Hordhac iyo afeef Xaashi Yaasiin Cismaan
Switzerland
hashiyosman@hotmail.com
In muddo ah ayaan ka fakarayay diyaarinta iyo
qoridda maqaalkaan. Waxaan ugu horreyntiiba, ku mahadinayaa Allahii
igu dhaliyay, iina sahlay curinta maqaalkaan.
Hadafkaygu wuxuu yahay, bal inaan isku dayo, inaan sharraxaad
guud ka bixiyo astaamaha muuqda iyo kuwa qarsoon ee xanuunka
bulshadeenna haya.
Ruuxii buka ama jirran, marka hore waa la baaraa, si loo helo
nooca cudurka. Markii cudurka la gartana, daawo (hadduu leeyahay)
ayaa loo qoraa, waxaana ka dhasha ruuxii oo biskooda.
Waxaan maqaalkaan dheer ku lafagurayaa, bal iney suuroobi karto
in waalli fayow ama cudur ladan la daaweyn karo ama laga biskoon
karo iyo in kale? Sidoo kale, waxaan ku eegayaa, bal in waalidaan
fayow ay tahay mid laga dhaxlay awooweyaasheen (sida dhiig- karka,
neefta iwm); iyo inay tahay mid geyiga geeska Afrika laga
qaaday(sida sanboorka, duumada iwm); iyo/ama inay tahay mid dad
shisheeye nugu rideen( sida Gumeysigii reer Yurub).
Nuxurka maqaalku wuxuu ka shidaal qaatay isku dhafka wax aan
maqlay…arkay… ku fakaray…ku hammiyey…mala awaalay…odorosay…sahamiyey…amaba
aan ku khilaaweeyay!!!
Tu kalena, waxay tahay, waxaa dhici karta, inaan hadba, sida aan
wax uga soo xusuusto, aan wax uga soo xigto maqaal aan 1996kii qorey
oo aan BBC(da), laanta af Soomaaliga u direy, laakiinse aysan soo
dayn. Cinwaanka maqaalku wuxuu ahaa: “Takarafowfow…sidee dawlad loo
dhalaa?”
Maadaama Soomaalida lugu tilmaamo dad isleh, oo isku isir, diin,
af iyo dhaqan ah, ayaan aragti ahaan, ku sifeeyey jir bani
aadan(human body) oo kale.Waxaa la yiri , ruuxii raba inuu arko
Ilaahay, ha fiirsho uunkiisa. Akhristow, adigoon meel kale aadin,
bal adigu is fiiri. Jirkaaga ku khilaawee. Xubnaha jirkaagu ka
kooban yahay; sidey isugu xir xiran yihiin;sidey u wada shaqaynayan;
sideeyan u kala maarmin; sidey u wada xanuunsadaan!! Haddaba, si
fahmidda shaxda maqaalku ay kuugu sahlanaato:Ereyada hoos ku qoran,
macnaha ku hor qoran baan ula jeedaa:-
Jirka Soomaaliga (Somali body) = Ummadda Soomaaliyeed.
Xubnaha jirka(body organs) = kuwa lugu abtirsado, sida
Jilibyahan, Suxulyahan, iwm.
Maskaxda jirka Soomaaliga(brain of Somali body) = Dowlad ama
Qaranimo.
Unugyada xubnaha = Shakhsiyaadka ay xubini ka samaysan tahay
amaba ku dhexjira.
Maskaxda = Dowladnimo / qaybta unuggu(qofku) wax ku garto;
Rooxaan = Awoodda unug ku garto hadba xubinta keliya ee uu isu
haysto inuu yahay.
Burji = haybadda ka soo baxda maskaxda xubnaheeda oo dhammi wada
ifayaan ee unug(qof) kaamil ah isu aragta.
Virus Q = Qabyaaladda.
Waxaan ka afeefanayaa habka iyo hannaanka aan maqaalkaan u qoray.
Waxaan si ula kac ah, uga weecday hababka iyo nidaamyada wax loo
qoro. Waxaa dhici karta, inaan dhawr sadar, bog barkii ama bog
keliya uga hadlo dhawr arrimood oo aan shaqo isku lahayn. Hadba sida
maskaxdu u godlato…inta gacantu qalinka hayso… ayaan maqaalka u soo
lisay!
Aragti ahaan, afkaarta maqaalka waan isku dhex yaaciyay
(Buufis-style)…Si ay sawir ugu noqoto ama ay uga tarjunto isku
dhex-yaacsanaanta iyo jahwareerka xaalka tolweynaha Soomaalida.
Waxaan si gaar ah, akhristayaasha uga raalli gelinayaa
isticmaalidda xuruuf, ereyo ama weero af shisheeye ku qoran oo aan
ka fursan waayay. Sidoo kale, waxaa dhici karta in akhrinta maqaalku
ay dhaliso xanuun ama daqnasho. Takhtarradu markay rabaan inay nabar
ama boog kaa dhayaan xanuun baa ka dhasha. Anigu takhtar ma ihi
waxaanse is iri nabarrada inagu yaalla qolfaha ama diirka ka fuji ,
si inta loo dhayo ay Eebbe idankiis u biskoodaan.
Ugu dambaystii,waxaan waxgaradka Soomaaliyeed (Rag & Dumar) ee
laga tirada badan yahay, ee aan u arko inay Others(ka) runta ah
yihiin, ka codsanayaa in wixii gafaf kama’ ah , ee uga muuqda
maqaalkaan, iney i tusaan, iina so gudbiyaan talooyinkooda ku
wajahan.
Wixii ka yimaada maqaalkaan – shar iyo khayrba – aniga keliya
ayaa ka mas’uul ah ee taa hala ogaado.
*******************************************
Aan ku bilaabee, waa maxay farqiga u dhexeeya niman iyo rag – ama
naago iyo dumar? Waxay wada muujinayaan labada jinsi ee xoolaha,
dhirta iyo dadku u qaybsamaan – lab iyo dhedig. Rag iyo Dumar waa
magacyo wadareed(plural names) oo keli(singular) ma leh. Labada
kalese way leeyihiin oo waa nin iyo naag. Ninkii astaamo sare sida
geesinimo, codkarnimo, deeqsinimo, hoggaamiyenimo, iwm. la soo baxa
ayaa la yiraahdaa wan nin rag ah. Halkaas waxaa kaaga muuqanaysa in
Raganimadu ay tahay maqaam ama darajo uusan nin waliba gaari ama
yeelan Karin. Nin nin ka tegey oo keliya ayaa darajada raganimada
kasban kara. Haddaba, inkastoo aynaan dhaqan iyo hiddo u lahayn, sow
lama oran kari karin ‘naag naag ka tagtay oo keliya ayaa darajada
Dumarnimada kasban karta.’ Dhaqanka iyo afka ayaa hor istaagay oo
lama oran karo naag dumar ah – sida loo yiraahdo nin rag ah.Waxa
keliya oo la oran kara waa “naag diric ah”. Haweenka Soomaaliyeed
barkood waxay u kasban kari waayeen darajada dumarnimada waa mawduuc
ballaaran oo ka baxsan hadafka iyo bartilmaameedka maqaalkaan.
Waxaase dhici karta inaan si finfiniin ah,waxyaalaha qaarkood aan
qalinka afkiisa ugu mudmudo…Si xanfaf leh, dhiigna uusan uga imaan.
Waabaa waxaa jiri jirey Jir la yiraahdo Soomaali(Somali body).
Astaamaha guud iyo kuwa gaar ee jirnimadiisu way u dhammaayeen.
Maskax talinaysa, qalbi aan marna seexan oo dhiigga u qaybiya
xubnaha jirka oo dhan, calool aan ka daalin nafaqo u qaybinta
xubnaha jirka, iyo sambab hawada jirkoo dhan wada gaarsiiya.
Muddo markii jirka Soomaaligu bashbash iyo barwaaqo ku noolaa,
ayaa mar waxaa dhacay in unugyo ka soo haajirey xubin X(ekis) ay
xoog ku soo galeen maskaxda. Halkaasna waxaa ku burburay isu
dheelli-tirnaantii unugyada maskaxda. Waxaa bilawday caddaalad
darro, xaqdarro, eex, xubinkiil (ama qaraabakiil!) iyo xubno
kala-jecleysi. Calooshii nafaqada qaybin jirtey, baa nafaqadii ka
dhigtay qayb ay u gudbiso xubin X iyo qayb ay iyadu kaydsato.
Calooshii baruur iyo xayr aan loogu talagelin baa ka muuqday.
Xubnihii kale oo laf iyo maqaar noqday, ayaa arkay xubin X oo murqo
aysan lahaan jirin la soo baxday.
Xubnihii jirku badankood waa gadoodeen. Waxaa la goostay in
maskaxda laga badbaadiyo unugyada ku dhexjira. Dagaal ayaa bilawday.
Dagaalka waxaa lagu qaaday unugyada difaaca maskaxda ee xubin walba
dhex joogay. Xubin waliba waxay soo dirtay unugyadeeda
wax-iska-caabbinta(antibodies). Waxay giddigood u wada dhaqaaqeen –
inay maskaxda jirka badbaadiyaan – si ay u soo noqdaan caddaaladdii,
kala dambayntii iyo wada shaqayntii xubnaha jirku ka kooban yahay.
Markii madaxa la soo gaaray oo unugyadii laga saaray, baa
maskaxdii si automatic ah oo isdifaac ka ah isu qafishay. Maskaxdu
ma laha muruq iyo xoog ay isaga celiso xubnaha kale ee jirka. Sidii
dhinacyada bur loo gala dhacayey, oo xididdada dhiiga u gudbiya
looga jarayay, oo wax-iska-caabbinteedii loo sii wiiqayay, ayay COMA
gashay – mase dhiman.
Hawlaheedii oo dhammi hal mar bay istaageen. Ayaan darradaas
waxaa ka dhashay in xubnihii jirku ay isku soo jeestaan oo ay siday
isu xigaan isu xasuuqaan, illaa ay xididdadii iyo seedihii isu wada
hayey badankood ay jarjarmeen, lafahiina ay noqdeen kuwa dildilaacay
ama burburay, qaarkoodna dhuuxii oo ceeriin lagala baxay. (Jirkii
baa isku dhex raftay!!!).
