SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORMADA AXADDA
Daabaco Boggan | Print

Ardayda waxkabarta dugsiga H/Dhexe, iyo Sare ee Al-Bilaad ee Muqdisho..


Taangiyada Itoobiya oo Taagan Garoonka Muqdisho, Dec 06
William Zartman of Johns Hopkins University's School of Advanced International Studies says Somali dislike of Ethiopians runs deep. "One of my favorite Somali sayings is if you see a snake and an Ethiopian, kill the Ethiopian first because the snake might not be poisonous," says Zartman.  VOA
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Qisooyinkii ugu Yaabka Badnaa ee aan akhriyo ....

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

SomaliTalk,Nairobi,Kenya ,

Botaan1@hotmail.com


Qaybtaani waa tii labaad ee Qiysada aan ka soo goorinayno Booga la yiraahdo inhaa malikah '' dhamaadkii boqoradii waxaana qoray ninka wadaadka ah ee loo yaqaano Dr Mohamed Cabdirixman '' Alcariifi'' waxaana turjumay bootaan

Qaybtii Sadexaad

Qaybtii hore waxay noogu joogtay marka ay tagaan Xafiiska Passporada iyo waxa ay la kulmi doonaan hoos kala soco waxa dhacay marka ay tagen halkaasi.

Qaybtaan todobaadkaana waxaan ku soo qaadanaynaa’’ Markii waagi dhilaacay ayay waxay aadeen khaalid iyo xaaskiisii xarunta passoprada waxayna galeen dhismihii xarunta waxaayna u sheegeen arinta iyo passoprkada inoo dhacay waxaana uu ka codsaday shaqaalihii joogay xarunta passporada in ay keento passoprkdii hore ee dhacay si loo badalo iyo waliba sawiro cusub,khaalid xaasiikiisi ayaa waxay meeska soo saartay isla markiiba sawir ah Black And White oo aanan la fahmi Karin qofka sawirka leh kan waxaana ka mooqda oo kaliya wareega wajiga bani aadamka yacnii waa sawir aad iyo aad u madow.

Waxaa uu yiri shaqaalihii xarunta samaynta Passprada ‘’ Sawirada Madowga iyo Cadaabka ah waa mid khilaafsan shuruucda sawirada Passporada waxaanu rabnaa sawir kalar ah oo uu ka mooqdo dhagaha wajiga iyo tinmaha iyo waliba luqunta !!!’’ Khaalid xaaskiisa oo ay mooqato diinta islaamka si fiican ayaa waxay ka biyo diiday in ay miisaka soo saarto sawirka Black and white-ka ah balse ugu danbaytii markii ay is fahmi waayeen ayaa waxay aadeen xafiis labaad mid sadexaad iyo mid afaraad oo mid kasta uu shuruuda kii hore ku xirayo khaalid ayaa waxaa uu yiri meel kasta waan ka tagayanaa oo xaaskayga ayaa diidan in ay dhiibto sawir aan kan ahayn laakiin xaaskayga ayaa isku dayday in ay mark kasta ku qancisyo shaqaalaha xafiisyada waxayna lee dahay miyiinan arag sawirkayga muhiimada waa inaad I aragtaan aniga oo kaliya saiwrkaan ayaa idin ku filan waxaana la noo sheegay arinta xaaskayga in aan lagu xalin Karin meel aan ahayn xarunta ugu wayn passporada ee Moskow .

Safarkii Moskow.


Waxaa nala ku khasbay in aan u safarno dhankaa iyo magaalada Moskow waxaana tagnay dhanka magaalada caasimada ah ee Moskow si aan u tango xarunta ugu wayn samaynta passporada, waxan sii dagnay Hotel, iyadoo subuxiii markii uu dilaacay aanu aadanay xarunta Passporada ugu wayn waxaana u galnay ayaa uu yiri Khaalid markaasi ayaan u tagnay xafiiska waxaana ugu tagnay shaqaale ka mid ah xarunta waxaana uu nagu amray in aanu u tagno madax ugu sareeyo passorada dalka Ruushka.

