SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FINLAND
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 
CIYAARIHII EUROSOM OO SOOGAARAY SEMIFAYNAL IYO AQOON ISWEYDAARISIYO DHACAY. 

Waxaa si habsami ah weli uga socda garoomadda ay ciyaaruhu ka socdaan ee magaaladda Helsinki ciyaarihii EuroSom oo ay sanadkan martigeliyeen urur weyna KANAVA. 

Ciyaarahan ayaa waxaa ay soo biloowdeen maalintii ay bishu aheyd 20.7.2007 dii ilaa iyo hadda waxaa ay ku socdeen si habsami ah. Ciyaarahan ayaa hadda waxaa ay marayaan heer gabo gabo ah waxaa ciyaarihii ugu danbeeyey ay kooxuhu isku kala reebayeen kooxdee ayaa kabixidoonta ciyaaraha kooxdeese usoo haridoonta semi faynalka. 

Hadaba aqristow bal aan isla fiirino ciyaarihii ugu danbeeyey iyo qaabkii loo ciyaaray iyo weli intee koox ayaa u soo baxdey semifaynalka yeyse kala yihiin. 

28.7.2007 Waxaa ciyaar isaga horyimid labda kooxood ee kala ah Waaberi (Engaland) iyo Sokao (Norwey), ciyaartan ayaa waxaa la saadaalinayey iney ciyaar aad u ukulu tahay oo kooxdii laga badiyaa waxaa ay markiiba koreysey terebuunaha. Ciyaartu waxaa ay ku bilaabatay jawi wanaagsan

oo labada kooxoodba waxaa ay soo bandhigeen ciyaar wanaasan oo dadkii u soo daawasha tagay ay kawada heleen. 

Ciyaartan oo aheyd ciyaar adag oo qoladii laga badiyaana ay tarebuunaha tegeysey ayaa waxaa ay guushii raacdey kooxdii ka socotay wadanka Norwey oo ku badisey 4 gool halaka ay dhalinyaradii Waaberi ay wax gool ah la imaanwaayeen.  

Waa isla ciayaartii labaad ee galabtaas la ciyaaraye, ciyaartan ayaa iyadana waxaa ay aheyd ciyaara aaad u wanaagsan oo iyadana kooxdii laga badiyaa waxaa ay tagaysey banaanka ama tarebuunaha. 

Ciyaarahan ayaa waxaa ay marayaan gabagabo oo waxaad arkeysaa kooxdii laga badiyaa waxaa ay ka haraysaa horyaalka EuroSom. 

Ciyaartan waxaa isaga hor yimid labada kooxood ee kala ah Gothenburg (Sweden) iyo Kanava (Finland). Labadan kooxoood ayaa waxaa looga bartay ciyaar wanaag, ciyaar wanaagaas ka sokow ayaa hadana kooxdii laga adkaadaa ay ka hareysey horyaalkan. Ciyaartan oo aheyd ciyaar adag ayaa waxaa gabagabadii ay iyana ku soo gabagaboowdey 2 gool Kanava halak Gothenburg 1 gool ka dhaliyeen. 

Hadaba qaybata (B) oo ay iskula jireen Bermingham, Waaberi, Soao, Gothenburg iyo Kanava ayaa waxaa kasoo baxay Kanava oo Finland ah iyo Sokao oo Norwey ah. 

29.7.2007 Waxaa iyana dhacay ciyaaro aad iyo aad u xiiso badnaa, ciyaarahan ayaa waxaa iyagana isaga hor yimid kooxda Hirda (Holland) iyo Al-Hijra (Egland). 

Hirada ayaa waxaa ay hor u soo ciyaartay sedex ciyaarood oo laba ka mid ah ay badisey halna barbardhac gashay, Hirda ayaa maanta waxaa ay soo bandhigtay ciaar wanaagasan, halka aya sidoo kale Al-hijra ay horey u soo ciyaartay sidoo kale sedex ciyaarood oo ay laba ka mid ah badisey midna laga badiyey.

