Dabku
hadduu dhaxamoodo maxaa lagu diiriyaa?
By
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Email:
Ingiriis@yahoo.com
“Dowlad waa wax
baas oo loo baahan yahay” – Philosopher
Herbert Spencer
“Haddii calankii
aan taageeri jiray tacaddi ii geystay” –
Gabyaa Saciid Gacamey
Maxamuud Muuse Xersi (Cadde Muuse) oo madax u ah maamulka gobollada Waqooyi Bari
ee la baxay ‘Puntland’ ayaa beri dhexdaas ah si publicly ah ugu dhawaaqay in
sababta loo diiddan yahay Maamulka ku meel gaarka ah ee Kenya lagu soo dhisay ay
tahay Col Cabdullaahi Yuusuf oo lagu riixayo haybta uu u dhashay. Haddaba,
bacdamaa kuwii ka horreeyey sida Cali Mahdi, Caydiid iyo Cabdiqaasim aan
haybtooda lagu diidin, hadalka Cadde Muuse wuxuu ka dhigan yahay, “Baroortu,
Orgiga ka weyn.”
Qoraalkan, waxaan qeexitaan kula
sameynayaa waxa ay tahay ‘Dowlad’ (Definition of Government), maadaama
Soomaalidu ay caado ka dhigatay inay dowladnimada ku dabaqdo dan qoyseed.
Haddaan ku hormaro qaabka ay dowladnimo u dhigaan khubarada culuunta siyaasadda,
gaar ahaan contemporary scholars, waa xukun maamul oo howshiisu ay tahay ka
shaqeynta danta dadweynaha (People’s interest) - waa wax ay tahay in qof kasta
oo muwaadin ah ay shardi tahay inuu ka dhex arko dantiisa, si looga wada
shaqeeyo dan guud (common interest).
Balse, haddii aad aragtid dowlad ay dantooda ka
dhex arkayaan koox gaar ah ama qoys gaar ah, ma ahan dowlad ee waa jabhad ama
fallaago. Sababtoo ah, meel kasta oo adduunka ah, jabhadaha waxaa dantooda ka
dhex arka kooxo ama qabiillo gaar ah (certain clans or groups). Dowlad waxay ku
socotaa sharci dadka ka wada dhexeeya, laakiin jabhaduhu kuma socdaan wax sharci
ah. Shaqada dowladdu wey ka duwan tahay tan fallaagada – howsha dowladdu waa
inay u adeegto dadkeeda, kana difaacdo qatarta.
Dowladdu marka ay tahay distoori waxay ka kooban
tahay saddex qaybood; Qeybta fulinta (the Executive), Qeybta Sharci-dejinta (the
Legislative) iyo Qeybta Garsoorka (the Judiciary). Waa awoodo (powers) kala
madax-bannaan marka ay jirto dowlad dimoqraadi ah. Abwaan Cali Sugulle ayaa
waxaa laga hayaa, “Dab iyo dhagax layskuma dhuftee, kala dhowra, dowladnimada
qabiil dhex gashee, kala dhowra, waan is dhinac wadnaa, kala dhowra.” Waxaan
halkan ku faahfaahinayaa dhowr nooc oo dowladeed iyo hab liddi ku ah.
1. ISLAMIC
GOVERNMENT: Waa dowlad Islaami ah oo
sharcigeedu yahay in la isku xukumo Qur’aanka Kariimka. Waxaa
tiir-dhexaadyadeeda ka mid ah in la rumeeyo Ilaaheey iyo in wixii shuruuc ah ee
uu soo dejiyey laysku xukumo, wixii xukun ah ee kastana loola noqdo dhinaciisa.
Nidaamkan wuxuu ahaa kii ay ku socdeen Maamulkii Maxkamadaha Islaamiga. Inkasta
oo ay kala duwan yihiin haddana wadammada raaciya magacyadooda ‘Jamhuuriyadda
Islaamka’ waxaa ka mid ah Iiraan, Pakistan, Mauritania iyo Afghanistan.
2. AUTOCRATIC
GOVERNMENT: Waa dowlad uu hal shaqsi
haysto awooddeeda oo idil. Ma jirto awoodo kala qeybsan (separation of power),
waxayna awooduhu ku urursan yihiin gacmaha Xukumaha (Ruler). Waxaa dowladaha
sidaan u sameysan ka mid ah boqortooyooyinka iyo keligii-teliyeyaasha (Monarchs
and Despots). Dowlad noocaan ah ayaa horey u soo martay Soomaaliya, waxayna
ahayd tii uu hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre oo siyaasadeysay maamulka.
