SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


WARAR: Jun 26, 2007

  • Beelaha Hawiye oo kulan lagu mideynayo ku yeelanaya Guriga Cali Mahdi

  • Khadiibkii Masjidka Tuulada Bukhcaqable oo la dilay

  • Dhismihii Bacadlihii Xamarweyne oo lagu wareejiyey Dowladda Federaalka

  • Gacma Dheere “Hay’adda WFP ayaa mas’uul ka ahayd dhacdadii Shibis”

  • Shirkadaha Isgaarsiinta oo lagu wargeliyey in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsinta

  • Dagaal ka fool ka fool ah oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho


Beelaha Hawiye oo kulan lagu mideynayo ku yeelanaya Guriga Cali Mahdi

Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa Guriga Cali Mahdi Max’ed ka dhacay kulan aad u balaaran oo ay ka soo qaybgaleen Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Guddiga dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed oo uu horkacayo Cali Mahdi Max’ed. Kulankaasi ayaa waxaa la iskula soo qaaday sidii ay Beelaha Hawiye uga qayb-gali lahaayeen kulanka dib u heshiisiinta ee lagu wado in la qabto 15-ka Bisha soo socota. C/llaahi Sheekh Xasan oo ah Guddoomiyaha Siyaasadda Beelaha Hawiye ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi si weyn loogu lafaguray sidii Beelaha Hawiye ay kalin mug ugu yeelan lahaayeen shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, isagoo sheegay in khilaafaadka yaryar ee jirana sida ugu dhaqsiyah badan loo xalin doono. Cali Mahdi Max’ed ayaa waxaa uu sheegay in shirka dib u heshiisiinta qaran Beelaha Hawiye looga in ay ka soo qaybgalaan iyag oo isku duuban oo leh hogaan mideysan, waxa kale oo uu sheegay in maalinta khamiista ah gurigiisa lagu qaban doono kulan ay isugu imaan doonaan, beelaha Hawiye kaas oo looga hadli doono sidii ay Beeshu u midoobi lahayd, isla markaana iyaga oo wadajir ah uga qaybgali lahayeen shirka, waxa uuna Cali Mahdi sheegay in uu haatan meel wanaagsan marayo qorshihii loogu talagalay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaa kale oo uu sheegay in uusan mar dambe dib u dhici doonin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. 

Khadiibkii Masjidka Tuulada Bukhcaqable oo la dilay

Wararka naga soo gaaray Gobalka Hiiraan waxay sheegayaan in maalintii shalay  ahayd Tuulada Bukhcaqable lagu dilay khadiibkii Masjidka tuuladaasi, waxaana la sheegay in dilkiisa gaysteen saddex nin oo markii dambe baxsaday.

Ilaa iyo hadda lam garnayo sababah loo dilay sheekhaasi oo lagu magcabi jiray Sheekh Aadn Xasan Cusmaan, waxaana dilkiisa ka xumaaday dadweynaha deegaanka oo iyagu soo jeediyey in gacanta lagu soo dhigo raggii ka dambeeyey dilka khadiibkaasi.

Taliyaha Ciidamada Booliiska ee Gobalka Hiiraan ciidamo uu wato ayaa u dhaqaqay tuuladaasi si ay baadigoob ugu sameeyaan raggii ka dambeeyey dilkaasi.

Warar kala duwan ayaa  ka soo baxay dilka sheekha, qaar waxay sheegayaan in sheekha loo dilay aano qabiil, iyadoo la sheegay in ragga wax dilay u aarayeen nin horey loogu dilay deegaankasi oo ganacsade ahaa.

Dilkaan aya laga cabsi qaba in uu keeno falal kale oo aargoosi ah ama aano beeleed.

Dhismihii Bacadlihii Xamarweyne oo lagu wareejiyey Dowladda Federaalka

Maalintii shalay ahayd ayaa kooxihii gacanta ku hayey dhismihii bacadlihii weynaa ee  Xamarweyne ay si rasmi ah ugu wareejiyeen maamulka  Gobalka Banadir.

Munaasabad lagu wareejinayey ayaa ka dhacday Bacadlahasi, waxaana goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka Duqa Magalad Muqdisho ee arrimaha Bulshada Max’ed Cusmaan (Dhagaxtuur), waxaana halkaasi ka hadlay horjoogihii kooxdii haysay bacadlahasi oo ka koobnaa 1000 qol Cusmaan Maxamuud Cawaale (Baynood), waxa uuna sheegay in intii ay hayeen ay kala kulmeen dhibaatooyin, isagoo sheegay in ay Maamulka  Gobalka Banaadir ugu wareejiyeen si shuruud la’an, ah.

Max’ed Cusmaan (Dhagaxtguur) oo isna halkasi ka hadlay ayaa u mahaceliyey kooxdaasi oo uu sheegay inaysan taariikhdu hilmaami doonin.