Weli adduunka luguma hayo qolo sideennoo kale 17+ sano iska soo
taagan iyagoo bilaa maskax ah. Geedadaygnimo, bahalnimo,
qalafsanaan, indhaadayg, bartiyaqaannimo, aqoonla’aan, xishood
la’aan, xaasidnimo, xoolajecli, iyo mooryaannimo ka dhalatay sunta
virus Q(ga) ayaa noo suurageliyay inaan qaadno koobka maarta ee
wax-iskuma-falnimada.
Virus Q(gu) wuxuu kaloo noo sahlay in jirka Soomaaligu uu sameeyo
tadawur ama taqyiir (isbaddal) korriimo oo aan dabiici ahayn oo
dibusocod ah (Backward Metamorphosis). Taqyiirka caadiga ahi waa kan
cayayaanka (insects) jirkoodu is badbadalo inta ay koreyaan. Tusaale
ahaan, Ballanbaalista(butterfly) quruxda badani waxay markeedii hore
ahayd amaba kasoo xuubsiibatay diirdiirta(caterpillar). Sunta
virus(ku) waxay sababtay in carruurnimada jirka Soomaaligu ay noqoto
sidii balanbaalis oo kale , markuu soo korana uu noqdo diirdiir oo
kale.
Xubnihii baa ka kaaftoomay wax maskax la yiraahdo oo bilaabay
inay ku shaqeeyaan qariiso (instinct) keliya. Waxay ka nabadgaleen
kadeedka iyo imtixaanka Fakaridda, Garashada iyo Dareemidda. Xubin
waliba xor bay noqotay. Mid tiraahda “innagaa ismaamulayna tan iyo
inta maskaxdu ka soo kacayso koomaha” (tus.Puntland), iyo mid
tiraahda “Isma sheegano” (tus. Somaliland), oo weli xusuusan wixii
ay ku dhigeen xubnaha kale ee jirka!!! – Halkaan laba arrimood ayaa
xusid mudan:Waa mare, Somaliland waxay tiri,”annagu kama tirsanin
jirka Soomaaliga (waan goosannay!) oo waxaa xad inoo ah haartii uu
reebay xarigga gumaystayaashu(Ingiriis & Talyaani) ay xubnaha jirka
Soomaaliga ku kala guntadeen. Xubini sideedaba iskeed jir (body)
ugama go’ikarto. Waa in awood jirka ka baxsan (tus.Takhtar, bahal,
mooryaan, iwm.) ay gooyaan. Waa dhici kartaa in jirku xubin iska
gooyo. Jir xubin la’ (sida, gacan, lug, iwm) waa noolaan karaa,
laakiin xubin laga gooyay jir keligeed ma noolaan karto.Tan labaad
waa magaca ay la bexeen oo ah Republic of Somaliland – markii la
tarjumo waxay noqonaysaa –Jamhuuriyadda Dhulka Soomaalida. Haddaba
waxaa isweydiin leh, dhulka intiisa kale ma habar kuulay baa iska
leh? Xataa haddii ay la bixi lahaayeen “Republic of North Somalia”
(sida north korea. iwm) , macquul bay ila noqon lahayd. Iyo kuwo
xubno kale dhex galay oo tuubooyin ku xirtay oo is yiri “isasii
baanta inta maskaxdu suuxsan tahay”(tus.Gobolada dhexe &
koofureed).Taas waxaa ka sii daran, in xubnihii jirku bilaabeen inay
hadlaan iyagoo weli nool.…(Quraanka ayaa naloogu sheegay in Aakhira
xubnuhu hadli doonaan!!!).
Haddaan sarbeeb ahaan wax u eego, waxaad mooddaa in munaasabadaha
Walqalka, in ilmaha Soomaalida laga saro(jeexo) hadba xubinta uu ku
abtirsado – sida garab, jilib ama jeego. Keddibna waxaa dhiigga
looga nadiifiyaa oo looga dhayaa dhacaanka virus Q ee geedka
dhunkaasha. Isla marka dhacaanku gaaro xididdada dhiigga, ayuu
durbadiiba madaxa u dhaqaaqaa. Halkaasoo xididdada maskaxda dhiigga
siiya, giddigood marka laga reebo kan ka yimid xubinta laga saray ay
wada xirmaan. Ilmuhu xaaladdaas ayuu ku koraya, isagoo isu haysta
inuu xubin yahay. Dhacaanku wuxuu kaloo saameeyaa aragga indhaha.
Sida dibiyada lugu cayaaro dalka Spain u arkaan midabka guduudan(red
colour) oo keliya, ayaa indhahaanina u arkaan ifka yare e ka soo
baxaya xubinta ilmaha laga saray oo keliya.
Intaan la qaangaarin, indhuhu weli si fiican uguma muuqdaan
sumaduhu – Keddib, ayaa sarniinku si fiican oo qeexan usoo muuqdaa,
jirka intiisa kalena ay hummaag noqotaa.
Laba unug(qof) oo noocaas ahi markay kulmaan – signalka ay
labadooda maskaxood kala helayaan waa “xubno kulmay”. Haddii
labadaas unug ay isku xubin ka ifaan, waa lays fahmayaa oo dhibi
dhicimayso. Haddiise ay kala xubno noqdaan, mid waliba difaac iyo
weerar laba weji leh bay u diyaargaroobaysaa. Haddii labada unug ay
dalka gudihiisa ku sugan yihiin waa istaag iyo orod ku dirir.
Haddiise ay qurbaha joogaan waa fadhi ku dirir. Waa unugyo cajaa’ib
ahoo si xad dhaaf ah u ciseeya ugana dambeeya unugyada kale ee
ajaanibka. Laga yaabee iney taasi ka dhalatay isliididdooda
(inferiority complex), ay is leeyihiin waa laydinka burji, barako
iyo iftiin badan yahay.Kuwaani markay is dhugtaan, kiiba bar yaroo
ifeysa baa kan kale uga muuqata (tusaale:suxulyahan la kulmay
suulyahan iwm.). Marnaba isuma arki karaan laba unug(qof) oo
Soomaali ah. Markayse ajnabiga dhugtaan, waxaa u muuqda unugyo
dhammaystiran oo wada ifaya oo burji leh.(tusaale:unug (qof)
Ingiriis, Talyaani, Sucuudi, Ruush, Shiineys, Keenyaati ah. iwm).
Haddii unugga ajnabi uu yahay reer galbeed, wuxuu kuwaan ku dhaliyaa
qablan iyo qiiro ku salaysan “Gaal facaa miyaa!!!” ama “Ilaahow gaal
hanoo waayin, gaalna hanaga dhigin.”. Haddiise uu unuggaasi yahay
Carab, waxaa ka dhasha burur iyo maashaa’allaah ku salaysan “Carabtu
iyadaa diinta nooga sokeysa!!!”.
In badan baa waxaa isaga khaldan carabnimada iyo islanimada. In
aan yarayn baa xataa aaminsan in Carabtu diinta nooga dhowdahay.
Taqwo keliya baa Carab iyo Cajami ku kala duwanaan karaan, sida uu
nebigeenni suubana(scw) yiri. Niman badan baa ku hamminaysa in af
Carabigu baddalo af Soomaaliga, oo aan oggolaynba in carruurta
afkooda iyo dhaqankooda iyo hiddahooda suuban la baro!(‘sooma
aroorin’ miyay ka tahay?). Xataa hooyooyin fara badan oo qurbajoog
ah baan isku taxaluujin inay carruurtooda af Soomaaliga baran oo
mooday mindhaa in waxbarashaduba tahay in af kale la barto oo
keliya!
Maadaama aan wada muslin nahay, waa waajib in af Carabiga la
barto, laakiin inuu meesha ka saaro afkii hooyo caqli maahan. Dhar
la qaato (sida qamiis cigaal ama cimaamad.iwm) ama magacyo lala baxo
(sida Abuu Maxamed iyo ummul Sumaya!) ama Carabiga oo la bartaa
keliya kaa dhigi mayaan qof muslin ah. Ilaahay baa quraankiisa ku
sheegay inuu dadka carrabyadooda (afafkooda) iyo midabyadoodaba kala
duwey. (fiiri Suuradda Ruum, Aayadda 22aad).
Magacyadaan ka wada bilawda Abuu(ga) iyo ummul(ka), Islaamka ka
hor bay jiri jireen. Dhaqan ahaan, waxay Carabtu ku muujin jireen in
hebel uu ama hebla ay waarid noqotay. Dhanka kalena, waxay muujisaa
awlaad ku faanka, Waxayna ka dhigan tahay ‘Hebel aabbihiis ama
Heblaayo hooyadeed baan ahay’. Halkaasna waxaa mudnaanta koowaad la
siiyay carruurta. Arrintaan markaan barbar dhigo dhaqankeena, waxaa
ii soo baxday inaan Innagu dhankaas Carabta kaga fiican nahay.
Sababtoo ah, waxaan mudnaanta koowaad siinnaa Waaridka. Tusaale
ahaan: Ina Sugulle Geeddi, Ina Cabdi Gaab.
Haddaad gashid paltalk(ga) ama internet(kaba), magacyo aad la
yaabtid ama kaa qosliya baad ku arkaysaa. Matalan “Abuu Xinjir bin
dhakafaar” – stop – kan anaa allifay!!!
Tu kalena waxay tahay, qolooyinka carruurtooda ula baxay magacyo
Kitaabiya. Qaar badanina iyagaa magacyadii iska baddalay.(Wasalat
alfikrah!!!!!!).
Iftiinka faraha badan ee jirarka ajnabiga ah ka soo baxa, aad
ayuu u dhibaa indhaha unugyadaan xubinta keliya ka ifa. Taasina
waxay dhalisaa inay ajnabiga (nooc kasta ha ahaadee) hortiisa ku
biciriirsadaan!! Had iyo jeer ,waxaad maqlaysaa unug hebel ama xubin
hebel qole hebel baa hoggaanka u haysa! Waxaynu nahay ummad lugu soo
koriyay virus Q; waxaynu nahay ummad kala sarreysa oo isliidda;
waxaynu nahay ummad aan weli iska ridin heeryadii shisheeyaha;
waxaynu nahay ummad diinta ay sheeganayso in yar ka taqaan; waxaynu
nahay ummad aan weli fahmin qiimaha qofka iyo noloshiisa.
Maraykan,Talyaani, Masar, Sucuudi,Iiraan, Ethiopia,Eritrea iyo
Yemen baa isbaarooyin (jidgoosyo) u dhigtay nimankii
Soomaalida.Waxay la tahay in qolooyinkaani ay dantooda iyo
maslaxaddooda wadaan.Qolooyinkaas waxaa ugu daran Talyaaniga. Waa
adag tahay si looga lug baxo. Horay bay u soo gumaysteen Soomaalida
oo si fican bay u yaqaanaan rooxaanta unugyada Soomaalidu ku
shaqayso.
Si kastoo laysaga xoreeyay, weli wuxuu noo hayaa jacayl xad dhaaf
ahoo indha la’ oo ku salaysan siyaasadda la yiraahdo Paternalism
(qof ama dad, sidii inaad aabbe(waarid) u tahay oo kale looga
walwalo oo baahidiisa/dooda oo dhan la haqabtiro, iyadoo aan la
siin wax xuquuq ama masuuliyad ah.). Waagii gumaysiga ayuu fahmay in
Soomaalidu, si kastay dad is leh u yihiin,aysan lahayn maskax ama
siyaasad midaysan. Si Talyaanigu u jebiyo xooggii Leegada(SYL) ayuu
nin la oran jirey Vincenzo Calzia, oo markaas hawl ka hayey Eritrea,
Mogadishu u soo badalay. Barnaamijka ninkaani wuxuu ahaa –
Maalgelinta iyo dhiirrigelinta abuuritaanka ururro lid ku ah
Leegada; isku deyid in hawlwadeennada Leegada la kala qayb qaybiyo;
is hortaagid faafinta Far Soomaaliga (fartii uu allifay Cismaan Y.
Keenadiid-Allaha u naxariistee -Intii u dhexeysay 1920 -1922),
maadaama ay Leegadu isticmaalaysay;iwm. Dadka qaar baa fartaas u
yiqiinay Cusmaaniya, iyagoo Allifaha ugu magac daray. Talyaanigu
wuxuu ku guulaystay inuu dad badan ka dhaadhiciyo in fartaasi ay
tahay far xubneed/qabiil (tribal script) lugu doonayo in xubnaha
kale ee jirka Soomaaliga loogu itaal sheegto. Xataa Ingiriisku ma
rabin in fartaas la qaato. Niman badan oo Soomaaliya baa u
ololaynayay in far Laatiinka la qaato. Cismaan oo nimankaas ka
hadlaya wuxuu yiri:-
Keddib samankii kacaanka ayaa far Laatiinka la qaatay, iyadoo
dadka badankiis lugu qanciyay inaan far Soomaaliga lugu gaari karin
aqoon, horumar iyo ilbaxnimo.
Bal immisa dal baa adduunka jira oo aan Laatiinka isticmaalin oo
horumarsanna!!Tusaale ahaan,Shiineyska, Hindiga, Iiraan, iwm. Xataa
dalka Ethiopia ee aan deriska nahay far u gaar ah ayuu leeyahay.
Calzia wuxuu ku guulaystay inuu abuuro ururro, kedibna uu ku
mideeyey magaca ah “Conferenza della Somalia”. Xataa waagii kacaanka
ee hantiwadaagga la ahaa, Talyaanigu nagama uusan lug bixin, oo rag
ka tirsan xisbiyada hantiwadaagga iyo kan shuuciyadda ee Talyaaniga
ayaa wakiillo uga ahaa Somaaliya. Sidoo kale, laga soo bilaabo
bilowgii burburka qaranka Soomaalida illaa hadda waa nugu dhexjiraa.
Hadba unuggii ama unugyadii uu is leeyahay waa la hagi karaa ayuu la
soo xiriiraa. Intaas waxaad maqlaysaa jid bacaad ama guri geed ayuu
Talyaanigu joogaa. Markay ku wareereen nimanka Soomaalida ee
rooxaanta qaba ayey ka fakareen hadda in xagga dumarka laga soo maro
oo la abaabulo. Waxaana ugu dambaystii timid wasiirad –ku-xigeenka
arrimaha dibedda ee Talyaaniga Marwo Patrizia Sentinelli. Nasiib
wanaag kuma aysan guulaysan arrintaas. Talyaanigu maahan mid sahal
ku haraya, oo isagaa EU wakiil uga ah arrimaha Soomaaliya.
Talyaanigu wuxuu aaminsan yahay inaanaan marnaba ka maarmi Karin.
Illaa xadna waaba runtiis, maadaama unuugyada Soomaalidu ay xubno
isu haystaan.Wixii Soomaaliya ka dhaca ama ku saabsan oo dhan (dad ,
duunyo & dalba) isagaa laga wareystaa oo khabiir ku ah.
Mar horuu soo fahmay in unugga Soomaaliyeed uusan wax ka baxsan
xubinta uu ku abtirsado garan Karin, iyo in unugyadu aysan marna wax
meel isla dhigi karin:-
Matalan;Haddii unugyo ku abtirsada reer Lugyahan ay shir isugu
yimaadaan, waxay u badan tahay inaan shirkaasi waxba ka soo bixin,
sababtoo ah: Reer Jilibyahan amar kama qaataan reer Bowdoyahan,
iskoodna go’aan uma gaari karaan, sababtoo ah waxay sii kala yihiin
reer Kubyahan oo u kala baxa Lafdheeryahan (laba bahood), bah
Seedyahan,iyo bah Canqowyahan(laba bah ah). Intuna waxay u sii kala
baxaan reer Cagyahan oo u sii kala baxa Ciribyahan, bah
Raysmagaadho, Suulyahan iyo Farayahan. Bah farayahan afar bay u kala
baxaan, afartuna tan ugu yar bay liidaan, oo waxay ku magacaabaan
bah Faryaro, laftigooduna waxay isu kala saaraan bah Hilibyahan(oo
Laandheere ah) iyo bah Ciddiyahan.
Markaan dhexdooda u soo noqdo, waxaad arkaysaa in sidey xubnuhu u
kala waawayn yihiin ay u kala faanaan ama isu yasaan. Xataa xubnaha
qaarkood hawlaha ama meheradaha ay qabtaan ayaa magac looga
dhigay.Tusaale: Midgaan, Tumaal, Yibir iwm.
In magacyadaani aysan ahayn kuwa qabiil, waxaa lugu garan
karaa…Magacyada qabiiladu naxwe ahaan,waa magacyo gaar ah (proper
names) oo wadar ama jamac(plural) ma yeeshaan, taasoo muujinaysa
inay yihiin magacyo xirfadeed:-
Nin Daarood
ah Niman Daarood ah
(ma jiraan Daroodyo ama Daaroodyaal)
,, Hawiye ah
Niman Hawiye ah
,, Isaaq
ah Niman Isaaq ah
Nin Midgaan ah
Niman Midgo ah (sida takhtar – takhtarro ama
takhaatiir)
,, Tumaal ah
Niman Tumaallo ah
,, Yibir
ah Niman Yibro ah |
Arrintoo kooban, geeljiraha Soomaaliyeed ee isku darsaday
geesinimada, laandheernimada iyo xirfad-aqoon-la’aanta , ma uu jecla
inuu la xidido amaba agtiisa lugu arko, ruuxa kabaha u tolay ama
waranka uu bahallada isaga dhacsho u tumay!!!
Ummadaha adduunka badankood way sharfaan oo jecel yihiin
xirfadaha iyo meheradaha oo xataa carruurtay ula baxaan.
Matalan,dalalka Jarmalka iyo Iswiiska waxay carruurtooda ula baxaan
magacyo ay ka mid yihiin “Schumacher”(Kabatole). Magacyada
Ingiriisku la baxo, waxaa ka mid ah “Smith” oo macnihiisu yahay
“Birtume ama Tumaal” .
Tan iyo wixii ka dambeeyey markii jrka Soomaaligu isku dhex
raftay, waxaa nimanka Soomaaliyeed hadba qabanayay fool beenaad.
Dhawr iyo toban jeer oo hore ayaa isbitaallo dibedda ah la jiifiyey
( lugu shirey!), waxna kama soo bixin. Isbitaalkii Carta ayay cunug
(dawlad) fadhiid noqday ku dhaleen.Isagiina markuu socon kari waayay
oo waaridkiis iyo qaraabadiis dayriyeen oo uu cunno iyo cabid waayay
buu macaluulay, keddibna dugaag baa cunay.
Markii u dambaysay oo ay keenya laba sano ku soo foolanayeen,
ayay dhaleen cunug dhicis ah (premature baby)!!! Waayadii hore,
dhicisku rajo ma lahaan jirin oo inta badan waa dhiman jirey. Nin
Soomaaliyeed oo beri loo soo sheegay in naagtiisii dhicisay, baa
laga hayaa,”Awal baan waalnaa oo weel foorara wax ku shubtay!”.
Hadda rajada dhicisku ku badbaado aad bay u korortay, waxaana u
sabab ah horumarka laga gaaray cilmiga daawada(medicine). Niman baa
intii maskaxda jirku koomaha ku jirtay, lasoo baxay awood ku
salaysan gariiso (instinct) oo aan marnaba rabin in dhicisku
noolaato. Si kastoo wax loogu sheegaba, unugyadan(nimankan) marna
lama fahansiin karo waxtarka ay maskaxdu(dawlad) u leedahay xubnaha
jirka oo dhan.
Ma arki…maqli…taaban…dhedhemin…urin karaan macnaha maskaxda.