Waxay ahayd dowlad meel weyn uga dhacday diinta Islaamka, kaddib markii January
1975 ay daldashay toban nin oo culumaa’uddiin ahaa oo ka dhiidhiyey xeer ka soo
horjeeday diinta oo la soo saaray. Lee V. Cassanelli (Professor of
History, University of Pennsylvania) oo buugaag dhowr ah ka qoray Soomaaliya
ayaa daraasaddiisa ‘Explaining the Somali Crisis’ wuxuu ku xusay in dowladdii
kacaanku ay ka sii adkeyd dowlad autocratic ah.
3. OLIGARCHIC
GOVERNMENT: Waa dowlad ay awooddeeda
siyaasadeed haystaan koox yar oo ka mid ah dadweynaha, kuwaas oo wadaaga dan
isku mid ah oo isku xiraysa. Waxay, sida badan, ku maqshuulaan dantooda gaarka
ah iyo dhaqaale abuurasho. Inkasta oo faylasoofkii weynaa, Aristotle, uu
iqtiraacay in xukun-dowladeedka qaabkan ah uu ku dhisan yahay xukunka dadka
qaniga ah, haddana wuxuu hindisay ereygii ku habboonaa oo ah Plutocracy
(dowlad dabaqado ku dhisan). Ereyga Plutocracy wuxuu ka soo dhambalmay xidid
qadiimi ah oo hore oo Giriig ah, kaasoo ahaa ploutos oo macnaheedu yahay
hanti iyo kratein oo macnaheedu yahay xukumid ama maamulid. Si kale
haddii loo dhigo, waa isku dhalaalin lacagta iyo dowladda. Xukuumadda noocaan
ah, waa tan Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi, oo ka kooban koox
maxaysato ah oo dantoodu tahay inay quutaan dhiigga dadka, lacagna urursadaan,
isla markaana barakiciyaan iyagoo boobaya.
4. DEMOCRATIC
GOVERNMENT: Waa dowlad ay dadweynuhu u
siman yihiin awoodda. Iyaga ayaa maamula, iskuna maamula. Waxay isugu maamulaan
si toos ah (Direct Democracy) iyo si aan toos ahayn oo wakiil laga yahay
(Representative Democracy). Labadan hab hoos ayaan ku sharrixi doonaa, haddii
Alle idmo. Cillada dowladda noocan ah waa inay dalbato in diinta laga saaro
hab-nololeedka bulshada, si dadweynuhu u helaan xorriyado dheeri ah.
a) Direct
Democracy: Waa hab siyaasadeed ay dadweynuhu toos u soo doortaan dadkii
xukumi lahaa. Waxay dadku u codeeyaan dhammaan go’aamada waaweyn ee siyaasadda.
Waxaa loogu yeeraa dimoqraadiyadda tooska ah, waayo ma jiro wax ku dhex jira
dadka iyo dowladda ee dadweynuhu iyaga ayaa go’aanka iska leh. Waxyaabaha ay
dadku sida tooska ah go’aamada uga gaaraan waxaa ka mid ah aftitooyinka
(referendums) iyo tallaabooyinka ay billaabaan muwaadiniinta.
b)
Representative Democracy:
Waa dimoqraadiyad wakiil laga yahay dadka, waxaana ka wakiil ah madax
siyaasadeed oo ay iyagu soo doorteen. Wakiillada noocan ah waxaa laga soo dhex
doortaa degmooyinka iyo constituency-ga. Dadku waxay habkan ku soo doortaan
xubno u metela golayaasha go’aamada siyaasadeed lagu gaaro, sida Golaha
Shacabka. Baarlamaanka noocaas ah ee ay dadku soo doorteen ayaa sameeya shuruuc
(legislations) ay dadku raalli ka yihiin oo aan ka hor imaanayn rabitaanka
dadweynaha.
Hase ahaatee, waxaa
mudan in la kala caddeeyo dowladda Mbagathi oo isu haysata inay tahay dowlad
dimoqraadiyad lagu soo doortay in aysan ku dhisnayn Direct Democracy iyo
Representative Democracy midna, balse ay tahay dowlad ay soo doorteen
qabqableyaal dagaal oo xeerinaya dantooda, isla markaana ay dusha ka taagan
tahay fara-gelinta Ethiopia.
5. ANARCHY:
Waa hab ka soo horjeeda afartaan nidaam. Waa jiritaan la’aan dowlad wax xukunta.
Caadiyan, wuxuu dalbadaa nidaam darro iyo isku dhex yaac. Xilligii Kacaankii
Faransiiska ayaa dalka France wuxuu galay marxalad fowdo ah, waxaana dhacay
qalalaase fool xun oo lagu laayey dhammaan dadkii ka dhashay qoyskii dalka
xukumayey. Waxay Soomaaliya ku soo jirtay habkan muddo dheer, illaa markii ay
soo bexeen Maxkamadaha Islaamiga oo ku guuleystay muddo gaaban inay ku
islaaxiyaan saddex meelood oo laba meel guud ahaan Soomaaliya. Maxkamadaha ka
hor, dalkeennu wuxuu ku jiray xaalad halaag ah (Hobbesian mood), waxaana
la dhaxlay dagaal qof walba uu gowracayo qof walba (a war of all against all),
taasoo la mid ah dhaqankii Yurub looga yaqaannay medieval culture. Waxaa murugo
leh in hadda dib loogu noqday habkaas fowdada iyo dowlad la’aanta.
