiisa ku  bilaabay sidan:-

“Wasaarada maaliyada waa in lagula xisaabtamaa daqliga soo galay dowlada teeda kale Qodobka 12-aad ee Axdiga waxa uu sheegayaa in in si cadaalad ah loo qeybsado Kheyraadka iyo Awooda dalka xidhibaano baa qaba in la kala reebo kheyraadka iyo Awood qeybsiga kalma hari karaan anniga waxaan rabaa in aan la kala reebin kheyraadka iyo Awood qeybsiga soida uu qabo Axdiga qaranka”ayuu ku soo koobay Xildhibaanka doodiisa. 

Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax aya doodiisa  ku qotomiyay “Qof kasta waxa uu jecel yahay in la dhagaysto marka qof kastow jeceylkaaga ku dar inaad dhagaysato qofka codbaahiyaha taagan ee hadlayaa intaa ka dib Annaga waxaan ku soo heshiinay waa Buugan na horyaala hadii Jeneraal la magacaabayo waa in uu soo jeediyaa taliyaha madaxweynahana marka ugu dambayso ayuu saxiixayaa, marka ay soomaraan Golayaasha dowliga, Ra’isul wasaare qof iska qori karta ma jirto iyadoon aanay sharciga soo marin midna waa in la ogaadaa annaga  Sharciga unbaa lagu soo heshiiyay mooyaane jeceyl kuma wada fadhino”. 

Xildhibaan Max’ed Cali Shiriye ayaa qaba isna Argatidan:-

“Dhibaatada dhan anaga ayay naga socotaa waxaa la yiraahdaa Maroodiga takarta isaga saarani ma arkee tan saaran maroodiga kale ayuu arkaa waxaa laga hadlayaa waa Awood qeybsi anaga  aan is weydiino marka hore shaqaalaheena Baarlamaanka kuma salaysan yihiin nidaamka awood qeybsiga ah ee 4.5, marka waxaa haboon inaan anaga isa saxno markaa ka dib umbaan u doodi karnaa awood qeybsi innaga aan is fiirino marka hore”

Xildhibaanad  Garyaqaanad Maryan Cariif Qaasim ayaa doodeeda ku bilaabaysa sidan:-

“Awood qeybsiga in meel looga dhacay waan u jeednaa ma qalad dhacay inaan  saxno mise cidii jibisay oo kun tumatay  inaan qabano  Madaxweyne, Ra’isul wasaare iyo Gudoomiye baarlamaan  cidii jibinaysa ha jibisee ma qabanaa mise waan u qoslaynaa?”ayay tiri Garyaqaanad Maryan Cariif Qaasim 

Xidhibaan Muuse Suudi Yalaxow ayaa soo bandhigay argati ah :-

“Gudiga wax badan bay soo qabteen qaar badan oo xildhibaano ah halkaana ka hadlay waxay mari habaabiyeen shaqada ay soo qabteen annaga waa inaan ilaalinaa sida looga dhaqmo nidaamka 4.5 waana in si cadaalad ah loo qeybsadaa awoodaha dalka min wasiir ilaa wixii ka hooseeya, sida aan hada ku fadhino dhamaanteen waxaan nahay xildhibaano ninkii xoog ku hela, ninkii qabiilkiisa keeno iyo ninkii laaluush bixiyayba  mid kale hala ogaado  meel walba qeylaa ka soo yeeraysa haba ugu darnaato ciidamadee cid yeelaysa ma jirto  aniga iyo walaalkay Qanyare  waxaan gacanta ku haynay ciidamo fara badan waxaana u hogaansanay  oo aan  halkana  ku fadhinaa, cid yeelaysaa ma jiro aniga ciidamadeyadu waa qoronayaa kuwaagana  waa la diidayaa waa in lagu saleeyaa qorista ciidamada 4.5 waxaan maqlayay in Gudoomiyaheena Dhalxa uu bixiyay Jeneraal cusub hambalyo ayaan leeyahay Gudoomiyaha iyo Jenenka  cusuba, hadaan  ogaan lahayn in Dhalxa bixinayo Jego jeneraal  waa u raadsan lahayn balse way naga hoos baxday”ayuu   yiri Xildhilbaan Muuse Suudi.

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka gaar ahaan shaqaalaha shirkadda Unit company oo lacag gaaraysa $800 soo gaarsiiyay Binti jeylaani oo la il daran buro afka kaga soo baxday 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka gaar ahaa shaqaalaha shirkadda UNIT Company oo deeq lacageed maanta soo gaarsiiyay Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Binti Jeylaani Maxamed oo la ildaran buro afka kaga soo baxday Haatana ku sugan Magaalada Muqdisho dalkana wax looga qaban waayay.
 
Lacagtaan deeqda ah oo gaaraysa $800 Sideed boqol oo Dollar ayaa waxaa la soo marsiiyay xafiiska Dayniile iyo Qaranimo ee Muqdisho iyadoo lagu soo Xawilay Xawaalada Mustaqbal Express, waxaana guddoonsiiyay lacagtan Cabdixakiin Cilmi Xasan oo ka mid ah Maamulka Xafiisyada Dayniile iyo Qaranimo ee Muqdisho.

Deeqdaan ayaa waxaa soo diray shaqsiyaad Soomaaliyeed oo ka damqaday dhibaatada Haysata gabadhan Binti Jeylaani Maxamed oo aad ula il daran Xanuun ka asiibay afka kaasoo ah buro afka kaga soo baxday dalkana wax looga qaban waayay Taqaadiirta Muqdisho ay ka dayriyeen Xaaladeeda caafimaad ayna sheegeen in aan dalka waxba looga qaban karin.
 
Shaqsiyaadkii lacagataan soo dhiibay ayaa waxaa wakiil ka ahaa Cabdi Qani C/llaahi Cumar, Sidoo kale waxaa ka mid ahaa Jaaliyadihii lacagta soo dhiibay Cali Siciid Cumar Daahir c/wahaab axmed karani iyo C/risaaq Calonge iyo faraax Soldaat o so gaarsiiyey boqol iyo lixdan dollar
 
Dhalinyaradaani ayaa ku nool dalka Maraykanka gaar ahaan Gobolka Alexsa ee dalka Maraykanka, waxayna u rajeeyeen binti in uu ilaah siiyo caafimaad taam ah.
 
Cabdixakiin Cilmi Xasan
Muqdisho Soomaaliya
E-Mail- Cabdixakiin44@hotmail.com
Tell: 002521-5582055/002521-5889789

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 20, 2007

Mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobey oo dib looga celiyay Magaalada Baydhabo
.Isbahaysiga Asmara oo la sheegayo in uu xal ka gaaray..
.Gacma Dheere oo ka codsaday Hay’adaha samafalka inay..
.Qaraxyo iyo Weeraro shalay ka dhacay suuqa Bakaaraha..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sept 19

baydhaboBaarlamaanka DFKMG oo qaban qaabinaya qorshe loogu yeerayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG
Xildhibaan Maxamed Qanyare: "shir 45-casho socdey inay ku baxdo $8-milyan wax dhici kara ma ahan..." Akhri...

plAfhayeenka Madaxweyne-xigeenka Puntland oo Shaqaaqooyinka Laascaanood ku eedeeyey inuu ka danbeeyo Xaabsade.... Akhri

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Qamar Cali
"waxaana jira oo la keeni doonaa 40-Konteenar oo isugu jira Daawo iyo Qalab Caafimaad oo yaala dalka".. Akhri...

Dagaal Culus Oo Isniintii ka dhacay Magaalada Marka
iyo Xildhibaan Qanyare Oo Sheegay Inay Sharcigii Awood Qayabsiga Ku Tunteen Masuuliyiinta Dowlada Ugu Saraysa..

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com