Madaxweyne Aadan : Mas'uul Naadir Ku Ah
Mujtamaca Soomaalida
Inj.
Maxamed Cali Cibaar
Soomaali60@yahoo.com
Maalmihii la soo dhaafay, waxay warbaahinta
Soomaalidu hadalhaysay xaaladda caafimaad ee Madaxweynihii u horreeyay ee
Soomaaliya Mudane Aadan Cabdulle Cismaan ( Aadan Cadde), oo ku sugan isbitaal ku
yaalla magaalada Nairobi ee waddanka Kenya. Madaxweynaha oo aan badanaa
wararkiisa la maqlin muddooyinkaan dambe intii ay socdeen colaadaha sokeeye,
ayay Soomaali badani aad uga walwalsantahay xaaladda caafimaaddarro ee la soo
deristay.
Xushmadda uu Mudane Aadan Cadde ka mudanyahay shacbiga Soomaaliyeed daraaddeed
ayay ila qumanaatay inaan waxyar ka iftiimiyo shaqsiyaddiisii oo laga yaabo in
aysan in badani ku baraarugsaneyn.
Inta aanan gudagalin ubucda qoraalka, waxaan ka sii afeefanayaa in aanan anigu
aheyn taariikhyahan dabagalay taariikhda Madaxweynaha, taasoo ay mudnaanteeda
leeyihiin aqoonyahannada arrimahaas baaritaannada ku sameeyay. Waxaanse
jecleystay inaan si kooban u soo bandhigo qaar ka mid ah dhacdooyinkiisa ka
marqaati kacaya tayada mas'uuliyeed ee mudane Aadan Cadde oo la dhihi karo waa
mid naadir ku ah mujtamaca Soomaaliyeed. Hubaal, dhacdooyinkaani ma aha kuwii
ugu wanaagsanaa amaba xulkii mas’uuliyad wanaaggii Madaxweynaha, laakiin waxaan
shaki ku jirin iney yihiin kuwo xiiso badan oo tixgelintooda leh.
Mudane Aadan Cabdulle wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan
sanadkii 1908dii. Wuxuu ka mid ahaa halyeeyadii Ururkii Dhallinyarada
Soomaaliyeed ee SYL iyo aabbeyaashii salka u dhigay qaranka Soomaaliyeed. Mudane
Aadan , waxaa loo doortay Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya markii ay
midoobeen labadii qaybood ee waqooyiga iyo koofurta, laguna dhawaaqay
Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee xorowday 1dii luulyo 1960 (Muuqaal
Video ah).
Sanadkii 1967, ayuu mudane Aadan Cadde xilkii ku wareejiyay Madaxweyne C/Rashiid
Cali Sharma'arke(AHN), ka dib markii doorasho looga guuleystay. Wuxuu Mudane
Aadan Cadde sidaas ku noqday Madaxweynihii ugu horreeyay qaaradda Afrika ee si
xor ah loo doorto, si xor ahna xukunka uga dega. Arrinkaasi wuxuu sharaf iyo
qaddarinba u soo jiidday guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna Mas’uulka
indheergaradka ah. Madaxweyne Aadan cadde waxaa kale oo uu ka mid ahaa
aasaasayaashii Ururka Midowga Afrika. Waxaa aad loo xusuustaa khudbaddii
taariikhiga aheyd ee uu ka jeediyay shirkaas, kuna sheegay : in aysan Soomaaliya
marnaba aqbaleynin in dhulka Soomaaligalbeed loo aqoonsado Itoobiya, isagoo si
aad ahna uga soo horjeestay in xuduudaha Afrika loo daayo sidii uu gumeysigii u
calaamadiyay, taasoo uu arkayay arrin lagu duudsiinayo umadda Soomaaliyeed ee
dulman.
Dhacdooyinka wanaagga ah ee laga soo tabiyay Madaxweyne Aadan waa kuwo aad u
fara badan, waxaanse jecleystay inaan akhristeyaasha u soo gudbiyo labo ka mid
ah dhacdooyinkiisii naftiis-hurennimo, oo dhab ahaan laga dheehan karo, kartidii
iyo niyadsamaantii uu Madaxweyne Aadan u hayay, uguna adeegayay dalkiisa iyo
dadkiisa.
