SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Boqor Cusub oo ay dooratay Beesha Ismaaciil Cali. 

 
Waxaa bishan aynu ku jirno ee July 2007 ka dhacay Magaalada Boosaaso Shir ay isugu yimaadeen in kabadan 230 ergo oo ka tirsan beesha Ismaaciil Cali Ergooyinkaas oo  Dood iyo falanqayn dheer kadib isku raacay in loo doorto Isinka beesha inuu noqdo Cumar Ismaaciil Sanwayne.
 
Waxaa intii shirkaasi socdey la doortay guddi Go'aan ka soo gaara magacii loo bixin lahaa isinka wadatashi ayaa guddigu la yeesheen , Nabadoonada , Samadoonada, Culumaa'udiinka , Aqoonyahanada, Iyo Jaaliyadaha dibada ee beesha ayaa waxaa la isku raacay inuu noqdo magaca isinka beesha Ismaaciil Cali BOQOR
 
Sidaa darteed waxaa Boqor Cumar Ismaaciil Sanwayne loo doortay Boqorka beesha..   waxaana beeshu goor dhow baahin doontaa xiliga caleema saarka.
 
 
       WABILAAHI TOOWFIIQ

Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com