Hordhaca
Waxaa
la yiri i, beri ayaa waraabe ka soo
dacwooday in sumcadiisi la xumeeyay,
xan iyo war aan jirina laga
faafiyay. Wuxuuna ku cowday, in lagu
sheego dembiyo aanu qabin,
islamarkaasna wixii xun oo dhanna
lagu eedeeyo isaga.wuxuu sheegtay,
kuna dacwooday in aan aqoon fiican
loo lahayn ee uu ka duwan yahay sida
laga aaminsan yahay iyo waliba
danbiyada lagu sheego.
Arimihii oo daaha ka qaaday oo uu
afka ku dhuftay, ee uu tilmaamay
Waraabihii in lagu xanto ama lagu
tuhun san yahay ee uu doonayo in
laga daayo oo aan mar danbe luugu
yeerin waxaa ka mi ahaa , Inaanu
ahayn mid wax booba, oo xaraan cun
ah ama amaanada aanu xijin Karin oo
ku xad gudba wax kasta oo lagu
amaaneeyo.
Markii Dhurwaagii la dhegaystay,
ayaa waxa la goŽaansaday in
dhurwaaga laga daayo eedeynta oo ka
cabanayo , islmarkaasna loo lala
dhaqmo sida ummadda inteeda kale loo
lala dhaqmo. waxaase la damcay in
dhurwaaga la tijaabiyo oo
imitaxaan laga qaado ka hor inta aan
lagu soo dhex dayn umada in waxa uu
sheegay ay been yihiin ama waxa lagu
sheegay ay Been yihiin.
Waxaa lagu yirihaaday Dhurwaa:
Dhurwaayow!!! hadalkaaku waa gar iyo
daw. xaqna waad u leedahay in lagu
aamino, balse waaba la hubsan
dooneeye, ka bilow hawsha aad
sumcaddaada ku hagaajinaysid
ilaalinta hashaan iyo nirigteeda yar
ee ay dhashay. ma laguugu yimid
iyagoo Aamin ah oo isla markaasna
bedqaba, mise, sida la sheegayo
waxyeelo u geysatay hashaas iyo
nirigteeda?
Dhurwaagii oo ka jawaabaya
waydiintaas,ayaa hadalkii dhexda ka
kala jarayaya,waxaa uu yiraahday
''Midba''
hadalkii lama dhamayn balse dhaxda ayaa
uu ka soo galay laakiin waa la sii waday
oo dhurwaaga si faah faahsan ayaa loo
siiyay warka maasha la yiri '' Nin kuu
digay kuma dilin'' hadalkii dhurwaaga la
waydiiynayay ayaa waxaa loo kala
qaaday labo qaybood waxaana lagu yiri
waa tan koowaade '' Haddii laguugu
yimaado, iyagoo bedqaba, waxaa lagaa
bedelayaa magac xun iskadaayoo magacaase
, waxaa laguu bixin magaca, "Aamin" ".
Waa tan
labaade '' Laakiin haddii loo yimaado,
adigoo hashii iyo nirigteedii yaraydba
dhib u geystay, waxaas lagaa
sheegayaa, Dhurwaayow! waa rune, waxba
ha ka xumaan oo ha ka dan qanin, waa wax
aad adigu geysataye naftaada iyo
magacaada".
Dhurwaa, oo isku kalsooni ka muuqato,
ayaa u xaqiijiyay inuu yahay mid aamin
ah, oo wixii lagu aamino loogu imanaayo,
iyagoo sidoodi ah, Amaano qaadkiisuna uu
badan yahay. wuxuu kale oo ku dardaarmay
inaan shaki oo aan walwal laga qabin, ee
uu hashaan iyo nirigteedaba, si fiican u
sii maamuli doono soona daajin doono.
Markii laga tegay, ayuu Dhurwaagii wuxuu
is adkeeyaba, is hayn kari waayay,
wuxuuna go'aansaday, in aanu ku
dheeraanin hasha iyo nirigteedaba, ee uu
raadiyo hab waxna uu ku yara cuno,
islamarkaasina aanay cid dareemi
karin.!!!!