Dhacdada koowaad, waxay muujineysa doorkii uu Mudane Aadan Cadde ku lahaa
aasaaskii xoogga dalka Soomaaliyeed iyo waliba dhiirrigelintii iyo taageeradii
uu mar walba la barbar taagnaa. Dhacdadaan xiisaha leh, waxaan in yar ka soo
xiganeynaa qoraal dheer ku saabsanaa asaaskii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo uu
diyaariyay
Mudane Axmed Sh. Xasan ( Hareed ) oo ka mid ahaa xubnihii lagu aasaasay
ciidankaas. Waxaana qoraalkii Mudane Hareed uu uga hadlayay asaaskii Ciidanka
Cirka Soomaaliyeed ka mid ahaa:
"...... Waxaa taas ka sii xasuus iyo muhimad weyn, 24/05/63, waqtigii ciidanku
qaaday Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya mudane Aadan Cabdulle Cismaan
iyo wafdi ballaran oo uu hoggaaminayay oo ka qayb galayey furitaanki shirkii
lagu aasaasay Ururkii Midowga Afrika 25/05/63dii oo uu mudane Aadan Cadde noqday
Madaxweynaha qura ee Afrikada madow oo watay diyaarad khaas ah oo wadatay
astaantii dalkiisa oo misna ay duulinayeen ciidankiisu. Taasna waxay dalka iyo
Madaxweynahaba u soo hoysay sharaf iyo qaddarin dheeraad ah kolkii ay arkeen
wufuuddii soo dhaweyneysay ,dadweynihii iyo suxufiyiinti dunida inay diyaaradda
wadeen duuliyeyaal dhuudhuuban oo Soomaali ah. Madaxweynuhu markuu dalka dib ugu
soo laabtay wuxuu saraakiishii diyaaradda ku qaadday mid mid ugu soo diray
ammaan qoraal ah halka uu ciidanka u soo diray ammaan guud (solenne
encamio)....."
Dhab ahaantii, ma fududa in waddan uu calanka xornimadu ka dulbabannayay muddo
ka yar saddex sano uu ku tillaabsado guulo tan oo kale ah. Arrimaha sidaan oo
kale taariikhiga ahi waxay u baahanyihiin geesinnimo iyo iskukalsooni lagu jiiro
oo looga dultillaabsado caqabadaha ku horgudban guulaha lama illoobaanka ah ee
la tiigsanayo.
Mudane Hareed oo ka warramaya go'aankii naftiishurennimada ahaa ee uu Madaxweyne
Aadan Cadde qaatay ka dib markii xoogaa shaki ah la geliyay khibraddii
duuliyeyaashii dhallinyarada ahaa ee Soomaaliyeed, sidoo kalena la sheegay in
diyaaradda loo diyaariyay wafdiga ruuxeedu ay tahay mid gabowday oo aan lasyku
halleyn karin, wuxuu qoray:
"....Waagaas xog lagu kalsoonaan karay ayaan ka ogaannay in rag ka tirsanaa
wafdiga Madaxweynahu ay u soo jeediyeen inay nabad gelyadiisu ku jirto inuu
Talyaaniga waydiisto diyaarad, intii uu raaci lahaa diyaaradda gaboowday oo ay
duulinayaan rag khibraddoodu ku siman tahay saddex sano. Soo jeedintaas
madaxweynuhu wuxuu uga jawaabay, “Oo yaa annaga ka wanaagsan oo ay ku barbaran
lahaayeen.”."
Cajiib !! Madaxweynihii Qaranka ayaa naftiisii u hibeeyey in ay wax ku bartaan
dhallinyaro uu u diyaarinayo in mustaqbalka ay difaacaan dalka, dadka iyo
diinta. Wuxuu diiddanyahay inuu niyadjebiyo dhallinyaradii u dhaaratay
badbaadinta qarankooda, kana doorbido duuliye shisheeye. Diyaarad gabowday oo
shaki la geliyay iney masaafo dheer duuli karo ayuu ka doorbidayaa inuu dalbado
diyaarad shisheeye oo loogu deeqo amaba uu doollar badan oo ay danyartu u
baahneyd ku bixiyo. Maalinba waa maalinteedee, meesha uu maanta xaal marayana
Soomaaliyey ishaa macallin ah!! Malaayiin ayaa la sheegayaa iney ku baxday,
safarro loo galay magaalooyin Soomaaliyeed oo isku Muuqda. Raqba waa ku raggeed
!!
Waxaa haddaba in la is weydiiyo mudan, saameyn intee la eg ayuu go'aankaas
geesinnimada leh ee Madaxweynuhu ku yeeshay dhallinyaradii uu maalintaas
naftiisa ku aaminay iyo guud ahaan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed? Waa kan mar
kale, Mudane Axmed Sh. Xasan ( Hareed) oo arrinkaas wax ka qoray:
"Geesinimadii Madaxweynuhu aad bay noo dhiiri gelisay, waxayna nagu abuurtay
farxad, isku kalsoonaan iyo isxilqaamid dheeraad ah, maantana Rabbi wuxuu idmay
inuu asagii weli noolyahay, halka saraakiishii maalintaas diyaaradda ku wadday
iyo kuwii ra’yiga u soo jeediyayba aan waqtigaan midna ka nooleyn. Diyaaraddiina
waxaa hawlgab laga dhigay Juun 1972dii iyadoo weli hawl gal ah, laguna beddelay
diyaaradihii AN 24 ee ku caanka baxay “Shabeelleeyda."