Ciyaartan ayaa gabagabadii waxaa ay ku soo gabagaboowdey Al-Hijra 4 gool iyo Hirda oo  2 gool dhalisey. 

Aqristow Qayta (A) ayaa waxaa semifaynalka u soo baxay Al-Hijra (England) ah iyo Leicester (England).

Ciyaarahan ayaa maalinta 31.7.2007 waxaa ay tahay maalin fasax oo loogu talagalay ciyaaraha fudud. 

AQOONISWEYDAARSIYO IYO DOODO ISBOORTI IYO QAYBIHII FANKA OO IYAGANA SOCDA. 

Waxaa iyagana ciyaaraha ka sokow socda qaybo kala duwan oo loogu tala galay dhalinyarada in looga faa’ideeyo dhinacyada kala duwan ee bulshada, isboortiga, caafimaadka iyo qaybaha kala duwan ee dhalinyarada. 

Waxaa hadaba halkaas aqoon iswetdaarsiyo kala duwan ka soo jeediyey aqoonyahano ama dad qibrad u leh arimahaas ama aan is dhihi karno waxbay dhalinyaradda kala munaaqashoonkaraan. 

Hadaba aqristow aqoonyahanaddii halkaas wax ka aqrisey ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Olybikada Soomaaliyeed Mudane Abdulqadi Gacal Abkow, Iimaan Icar oo ahaa aqoon yahan qibrad wen u leh arimaha dhalinyaradda oo aan ru ahaan tii aniga aan si fiican uga helay waxyaabihii uu halkaas ka soo jeediyey, waxaa sidoo kale halkaa wa ka soo jeediyey Prof.Musse Naasir sidoo kale gudoomiyaha  kooxda Hirda Faadumo oo iyana kaalintii kaga aadaney ka soo jeedisey. 

Qaybaha ay ka kooban yihiin barnaamijyada EuroSom ayaa lagu soo koobi kari halkan lakiin waxaa iyana in aan wax ka sheegno ay tahay qaybaha ay fanku ka qaateen ciyaarahan oo aheyd qayb aad u weyn oo aan lasoo koobi Karin haddii aan iyagan aan waxa idinka xasuusiyo fanaaniinta har iyo habeen joogtay ayaa waxaa ay ahaayenn fanaaniinta waaweyn ee Loofele iyo Abdi Heybe oo iyagu dhalinta la garab taagnaa had iyo goor sidii ay u madadaalin lahaayeen, waxaa sidoo aan xusi karnaa labo fanaan oo reer Gothenburg ahaa oo lakala yiraah Dalmar oo aan aygana had iyo jeer ka maqneeyn qaybaha madadaalada. 
 

Waxaa soo diyaariyey

Madaxa warbaahinta EuroSom iyo Qabanqaabadda

Abdiaziz Godah

agodah@hotmail.com   

July 29, 2007

 

QADO SHARAF LOO SUUBIYEY AABAYAASHII ISBOORTIGA SOOMAALIYEED IYO CIYAARIHII UGU DANBEEYEY 

Waxaa qado sharaf aad loo agaasimay oo ay goob joog ka ahaayeen dhamaan aabayaashii isboortiga Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qabanqaabiyey ururweynaha KANAVA iyo EuroSom. 

Xafladan ayaa waxaa aheyd mid jawiwanaagsan ku bilaabatay ayaa waxaa ugu horeeyntii ka hadlay gudoomiyaha qabanqaabadda ciyaaraha Mudane Abdulqadir  Hadaafow oo ka mahadceliyey sida sharafta leh oo ay uga ogolaadeen marti sharaftii iney ka soo qaybgalaan xafladan sharafta leh. 

Waxaa ka dib hadalkii qaatay oo uu ku soo wareejiyey maamulaka martida looyahay ee ciyaaraha waa Gudiga EuroSom oo uu goobjoog ka ahaa kusimaha gudoomiyaha EuroSom Mudane Hassan Muuse, Hassan ayaa hadal gaaban ka soo jeediyey un a mahadcelinyey dadkii soo qabanqaabiyey xafladan qiimiga leh waxaa uu ka dib ku soo dhaweeyey gudoomiyaha gudiga Olympikada Somaaliyeed Mudane Abdulkadir Gacal abkow, Mudane Abkow ayaa waxaa uu hadal dheer ka soo jeediyey halkaa waxaana uu ugu danbeeyntii ku soo gabagabeeyey ISBOORTIGU WAX MA DUDUMIYO EE WAXBUUDHISAA isaga oo markaas la dardaarmayey dhamaan qaybaha kal duwan ee isboortiga Yurub. Gudoomiyaha ayaa waxaa intaas ka dib uu ku soo wareejiyey Aabaha isboortiga Soomaaliyee Mudane Nuur Hussein ”NUUR JEENYO” oo isaguna ka soo waramay taariikh dheer ka dib ayaa aabaha waxaa uu isaga oo ilimo ka socoto waxaa uu yiri WAR ISBOORTIGA SIDAN HALAGA BADELO isaga oo ula jeedey isboortigan waqtiga la joogo oo aan wax kala danbeeyn iyo is ixtiraam laheyn. 

Xafladan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxda ugu sareeysa isboortiga Soomaaliya iyo mas’uuliyiin sar sare oo ay ka mid ahaayeen madaxii garoomada iyo hotelkii isboortiga Mudane Isoomareey, waxaa kaloo joogay Gudoomiye ku xigeenadda Olympikada Soomaaliyeed ee arimaha dibadda iyo Horumarinta Duran Farah iyo Bashiir Fox, Xoghayaha guud ee Olympikadda Soomaaliyeed Abdulahi Tarabi,marti kale oo nooga timid SWEDEN oo ay ka mid ahaayeen Sacad iyo AbdiCade, Kabtankii xulka kubadda Cagta kabtan SHAASH, Aabaha isboortiga Finland Bashiir Abdi Daahir,gudoomiyaha Kanava Mogdisho Salad. 

CIYAARO AAD U XIISO BADAN OO AY SOO BANDHIGEEN KOOXA KANAVA IYO WAABERI. 

Ciyaar ay dad badan u soo daawasho tageen ayaa waxaa ay isaga horyimaadeen kooxaha Kanava (Finland) iyo Leicester (England). Ciyaartan ayaa jawai aad u wanaagsan ku bilaabatay. 

Mar aan ciyaarta ka hor wareysi la yeeshay macalimiinta kooxda kanava oo kala ah Maxamed Atlantiz iyo Macalin Jaango’an ayaa Atlantiz waxaa uu ii sheegay iney soo bandhigayaan ciyaar dadweynaha ay ka helaan, macalinka ayaa waxaa uu intaas ku darey iney kooxda Waaberi ay yihiin dhalinyaro yar yar oo mustaqbalka ku leh ciyaaraha EuroSom. 

Ka dib waxaa bilaawdey bilaabatay ciyaartii, ciyaartaas oo aheyd mid aad u degan  ayaa ciyaartoydii waxaa soo bandhigeen ciyaar wanaagsan, gabagabddii ciyaartan ayaa waxaa ay ku soo gabagaboowdey 2gool Waaberi iyo 1 gool Kanava. 

Macaln Jaan iyo Atlantiz ayaa waxaa ay gabagabdii ka bixiyeen war saxaafadeed oo ay noo sheegeen sababta looga badiyey, waxaa ayna ku bilaabatay ”bilowgii ciyaarta way adkeyd sidii aan ula qabsan laheyn,lakiin qaybtii labaad waxaa ay kuadda gacanta u jirtey kooxda Kanava, waxaan oran karnaa nasiibka ayaa na diidey”. 

Sidoo kale waxaa aan wareysanay macalin Shardi oo ah macalin da’yar waxaana uu ii sheegay sanadkan iney soo diyaar garoobeen oo ayna rajo weyn ka qabaan iney guul weyn ka keenaan ciyaaraha sanadkan inaga oo ku xisaabtamayna dhalinyaradan da’da yar ee aan wadano. 

