Qisooyinkii ugu
Yaabka Badnaa ee aan akhriyo ....
Maxamed Cabdi
Maxamed Bootaan
SomaliTalk,Nairobi,Kenya ,
Botaan1@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Feb 25, 2007
Qaybtaani waa
afaraad ee Qiysada aan ka soo goorinayno Booga
la yiraahdo inhaa malikah '' dhamaadkii
boqoradii waxaana qoray ninka wadaadka ah ee Dr
Mohamed Cabdirixman '' Alcariifi''
Qaybtii Afaraad
Qaybtii hore waxay noogu joogtay marka oo
khaalid seexday xaaskiisuna salaada u istaagay
ilaa waagu ka dilaacay salaadii subaxna soo
dhawaatay
Markii la gaaray xiligii salaada subax ayay I
kicisay ayaa uu yiri khaalid oo sheekadaan wada
markaasi ayaan kacay oo aan u waysaystay
salaadii subax oo aan isla tukanay aniga iyo
xaaskayga ,salaadii markii aan tukanay ka dib
ayay yara indhaha is galisay oo ay seexatay
maadaama waxay ahayd xalay oo dhan qof u taagan
EEBE-hii abuurtay oo ay salaad iyo duco ay ku
dhex jirtay,barqadii markii la gaaray ayaa waxaa
ay igu tiri xaaskaygii ‘’ waxaan Aadaynaa
xaruntii Passportada !!! ‘’ markaasi aniguu
yaaban ayaan waxaan ku iri oo maxaan ka
doonaynaa sawir miyaad haysaa ??!!!! balse iyada
oo ay ka muuqato waji fur furan ayaa waxay tiri
waan Aadaynaa ( ha ka qoosanina naxariista eebe
Laa taqnaduu Min raxamtilaah) markii aan aday
xaruntii passaporada oo aan galay, ka hor inta
aanan galin xafiiskii ugu horeeyay ayaa waxaa
nagu soo baxay gabdho na waydiiyay ‘’ ma waxaad
tahay Hebla iyagoo dareemay codkayga iyo
muuqaalkayga’’ markii aan u sheegay inaan ahay
hebladii ay sheegayeen ayaa waxay faraha ay iga
saareen Passapordkii oo uu ku dhan yahay
sawarkii an xijaabnaa ee lag iga diiday dhawrka
maalmood ee aan soo dhaafnay dhibkuna iga soo
gaaray ilaa aan ka nimid caasimada Moskow‘’ .
Khaalid ayaa ku
farxay arintaasi intay fiirisay ayaa waxay ku
tiri ( Qofkii Eebe ka baqa wado ayaa loo furaa
meel uusan filayna waa laga irsaaqaa Waman
Yataqilaaha Yajcal lahuu Maqkharajaa wa yar
zuquhu min Xaythu laa yaxtasib) salaadii xalay
iyo ducadii meel cidla ah ma ay aadin oo eebe
waa naga aqbalay waxii an waydiisay xalay .
Mid ka mid
shaqaalihii ayaa waxaa uu u sheegay in ay
magaaladii ay ka yimaadeen markii hore ku
laabtaan oo ay kaga soo dhufsadaan Tiimbare,
waana adnay magaaladii aan ka nimid markii hore,
khaalid ayaa waxaa uu is yiri ‘’ waa fursad
qaali ah oo aad ku soo baran doontid Ehelka
gabadha maadaama ay arintu idiin dhamaday markii
horna aan ku hishiinay marka ay noo dhamaato
arintu in ay u tagi doonan Ehelka markii loo
saaray Tiimbarihi ayaa waxay dageen guri u dhaw
kii ay dagnaayen xaaskiisi ehelkeeda .
Safarkii Cadaaba
!!!!!! Maxaa dhici doona .
Markii ay wax
kasta u dhamaatay oo ay u soo dhaw dahay
safarkoodii ayaa sidii balan ta ahayd markii
hore ay u tagaan qaraabada oo ay soo salamaan
isa soona bartaan .
Maalintii ay ku
hishiiyeen in ay wada aadan xafaada ayaa la
gaaray wayna is wada raaceen markii ay wada
gaareen irida hore ee guriga ayaa ay garaacday
irda Albaabka ‘’ khaalid ayaa waxaa uu yiri
guriga ayaa waxaa uu ahaa guri qadiim ah oo duug
ah waxaana laga dareemi karay in dadka dagani ay
yihiin dad reer tabareed ah ama farqi ah guriga
ayaa irida waxaa naga furay nin dhalin yaro ah
oo murqa waa wayn oo xoog badan markaasi ayaa
waxaa maradii wajiga ka qaaday xaaskaygii iyadoo
faraxsan oo ku booday oo mucaanaqaysay (=micnaha
surka is dhaafsaday Qaab ka mid ah salaanta
dadka kala dheer ay isu salamaan marka ay is
arkaa in mudu ah ka dib ) walaalkeed ayaa waxaa
ka mooqatay in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay
arkatida walaashiis balse waxaa dhanka kale ka
mooqatay inoo aad uga xun yahay qaabka ay tahay
isagoo si xun u fiiriyay dharka ay xiran tahay
ee xijaabka ah ee mad madoow .
Gurigii ayaan
gudaha u sii galay waxaana aan fariistay qolkii
fadhiga balse iyada ayaa waxay gudaha u sii
gashay gurigii halkaasi oo ay ku sugnaayeen
dhaman walaalaheed iyo walaalkiid balse
hadalkooda ayaa waxaa uu ahaa mid marba marka ka
danbayso kor u sii kacaya ilaa oo gaaray qaylo
anigu waxba kama fahmayn hadalkaa waxaa uu ahaa
afka Rushka balse kaliya waxan dareermay in oo
yahay hadal dagaal ku dhex jiro.
Qayladii ayaa
waxay gaartay in ay igu soo dhawaato marba marka
ka danbayso ilaa ay irada qolkii an ku jiray ka
soo gasho, waxaa ii soo galay sadex nin oo kan
ugu wayn yahay dadka 35-45ta jira garay ah iyo
kii xooga waynaa ee irida naga furay si dag dag
ah ayaa waxay iigu bilaabeen feer iyo laad iyo
garaacis aan la ii aaba yeelin iyagoo mel kasta
ugu dhuftay waxaana gaaray heer aan ay jihadii
iga lunto waxaana garan waayay albaabkii iyo
meeshii aan ka soo galay guriga balse markii
danbe oo ay naftu I qabtay ayaan iridii mar un
ka booday anigoo meel kasta dhiig iga socodo.
Waxaan tagay
Hotelkii aan daganayn iyadoo dhiig meel kasta
iga dareeyo sanka iyo wajiga ka dib markii an
tagay qolkii waxaan guda galay in aan iska mayro
dhiigii meel jirkayga la taabo oo aan dhaawac ku
oolin ma leh .
Khaalid ayaa
isagoo hadalkii sii wata ayaa waxaa uu yiri ‘’
waxan soo qaatay sawir ay lahayd xaaskayga
waxaana dhigay wajigayga hortiisa aniguu
fiirinayo mar kasta waxaana iri mahad waxaa leh
EEBE anga soo bad baadiyay waxuushtii I dili
lahaa aniga nin ayaan ahay oo waan iska
dulqaatay balse qoftaa haweenayda ah sida ay
yeelayaan ma u adkaysan toonto balse eebe ayaan
ka baryayaa in aysan dhibkooda ka xijaabo.
Akhri qaybta shanaad een Xigta iyo meesha ay ku
danbayn doonto xaaska Khaalid
Akhri Qaybtii 1aad
Somali Talk
Akhri
Qaybta 2aad....
Somali Talk
Maxamed Cabdi
Maxamed Bootaan
Botaan1@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2007