Xataa waa ka daran yihiin rahii ceelka ku jiray ee halka xiddig
keliya cirka ku arkayay. Si kastoo loogu sheego in cirku xiddigo
badan yahay waa hal bacad lugu lisay! Illaa dib laysugu xirxiro
xididdo-gudbiyeyaasha (Neurotransmitters) maskaxda ama (the
messengers of the brain) oo maskaxdu dib u hawl gasho, markaas bay
ogaanayaan maqaamkooda iyo awooddooda. Hadda maskaxdu Kooma ayay ku
jirtaa,oo hadday reer Lugyahan socod damcaan, waxaa dhici kara in
reer Xagalyahan ay Isbaaro u dhigato!
Waxaa jira dabaqad cusub oo u badan qurbaha, oo markay wax
barteen u xuubsiibtay aqoonta laftigeedii oo noqday ‘Aqoonyahanno’.
Ma mooddaa magac xubin(qabiil)? Sida Jilibyahan. Sideedaba, aqoonta
ma la yeeshaa mise waa la noqdaa? Xataa haddii arrintu ka dhalatay
ereybixin khalad loo bixiyay, waxaa cajiib ah, sheegashada,
indho-adaygga ku salaysan oo ay la soo taagan yihiin. “Haddaanu
nahay Aqoonyahannada” iyo wax la mid ah.
Unug ay usugu darsantay Virus Q iyo rooxaan iyo waxbarasho
jaamacadeed, maxaa ka soo bixi kara? Seeflaboodnimo ku salaysan
qiiro xubinyahanimo. Ereyga Seeflaboodka kama wado siday u yaqaanaan
reer galbeedku, ee waxaan ula jeeda unug ay isugu darsantay
xamaasad, aragti gaabni iyo hubsiimo la’aan. Nin reer miyi ah baa
beri hore saddex su’aalood la weydiiyay: ‘Inta dhimatay iyo inta
nool yaa badan?’ suuye, ‘haddii reer magaalka lugu daro, inta
dhimataa badan’. ’Hodanka iyo saboolka kuwee badan?’ suuye, ‘Haddii
lo’lay lugu daro saboolkaa badan.’. ‘Muslinka iyo gaalada kee
badan?’ suuye, ‘Haddii naagaha lugu daro, gaaladaa badan.’. Aniguna
mid afraad baan isweydiiyay oo isu jawaabay. ‘Mooryaanta iyo
qurbajoogga kuwee badan?’ saanne, ‘Haddii Seeflaboodka lugu daro,
qurbajooggaa badan’.
Qolooyinkaan aqoonta noqday ee qurbajoogga u badan,waxay kaloo la
soo baxeen soo jeedinta talooyin aan dhammaanayn oo ku saabsan sida
ugu wanaagsan ee Guriga(dawlad) Soomaalida loo dhisi karo. Giddigood
fuundiyaal bay noqdeen. Aasaaskii, shub mise bulukeeti, intuu dabaq
noqon lahaa iyo dhankii loo jeedin lahaa baa laysku haystaa!!! Wax
walba in la wada sameeyo baa la rabaa! Guriga waa la idiin
dhisayaaye, kaalayoo hadhow ka dhex shaqeeya, lagama karo. Mise
arrintu aragti gaabni bay la xiriirtaa, oo guri dhiska (dawlad
dhiska) wax dhaafsiisan ma arki karaan!
Alla maxaan akhriyay maqaallo ay soo qoreen niman wax bartay oo
leh aragti xubin-yahanimo. Haddaad aqoonta ay soo gudbinayaan oo
keliya ka miiratid, cilmi farabadan ayaad ka heleysaa. Qaar baa
iyagoo raba inay soo bandhigaan aragti xubneed ama qiil ugu
sameeyaan jacayl ama nacayb xubneed/unuggeed, waxay wax ka soo
xigtaan diinta Islaamka, gaar ahaan, Siiradii nebi Maxamed scw. Iyo
Saxaabadii; qaar kale waxay wax ka soo xigtaan sooyaalka adduunka;
qaarna waxay isku dayaan inay af Ingiriis wax ku soo qoraan, iyagoo
marmar ku lifaaqaya buugag la tixraaco (reference books). Maqal ku
salaysan aragtii reer Jeegalaqaf-yahan, iska daa reer dhabaryahane,
xataa wuxuusan gaarayn reer Garabyahan. Xididdadii iyo seedihii isku
hayay xubnaha jirka Soomaaliga, ayaa u qaybsamay kuwa tawafay,
liciifay, jilcay ama dammaadsan!! Badankood nimanka Soomaalida waxaa
halhays u noqday orahyo ay ka mid yihiin; ‘Looma dhamma!’; jirka
Soomaaliga meel ka baxsan ha lagu shiro!’; hebel nama matalo!’;
Suxulyahan kuma hadli karaan afka reer Gacanyahan!’ iwm.
Nidaamyo iyo arrimo kala duwan baa Soomaalidu soo
aragtay:-Nidaamkii Dimoqraadiyadda iyo kii Hantigoosadka oo virus Q
lugu iidaamay; Hantiwadaagga iyo Shuuciyadda oo virus Q hoggaanga u
hayo;ciidamadii qalabka sidey oo laga dhigay dad mashiinno
ah(robots) oo ku
Shaqeeya korontada virus Q(ga);
Kolkaasay warmaha kula didaan diidi
mahayaane…” (Cali Dhuux)
jabhado isku deyey inay la diriraan xukunkii Ina Siyaad Barre
(Allaha u naxariistee), iyagoo laftigoodu adeegsanayeen virus Q(ga);
iyo ugu dambaystii Fawdo, burbur, kala yaac, Dawlad la’aan, rag
la’aan, dumar la’aan, carruur la’aan, mabda’ la’aan, Diin yaraan,
marjaciyo la’aan, dhaqan la’aan, iyo Sharaf la’aan.
Waa iga su’aale, Marjaciyaddii jirka Soomaaliga miyaa luntay
mise weligeedba ma aanan yeelan? Haddaad u fiirsatid bulshooyinka
adduunka, waxaad arkaysaa umaaddo isku dhafan (complex) oo ku kala
dhex dhex jira weegaarrada adeegga bulshooyinka, sida dhaqaalaha,
waxbarashada,caafimaadka, warfaafinta,iyo siyaasadda.
Arki maysid bulsho la leeyahay unugyadeedu(nimankeedu) waxay u
badan yihiin weegaar hebel. Markaad u fiirsatid nimanka Soomaalida
ee rooxaanta ku shaqeeya, waxaad arkaysaa marxalad kastoo la soo
maray inay badankood isku meel u yaacayeen.(dameeri dhaan….!!!)
Ka soo bilaw waagii gobanimada la qaatay illaa 69kii waxaa suuq
lahaa xildhibaan (deputati); samankii kacaanka sarkaal/wakiil xisbi
baa loo batay – waxaa kaloo isla jeerkaas lugu daatay Janaale;
jabhad baa ku xigay; waxaa ka sii dhashay qabqable, wax-iskuma-fale
iyo indheergarad aan meel dhow wax ka arag. Hadda waxaa lugu jiraa
xilligii amaba kalkii wadaadka.
Waddaadada samankaan jooga waxay isku darsadeen tafaraaruq iyo
waxtar aad u fara badan. Qolooyinkii hore waxay u badnaayeen kuwa
leh aragtiyo midaysan.
Waxaa wadaaddada laga kororsaday aqoon fara badan oo dinnteenna
ku saabsan. Dacwadda iyo tabliiqa iyo muxaadarooyinka ay ka
sameeyeen dalka gudihiisa iyo qurbahaba waa arrimo an qofna inkiri
karin. 95% haweenka Soomaalida ee dalkii ku sugan xijaab iyo/ama
niqaab bay wada xirteen. Sida la yiri 15% bay is asturiddu dhab ka
tahay oo aaminsan in xijaabku yahay wax diintu nafarayso. Inta kale
waxay isugu jiraan kuwo Moodo cusub mooday; kuwo faduusha nimanka ka
nabad gala isleh oo markay magaalada ka soo noqdaan meel isaga
tuura; kuwo is leh bulshada haka takoormina; iyo kuwo ku dhex
dhuumanaya niqaabka oo loo yaqaan “Hayga baqin!” ama “Hooyo iga
qari!”.
Inkastoo wadaaddada dhabta ahi aad u dadaaleen welina
dadaalayaan, waxaad arkaysaa in diin jacaylkii iyo dulmi jacaylkii
unugyada(nimanka) Soomaalidu ay si xawli ah meel sare u wada
marayaan! Tu kalena waxay tahay xawliga muxaadarooyinka iyo duruusta
paltalk(gu) oo sababay in macalimiintu ay ka farabataan ardayda!
Waxaa kaloo iyada xusid mudan, in arrimaha ama mawduucyada looga
hadlo muxaadarooyinka aan loo kala soocin dhegeysta-yaasha
(carruurta, haweenka iyo nimankaba). Waxaad maqlaysaa amuuro
haweenka u gaar ah ama nimanka u gaar ah oo xasaasi ah oo la wada
dhegaysanayo! Haween nuxnux leh, niman ilka caddaynaya iyo carruur
qaylinaysa baa isku meel wax loogu sheegaa. Beri baa waxaa la yiri
nin wadaad ah baa wuxuu arkay nin kaloo uu garanayay oo haween dhex
fadhiya oo inta macawistu si ka noqotay cawradiisu muuqato. Intuu ku
naxay oo cararay buu u tegay xertiisii oo ku yiri,”Waxba hays
asturina…wax Alla wixii aynu soo qarinaynay tan iyo nabi Aadan,
hebel baa maanta haweenkii tusay!!!”. Waxaa dhacda mar mar in wadaad
ka hadlo arrimaha barbaarta iyo xumaanta ay sameeyaan, iyagoo meesha
fadhiya.Taasoo keeni karta in kuwa khabardaarka ah ay shiikha
laftigiisa waxyaalo aysan horey u ogayn ka bartaan!!
Tabliiqa wadaaddadu xaggee buu diiradda saaray? Ma wadaaddadaan
marnaba si dhab ah uga hadlin dulmiga iyo isku rafashada unugyada
Soomaalida oo ka faaruqi waayay baabul Dahaara? Mise unuggga
Soomaaliga ah ee rooxaanta qaba ayaan waxba la fahansiin karin?
Malla hayaa wadaad ama wadaaddo fahmay in unug ay isugu darsantay
rooxaan iyo virus Q, uusan wada fahmi karin Diinta? Mise arrintu,
waa un ha lagu shubo! Oo rooxaantu dhan walbay joogtaa! Waxaa xusid
mudan, sida Diinta loogu daatay; Haweenka badankood waa xijaaban
yihiin, masaajidyadu had iyo jeer waa cammiran yihiin,
muxaadarooyinka looma kala haro, taraawiixda, soonka iyo
salaadda…Sunnaha farahabadan, khayrka, ajarka iyo xasanaadka loo
wada xiimayo… Waa arrimo runtii farxad weyn ku gelinaya. Markaadse
fiirisid sida xaalkeennu yahay ayaa dareen ku geleyaa. Waxaa kuu
soo baxaya laba arrimood midkood:- In munaafaqii nugu batay iyo/ama
in la buko oo daawo loo baahan yahay. Maadaama xubnihii jirka
Soomaaligu kala gogo’een oo aysan jirin maskaxi, arrinta luguma
fasiri karo munaafaqnimo.
Unuggii kaamil ah oo fayow baa diinta Islaamka si kaamil ah u
wada fahmi kara oo ku dhaqmi kara. Islaamku maahan Cibaadaysi
keliya, ee waa Hab-nololeed(way of life) dhammaystiran oo loogu
talagalay unug dhammaystiran(fayow). Unuggii aan fayoobeen, sida kan
Soomaaliga ma uu wada fahmi karo saddexda weegaar ee Islaamka:
Caqiidada, Cibaadaadka iyo Mucaamilaadka(Unugga iyo qayrkiis amaba
‘wixii unugyadu kala mudan yihiin’). Unugga Soomaaligu wuxuu badi
fahmi karaa oo ku dhaqmi karaa labada hore oo keliya. 99% waa la
wada cibaadaysanayaa, xaaraanta (tus, khamrada, khaansiirka, iwm.)
looma dhowaado, laakiin unug aydaan isku xubin ahayn(Qayrkaa) shaqo
kuma lihid. Wax walbaad ku samayn kartaa…Handadaad, xasid, dil,
dhac, kufsasho, bililiqaysi, iwm. “Geeridu nimaadan aqoon( isku
xubin ahayn) iyo geeljireey ku fiican tahay (si hadhow geeliisa loo
bililiqaysto!) bay Soomaalidu tiraahdaa. Bal xaggee lugu arkay geeri
fiican??!! (Digniin:Ulakas baan uga leexday ulajeedddadii dhabta
ahayd ee maahmaahda!). Mar haddii maskaxdii unuggu aysan fayoobeen,
oo aysan kaamil isu arag, aqoon kastoo la yeesho ama wadaad kastoo
la noqdo, waa hal bacad lugu lisay. Diinta iyo aqoontaba aragti
xubneed baa lugu eegayaa. Bal xusuuso, akhristow, maahmaahdii ahayd,
fiqi bahdii(xubintii) kama janno tago. Ummad badi wada
cibaadaysanaysa oo haddana badi is wada cunaysa!!!
Xilli kastoo la soo marayba, dhib baa ka haysatay haweenka
Soomaaliyeed. Dacwadahoodu weli waa socdaan. Matalan, samanki
kacaanka, haweeneydii ninkeedu u diido inay aaddo golaha hanuuninta
dadweynaha (orientation center(ka), waxay oran jirtay,”sarkaal hebel
ama wakiil xisbi hebel baan kugu dacweynayaa.” Amaba toos bay u aadi
jirtay. Haddana tii (qurbaha ku sugan) oo ninkeedu u diido inay
aaddo muxaadaro ama ka dhegeysato paltalk(ga), Iimaam ama wadaad baa
khadka soo gelaya! Waxaa kaloo jira qaar, markay dalkii joogeen u
ekaa nooca loo yaqaan “Jabane kabto” oo kolkay qurbaha yimaadeen u
xuub siibtay “kabane jebiso” oo niman badan ku riday buufis,
fadqalalow iyo kalaguur (separation). Inay sida ka noqotay, ama ay
niman ka aargoosi ka tahay, ama wax kale istuseen, ama latusay,
Illaah baa garan kara! Dhanka kale markaan eego, waxaad arkaysaa in
badan oo weli dalkii ku sugan oo isku haya hawlahoodii xaasnimo iyo
hooyonimo iyo weliba shaqooyinkii ay dayaceen nimanka rooxaanta
qaba. Haween badan baad dalkii ku arkaysaa, iyagoo ilmo xambaarsan
suuqyada yaanyo ama xataa qaad ku iibinaya, nimankiina ay u
qaybsameen kuwo qayilaya, ama qalaadaya, ama qoryo haysta ama
qablamaya ama qurbe sugeyaal ah. Sidoo kale, nimanka qurbaha ku nool
ee buufiska ka badbaaday, Eebbe ka sokow, xaasaskooda baa mahadda
iska leh!!!
Joker(ka) noo harsanaa ee laysku badbaadin karay wuxuu ahaa
Diinta, isagiina si khaldan oo aqoon yari, siyaasad xumi iyo virus Q
u sabab yihiin baa loo isticmaalay.
Maadaama xubnaha kala yaacaya ay markii horeba ka tirsanaayeen
jir muslin ah, ayay unuggyo ka tirsan xubnaha qaarkood la noqotay
gariisa ahaan (by instinct); ’in jirka Soomaaliga dib laysugu soo
cesho, iyadoo la adeegsanayo shareecada Islaamka’.
Halkii ay isku hawlin lahaayeen badbaadinta iyo nafaqaynta
Dhiciska iyo daaweynta iyo soo kicinta Maskaxda suuxsan, ayay iyagoo
si xawli ah u socda xoog u dhex galeen xubnihii jirka qaarkood.
Sidoo kale, halkii ay la xiriiri ama kaashan lahaayeen unugyada kale
ee xubnaha jirka, ee laftigoodu rabay shareecada Islaamka – bay
la noqotay inay iyaga keliya wataan islaamkii saafiga ama runta ahaa
(pure or real Islam!)
Qaylo dhaan iyo waa waray baa bilaabatay. “Hanalaga soo gaaro
unugyadaan… waxaan isaga difaacno ma haysanno…Maskaxdii naga dhicin
lahayd weli waa suuxsan tahay…iwm.
Si dhiciska loo badbaadiyo, xubnahana looga cesho
soogalootiga(antigens), ayaa adduun- weynuhu soo gurmaday. Haatan
adduunku wuxuu goostay inuu jirkaan iska soo taagan ee 17(ka) sano
bilaa maskaxda ah wax ka qabto. Waxaa xusid mudan in noo soo
gurmadka adduunku ay unugyada jirka Soomaaliyeed ku dhalisay laba
mawjadood oo kala aragti ah.
Qole qabta in soo galooti shisheeye (foreign antigens) oo cadow
ahi ay jirka Soomaaliga xoog ku soo galeen; iyo qolo qabta in la
helo cid naga xoog badan (waxay rabto ha ahaatee) oo xubnahaan isku
dhex raftay dib isugu keenta. Qolada hore waxay leedahay, marnaba
macquul maahan in cadow kuu gargaaro; qolada dambena, waxay la tahay
in cadowga laftiisa laysku daaweeyo. Tusaale ahaan, si dadka
jirrooyinka halista ah looga badbaadiyo, laftigooda ayaa lagu
tallaalaa (vaccination); sidoo kale, haddii loo leexdo suugaan
carruureedka Soomaalida, waxaa jira googaale xigmad weyn ku fadhiya
oo carruurtu isku xujeeyaan. “Col ku dilay ciidan mood” – oo
jawaabtiisu tahay “Qodaxda”. Reer miyigu , markii qodaxi muddo mid
kalay isaga bixiyaan! Illeyn irbad iyo wax kala toona lama haystee.
Nimankii ummadda neefta ku ceshay oo maarada loo waayay, baa la
yiri, “ Na hoggaamiya oo Maskax(dawlad) noo foosha oo mooryaanta
kale ee yaryar naqa qabta, idinkaa tab yaqaane!”. Arrinta cadowga
soo galayna in badan baa ciidan u aragta.
Intaanan dhan kale u gudbin, waxaa xusid mudan dhawr arrimood oo
bulshada badankeedu aysan si fiican u wada fahansanayn, oo ku
saabsan garta ama xaalka dhexyaal kooxaha cusub ee asalraaca isku
tilmaama iyo ahlu sunnah wal jamaaca; macnaha salaf saalixiin iyo
khalaf as-saadiqiin; macnaha ay leeyihiin ereyada sunnah, mad-hab,
fiqi, iwm. Ereyada samankaan badiba lawada hadal hayo waa Salafiya
iyo Sunnah. Horta ma jirto madhab la yiraahdo Salafiya. Qolooyinka
asal raaca ah ee diiddan tixraacidda fiqiga madaahibta (taqliid)
ayaa la baxay Salafiyiin, iyagoo ka wada inay u dhuun daloolaan
samankii Salaf saalixiinta oo ahaa muslimiintii labadii qarni ee ugu
horreeyey ee Islaamka (Saxaabadii, Taabiciintii iyo
Kuwii-sii-taabacay). Culimadii Islaamka ee timid qarniyadii 3aad iyo
4aad baa iyagana la yiraahdaa Khalaf as-saadiqiin. Ictiqaadkii iyo
ijtihaadkii culimadaas ayaa la yiraahdaa madaahibta Ahlu sunnah wal
jamaaca. Afarta ugu waaweyni waa Shaaficiya, Hanbaliya, Maalikiya
iyo Xanafiya. Usuusha Islaamku waa labo (quraanka & sunnada),
waxaase lugu kala aragti noqday fahamka(fiqiga) Usuusha oo noqday
(Furuucda).
Habkii (method) ay culimadaasi Usuusha u fahmeen oo u fasireen
si loogu dhaqmo ayaa mad-hab la yiraahdaa. Fahamka Usuushu(Quraanka
& Sunnada Nebiga scw), iyo fasiriddooda iyo ama xukun ka soo
saariddoodu aqoon farabadan oo ugu yaraan 15 maaddo lugu sheego bay
u baahan tahay.Tusaale ahaan waxaa ka mid ah : Cilmu Luuqa
(philology of language); Naxwe (syntax); Sarf (etymology); Ishtiqaaq
(derivatives); Cilmul macaani (knowledge of semantics); Cilmul
bayaan (knowledge of figures of speech); Cilmul balaaqa (knowledge
of rhetoric); Cilmul qiraa’aat (knowledge of the art of
pronunciation); Cilmul Cibaadaat (knowledge of the fundamentals of
faith); Usuul fiqi (principles of islamic Jurisprudence); Cilmul
xadiith (knowledge of axaadiith); iwm. Wadaaddada hadda jooga
qaarkood baa yiraahda culuumta aan kor ku soo sheegay waa bidco oo
kama soo aroorin (ma jirin) samankii Salafu Saalixiinka !!! Sidaas
daraadeed, loomaba baahna!!!!
Fiqiga Waddamada Islaamka waa Ijtihaadkii iyo fahankii afarta
A’imo.Tusaale ahaan: Aljeeriya, Morocco,Liibiya, Bahrain,
Muritaanya, iwm waa Maaliki; Turkiya, Aasiyada dhexe, Pakistan,
Bangladesh, Iraaq, Balkans(ka), iwm waa Xanafi; Sucuudi Caraabiya,
Qatar, waqooyi bari Omaan, iyo Imaaraadka qaarkiis waa Xanbali;
Soomaaliya, muslinka Ethiopia, Yemen, Indonesia, Malaysiya, muslinka
Filibiin, iwm waa Shaafici.
Mad-hab kasta waxaa usuul u ah Quraanka iyo Sunnada. Usuushu
maahan wax sidii Dastuur oo kale qodob qodob u qoran( article by
article).
Shareecaduna waa xeerar iyo qawaaniin laga soo daliishaday
Quraanka, Sunnada iyo weliba Ijmaaca iyo Qiyaasta culimada. Matalan,
Succudiya oo Shareecada Islaamka ku dhaqanta haddii ay qof dembi
galay ku xukunto 6 bilood oo xarig ah. Meelna kagama qorna Quraanka
iyo Sunnadaba 6 bilood oo xarig ah. Waa qodob xeereed lagala soo
baxay aayad quraan ah ama nus hadiith ah. Si xeer, sharci, go’aan
ama Fatwo looga soo saaro Usuusha waxaa loo baahan yahay fiqi.
Dadaal aan yarayn iyo ijtihaad farabadan bay soo galeen culimadii
hore ee Islaamka. Haddaba, haddii fiqiga la dhinac maro sidee dal
ama dad loogu dhaqi karaa shareecada Islaamka? Markii la waydiiyo
wadaaddada asal raaca ah , marjaciyaddooda ama fiqigooda ay
shareecada Islaamka Soomaaliya ugu dabiqi doonaan, jawaab ku
qancisa ka helimaysid.
Dhinac kale haddaan eego, sheegashada ay leeyihiin Quraankii iyo
Sunnadii keliya baan haysanna, baa caamadu is tiraahdaa iyaga keliya
baa saxsan amaba waaba firqatul najaat (kooxda badbaaday).Waxaad had
iyo jeer qurbaha ku arkaysaa qolooyin aad u khushuucsan oo qaba in
diintaba qurbaha lugu bartay. Diinta yaanba si fiican loogu dhaqmin,
laakiin Soomaaliya bilaa Diin ma ahayn.
Qolooyinka aaminsan in Dahaarada qurbaha lugu bartay, baan waxaan
ku xujeeyay bal inay ii soo helaan qof Soomaaliyeed oo reer Baadiye
ah (tus.geeljire) oo aan aqoon ereyga “Istijo!” amaba intuu
muraadaysto aan isagoo isnadiifin iska kaca!! Afarta wax ee ugu
horreeya wax ka sheegga Islaanimadii Soomaaliya waa “Waa la digriyi
jirey; mawliidkaa loo dabbaaldegi jirey; ahlu qubuurtaa la baryi
jirey iyo Suufinimo!”. (Nin baa laga hayaa, ‘Maanaa suufiya mise
dadkii baa salafiyoobay!!!’. Horaa waxaa isugu soo dhacay ‘Saalixiya
& Qaadiriya’, samankii Daraawiishta, hadda oo lugu jiro samankii
Maxkamadaha, ‘Salafiya & Suufiya’ baa si xun ceega isugu haya.
Eebbow kuwii roon reerka u daa!). Keddib si loo badbaadiyo Unugyada
Soomaalida, waxaa dalkii iyo qurbahaba ka bilawday muxaadarooyin iyo
tabliiq ku salaysan Manhajyo ka soo arooray dhawr Shiikh oo
(magacyadooda la yaqan) oo ka mid culimadii hore iyo kuwa samankaan.
Wixii culimadaas ka aragti duwanna waxay geleyaan baabul Bidco iyo
taqliid.Unug Soomaaliyeed ee rooxaan qaba, hadduu arrimaha qaarkood
ka hadlo waa lugu soo boodayaa oo looma adkaysan karo. Markayse
arkaan unugyo ajnabi oo Burji leh oo digrinaya (tus. dalka Suudaan,
ama sunno afar afar rakcadood ah tukanaya ama tusbax kugu soo
halgaadaya salaadda keddib (sida Turkiga) ama gacmo sii days ku
tukanaya (sida Liibiya) hoos bay isaga hogtaan oo kuma dhacaan inay
tabliiqiyaan ama wax u saxaan si kastay Carabiga u yaqaanaan.
Hadday qolada badbaadaysa isu arkaan, maxay laftigoodi u kala
firiqsan yihiin? Oo manhajyadoodu u kala duwan yihiin? Waxaa jira
Salafiya jihaadiya; Salafiya tazfiya; Salafiya siyaasiya, Salafiya
jadiida(neo-salafism) iwm. Fikriyan waxaaba ila macquulsan qolada
labaad oo qabta in marka hore qofka diintiisa si fiican loo baro,
intaan lagula xisaabtamin oo aan la karbaashin! Waxaase dhacday, in
markii la yiri, ‘war Ilaahay xaggiisa haloo noqdo oo dadka Usuusha –
Quraanka & Sunnada – hala baro, inay wadaaddo u badan kitaabgaab, la
noqotay inaan Fiqiba loo baahnayn!!! Waxaa kaloo xusid mudan
magacyada kala duwan ee kooxahaani la baxeen ee la wada
garanayo.Waxa alla wixii aragtidooda ka duwani waa bidco. Arrintoodu
waa ‘Sida aan annagu u fahannay Usuusha oo keliya baa sax ah.’
Ereyada ugu hadalhayska badan qoloyinkaan, waxaa ka mid ah,’sooma
aroorin, waa bidco, xadiis cad baan haystaa!, waa sunno! Iwm.’
Ereyga ‘Sunnah’ waxaa mar loo isticmaalaa qaybta labaad ee
Usuusha Diinka.(tus. Quranka iyo Sunnada); mar kale, waxaa loo
isticmaalaa wixii ‘aan faral’ ahayn sida salaadaha sunnada ah, waxaa
kaloo loo isticmaalaa’sunooyinkii – (caadaat)kii nebi Maxamed – scw.
Matalan siduu wax u cuni jirey, ama u seexan jirey ama u lebisan
jirey iyo wax Alla wixii uu samayn jiray ee aan ka mid ahayn
Shareecada. Qolooyinkaani markay muxaadareynayaan, ma kala saaraan
macnaha Sunnada. Ma kala sheegaan in sunnada ay ka hadlayaan ay
tahay mid “qawli, faacili ama taqriiri ah – verbal, actions and
tacit approval” ama xataa ay tahay “Sunnah tashriiciya ama gayra
tashriiciya – legal and non legal Sunnah.”
Intaas waxaad maqlaysa “Waa sunno!”. Oday Soomaaliyeed oo qurbaha
jooga oo arrintaani ka bad badatay baa yiri baa la yiri: ”Kaalaya,
horta ninkii faral la oran jirey ma Soomaaliya baan uga soo
kacnay!?”
Iyadoo awalba bulshadu la rafanaysay buktada Virus Q(ga), ee
rooxaanta ku shaqaysa, baa waxaa waayadaan dambe xagga Diinta naga
soo galay arrimo muslinimadii unugga shaki gelinaya.
Badiba waa la wada xusuusan yahay amuurihii soo bilawday samankii
kacaanka ee tartiib tartiibta u soo xoogaysanayay, illaa hadda ay
soo gaareen heer aan loo babac dhigi karin. Dhallinyaradii iyo
waaridyadii isku dhacay, keddib markii dhallinyaradu yiraahdeen,
‘Xalaal iskuma aydaan soo guursan,’ ama ‘waa inaad hadda diinta soo
gashaan oo aad ashahaadataan.’. Aayadahii Kufaarta ku soo degay oo
laysku soo dejiyay! Guryihii ama qoysaskii la dumiyay, keddib markii
rag badan xaasaskoodi laga furay, iyadoo sabab looga dhigayey
taarikul salaadnimo iwm. Ugu dambaystii, waxaa haddataan weli jira
qolooyin qurbaha iyo dalkiiba ku sugan, oo haddaad neef usoo
gawracdid aan hilibkiisa cunayn amaba aan salaad kula tukanaynin
haddaysan iyagu Iimaam kuu ahayn, oo ay Islaanimada iyo
Soomaalinimaduba idinka dhexeyso!!!!!!!!!!!