Ciyaartii labaad ayaa waxaa ay dhexmartay labakooxood oo iyagan aan ka liidan kuwan aan horey u soo sheegnay, ciyaarahan  ayaa waxaa hadda ay marayaan qaybihii ugu adkaa ciyaartan ayaa waxaa ay dhexmartay Birmingham (England) iyo Gothenburg (Sweden). 

Ciyaartan ayaa waxaa ka dhexmuuqdey ciyaaryahano caan ah oo qaran iyo kooxaba ka soo cayaaray, waxaan ka xusi karnaa C/Raxiin Faakte iyo Yariisow. 

Ciyaartan ayaa waxaa ay kama danbeystii kusoo gabagaboowdey 1 gool Birmingham iyo 2 gool Gothenburg.

27.7.07 Helsinki Waxaa sidoo kale ciyaaro maanta ay dhexmareen kooxa kala ah Al-Hijra (England) iyo Kik (Denmark). 

Ciyaartan ayaa waxaa iyana u soo daawashatagay dad weyne aad u tirabadan iyo marti sharaf kalaba, ciyaartan oo aheyd ciyaar xiiso badan ayaa waxaa labadda kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar dadweynihii daawanayey ay kawada heleen. 

Ciyaartan ayaa waxaa ay ugu danbeyntii kusoo gabagaboowdey  2 gool Al-Hijra  halka Kik waxba ka dhalin. 

HIRDA OO DHINACA DHULKA U DHIGTAY DHALINTII LEICESTER 

Waxaa ciyaartii labaad ay dhexmartay kooxaha Leicester (England) iyo Hirda (Holland), ciyaartaas ayaa dadweynahii  u soo daawasha tegey ay filayeen in kooxda Leicester ay ciyaar wanaag muujin doonaan, balse waxaa ka hor yimid kooxda hirda oo aan weli laga badin, kooxdan ayaa waxaa macalin u ah Kabtan Shaash. 

Ciyaarta ayaa waxaa ay aheyd ciyaar wanaagsan oo ay labadda kooxood weerar iyo weerar celis ka dib ay ku dhamaatay 5 gool Hirda (Holland) halka dhalinyarada yaryar ee Leicester ciyaarwanaagooda ay dhaafiwaayeen 2 gool. 

Gudoomiyaha kooxda Leicester mar aan wax ka weydiiyey  maxaa qabsadey dhalinyaradii yaryareed ee ciyaar wanaaga muujisey ayaa Gudoomiye Saney waxaa uu iigu jawaabay iney ka dhaawacnaayeen ciyaartoy badan. kuna qanacsanahay todobadda dhibcood ee aan leenahay. 

Yuusf Yuusuf oo ka mid ah kooxda  Hirda ayaa waxaan wax ka weydiiyey ciyaartii maanta ayaa waxaa uu iigu jawaabey ”Iney aad ugu faraxsanyihiin guulaha aan ka gaarney horyaalka EuroSom ee sagaalaad ee sababteedana tahay isku xirnaanta kooxda iyo taageerayaasha badan ee aan ku leenahay garoonka”. 

Waxaa soo diyaariyey
Abdiaziz Godah
agodah@hotmail.com 

AABAHA ISBOORTIGA SOMAALIYEED IYO XOGHAYAHA GUUD EE OLYBIKADA SOMAALIYEED OO SOO GAARAY CIYAARAHA EUROSOM. 

Iyada oo ay horey ugu sugnaayeen Magaalada Helsinki madaxdii ugu sareysey isboortiga Somaaliyeed ayaa waxaa ku soo biirey Aabaha isboortiga Somaaliyeed Nuur Xussein (Nuur Jeenyo) iyo wafdi uu hogaaminayey. 