Markii aan tagnay ayaa khaalid oo hadalkiisa sii wata ‘’ Madax ugu sarayo xarunta ayaa waxaa uu ahaa mid ka mid ah dadka ugu xun xun uguna khalafsan markii uu arkay Passorpdka ayaa uu daba gadiyay isagoo madax kor u qaaday waxaana uu yiri ‘’ Yaa cadyn kara in sawirkaan uu yahay sawirkaada’’ waxaaa uu doonayaa in ay wajigeeda ka qaado marada saran markaasi ayaa w axay tiri ‘’ u yeeray haweenka kula shaqeeyo mid ka mid ah si ay ii fiiriso wajigayga laakiin adiga miyaa waligay wajigayga ma arkidoontid ‘’ markaasi ayaa waxaa xanaaqay ninkii madaxa u ahaa xarunta Passporada markaasi ayaa waxaa uu qaatay kuna riday mel ka mid ah khaanadihiisa markaasi ayaa waxaa u ku yiri ‘’ mal lihid Passoprd cusub iyo mid horeba waxayna bilawday xaaskaygii in ay la hadashu iyadoo isku dayaysa in ay qanciso ninka ugu saraya xarunta balse aniga miyaa waan fiirn oo kaliya mana aan fahmayo afka ruusha iyo waxa ay is lee yihiin lakiin waan carooday mana aan samayn karo shayna xayskaygu waxay ku cel celinaysaa isii Passorpkayga iyo sawiradaya markaasi ayaan waxaan iri ‘’ Gacaliso eebe waxaa uu yiri ‘’ Naf ilaah ma dhibo ilaa wax ay awoodo ‘’ anakana waxaan ku jirnaa arin laga ma maarmaan ah ‘

’ waxay tiri Qofkii eebe ka baqa meel kale ayaa eebe meel kale ayaa loo furayaa waxana laga qoodiyaa meel kale oosan filaynayn'' hadalkii uu yiraahdo ayaad quraan ah bay ugu jawaabtaa isagana isagoo arintaasi ka duulaya ayaa waxaa uu bilaabay in uu ku qanciyo quraan balse waxay ku adkaysatay '' Qofkii EEbe ka baqa Meel kale ayaa loo furaa meel uusan filayna waa laga israaqaa '' .

Murankii iyo Qalayadii u dhaxaysay Madax Bixinta Passporada ee Ruushka iyo Gabdhaa Muslimada ah iyo qanciteedii Khaalid ayaa waxaa markii danbe uu amar ku siiyay shaqaalihiisii in ay ka saaraan meesha oo ay dibada kaga bixiyaan, Khaalid ayaa waxaa u yiri '' Meesha ayan ka baxnay anigoo naxariis aan u hayo xaaskayga iyo xanaaq aan u hayo ninka madaxda u ah xarunta bixinta Passaporada waana aanu tagnay Hotelkii anigoo mar kasta ku qancinayo in ay iska dhiibto sawirka laga rabo dad badan arki mayaan hawshana way noogu hagaagi balse warkaasi uu dhan mid uu u cad yahay maahan .

Ilaah Habeenkii saq dhexe ayaa midba midka kale ku qancinayay yeelada taladiisa iyadoo markii la gaaray saq dhexe markii la gaaray ay gabadhii u istaagtay salaatul Layl iyo ducaa dheer oo waagu ugu baryay .

Sidee u seexan Khaalid istaag

Khaalid ayaa markii uu dhinaca dhigay dhulka ayaa waxay ku tiri Xaaskiisa cajiibka badan '' walaal khaalid wad seexan xaalkena waad og tahay meesha uu marayo maad istaagtid oo aad ilaah ila barisid ama kaalmaysi dalabtid '' waxay tiri iyadoo hadalkii sii wadata Eebe ayaa naga saari doona inshaa alaah arinta aan ku jirnee '' laakiin khaalid ayaa isagu waxaa uu ahaa nin aad iyo aad u daalan dhinaca ayaa uu dhulka dhigay balse markii uu xoogaa hurdaba waa is rugaa isagoo fiirin mase mar ay taagan tahay oo ay quraan akhirn iyo mar ay rukuucsan tahay iyo mar ay qunuud ku jirto ayaa xaaleedu yahay maxaa ka fiican nolasha caynkaasi oo kale ah !!!!!!.

Akhri Qaybat 4aad....

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH