SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORMADA AXADDA
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Waa kuma...

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Nairobi, Kenya ,

Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2007


Waa kuma Aasaasihii Xarakada Ikhwaanu Muslimiinta maxaase ka taqaan taariikhiisa,qaab noocee ah baa loo dilay

Qormadaan waa Kuma ayaa ah  mid aan ku soo qaadanu dad muhiim ah oo isugu jira Culumo, Madax, Siyaasiyiin, Muhandisiin,Taariikhyahno iyo waliba dadka caanka ku dhex ah Bulshada,waxaana Idiin sahashay SomaliTalk.com  

Habada qormada maanta ayaan waxaan ku soo qaadan doonaa Aasaasihii Xarkada Islmaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin,Shiikh Xasan Axmed Cabdirixmaan (Ustaad Xasan Al Banaa) waxaa uu dhashay barqanimo maalin Axed ah 25kii bisha Shacbaan sanadkii 1324(Hijiryaha) 14kii October 1906, waxaana uu ku dalka Masar deegaanka loo yaqaano Buxayra.  

Waxaa uu ka soo qaatay aqoontiisa 20 shiikh oo uu ugu horeeyay aabishiis Shiikh Axmed Cabdiraxman. oo ka mid ahaa culumada ugu waa weynayd dalka maser  . 

Shiikh Xasan  Al Banaa waxa uu waxbarashadiisa  hoose ku qaatay dugsi lagu magacaabo Arshaad (Hanuunka) ka dibna waxa uu ku biiray dugsiga macalimiinta ee ku yaalay Dannuur.isagoo wax ka soo bartay oo Daarul culuum oo ku taalay magaalada Qahira ee Dalka Masar1927 xilgaasi oo uu ka qalan jabiyay  

Ustaad Xasan Al Banaa ayaa waxaa uu ka Aas aasay Magaalada Ismaciliya Dacwada Islaamiga ah isagoo bilaabay inuu dadka dhalinyarada u badan ahmiyad gaar ah siiyo sidii diinta islaamka ay u fahmi layeen isla markaana ay Raayada Islaamka kur ugu qaadilayeen waxaana uu helay dad badan uu ku raacay fikirkaasi.  

صورة:Ikhwan-logo.jpg1928 Sanad ka dib markii uu dhamaystay wax barashadii Magaalada Qaahira uu ka waday ee Xarunta Macalimiinta Daarul culuum ayaa waxaa uu aas aasay ururkii Ikhwaanu Muslimiin ka dib markii uu arkay islaamku in dhibaato ku bilaabatay markii ay bur burtay Khilaafadii Islaamiga ahayd ee Cuthmaaniyiinta 1921.  

4 December 1947 ayaa waxaa uu ka qayb galay Ustaad Xasan Al Banaa Banaan bax balaaran oo lagu teegarayo sidii Falastiin luu bad baadin lahaa ayaa uu ka qayb galay iyadoo ay ka qayb galeen Nus Malyuun ka mid ah Taageeriayaasha Akhwaanumuslimiin.  

Shirquulkii lagu dilay Shiikh Xasan Axmed Cabdirixmaan (Xasan Al Banaa) . 

Shirquulka dilka ah ee isaga lagu dilay maaheen mid naftiisa oo kaliya ah lagu doonayay in la khaarajiyo balse waxay ahayd tilaabo lagu doonayay in laga takhaluso dawcada Ikhwaanu Muslimiin sidaa waxaa yiri mid ka mid ahaa saaxbidiis.  

Qaabkii uu u shahiiday  Shiikh Xasan Al banaa ayaa waxaa nooga sheekanaysa Ustaad Cabdikariim Masnuur oo habeenka la dilayay ahaa ninkii kaliya ee la socday kana bad baaday in uu dhinto balse dhaawac halis ah uu haleelay.  

Waxay ahayd abaarihii iyo 8:15 PM galabnimo sabti ah taariikhduna tahay 12kii February sanadkii 1949kii , '' waxaan aaday  Xarunta  dhalinyarada Muslimiinta ay ku shiraaan waxaana loo sheegay Xasan Albanaa  in ay dowlada Maser doonayso wada hadal waxaana lagu yiri waxaa ka soo qayb gali doono kulanka masuuliyiin dowlada ah, balse cidna ma aysan imaan shiikhuna meesha ayaa uu u aaday si uusan u noqon nin balan ka baxay ,waxaan tukanay salaadii Cishaa'iga cid dowlada ka tirsana ma imaan waxaa uu yiri Xasan Al banaa waa baxanayaa waana   baxnay aniga iyo Shiikha ,waxaana aadnay banaanka Xarunta, waxaan u yeeranay gaari Taksi ah gaarigii ayaan raacnay ,waxaa uu fariistay Shhikh Xasan Al Banaa kursiga danbe ee gaariga aniga waan la fariistay anigoo ka dhan midig ka xigsatay,isla markiiba waxaa jidka bartankiisa taagan labo nin,mid ka mid ah ayaa nagu soo dhaqaaqay oo waxaa uu doonayay in uu dariishada gaariga balse aniga ayaa u diiiday laakiisne waxaa uu sitagay bastoolada balse daaqadii ayaa uu furay isagoo laabta xabad iiga dhuftay sheikh Xasan Al banana meeshaasi ku qaarajiyay .
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2007

Tixraac: Wikipedia.org,  Ikhwanonline.com, google sreach
 

Waa Kuma Ninka Soomaalida 90% ay ugu Necebtahay Afika maxayse ku Neceb yihiin.
Qoraa soomaaliyeed ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi waa Ninka ay soomaalida 90% ay ugu Neceb tahay Africa,Mid kale ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi soomaalidu waxay ay u necebtahay siyaasadiisa Qalafsan ee uu kula dhaqmo soomaalida iyo Muslimiinta,Qoraa kela ayaa qoraal ciwaan waxaa uu uga dhigay Zenawi oo kaliya afrika oo dhan  maxaa ay soomaalidu u necebtahay?

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH