Mustafa Maxamed- Orodyahan soomaaliyeed oo kudayasho muddan.
Hordhac

Qormadaan waxaan kaga hadli doonaa taariikhda iyo guulaha uu gaaray
orodyahanka soomaaliyeed ee Mustafa Maxamed. Orodyahanku waxaa uu
matalaa wadanka iswiidhan oo uu yaraan kusoo galay haystona
dhalashadiisa.Guulaha uu gaaray Mustafa waxaa ugu dameeyey isagoo
maalintii sabtida ee 28-ka bisha luuliyo jebiyey rikoor orodka 3000 m ee
wadanka Sweden kaas oo uu 31 sanno kahor dhigay nin Iswiidhish ah ee la
yirahdo Anders Gärderud.
Ninkaasi Waxaa uu masaafadaas 3000 m ku orday 8.08,02 halka uu
mustafa ku orday 8.05,75. Guushaas uu Mustafa soo hoyey waa mid wadanka
swiidhan oo dhan aad iyo aad looga hadal hayo. Waxaa la filayaa in
mustafa guulo kasoo hoyo ciyaaraha aduunka ee fudud ee bisha augusto ka
bilaaban doona magaalada Osaka.
Taariikh nololeedka iyo guulihii mustafa.
Mustafa muhamed waxaa uu ku dhashay wadanka soomaaliya kolkii
sanadku ahaa1979. Kolkii uu yaraa waxaa uu mustafa ku noolaa baadiyaha
soomaaliya,waxaana uu raaci jirey geel iyo ari ilaa uu ka gaarey da`da 7
sano.Kadib waxaa reerka mustafa usoo wareegeen magaalada muqdisho ee
caasimada wadanka soomaaliya. Halkaasna waxaa uu ka bilaabay
waxbarashada dugsiga hoose.Mustafa waxaa uu yimid iswiidhan isagoo jira
11 sano.Balse waxaa uu orodka bilaabay isagoo ay da`diisu tahay 16 sano
jir.
Waxaa uu mustafa ordaa masaafooyin kala duwan ee dhinaca orodka ah
kuwaas oo ka bilaama 1500 meter. Mustafa guulo aan halkaan lagu soo
koobi karin ayuu ka gaarey ciyaaraha orodada. Tusaale ahaan isgoo 18 jir
ah1997-dii ayuu bilad qalin ah ku qaatay tartanka orodada ee
dhalinyarada yurub. Kolkaas oo uu mustafa orday masaafada 10000 ee
miter.
Ciyaarihii Olombiga ee sanadkii 2004-tiiayaa uu mustafa wacdaro ka
muujiyey isagoo usoo gudbey ciyaartii kama dameysta ahayd ,halkaasoo uu
ugu dameyntii galay kaalinta 13 naad.Ciyarta 3000 ee hinderka ayuu ka
qayb qaatay kolkaas. Ciyaaraha yurub ee kaymaha iyo meelaha lakala
xir-xiranlagu ordo ayuu sanadkii 2006-da ka galay mustafa kaalinta 3àad.
Halkaas oo lagu gudoonsiiyey bilada maarta ah. Tartankii ciyaaraha fudud
ee yurub ee la qabtay sanadkii 2006-da waxaa uu mustafa galay kaalinta
afraad.
Guulaha uu mustafa ka gaaray ciyaaraha wadanka Iswiidhan gudihiisa
ayaa iyaguna aad iyo aad u tira badan. Guulahaas oo dhami waxaa ay
mustafa ka dhigeen mid aad looga yaqaan wadanka Iswiidhan isla markaasna
ay dhalinyarada yar-yari ku daydaan. Tusaale ahaan waxaa guushii ugu
dameysey ee mustafa aad iyo aad wax uga qoray jaraaìdka kasoo baxa
wadanka Iswiidhan.
Joornaalka la yiraahdo ”DN” oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn Iswiidhan
ayaa qoray maqaal uu kaga hadlaayo guulaha uu gaaray Mustafa. Joornalku
waxaa uu qormadiisa maqaal uga dhigay sidatan: ”. Från Mogadishu till
Hälle IF
Taasoo macnaheedu yahay waxaa uu ka yimid muqdisho, waxaana uu yimid
Hälle IF oo ah kooxda ciyaaraha fudud ee uu mustafa ka tirsan yahay.