Rabbi (swt), ayaa qofkuu doono dila, kuu doonana daaya. Dabaabbaad lagu dhuunto
iyo ciidan laysku deyro midna geerida loogama gabbado, waxayna dadnimadu ku
jirtaa in qofka mas’uuliyaddu ay saarantahay intii uu geeri ka baqi lahaa, uu ka
baqo guullihii uumay. Aakhiro waa lama huraan.
Dhacdada labaad, ee aan rabo inaan qoraalkaan ku xuso waa mid dhacday biloowgii
sanadkii 1991dii, oo ka mid ahaa xilliyadii ay dagaallada sokeeye ee Soomaalidu
ugu ba'naayeen. Waxay aheyd xilli boob iyo bililiqo baahday ay jirtay, haba ugu
sii darnaato hantidii guud een qarankuye. Waxaa waliba la yaab iyo amakaag sii
lahaa in kuwa ugu darnaa ee boobka geysanayay ay ugu horreeyeen dad mas’uuliyiin
ku magacownaa iyo ciidamadoodu. Kuwaas oo ku qamaamayay meelihii ay hantida
qaranku ku keydsaneyd sida bangiyada. Runtii wuxuu ahaa waqti culus oo ay adkeyd
inuu qofna ku fekero badbaadin hanti qaran, xaalna wuxuu taagnaa, i bixiyow i
bixi !! .
Bal aan qiyaasno, qofka maalintaas inta bangi hor istaaga yiraahda " Waa hanti
qaran ee ha la badbaadiyo ". Haddiise uu qofi sidaas ku dhiirrado oo uu
naftiisaba quuro, ma dhici kartaa in dadka qamaamaya ee boobka u soo xaydxaydtay
ay u dhago nuglaadaan oo ay dhawaaqiisa maqlaan? Haddey jawaabtaadu tahay maya ,
fadlan ha degdegin !!
Febraayo 16, sanadkii1991dii, labaatan maalmood ka dib burburkii maamulkii
kacaanka, waxaa Muqdisho kulan isugu yimid mas'uuliyiin ka socda maamulkii
kumeelgaarka ahaa ee xilligaas la dhisay oo uu horkacayay Ra'iisulwasaarihii
maamulkaas Mudane Cumar Carte Qaalib iyo guddi ay iska soo xuleen ardaydii
Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed iyo Machadyada la siman. Ujeeddada kulanku waxay
aheyd in laga doodo qorshaha ammaanka caasimadda oo ay nabadgalyadeedu faraha ka
sii baxaysay. Waxay ardaydu soo jeediyeen in gebi ahaanba ciidamada beelaha laga
saaro caasimadda oo ay dhac,dilal iyo kufsi fara badanba ka geysteen, laguna
aruuriyo xerooyin magaalada bannaankeeda ku yaallay. Taas baddalkeedana
caasimadda ay si iskaa-wax-u-qabso ah uga howlgalaan kumannaan ardaydii gurmadka
qaranka soo martay ah, oo xilligaas tiro badan oo ka mid ahi ay muddo todobaad
gudihiis ah isku soo diiwaangeliyeen.
Dood dheer ka dib, Mudane Cumar Carte ayaa gabagabdii shirka ka sheegay In uu si
aad ah ugu qanacsanyahay abaabulka ay sameeyeen ardaydu, uusanna fileynin iney
jiraan dhallinyaro xilligaas ciriiriga ahaa ka fekereysa badbaadin qaran. Isagoo
muujinaya taageeradii uu arrinkaas u hayay ayuuna sii raaciyay:
" Haddaan runta idiin sheego maanta hanti qaran Soomaaliyeed waxaa ka badbaadday
oo dhaqaale laga hayaa, 90 Milayan oo Shilin Soomaali ah, oo uu madaxweyne Aadan
Cadde ku badbaadiyay bangiga Qoryooley. Dhaqaalahaas isaga ah ayaanan ku
taageeri doonnaa qorshaha nabadgelyada caasimadda ee aad soo jeediseen. Waayo
Muqdisho oo hagaagtaa waa waddanka oo hagaagay".
Nasiibdarro, Qorshahaas nabadgelyo oo ahaa mid wax badan lagu badbaadin karay,
waxaa si aan gabbasho laheyn u hor istaagay xooggagii loollamayay ee ururkii USC
oo u arkay mashruuc aan waafaqsaneyn danahoodii gaarka ahaa ee dahsoonaa.