Waxaa keliya ee noo haray waa in nala daaweeyaa, weliba si khasab
naxdin leh ah(enforced Shock therapy), oo qaliin nalagu sameeyaa, si
xubnaha jirka Soomaaliga dib laysugu wada tolo. Markaasna ay wada
shaqayntii jirku ay dib usoo noqoto. Niman badan baa ku dooda oo
yiraahda ”war jirka Soomaaliga iyo xubnihiisa ha laysu daayo …iyagaa
is fahmi doona e” iyo “ Uma baahnin takhaatiir (faragelin
shisheeye).”. Bal adigu, Reer Jeegoyahan iyo Reer Ciribyahan ma
kulmin kartaa,amaba ma ka dhaadhicin kartaa inay yihiin xubno hal
jir ka wada tirsan oo isku DNA ah? Maskaxdii iyo dareemayaashii ay
isku fahmi lahaayeen baan weli jirin!
Waxaa jirta in cudurka waalidu uu noocyo iyo heerar kala daran oo
kala duwan leeyahay. Soomaaliduse waxay waalida u taqaan mid keliya.
Kan qofka la xirxiro. Qofi waa ama waalan yahay ama waa
miyirqabaa(fayow yahay). Wax ka dhexeeya lama yaqaan.Buufisku waa
nooc ka mid ah waalida heerka hoose. Waxaa dhacda in qof caato ahi
isu arka inuu buuran yahay, oo uu cunnada ka waantoobo illaa uu
lafalafo noqdo. Markuu muraayad isku fiirshaba, cayilkiisa ayuu ka
naxaa.Qofku waa isla caafimaad qabaa, cidna ka dhegeysan mayo inuu
baan u baahan yahay. Sida keliya ee lugu daaweyn karo waa in si
jujuub ah(khasab) ah isbitaal lugu jiifiyo. Cudurkaas waxaa la
yiraahdaa Anorexia. Sidoo kale,waxaa jira mid qofku ku waasho cunno
cunid oo la yiraahdo Bulimia. Waxaa kaloo dhacda in qofi ismoodo
wuxuusan ahayn, sabab kasta ha lahaatee. Waxaa jiray nin ismooday
inuu yahay xabbad masaggo ah. Nin wuxuu ahaa sidiisa kale caadi u ah
oo fayow oo aadan wax yarna ka dareemayn. Dhibta keliya ee ninkaas
haysay waxay ahayd Digaagga(Doorada) oo uusan arki karin oo uu ka
baqayay inay kub siiyaan( cunaan!). Isbitaal baa la geeyey oo muddo
dheer la daaweynayey oo laga dhaadhicinayey inuu qof yahay. Ugu
dambaystii,markii imtixaankii laga qaaday uu ku gudbay oo la yiri
waad bixi kartaa, buu inta dhaqaaqay haddana dib usoo noqday oo
takhaatiirtii su’aal waydiiyay:
“Anigu hadda waan fahansanahay inaan qof ahay, laakiin digaagga
ma loo sheegay inaanan masaggo ahayn !!!”. Isbitaalkii baa lugu
ceshey.
Unug(qof) aan isu haysan inuu unug yahay, balse isu arka inuu
yahay xubin ka mid jirkiisa (sida ninka xabbadda masagada ah
ismooday), matalan Garabyahan, hadduu Diinta ama cilmi adduunyo wax
ka barto, maxaa laga fili karaa?
Unugga(qofka) Soomaaligu burji ma leh, sababtoo ah wuxuu isu
haystaa inuu xubin yahay, (tus. Cududyahan – bah Saddexsuulle,
iwm.). Haddaba, ma lagu tilmaami karaa, mid kaamil ahoo wada leh
astaamaha unugnimada(qofnimada)? Illaa yaraantiisi ayaa lagu soo
ababinayay inuu yahay xubin. Waxa keliya ee maskaxdiisu fahmi karto,
waa ka tirsanaanta iyo difaaca xubinta uu ka suntan yahay. Diin
kastoo la barto ama aqoon kastoo la yeesho, waxay la mid tahay biyo
lugu shubay dhul dalcad ahoo sibir(shamiito) ah. Badi waa ka wada
dareerayaan. Xoogaaga qoyaanka ah ee soo harana, wuxuu ku eegayaa
ama ku fasirayaa aragtii Xubinyahannimo. Waxaad arkaysaa ama
maqlaysaa wadaad caalimmo ducaynaya oo leh, ‘Ilaahow jebi
cadowgeenna ama gaalada’, isagoo ula jeeda reer hebelyahan. Ama
waxbarte cilmi farabadan ku soo qubaystay oo ka hadlaya badbaadinta
jirka Soomaaliga, isagoo ku eegaya aragtii xubneed (tus.Cagyahan –
bah Rays magaadho!!!).
Aqoontu inta ay ku kooban tahay xubin keliya xigmad iyo garad
toona ma yeelato. Unugga Soomaaligu weli ma uusan noqon mid isagu
mas’uul ka ah falalkiisa oo qaan garay. Wax alla wixii xaggiisa ka
yimaada, shar iyo khayrba waxaa ka mas’uul ah xubinta uu ku
abtirsado.
Abtirisku (barashada iyo qaadsiinta virus Q(ka).), waa qaybta
ugu muhiimsan uguna horreysa korinta iyo barbaarinta carruurta
Soomaaliyeed. Ka tirsanaanta reer Geedyahan ama reer Bahalyahan ayaa
hadhow ka xoog badata Diinta, Aqoonta, Akhlaaqda, Ilbaxnimada, iwm.
Addunweynuhu, carruurtu markay dhashaan, waxay ka tallaalaan
cudurada halista ah sida dabaysha (polio), innaguna lid ahaan
(bilcaksi), mid halis ah oo maskaxda ilmaha dammaad joogta ah ku
dhaliya (virus Q) ayaan qaadsiinnaa. Tallaalka waxaa laga sameeyaa
soo galooti (antigen) – bacteria ama virus – sababa cudurka. Soo
galooti(antigen) waa wax kastoo qalaad oo markay jirka soo galaan,
jirku iska difaaco.
Ilmaha dhashay markii la Qaadsiiyo(lugu rido) virus Q(ga) wuxuu
markay koraan, u sahlaa adeegsiga iyo ku kalsoonaanta qabyaaladda.
Waa cudur halis ahoo lays qaadsiiyo. Waa cudur qofkii aan qabin, ay
khasab ku noqonayso inuu hadba ka cararo meeshii lugu sheego ama
qofkii qaba. Maadaama bulshadii oo dhammi wada qabto, haddee sabab
loo kala cararaaba ma jirto! Meel laga wada waalan yahay haddaad
miyir qabtid, wax falan baad noqonaysaa!!! Hadda waa dhici kartaa
inaad maqashid qof buka oo leh, matalan, “barbar iiga durug, hargab
ama TB baa igu dhacdee…Weli lama gaarin , in la yiraahdo, ”barbar
iiga durug,Virus Q baan qabaaye.”
Iyadoo maskaxdii jirka Soomaaligu ay kooma ku jirto, isfahankii
iyo wada shaqayntii xubnaha jirku ay mar hore istaagtay, oo xubno
badani horey isugu soo rafteen (adigoo ah unug
wax-iska-caabin(antibody), haddaad u gudubtid ama gashid xubin kale,
waxaad noqonaysaa soo-galooti(antigen).) ayaa waxaad maqlaysaa ama
arkaysaa unug-xubneedyo siyaasadda ka hordega oo si indho-adayg
fooqal caqli ah oo aan horay loo soo arag uga hadlaya siyaasadda.
Waxay yiraahdaan, “Marakan ma jiraan xubno is haysta ama isku
rafanaya – Waxa yaalla waa arrin siyaasadeed oo ah sidii laysu
fahansiin lahaa ama meel loosoo wada fariisin lahaa unugyada
waxiskacaabinta(antibodies) iyo kuwa soogalootiga (antigens) ee
jirka Soomaaliga.”. Unugyadaani, waxay ila tahay inay ku hamminayaan
in unugyadooda haatan ku sugan ama ku dhex jira xubno aan degaan u
ahayn – in sidooda loo daayo – sidaasna jirku dib isugu fahmo!
Macquul ma tahay in unugyo ka tirsan reer Cududyahan ay ka taliyaan
reer Kubyahan?!
Daawada jirku waxay ku jirtaa in marka hore la kala saaro
unugyada waxiskacaabinta iyo kuwa soogalootiga…Jirkoo dhanna dib
laysu qabadsiiyo…Maskaxdana lala tacaalo inta ay koomada ka soo
kacayso, si dhiciskuna u badbaado oo uu burji u yeesho oo uu
caafimaad ugu koro. Haddii kale, ama waa dhimanayaa ama isagoo
rooxaan qaba ayuu korayaa!!!! Hadduu qaangaaro isagoo rooxaan qaba,
Isku-dhex-rafashadii ayaa haddana kow laga soo bilaabayaa iyadoo
nakhtiin ah.
Diinta Islaamku waxay shaqsigii jaahiliga ahaa ka xoreysay
nidaamyo iyo dhaqammo hortaagnaa. Islaamku kor buu u qaaday
karaamadii iyo sharaftii qofku lahaa. Qof walba oo qaangaar ah
isagaa ka mas’uul ah falalkiisa (xumaan & samaanba) adduun iyo
aakhiraba.
Haddii xataa walaalka uu wax dhaco ama uu cid dilo, adigu dembi
kuma lihid.
Toban sano ayaa Talyaanigu na barayay sida loo qaangaaro (waagii
AFIS). Keddibna bannaanka ayaa nalagu siidaayay.Waxaynu ahayn toban
jir laga dhaadhiciyay amaba lugu yiri “waxaad tahay Qaangaar” oo
dastuurkii iyo nidaamkii waayeelka(adults) farta laga saaray.
Keddibna annagoo 19 jir ah baa barbaartii noo kacday ay qoor
sagaaro nuqu qabteen, oo layska furfuri waayay, maadaamaa qoortii
iyo gacmihii isku kokeen – sidii wax qalal qaba. Markaad xaalkeenna
sidaas u fiirisid, shaki baa ku gelaya oo waxaad is leedahay meesha
habaar kama marna! Yaraanteydii baan maqli jirey, ruuxii baras ku
dhaco abtigiis baa habaaray.
