SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


  • Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Xalay Ka Dhacay Meelo Kamida ah Magalada Muqdisho
  • Maalinta Xoriyadii Gobolada Waqooyi Ee 26-ka June Oo Aan Laga Xusin Caasimada Xili ay Joogto Dowlada KMG ah

Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Xalay Ka Dhacay Meelo Kamida ah Magaalada Muqdisho

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

June 26, 2007: Dagaalo ka fool kafool ah ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay meelo kamida caasimada muqdisho iyadoo laysu adeegsaday hubka noocydiisa kala duwan.

Dagaaladan ayaa u dhexeeyey kooxaha kacdoonka wada oo si aad ah u hubaysan iyo weliba ciidamada xukuumada Ethiopia iyo kuwa dowlada KMG ah oo isgarabsanaya ,dagaalkan oo ahaa mid xoogan oo fool-ka-fool ah ayaa fiidnimadii xalay halmar ka qarxay Agagaarka Warshadii Baastada, Ex-control Balcad, SOS ilaa Suuqa Xoolaha.

Sidoo kale dagaalka ayaa argagax iyo cabsi ku abuuray shacabka ku dhaqan caasimada xili ay habeenkii sadexaad magaaladu ku sugan tahay bandow ayaa waxaa daryanka Madaafiicda si weyn looga maqlayey qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo Madfac habow ah uu ku habsaday guri ku yaala Degmada Huriwaa halkaasi oo ay ku dhinteen 2-qof islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale oo dhaawac ah oo isku qoys kasoo wada jeeda.

Xaalada magalada caasimada ah ee muqdisho ayaa marba marka kasii dambaysa kasoo daraysa iyadoo Iska hor-imaadyo ku dhufoo ka dhaqaaq ah ay ka dhacaan islamrkaana ay habeenkii xalay ahaana agagaarka Shiirkole ex-wasaradii gaashaandhiga iyo qeybo kale oo ka mid ah caasimada ay khal khal geliyeen rasaasta habowga ah iyo madaafiicda lays weydarsanayo.

Deegaanadii xalay ay weeraradu ka dhaceen ayaa saaka laga dareemayaa xaalad nabad gelyo xumo aad u kacsan,taasoo badanaaba ah meelaha ay habeenimadii weeraradu ka dhacaan maalinkii marka aysoo galaan ciidamada xabshida ee ku sugan caasimadu ay ku xasuuqaan dadka deegankaas ama ay xabsiga dhigaan.

Sidoo kale waxaa maanta taagan gadiidkii isaga kala gooshi jiray deeganada suuqa xoolaha iyo bakaaraha iyadoo ay wadadaas gooyeen ciidamada xukumada ethiopia iyo kuwa dowlada KMG ahi islamarkaana aysan jirin wax isaga gudbaya oo gadiid iyo dad ahba xafadahaas. .

Maalinta Xoriyadii Gobolada Waqooyi Ee 26-ka June Oo Aan Laga Xusin Caasimada Xili ay Joogto Dowlada KMG ah

Sanad guuradii 47-aad oo ay xoriyada qaateen gobolada waqooyi oo ku beegan maanta oo aan laga dareemin magalada muqdisho xili ay ku sugan tahay dowlada KMG ahi .

Waxaan si weyn looga dareemin maalinta xoriyada gobolada waqooyi ee soomaaliya ee 26-ka june oo ay xoriyada ka qaateen dowladii ingriiska ,magaalada caasimada ah ee muqdisho iyadoo weliba ay ku sugan yihiin dowlada KMG ah oo garabsanaya ciidamada xukuumada Ethiopia .

Sidoo kale xiligii weyneynta maalinta xoriyada gobolada waqooyi oo badanaaba calanka la taagi jirey ee saqda dhexe ee xalay ayaysan jirin haba yaraatee cid juuq u tiri taasoo ay jiraan bandow iyo weliba qaraxyo amaan xumo sii dheer tahay .

Arintan oo ugub ah ayaa waxaan wax ka weydiinay qaar ka tirsan odayaasha ruug cadaaga ahaa ee beryaha soo noolaa ,Xaaji axmed bur-buriye oo ah oday waayo soo jiray ayaan kala sheekaystay sababta jirta ama aysan u dhicin weyneynta maalinta xoriyada oo hore looga bartay in la weyneysiiyo ,ayuu waxuu ku jawabay adeer waayo lasoo mar waqtina waxaa ugu xumaa kan aynu maanta ku jirno ,waayo waxanba anigu u haystaa in xoriyadii xiligaas la qaatay ay maanta jirin islamarkaana ay faraha ka baxday taasoo waqtiga bedeshey .

Xaaji bur-buriye ayaa hadalkiisa sii raaciyey lama oran karo xoriyad ayaa soomaaliya ka jirta sababta loo dabaal degi waayeyna waa taas adeer ,xaajiga ayaan sidoo kale weydiiyey yaa ina haysta oo aynu xoriyad la,aanta u tirinaysaa ,waxuuna ku jawaabay waa ciidamada ax-maarada ee dalka waxay doonaan ka samaynaya ayaa ina haysta oo maraykanku dhabarka ka riixayo .

Xaajiga ayaan sidoo kale waxaan weydiiyey Ciidamada Ethiopia miyaysan dowlada KMG ah la socon oo aysan caawinayn ,xaajiga ayaa ku jawaabay maya danta ay dalka ka leeyihiin ayaa ka weyn sababta oo ah sida aynu og nahay waa cadow soo jireen ah oo dalka iyo diintaba ku ah kuwa soo geliyeyna ma meteli karaan masiirka umada .

Waxaan kale oo xaajiga su,aalay maxaa u dhexeeya xiliyadii hore iyo xiligan maanta oo kale ,waxuuna iigu jawaabay lsuma dhowa maanta oo kale qof kastaa oo wadani ah farxada xoriyada ayuu xasuusan jiray ,

Maalinta xoriyada ee gobolada waqooyi oo ku beegan 26-ka june ayaa kusoo beegantay xili ay magaalada caasimada ah ee muqdisho ku sugan yihiin cutubyo ciidamada Ethiopia islamrkaana dhex dabaalanayso amaan xumo xoogan iyo weliba bandow .

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2007

Urur Cusub oo La Dagaalama Hayb-sooca Oo Lagaga Dhawaaqay Minnesota USA
"Golaha Caddaaladda iyo Sinnaanta Soomaaliyeed" ayaa...

Afhayeenka Ciidanka Uganda oo shaki ka muujiyey hadalkii sheekh Aweys
.Cali Mahdi "waxaan xiriir la sameynay..
.Ciidamada Itoobiya ee qaraxa loogu gaystay..
.Qarax xoogan oo ka dhacay suuqa Bakaaraha...
.Qaraxyo weli ka sii socda Magaalada Muqdisho...
.Beri oo 26-ka Juun laga xusayo meelo..
.Beelaha Hawiye oo ka hadlay Xaaladda...
.Odoyaasha Beesha Sade ee Kismaayo oo...

Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Jun 25

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com