Dad Soomaaliyeed baa
wada lahaa calanka doogga ah!
Muddo dhow inaan la arkeynin Soomaaliya
oo dowlad noqota waxaa marqaati u ah inaan dowladnimada iyo calanka u haysanno
dhaxal qoys leeyahay. Beri dhexdaas ahayd ayaa nin waayeel ah waxaan ku kulannay
goob dadka Soomaalidu isugu yimaaddaan. Wuxuu arkay calanka Soomaaliya oo iigu
xiran dhinaca bidix ee wadnaha. Wuxuu igu yiri “calankaan waa calankii adeerkeey
Maxamed Cawaale Liibaan.” Waxaan ku iri, “Calanka ma Maxamed Cawaale ayaa keenay
horta, mise Isloow Cumar, goormuuse calanka Soomaaliya noqday calan qoys
leeyahay?”
Si qaldan in loo iibiyey magaca ‘Dowlad’ iyadana waxaa caddeynaysa
sheeko na dhex martay aniga iyo nin ka mid ah ragga ugu dhow dhow Col
Cabdullaahi Yuusuf. Waxaan ninkaas weydiiyey
arrin aan xiiseynaayey inaan wax ka ogaado oo ahayd; nin sameyn jiray
baasaboorrada been-abuurka ah oo laga dhigay Somali Ambassador to China. Sababta
ninkaas uu ku muteystay Safiir ayaan su’aalay. Wuxuu iigu jawaabay, “Ninkaas wuu
shaqeystay jagada, because wuxuu kushiinka cunnada u galay xaaska Madaxweynaha.”
Inta aanan jawaab u celin ayaa
calooshu i gaddoontay, waxaanan ku sigtay inaan hunqaaco.
Waxaa
markaa kaddib ii soo baxday in Cabdullaahi Yuusuf uu ka sii xagjiro Niccolo
Machiavelli oo u ololeyn jiray in siyaasadda (politics) iyo akhlaaqda (morality)
la kala fogeeyo. Machiavelli wuxuu ahaa mufakkirkii kula taliyey nin Amiir ahaa
sannadkii 1513-kii inuu xukunka ku doono xoog, halkii uu kaga dooni lahaa sharci
(rule by force rather than by law). Laakiin, hal dardaaran oo adag ayuu siiyey
Amiirkaas oo ahaa, “Dadku waa inaysan ku nicin.”
Si kasta
ha ahaatee, maamulka Mbagathi iyo dadka hoggaaminayaba waa koox iyagoo la neceb
yahay qasbaaya dadweynaha oo ku xuuxinaya inay ku xukumayaan xoogga cadowga. Ma
ahan xitaa noocii dowladda baas ee uu sheegay Herbert Spencer in loo baahan
yahay, waayo dowlad aan ku dhisnayn shuruuc (a government of laws), laakiin ku
dhisan qaab qoyseed (a government of sub-clans) ma keeni karto qarniga 21-aad
nidaam dowli ah, nabadgelyo waarta (sustainable peace) iyo caddaalad loo aayo.
Soomaaliya
inay gacanta u geliyeen Ethiopia waxaa caddeynaya qaabkii Muqdisho looga taagay
calanka Abysinia. Protocol-ka diblomaasiyadda iyo qaanuunka caalamiga waxaan ku
jirin birta calan safaaradeed in la suro dhulka. Sida uu yahay diplomatic
tutelage ama uu yeerinayo Vienna Convention on Consular Relations, waa in birta
calanka dal ajnabi ah la suraa dhismaha safaaradda. Sidaa darteed, calanka
Ethiopia oo ciidda Soomaaliya lagu muday wuxuu astaan u yahay in la qabsaday
dhulkii dhiigga badan loo soo qubay.
Gabagabadii, Maamulka Mareykanka, maadaama uu horjoogsaday rabitaankii shacabka
Soomaaliyeed iyo xaqii ay u lahaayeen aaya-ka-tashigooda (self-determination) oo
uu ku soo fasaxay Ethiopia, waxaa habboon inuusan horjoogsan kan dadweynaha
Mareykanka oo raalli ku noqon lahaa inay arkaan Soomaaliya oo ay maamulayaan dad
haysta baasaboorro reer galbeed ah, halkii ay ka xukumi lahaayeen kuwa haysta
baasaboorrada Ethiopia.
Maxamed
Xaaji (Ingiriis)
Email:
Ingiriis@yahoo.com
AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faain: SomaliTalk.com | June 8, 2007
Bannaanbaxii London iyo
sawiradii halkan ka daawo
|