Waa iga su’aale, Yaa Soomaalida reer abti u ah? Tolow ma rixinkii
baan goynay? Waa iga dhabe, horta ma nala habaaray mise waa nala
sixray mise il baa nugu dhacday mise sidatan baa naga dhab ah oo dad
bukoo aan isu ogayn baan nahay!!!???
Haddii sheegashada Soomaalida la raaco, waxaynu nahay iska dhal,
alyacni xubnaha oo dhammi waxay wada galaan Carab, afrikaankuna waa
inoo reer abti . Haddii afrikaankiina aan yasno oo aan is kala weyn
nahay, kana faaneyno, carabtiina ay na deyrisay. Maxaa inoo yaal?
Iska dhalku dhibaato iyo faa’idoba waa leeyahay.Waa mare waxaa la
yiraahdaa waa caqli badan yihiin, marka labaadna, waxaa iska riixa
reer abtigood iyo reer adeerkoodba. Sida ku dhacda carruurta ay isu
dhalaan waarid kala ah madow iyo caddaan. Ummad reer abtigood nacday
oo inkirtay, oo nabsi ahaan, iyagiina aabbeyaashood inkireen, maxaa
laga fili karaa?
Xataa waa adag tahay si aan reer adeerkeen ula xididno! Si kastoo
Muslinimadu nooga dhexeyso, nooma ay quraan inay gabdhohooda asalka
(carabta dhabta ah) ah na siiyaan! Dhankaas way ka cunsurisan yihiin
reer galbeedka.
Waad heli kartaa nin carab ahoo inta gabar Soomaaliya soo doonay
la siiyay (ama ay isa-siisay) oo xaflad loo sameeyey, laakiin, heli
maysid nin Soomaali ahoo inta gabar carab ah soo doonay la siiyay
xafladna loo dhigay. Hadduu jirana waa 0.0000000001%. Arrintani waa
tusaalaha ugu qeexan ee muujinaya in reer adeerken na dayriyeen.
Waxaa taas ka sii daran, marna ma is weydiisay inta uu le’eg
yahay(tirakoob ahaan) waxtarka naga soo gaaray waddamada carabta
(guudahaan), muddadii dheereyd ee jirka Soomaaligu isku dhex
rafanayay?? Carabta samankaan joogta, cisada iyo xurmada Soomaalidu
u hayso uma ay hayaan.
Marmarka qaarkood,waxaabad isleedahay virus Q(guba) xaggaa iyo
dhanka reer adeerkeen buu naga soo galay. Bal u fiirso, inta ay tiro
le’eg yihiin, haddana aysan midaysnayn. Waa ummad isku af iyo diinba
ah, oo kala firiqsan, oo xataa awoodi kari waayay inay walaashood
Falastiin yuhuudda ka dhacshaan. Laftigeenna, haddii gobol waliba uu
noqon lahaa waddan gooni ah, oo meel dhexdeenna ahi ay qole kale
qabsato, weligeen kama dhicineen.Tabtaas haatan Carabtu ku sugan
tahay baan tegi lahayn. Afrikaankuba waa leeyahay virus (ka),
laakiin waa xubno inta badan kala af iyo dhaqanba ah(tus.Kikuyo iyo
Masai) oo isticmaarku isku kabay oo waddan ka dhigay. Isticmaarku ,
dadkii kala duwanaana waa isku kabay ,kuwii islahaana (sida
Soomaalida)waa kala qoqobay oo qaybsatay…Inta arrini sidaa tahayna,
Afrika weligeed ka bixi mayso wareer.
Sideedaba, jahliga (aqoon la’aanta) waxaa looga ciil baxaa
waxbarasho; gaajadana cunno; cudurkana daawo ayaa loo raadshaa;
geeriduna waaba xaq. Waxaanse xal iyo daawo loo heli doonin dhallan
rogmadka(acculturation!) ku dhacaya jiilka ku dhashay ama iyagoo
yaryar la keenay qurbaha (gaar ahaan Yurub, waqooyi Ameerika ).
Waarid badan baa walwal iyo wareer iyo harjad qurbaha la fadhiya, oo
si ay wax yeelaan iyo meelay ula cararaan carruurtooda aan
garanaynin. Niman rooxaan qaba baa dalkoodii hooyo saar ku tumanaya!
Halkay hadda joogaanna waaba xaruntii (HQ) shaydaanka, annaguna
qaxooti baan ku nahay. Dhulkeeni iyo xataa waddamada Islaamka oo
dhan shaydaanku wuxuu ku yahay qaxooti had iyo jeer layska naari
karo oo bil kastoo Ramadaan la xiro!! Halkaanse waaba gurigiisii oo
haddaad damacdid iska naar, adigaa naarmaya oo halis u ah in buufis
kugu dhaco! Marka waa un weligaa dhufays ku jir!!! (waa sarbeeb &
kaftan dhable wada socda!!!)
Waxaan qabaa in nasiibkeennu (biskoodkeennu) uu ku dhex jiro
nasiibdarrada ina haysata, taasoo aan ula jeedo, inaan maanta fursad
u heli karno inaan keligeen daawadeenna raadsanno. Shardiga ugu
horreeya uguna muhiimsan waa in bal marka hore ruux waliba uu fahmo
kuna qanco inuu buko!(baabul qanaaca).
Sida ruuxii aan wax garanayn laakiinse garansoon inuusan waxba
garanayn, wax loo bari karo, ayaa ruuxi buka oo garansoon inuu
buko, loo daaweyn karaa! In la wada buko, waxaa daliilkeeda,
daqnashada, xanuunka iyo isnidaamiska (nooc xajiinta ka mid ah) ka
dhasha, markii xubinta qof ku abtirsado laga taabto, riixo, ama
looba dhowaado. Ama wadaad caalima ahow ama jaamici ahow ama
mooryaan ahow,waa un la wada daqnanayaa. Nimaan boogi ku oolini ma
jiro, hadduu jirana, waxbaa si ka ah!!!(ha qoslin…qosol nooma
bannaanee!). Xanunka ina haya maahan mid inta Aspirin la liqo
haddiiba laga boodayo. Waa la dacaraysan yahay (la sumeysan yahay!).
Waa xanuun ka biskoodkiisu muddo dheer qaadanayo, waxaanse awoodi
karnaa, Ilaahay idankiis, inaan facaha dambe ka badbaadinno, oo aan
dhaxal uga dhigno wanaag oo idil…Intaan isdaba qabanno.
Gunaanad
Ugu dambaystii, waxaan maqaalkayga ku soo gunaanadayaa sidatan:-
Soomaalidu waxay tiraahdaa: Dagaal waa kadare, rag isbartaase waa
door. Haddaba - Lays baray! – lakala adkaan waa! Laysma dhaamo!
Dhafoorada na wada qiicaya! Lays wada murxi – meelina nooma fayooba!
Wax walbaan isku soo falnay! xan, cay, habaar, nacalad, Inkaar,
candhuufo, qandhuufo, haraati, jeega dharbaar, turaanturayn, legdin,
dibir seexato, qoorsagaaro, feer iyo faralaab, ceego, hardi, handad,
boob, dhac, bililiqo, dhaawac, kufsi ( gabar iyo habarba!), illaa la
soo gaaray, “War nin yohow (ama – Ina adeerow) Ashahaado, inaan ku
dilaan rabaaye!!!!!!” Oo inta looga dhabeeyey la dilay!!! Intaanan
ilmada hadda iga timid iska tirin, akhristow, wax miyaa haray aan
illoobay inaan xuso????????!!!!!!!!!!
Qolooyinka illaa haddadaan warmaha afaysanaya, ma nakhtiin bay
rabaan mise qallaa ku jira??!??
Soomaaliyay, ama aan isdaba qabano ama oggolaada in nala xirxiro,
si naloo daaweeyo.
Haddii ay noo suurowdo inaan marakan isdaba qabanno, oo aannu ku
guulaysanno inay dib u soo noqdaan dowladnimadii, qaranimadii,
marjaciyaddii, karaamadii, qiimihii, sharaftii, qabkii(dhanka
suubban), qofnimadii, burjigii, barakadii, iyo RAGANIMADII luntay,
waxaa dhici doonta, Ilaahay idankiis, inaan waddamo badan oo
Afrikaan ah u noqonno tusaale lugu daydo – Hong kong, Switzerland,
Singapore or Dubai of Africa –la noqdo.
Ilaahay mahaddiis, dhulkenna iyo baddeenuba waa wada bikro, oo
waxaa ka buuxa amaba ceegaaga khayraad nooc walba leh. Bulshadeennu
weli uma soo jeensan, sababtoo ah, iyagaa isu jeeda oo is gubaya.
Dhulkeenna waxaa lagu qiyaasaa 637,657 km oo afargees ah, xeebteennu
waa tan Afrika ugu dheer! Bal ka soo qaad in Soomaalidu tahay 10
malyan, haddii dhulkaas loo qaybiyo, immisaa qof walba ku soo
aadaysa? Ma qof qadayaa jira?
Haddii aynu isla fahanno inaan buknoo daawo u wada baahan nahay,
oo aan isku hadaf iyo mabda’ noqonno, oo aan diinteenna si kaamil
ugu dhaqanno, oo aan tafaraaruqa ka dayno,
Waxaa dhici lahayd, inaynu ka xorowno ururada ku adeegta
samafalka; waxaa dhici lahayd in waddamada deriska nala ahi ay
dalkeenna shaqo ka soo raajicin lahaayeen; waxaa dhici lahayd in
qurbajooggu dalkoodii ku soo noqon lahaayeen; waxaa dhici lahayd in
laga badbaado saamaynta dhaqamada iyo caadooyinka xunxun ee reer
galbeedka; waxaa dhici lahayd in guurkii iyo aqal dhiskii kala
haadku hakiyey ay soo noqdaan; waxaa dhici lahayd…; waxaa dhici
lahayd…; waxaa dhici…; waxaa…; wax…..; Yaa dhammayn kara!!!
Dhammad
Xaashi Yaasiin Cismaan
Switzerland
hashiyosman@hotmail.com
12.09.2007