Aabaha isboortiga Soomaaliyeed ayaa waxaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyey magaalada Helsinki, wafdigan uu Aabaha isboortiga Somaaliyeed Hogaaminayo ayaa waxaa ay ka dib la kulmeen bulshada Soomaaliyeed iyo gudiga qabanqaabadda ciyaarahan. 

Mudane Nuur Hussein ayaa waxaa kulano kale laqaatay xubanaha GOS oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Olymbikada Soomaaliyeed Mudane Abdulqadir Gacal Abkow. Mudane Nur Hussein ayaa ka dib waxaa uu soo fiirsadey ciyaar dhexmartay kooxaha kala ah  Hirda (Holland) iyo Kik (Denmark) ciyaartaas waxaa ay ku dhamaatay barbardhac 2 - 2, waxaa sidoo kale ciyaartii labaad ee uu Aabaha isboortiga Soomaaliyeed ee uu ka qayb galay isaga horyimid kooxaha kala ah Leicester (England) iyo Oslo (Norwey) ciyaartan ayaa ayadana aheyd ciyaar adag aheyd oo ay labadii kooxoodba sidoo kale ay isla dhaafi waayeen 3 – 3. 

XOG HAYAHA GUUD EE OLYBIKADA SOMAALIYEED OO SOO GAARAY CIYAARAHA EUROSOM HELSINKI 2007. 

Waxaa sidoo kale soo gaaray magaalada Helsinki xoghayaha guud ee Olymbikada Soomaaliyeed Mudane Cabdulahi Tarabi oo isagana ka mid ahaa marti sharaftii lagu martiqaadey ciyaaraha xagaaga Eurosom 2007 ee sanadkan lagu qabanyo magaalda Helsinki. 

Mudane Tarabi ayaa waxaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyey magaalda Helsinki, dadkii soo dhaweeyey ayaa waxaa ka wada muuqatay farxad aan lasoo koobi karin. 

Tarntanka xagaaga ciyaaraha EuroSom ee sanadkan ayaad waxaad moodaa inuu la mid yahay midka Olympikada oo kale oo waxaad arkeysaa dadbadan oo aduunka ah oo muddo kal maqnaa oo ku kulmay halmeel dabadeedna ay farxad ka wada muuqato. 

Aqristow waxaa naga xasuus ah iney ciyaarha EuroSom ay hadda ku suganyihii madaxdii ugu sareeysey ee isboortiga Somaaliyeed, madaxdan ayaa waxaa ay raadinayaan sidii dhalinyaradda yaryar ee dibadaha kunool isboortigooda loo hormarin lahaa , kadibna looga faa’ideeysan lahaa wadankii hooyo si ay u matalaan xulka qaranka Soomaaliyeed. 

Waxaa soo diyaariyey
Madaxa warbaahinta EuroSom iyo gudiga qaban-qabada
Abdiaziz Godah
agodah@hotmail.com 

July 27, 2007


DUQA MAGAALADA HELSINKI OO XAFLAD SOO DHAWEYN AH U SAMEEYEY KASOO QAYB GALAYAASHA CIYAARAHA EUROSOM. 

Aqalka duqa magaalda Helsinki ayaa maanta waxaa ka dhacday xaflada aad u ballaaran oo lagu soo dhaweeyey dhamaan maamulka iyo ciyaaryahannada Eurosom iyo weliba gudoomiyaha gudiga olympikada Soomaaliyeed mudane Abdulkadir Abkow iyo wafdigii uu hogaaminayey, oo ay ka mid ahaayeen, Duraan Faarax, Bahsiir Foxis, Axmed nuur Elman, kabtan Shaash iyo Iimaan Ikar. 

Waxaa ugu horaynba xafladda hadallo guubaabo iyo soo dhaweyn ah kasoo jeediyey, ku simaha duqa magaalada Helsinki Mr Ilkka Chiristian  oo halkaas aad uga amaanayey maamulka Kanava iyo dhamaanba gudiga qabanqaabada shaqada wanaagsan ee ay qabteen iyo sahrafta weyn ee ay usoo jiideen magaalada Helsinki, wuxuu sidoo kale u mahad celiyey maamulka Eurosm oo isaguna ogolaaday in tartanka Eurosom lagu qabto sannadka 2007 magaaladan Helsinki. Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ” waxaan aad ugu faraxsanahay  sahraftan ay noosoo jiideen reer Kanava iyo sida wanaagsan ee ay maamulka Eurosomna kalsoonida noo siiyeen, waxaan diyaar la ahay wax walba oolagu hormarinayo farxadda dhalinyarada halkan iskugu timid” . 

Waxaa isna sidoo kale halkaas hadal mahadcelin ah kasoo jeediyey gudoomiye Abkoow oo uga mahad celiyey maamulka magaalda Helsinki iyo dowladda Finland sida aan hagarta lahayn ee ay marwalba ugu taagan yihiin inay gacan qabtaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba, gaar ahaan kuwooda wadankan ku nool.  

Waxaa xusid mudan in Gudoomiye Abkow uu guddoonsiiyey Mr Ilkka Christian guddoonsiiyey billadda astaanta u ah gudiga Olympikada Soomaaliyeed. 

Ugu dambeyntii waxaa iyaguna hadallo mahad naq ah halkaa kasoo jeediyey, maamulka Eurosom, maamulka Kanava iyo dhamaanba ciyaartoyda oo duqa magaalda uga mahadceliyey martiqaadkaas iyagoo isla mar ahaantaana gacan qaadaya sawiro xusuus ahna la galaya. 

Abdiaziz Godax
Madaxa warbaahinta Eurosom & gudiga qaban qaabada 
agodah@hotmail.com


Kooxda Gothenburg oo ugu awood sheegtey da'yarta Waaberi 2-0 

Maanta oo ku beegnayd 22-ka bisha July ayaa garoonka Helsinki oo uu ka socdo horyaalka 9-aad ee EUROSOM ayaa waxaa galabta isaga hor yimid labada kooxood ee kala ah; Gothenburg (Sweden) iyo Waaberi UK. Ciyaartaas oo aad u xiise badnayd waxay ku soo dhammaatay 2-0 ay guushu ku raacday Gothenburg Sweden.

Kooxda Gothenburg ayaa soo bandhigtay ciyaar wanaag, inkastoo kooxda Waaberi ay yihiin ciyaaryahanno da' yar oo mustaqbal fiican ku leh isboortiga, waxaase u awood sheegtay kooxda Gothenburg oo ka waaya aragsanaa. 

Waxaa cayaartan sidoo kale marti  ku ahaa xoghayihii hore xiriirka ciyaaraha fudud Cumar  Dhagaweyne. 

Abdiaziz Godah     
EuroSom Helsinki 

Birmingham iyo Sukao Norway oo barbardhac isla dhaafi waayey 

Waxaa caawa fiidkii ciyaartii labaad ee tartanka Eurosom isaga hor yimid kooxaha Birmingham UK iyo Sukao Norway, ciyaartaas oo xamaasaddeedu aad u sarreysay ayaa u ekeyd mid faraha ka sii baxaysa kaddib markii ciyaaryahannada labada kooxood ay sameeyeen falal ka baxsan ciyaaraha, si ay guushu ugu raacdo midba midka kale, taasoo dadweynaha garoonka ay xiiseynayeen. 

Ciyaarta ayaa ku soo gaba gabowday 2-2. Ciyaartii galabta ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne badan oo reer Finland ah,lagana xusi karo laacibka weyn Cabdullaahi Maxamuud Salxaan oo loo yaqaanno Eenow oo u dheeli jiray naadigii Madbacadda iyo xulkii Qaranka. 

Abdiaziz Godah
EuroSom Helsinki

agodah@hotmail.com

July 22, 2007


Furitaanka Ciyaaraha EuroSom ee Helsinki 2007

Gudoomiayaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo maanta [sabti] furey cayaarha xagaaga ee Eurosom 2007. 