Joornaalka kale ee la yiraa Aftonbladet ayaa isna qaybtiisa Isboortiga
kaga faalooday Mustafa. Waxaa tafariraha qaybta isboortigu ku
nuux-nuuxsaday inuu mustafa oo kasoo jeeda wadanka soomaaliya usoo hoyi
doono iswiidhan guulo wax ku ool ah kolkii ay bilaamaan ciyaaraha
aduunka ee fudud.
Gebagabo
Mustafa maxamed waxaa uu guulaha aan kor kusoo sheegnay ku gaaray
dadaal iyo dulqaad badan. Waxaa uu Mustafa sanad walba degsadaa yoolal
kala horeeya oo uu doonaayo inuu gaaro. Waxaa uu sameeya tababaro joogto
ah si uu u gaaro halka uu doonaayo. Waxaa uu markasta isku dayaa inuu la
tababarto ciyaartoyda orodada ee dunida ugu fiican. Kolka ay cimilada
iswiidhan u masaabixi weydo inuu iswiidhan gudaheeda ku tababartona
waxaa uu u dhoofaa wadan kale ee cimiladiisu ku haboon tahay hadba
tababarka uu markaas sameynaayo.
Mustafa inkastoo uu u tartamo Iswiidhan hadana waxaa uu ka hadlaa oo
inta badan ka fekeraa dhalinta soomaaliyeed meel ay joogaanba. Mar uu la
hadlaayey mid ka mid ah joornaalada Iswiidhan, isagoo wax laga weydiiyey
dhaqanka soomaaliya iyo waxayaalaha dhalinta muhiimka u ah waxaa uu
yiri:
“Daqanka Soomaalida ee Iscaawinta iyo iska warqabku waa mid aad u
fiican. Waxaad la noolaan kartaa qaraabada adigoo aan ka duwaneyn ilmaha
reerka. Soomaaliya adeero, abtiyaal, habaryaro ayaa wada degan, kuwaas
oo dhamaantood lagu magacaabo “reer”
Waxaad u laaban kartaa deriska adigoon qorsheyn halkaas ayaa cunto ka
cuni kartaa. Caruurta waxaa muhiim ah in la siiyo fursad ay horumar ku
sameyn karaan. Waxbarashada iyo nabadgelyaduba waa muhiim, taas oo
suurto gelin karta in qofku horumar sameeyo.Ayuu mustafa hadalkiisa ku
soo afjaray.
Sida aan kor kusoo sheegnayba ma aha guulaha Mustafa kuwo iska yimid
balse waa kuwa uu ka dameeyo dadaal iyo qorshe badan oo aad looga
baaraan degey. Haddaba waxaa dhalinta soomaaliyeed ee ku dhaqan daafaha
dunida la gudboon iney ku daydaan Mustafa ayna isku dayaan iney
samaystaan qorshe iyo yool ay higsanayaan. Qorshahaasi waxaa uu noqon
karaa mid waxbarasho, mid shaqo, mid ganacsi amaba mid ku wajahan
qaybaha kala duwan ee Ciyaaraha.
Kol aan xiriir la sameeyey Mustafa muxamed, oo aan ka codsaday inaan
wareysi ka qaado ku wajahan horumarkiisa iyo waxa uu kula talin lahaa
dhalinta soomaaliyeed waxaa uu ii sheegay inuu markasta diyaar u yahay
inuu wareysigaas I siiyo. Balse ciyaaraha fudud ee aduunka oo dhowaan
bilaabanaaya iyo Mustafa oo ku jira diyaargarowgiisii ugu dameeyey waxaa
aan doortay inaan wareysigaas la yeesho Mustafa kolka ay ciyaaraha
aduunku dhamaadaan. Waxaan haddii alle idmo idiin soo gudbin doonaa
wareysigaas.Inta ka horeysa taas n mustafa u rajeyneynaa guul iyo
horumar lagu farxo.
Dhalinta soomaaliyeedna waxaan leeyahay noqda kuwo ku dayda Mustafa.
Mahadsanidin
C/risaq Maxamed xuseen, Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com
Aqoonyahanada soogalootiga ah oo ka
qaxaya Sweden:
Sanad walba in
ka badan soddon kun oo qof ayaa Akhri..
Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2007