Hantidii qaran ee uu Madaxweyne Aadan Cadde badbaadiyayna Alle iyo intii ay
gacanta u gashay ayaa meeshii u dambeysay og.
Sida kor ku xusan, waxaa noo cad in mar kale mudane Aadan isagoo ay da' diisu
kor u dhaaftay 80 sano uu u tukubay bangigii Qoryooley una u bareeray halista
noo wada muuqata si uu u badbaadiyo hanti qaran. Isxilqaankaas Alle weyne wuu ku
garabgalay, wuuna ku xiltiray! Geesi Alle ma xilo !! Isaga iyo intii arrintaan
taariikhiga ah kala shaqeysayba Rabbi ha ka abaalmariyo wanaaggii ay dadkooda u
faleen.
Madaxweyne Aadan, xilliyadii dagaallada sokeeye marna kama qaxin dalkiisa,
wuxuuna si kalsooni leh ugu noolaa beertiisa ku taalla Jannaale, gobolka
SH/Hoose. Aaminnimadii iyo adeegiisii hufnaa ee umaddiisa ku maamulayna wuxuu ku
muteytay qaddarin heer qaran ah iyo waliba mid heer caalami ah. Dagaalladii
sokeeye, qabiilooyinkii dagaallamayay ee beertiisa marba dhan iskula dhaafay
dhibkoodii Rabbi waa dhinac mariyay. Magaciisa la xushmeeyo iyo maamuuska uu ku
dhexleeyahay mujtamaca Soomaaliyeed ayaana u noqday madfac cabbeysan oo ay cid
walbaaba ka gabbato.
Taariikhda Madaxweyne Aadan ma aha mid hal qoraal wax looga iftiimin karo, waana
mid mudan in la qoro oo la keydiyo si ay duruus ugu noqoto jiilka soo koraya ee
mustaqbalka. Taariikhda halyeeyadii Soomaaliyeed iyo waxqabadkoodii oo la qoraa
waxay qayb ka noqon kartaa soo nooleynta niyadda sii dhimaneysa ee dadka
Soomaaliyeed. Jiilasha mustaqbalkuna waxay yeelan doonaan kalsooni iyo ku
dayasho wanaagsan oo ay asaaggood wax kula qaybsadaan.
Gabagabadii, mid ka mid ah maahmaahyada Soomaaliyeed ee xikmadda badan ayaa leh
"Nin xilqaaday eed qaad". Macnuhu waa ninkii xil qaadaa waa eedeysane. Eeddaasi
ha ahaato mid jirta ama yeysanba jirine. Marka taas la qiimeeyo waxaa hubaal ah
in ay jiraan gefaf iyo eedo laga tirsanayo intii maamulka uu hayay Madaxweyne
Aadan Cadde. Waxayse ila tahay in caddaaladdu ay tahay in qof walba la miisaamo
oo la is barbardhigo wixii uu sameeyay iyo wixii uu halleeyay, natiijada halkaas
ka soo baxdana wax lagu xukmiyo oo wax lagu qiimeeyo.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Aadan, wuxuu isagoo waayeel ah da’siisuna ay 100 sano
sii cagacageyneyso ( Alle ha u barakeeyee) ku xanuunsanayaa dal shisheeye. Waxaa
haddaba ila habboon inaan u duceyno , una rajeyno caafimaad degdeg ah. Intii uu
maamulka waddanka hayay iyo wixii ka dambeeyayba, waxaa la sheegaa inuu Mudane
Aadan goor walba u duceyn jiray dadkiisa. “ Ilaahayow Soomaalida dad ka dhig !!
“ ayaana ka mid ahayd ducooyinkii ay ka soo wariyeen taariikhyahannadu.
Waxaan Madaxweynaha Alle weyne uga rajeynayaa caafimaad degdeg ah. Sidoo kalena,
waxaan Rabbi ka baryayaa inuu degdeg umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadda
Islaamka ah ee dulmanba uga dulqaado culeyka uu cadowgoodu ku hayo, kuna
hanuuniyo jidkii ay aakhiro iyo adduunba ku badbaadi lahaayeen.
----------------------------------------
Muuqaal
Video ah : 1dii luulyo 1960
--------------------------------------
Gabay: Go’aan Qaran:
Gabaygu wuxuu jawaab u yahay gabaygii M. Xirsi.. Akhri
ama
Dhegeyso
Maxamed Cali Cibaar
Soomaali60@yahoo.com
Jun 7, 2007
Himilo : Allahayow waxaan haybinnaba kii hayaad
tahaye: Gabaygu, wuxuu jawaab u yahay farriin culus oo.. Akhri
Bannaanbaxii London iyo
sawiradii halkan ka daawo


|