Dhurwaagii ayaa wuxuu ku fakay oo uu
go'aan ku qaatay,inuu hasha ka goosto
afarta naas oo keli ah. Waayo ayuu is
yiri: "cidi arki mayso naasaha."aqoon
daranaa maba oga In hasha wax lagu wata
oo dhan ay tahay Naasaha marka ay
nirigtu u noogtu marna cida leh ay
listaan.
'' Ka
daroo Dbi dhal'' Dhurgaagii ayaa mar
labaad is hayn kari waayay waxaana uu is
tusay in uu wax cuno nirigta yar oo aan
laga markaasi ayaa waxaa uu jartay
Faruuraha Afka hore si aan looga
dareemin.
In Mudu ah ka gadaal ayaa dadkii
imitaxaanka ka qaadayay waraabahii u
yimaadeen iyagoo ay ka mooqatu farxad
maadaama ay kor ka arkeen Hashii iyo
nirigtii oo aan dhib wayn ka mooqain
marka kor laga fiiriyo laakiinse war
moog ayay yihiin in mudu ah waxay
amaaneen Dhurwaagii howsha fiican ee uu
qabtay waxayna guda galeen farxad wayn
,iyadoo weli lagu jiro farxaddii iyo
raynrayntii, ayaa la damcay in hashii la
godlo[Caano naaseheeda lagu soo rogo].
Markii uu Dhurwaagii arkay meesha xaal
iyo arini marayso ,ogaadayna inaanun
baxsanayn,oo sirtiisi ay soo baxayso,
ayuu boobay hadalkii, wuxuuna yirii,
oraahdaan caanka noqday ee reebtay
taariikhda iyo halhayska :" MAXAY KA
NUUGTAA AMA KU NUUGTAA?"
Waxba
wax baa lagu keenaa sheekadaan dheer
waxaan ku keenay maanta ayaa waxay ku
aadayn 1-Jully 2007 waa 47 guuridii ka
soo wareegtay xiligii ay soomaaliya ay
xoriyada ka qaadatat Talyaaniga isla
markaasna ay midoobeen labadii Gobo lee
Soomaaliya ee Waqooyiga Somalia iyo
Koonfurta Soomaaliya,habeenkii xalay
ahayd ayaa loo dabaal dagay '' MAXAAN U
DABAAL DAGNAA MAXAASE KA DAGAAL DAGNAA''
maxaa loo dabaal dagayaa dal xor ah lama
haysto sidaa waxaa yiri qoraa
Soomaaliyeed oo dhaliishan Ciidamada
Ethiopian-ka ee dalka soomaaliya soo
galay waxaana uu ku tilmaamay in ay
yihiin gumaysi.
Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi
ayaa asbuucii hore daba yaaqadiisii
waxaa uu sheegay in aysan ciidamadiisa
dalka soomaaliya ka soo bixi doonin ilaa
xal laga gaari doono Shirka dib u
hishiisiinta soomaaliya ee 15 July 2007
lagu wado in lagu qabto dalka taas ayaa
waxay u mooqataa in ay la mid tahay
hadalkii dhuwraaga ee ahaa in uu yahay
mid aamin ah balse dantiisa fiirsanayay.
C/laahi
Yuusuf Axmed Madax waynaha DFKMG ah oo
1-dii July 2007 ayaa isagoo khudbad ka
jeedinayay habeenimadii Axadu soo
galysay ee ay ku aadanayd 47 guuradii
markii ayaa isna sheegay in ay tahay
nasiib daro in xoriyadii soomaaliya ee
loo soo hal gamay in maanta la ciideeyo
taas oo la yaab ku noqday dadka
soomaaliyeed ee ka soo horjeeda
Gumaysiga Ethiopianka ee uu ku hayo
Soomaaliya ha dareen sanaadaan ama
yaysan dareen sanaan Madaxdeena,qoraa
Soomaaliyeed ayaa waxaa uu yiri '' Maxaa
loo dabaal dagaa dalkeeniiba xoriyad
maahaane xoriyada soomaaliya Madaxda
DFKMG ah ayaa December tii aan soo
dhaafnay 27-keedii Dumiyay 2007.
Balse
Soomaaliya xoriyadeeda waxay xanuunsatay
1991 markii cudurka qablaayada la
yiraahdo uu ku dhacay Aabeen (Soomaali
)[Aabaha Soomaali waa dowladnimada]
isagoo u dhintay cudurkaasi qabyaaladaha
ilo soomaali waxay noqdeen Agoon waxaana
soo korsaday Hooyadood Soomaaliya[Yanii
Dhulka Soomaaliyeed] oo aanan guursan
cid ka danabsyo aabeheen
Soomaali,1991-ilaa 2006 ayay hooyo
Soomaaliya ahayd islaan garoob ah ka dib
markii laga dhintay.
Hooyadeen Soomaaliya ayaa Ilmihii ay
dhashay qaar ka mid ah loo adeegsaday
in hooyadood laga dhigto Aduun sidii la
doono laga yeelo oo caruurteeda kii la
doono la dilo waxii la doonana dhulkeeda
laga dhaco wiilasha caasiyaasha ah ee ay
Hooyo Soomaaliya dhashay wali ma
garowsan in ay hooyadood u soo
kaxaysteen Gumaysi.
Nasiib
xumda kale oo ku dhacday Hooyo Soomaali
waxaa ka mid ah Caruurteedii mid ka mid
ah ayaa 1993[waa markii Maamulka
Waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland uu
sheegtay inuu koostay]waxaa uu sheegtay
in Hooyadiis Soomaaliya oo ka madax
banan yahay oo uusan la joogi Karin dhib
kasta ha ku dhecee waxaana uu la magac
baxay Somaliland isagoo dhamaan in kiray
walaalihiis iyo hooyadiis oo uu yiri
waxba iska kaaya galin,.
Puntland oo ka mid ahaa Caruurta ay
Dhashay Hooyo Soomaaliya ayaa isagu 1998
Qaan gaaray[waa markii la yigleelay DGPL
ee soomaaliyeed,waxaana uu isku dayay in
uu bad baadiyo caruurta la dhaltay ee
aan Qaan gaarin ee dhibka ka caalka
waayay, 2004 ayaa Puntland waxaa uu
gaaray,21 sano waxaana loo doortay in
uu walaalhiis ee ka yar yar bad
baadiso balse way dadaashay oo ilaa
2006-dii xiligaas oo uu soo kacay isna
Puntland walaalkiis ka yaraa oo la oran
jiray Koonfur oo inta badan dhibka ku
soo koray 1991 -2006 markii uu Qaan
gaaray Koonfur[yancii markii ay dhasheen
weeye maxaakimta islaamiga ah ee
Soomaaliyeed] 2006 ayaa mudu lixbilood
ah waxaa uu ku noqday nin aftahan ah oo
nabad iyo kala danbayn soo celiyay
waxaan markiii uu iska dareemay xoog iyo
muruq damcay inuuu walaalkiisii ka
waynaa ee Puntland ahaa ka fara
maroojiyo taladii loo doortay ee ahayd
ee ahayd in nabad oo soo celiyo balse
nasiib xumo aan loo baahanyn waxaa isku
dhacay labadii walaala ahayd.
Puntland waa uu ka xanaaqay wiilkaan ka
yar ee fag fagta badan ee ay hadana
walaala yihiin waxaana dhex maray diri
ay ka dhex faa'iidaysteen cadowga umada
Soomaaliyeed waxaana meesha ka tagay
wiilkii yaraa isagoo walaalkiis.
Wali
kama qoosan in uu wiilkii Puntland ahaa
ee ay dhashay hooyo Soomaaliya inoo
doonayo dowladnimo iyo bad baadinta
walaalihiisa ka yar yar, balse Cadowga
Umada Soomaaliyeed,ee Ethipoanka ahaa ee
aan dariska ahayn oo arkay in aan nahay
agoon aan aabe lahayn oo wiilashii ugu
waa waynaa ee sadexda ahaa ee Somaliland
iyo Puntland iyo Koonfur ay is
khilaafsan yihiin sidaa darteed ka dhex
faa'daysay
Ilmo
Soomaaliyay walaalo ayaad tihiin ee
midooba aaan is xornaynee dib kasta
raaxo ayaa ka danbayso Soomaaliya ha
israacdo ha midowdu ha hishiiso.
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Botaan1@hotmail.com