Waxaa maanta ka  furmey magaaldda Helsinki ee dalka Finland  cayaarahii xagaaga ee Eurosom. Cayaarhan ayaa sanadkiiba mar laqabtaa waxaana soo qabanqaabiyo  Urur weynaha Eurosom waxaana lagu qabtaa hadba wadanka ku guuleyso doorashada qabanqaabada cayaarhan. Furitaankii cayaarha ayaa waxaa ugu horeytii halkaa ka hadley Gudoomiyaha qabanqaabada cayaaraha Eurosom ee Finland Mudane Cabdulqaadir Hadaafow. Waxuuna ku soo dhaweeyey dhamaan ka ka soo qeybgalyaasha cayarahan qaasatan Gudoomiayaha G.O.S iyo bahweynta isboortiga ee ka soo qeyb galey cayaarahan. Waxuu sidoo kale amaan usoo jeediyey cayaartoydii ka soo qeybgashey tartanka. Waxaa sidoo kale ka hadley Gudoomiyaha Euromsom mudane Maxamed Diini oo ka hadley taariiqda Urur weynaha Eurosom iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu sooo marey ururka Eurosom. Maxamed Diini ayaa ugu danbeyntii kusoo dhaweeyey gudoomaiyaha Gudoomiya guddiga olombikada Soomaaliyeed mudane Cabdulqaadir Gacal Abkow.

Mudane Abkow oo ey u-aheyd markii ugu horeysay oo uu kasoo qeybgalo furitaanka cayaarahan ayaa aad u amaanaey wax qabadka bahda isboortiga ee Yurub qaasatan qabanqaabiyaasha cayaarhan ee Eurosom. Abkow ayaa u-rajeeyey in cayaarahan ey ku dhamaadaan jawi wanaagsan kana soo baxaan dhalinyaro tayo leh isla markaana wax u qabto wadankooda.  

Cayaartii ugu horeysay ayaa waxaa lagu furey kooxda Kanava ee Finland oo iyaga marti loo ahaa iyo kooxda Sokoa ee Norwey . Labada kooxood ayaa soo bandhigey cayaar aad u wanaagsan oo dadki kasoo qeybgaley uruyaaqeen. Cayaartaan ayaa waxaa ey guusha ku raactey 2-1 kooxda Kanava ee Finland. Cayaarta labaad ayaa waxaa isku arkey labada kooxood ee Wabari ee reer London iyo kooxda Bergnhanm ee England. Cayaartan oo iyana aad u wanaagsaneed ayaa waxa  ey kusoo gaba gaboobdey  barbar dhac (0-0). Dhinaca madada daalada ayaa waxaa maanta garoonka diyaar ku ahaa fananka weyn ee Maxamed Xassan Xuseen (Lafoole) oo ah fanaan dhalinyarada aad u jecelyiiin dhawaantana soo saari doono  album cusub oo aad ka heli doontaan goobaha lagu iibiyo canjaladaha. Fanaanka Lafoole ayaa halkaa ka qaadey heeso cusub iyo kuwii horaba. Fanaanka ayaa sii joogi  doono inta cayaaraha ety socdaan. Waxaa dadkii kasoo qeyb galey ka mid ahaa Gudoomiyaha G.O.S mudane Abkow, Kuxigeenkiisa Mudane Duraan, Bashiir Fox, Kabtan Ibraahim Shaah, Ibraahim Buruko, Maxamed YaanyoAxmed Nuur (gudoomiya Elman) Muriidi Seen, Pr Muuse Nasir, Gudoomiya ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed. Salaad Xasan , Cabdi Caagane Omar , waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa laacibkii naadiga batroolka Keynadiid Abdi Daahir iyo dad badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin. Waxaa sidoo kale goobjoog  ka ahaa  qaar badan oo ka tirsan saxaafada caan ka ah ee Soomaalida. 
 

Waxaa Diyaariyey

Madaxa warbaahinta Eurosom

Abdiaziz Godah

agodah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 21, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com