Dhagaxtuur waxa uu sheegay in dayactir lagu sameyn doono suuqaasi, dhawaan la hawlgali doono.

Dhismaha suuqaani ayaa ku yimid markii uu gubtay Suuqii bacadlaha ee Xamarweyne sanadkii 1983, bishii December, waxa uuna suuqaasi ahaa suuqii ugu weynaa ee ka dhisnaa Magaalada Muqdisho, kadib dagaalkii sokeeye ayaa waxaa furmay Suuqa Bakaarha oo haatan ka mid ah suuqyad ugu waaweyn ee Soomaaliya.

Gacma Dheere “Hay’adda WFP ayaa mas’uul ka ahayd dhacdadii Shibis”

Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka  Maxamed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) ayaa wax laga weydiiyey sida uu u arko dhacdadii ay ku dhinteen ilaa iyo shan ruux goob ay Hay’adda WFP ka qaybineysay raashin degmada Shibis.

Wasiirku waxa uu sheegay in dhacdadaasi naxdinta leh ay mas’uul ka tahay Hay’adda WFP oo uu sheegay in aysan u hogaansamin sharciyada u yaala caalamka iyo kan Qaramad Midoobey, waxa kale oo uu sheegay Gacma Dheere in Hay’adda WFP aysan marnab soo ogeysiin Dowladda Federaalka qaybinta Raashinkaasi, waxa uuna sheegay in ay sidii ay doonto wax u qaybiso oo aysan wax la tashi ah kala sameyn Dowladda Federaalka.

GAcma Dheere waxa uu  sheegay in dhowr jeer ay qoraalo u gudbiyeen oo ay kaga dalbanayeen in ay Hay’adda soo gudbiso qaabka ay raashinka ugu qaybineyso dadka.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Gacma Dheere Hay’addasi ku eedeeyey in raashin tayadiisu hooseyso ay damacday in ay u qaybiso dadkii ka barakacay dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho, hase yeesheen afhayeen u hadlay Hay’addaasi ayaa warkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn, waxa uuna sheegay in aysan Hay’addau weligeed raashin tayadiisu xuntahay u qaybin Bulshada, base ay jirtay is fahamwaa u dhexeeyey Wasaaradda arimaha Gudaha iyo Hay’adda.

Shirkadaha Isgaarsiinta oo lagu wargeliyey in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsinta

Kulan ay shalay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan, waxaana si gaar ah diiradda loo saaray Shirkadah Isgaarsiinta, waxaana ugu dambeyntii laga soo saary go’aano ay ka mid ahaayeen, in Shirkadaha,  Isgaarsiinta, Goobaha Internet-yada, Raadiyaasha, iyo Taleefishinada ay iska diwaangeliyaan Wasaaradda Boosta iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka laga bilaabo maalintii shalay ahayd.

Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah Afhayeenka Dowladda ayaa waxa uu sheegay in shirkaddii aan u hogaansami go’aankaasi la ganaaxi doono 30-kun oo Doolar, isla markaana shaqada laga joojin doono.

Shirkadaha Isgaarsiinta aya iyagu  Bulshada u hawlo muhiim ah tan iyo markii ay dhaceen dagalada sokeeye, waana markii ugu horeysay oo shirkadaha Isgaarsiinta lagu wargeliyo in ay iska diiwaangelinayaan Wasaardda Boostada iyo Isgaarsiinta, dhawaan ayay ahayd markii golaha Wasiiradu ay isku raaceen in Xarumaha caafimaadka, Isbitaalada iyo goobah Shaybaarda ay iska diiwaangeliyaan Wasaardda Caafimaadka.

Dagaal ka fool ka fool ah oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dagaalo ka fool ka fool ah oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa xalay ka dhacay agagaarka Warshadda Baastada ilaa iyo Suuqa Xoolah.

Dagaalkaan ayaa bilowday markii fariisin ay Ciidamada Itoobiya halkaasi ku leeyihiin weerar lagu soo qaaday.

Kooxihii soo weeraray ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay Bambooyinka gacnata iyo Baasuukayaal ku rideen, iyadoo ciidamada Itoobiya iyana hub culus ku jawaabeen, ilaa iyo haddana lama oga  khasaarihii uu keenay dagalkaasi, iyadoo tahay waqti habeen ah oo aan la ogoleyn isku socodka gaadiidka iyo dadka, dad aan la xiriirnay ayaa waxay noo sheegeen in ay jiraan goobo ay ku dhaceen madaafiic la soo riday, balse aysan faahfaahin khasaaraha ay gaysteen madaafiicdaasi.

Waxaa isku soo dubaridey:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2007

Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Xalay Ka Dhacay Meelo Kamida ah Magaalada Muqdisho
Maalinta Xoriyadii Gobolada Waqooyi Ee 26-ka June Oo Aan Laga Xusin Caasimada Xili ay Joogto DFKMG.. Akhri Jun 26
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com