SOMALITALK.COM dahabshiil
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | NAGALA SOO XIRIIR | Allah Is Great
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Mudaaharaadkii Ugu Balaarnaa Oo Lagu Qabtay Xarunta Shirka ee Kooxda Xiriirka Caalamiga ah

Sawirda bannanbaxa halkan ka daawo....
 
Kumanaan Soomaali ah oo rag, dumar iyo caruur isugu jira kuwaasoo ka kala yimid daafaha wadan Ingiriiska ayaa maanta isugu soo aruuray ilinka hore ee wasaaradda arrimaha debeda Ingiriiska halkaasoo uu ka socdo shirka kooxda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya (International Contact Group on Somali). Dadwaynahan oo shaqooyinkooda iyo danadahooda kale u soo daayey in ay beesha caalamka u muujiyaan sida ay ugu soo horjeedaan gumaadka ay ciidanka Itoobiya iyo maleeshiyooyinka Soomaalida ah ee iyaga u adeega ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya Halkudhigyadda boorarka ay wateen dadka ayaa ku qornayeen.
 
Ethiopian Troops out of Somali now. Stop killing innocent civilians in Somalia. Stop the massacre end the occupation. Contact Group, listen to Somali people. Please support Somali people not Warlord government. Bring Males and his puppet into criminal court.
 
Sidoo kale ayaa sawiro muujinaya gumaadkii iyo xasuuqii ka dhacay Soomaaliya lagu soo bandhigay halkaas, kuwaasoo si wayn usoo jiitay shaqaalihii Wasaaradda iyo dadkii kale ee jidka marayey. Mid kamid ah haweenayda ka shaqeeya wasaaradda arrimaha debeda ayaa u sheegtay gabar ka mid ah kuwii mudaaharaadayey in ay wax wayn ka ogaatay waxa Soomaaliya ka socda.
 
Gebagebadii mudaaharaadka ayaa warqad cabasho ah loo dhiibay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha debedda oo balanqaaday inuu ku simi doono shirka kooxda xiriirka caalamiga ee beri soo gebagaboobaya. Warqadan oo ay dhiibeen Maxamad Suldaan Garyare, Maxamad Amiin iyo C/raxmaan C/shakuur
 
Dadka isku soo baxay ayaa ka kala yimid goboladda Ingiriiska sida Manchester, Birmingham, Northampton, Bristol iyo dhamaan xaafadaha London.

Warqaddii la gaarsiiyey Kooxda Contact Group....

Sawirda bannanbaxa halkan ka daawo....

Waxaa soo tebiyey:
Abdirahman Warsame
abdirahman1969@yahoo.co.uk
June 5, 2007


Meles Zenawi oo ka Degey Mudisho

June 5, 2007: Ra'iisul wasaaraha Xukuumada Itoobiya, Zenawi, ayaa maanta, Talaada June 5, 2007 magaalada Muqdisho ku yimid kulan aan hore loo sii shaacin oo qorsoodi ahaa oo saxaafada adduunku ugu yeertay "safar kusoo bood ah"..

Wararka laga soo xigtey dad goobjoog ahaa garoonka ayaa tibaaxay in markii Zenawi ka soo degey garoonka uu dalka ka maqnaa madaxweynaha DFKMG, laakiin muddo ka dib uu halkaas ka soo degey C/laahi Yuuf oo maalmahan ku maqnaa dalka Liibiya.

Zenawi waxa uu safarkiisa Muqdisho ku soo beegay kaddib 160 maalmood markii ay ciidamadiisu soo galeen Caasiamdii Soomaaliya ee laga qorshayn jirey xoraynta dhulka ka maqan Soomaalida ee Muqdisho. Lama oga micnaha xabashida ay u leedqahay tirada 160 maadaama uu safarkiisa sidaas la beegsaday Zenawi.

Dadweynaha Muqdisho ayaa saakay ku waaberiistey iyadoo dariiqyada Muqdisho ee aada garoonka la soo tubay ciidamo Itoobiyaan ah, ilaa markii dambe ay ka war heleen in dalka uu ku sugan yahay Zenawi.

Si aad u fahamtid ujeedada ka dambaysa imaanshaha Zenawi ee Muqdisho, akhri xigmadii: Meles Zenawi: Anigaa Imanaya Muqdisho, Gaar ahaan Xeebta Liido: 

isha: Wakaaladaha



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com