SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoJan 14, 07: Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan Magaalooyinka: Galkacyo (50), Baydhabo (29), Beledweyne (21), Muqdisho (18), Kismaayo (14)..
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa....
Daabaco Boggan | Print
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Shan Ka Tirsan Ciidamada Itoobiya oo Kufsaday Qof Dumar ah oo Soomaaliyeed, Kuna Kufsaday Gudaha Soomaaliya...

iyo Itoobiya oo Cadayn u weydey in ay Qabatay Muwaadiniin reer Britain ah..

Axad, Jan 14, 2007: Sida ay qortay jariidada ka soo baxda dalka Ingriiska ee Telegraph caddadkeedii maanta (14/1/2007), shan nin oo ah Ciidamada hubaysan ee Itoobiya oo ku lebisan dereyska askarta ayaa qof dumar ah oo Soomaaliyeed ku kufsaday meel u dhow xadka ay Soomaaliya la leedahay dalka Kenya, sidaasna waxay jariidadu ka soo xigatey shaqaalaha gargaarka ee reer Galbeedka.

Warku waxa uu intaas ku daray in dhacdadaasi aysan ahayn kufsigii ugu horeeyey ama kan keliya ee ay ciidamada Itoobiya u geysteen dumarka Soomaaliyeed, balse ay jiraan warbixino badan oo taas la mid ah. Jariidada oo arrintaas ka hadlaysey waxay tiri, ayadoo soo xiganeysa shaqaalaha gargaarka: "Dhacdadani ma ahayn tan keliya ee lagu soo waramay. Waxaa nasoo gaaraya warbixino badan oo noocaan ah," Waxana shaqaalaha gargaarka ee reer Galbeedku intaas ku dareen "Dagaalku marmarsiinyo uma aha ficilladan, mana aha guul."

Waxaa warku intaas ku daray in ciidamada Itoobiya si bini aadaminada ka baxsan ula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed. Dhacdo kale arrimhaas ka mid ah ayadoo xuseysa waxay Telegraph tiri: Ciidamada Itoobiya waxay istaajiyaan basaska bannaanka Muqdisho, dadka basaska saarana si xun ayey ula dhaqmaan oo camcaminaya oo isku deyaya in ay ugaarsadaan qof kasta oo taageeray dagaalkii Maxakamdaha Islaamiga ah, sida laga soo xigtey Qaramada Midoobey.

Dadka Soomaaliyeed ee Islaamka ah ihaanada ugu weyn ee u dheer in dhulkooda xoog lagu gumeysto waxay tahay in hortooda lagu kufsado hooyooyinkood, gabdhahooda iyo xaasaskooda iyo gabdhaha Muslimaadka ah ee Allah dartiis u xijaabtey, waana sida muuqata ee ay hadda sameeyeen ciidanka xabashidu mar haddii shan nin ay hal qof oo dumar ah Soomaaliyeed sidaas u galeen ayadoo aysan jirin cid ka hadli karta oo ka tirsan shacabka Soomaaliyeed, DFKMG ahna ay tahay mid shacabkeeda laga ilaaliyo oo ciidamada xabashidu ku hor joogaan Villa Soomaaliya qaybtii ay qurxiyeen Maxkamadaha Islaamiga ah, warbixinada ka qaadata ciidamada ficilladaas geysanaya, askarigii Soomaaliyeed ee arrimahaas ka dhiidhiyana xabsiga loo taxaabayo.

Britain: Zenawi ama aamus ama caddayn keen in dad reer Britain ah aad dagaalka Soomaaliya ku qabateen

Dhanka kale jariidada Telegraph waxay qortay in Itoobiya ay wax cadayn ah u keeni weydey in muwaadiniin reer Britain ah lagu qabtay dagaalkii ay la galeen maxkamadaha Islaamiga ah. Jariidadu oo arrntaas ka hadleysa waxay tiri:

Itoobiya waxay sheegatay in ay xirxirtay dad haysta dhalashada dalka Ingriiska oo ay ku qabatay dagaalkii ay la gashay dagaalyahaniinta Islaamiga ah Soomaaliya gudeheda arrintaas oo si isa soo tareysa ugu muuqatay mid mugdi weyni ku jiro kadib markii xalay uu xafiiska wasaarada arrimaha dibada Ingiriisku uu Itoobiya weydiistey in arrintaas cadayn u keenta balse ay jawaab ka soo bixin weydey

Meles Zenawi, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, ayey tiri jariidadu, oo ciidamadiisu awoodii ka tuureen Maxkamadihii Islaamiga ah bilowgii sannadka cusub, ayaa Talaadadii waxa uu yiri in dad British ah ay qayb ka ahaayeen kooxda caalamiga ah ee mujahidiinta kuwaas oo Maraykanku uu Isniintii ku duqeeyey Koonfurta Soomaaliya.

Jariidada uu warkeedii sii wadata waxay tiri: Markii dambe Ciidamada Itoobiya ayaa qabsaday aaggii ay ku andacoonayeen in ay joogaan toddoba haysta baasaboorka Ingriiska oo ku dhaawacmay duqaynta. Nimanka la qabtay waxay ku sheegeen Soomaali degganaansho ku leh Britain kuwaas oo Soomaaliya ugu laabtay in ay Maxkamadaha Islaamka u dagaalamaan. Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo muddo shan maalmood ah la weydiisanayey faahfaahin dheeraad ah, London ilaa hadda lama soo siin magacyada ama lambarada Baasaboorada si looga fiiriyo xafiiska diiwaan haynta Ingriiska iyo diiwaanka la dagaalanka argaggaxisada.

Jarididdu waxay tiri: Maalinti Jimacadii ayey ahayd markii ugu dambeysey ee Xafiiska Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Britain ay Itobiya u dirtay dhambaal ah xogta aad haysid keen ama iska aamus, taas oo  ilaa shalay galab aan wax jawaab ah laga helib. Waxa kale oo warku sheegay in Britain oo arrintaas ka welweshan ay baaritaan gaar ah oo arrintaas ku samaysay iyadoo adeegsaneysa safaaradeeda Kenya iyo M16, laakiin aan la helin wax muujinaya ama cadayn u ah waxa ay Itoobiya ku andacooneyso.

Jariidada oo hadalkeeda sii wadata waxay tiri: Dawladda Itoobiya ku guul daraysashadeeda in ay keeni weydey cadayn wixii ay ku andacooneysey waxay kor u sii qaadeysaa shakigii laga qabey in Mr. Zenawi ay hadal tiro iyo marmarsiinyo ka ahayd sheegashadiisa  mujaahidiinta ajnabiga ah si uu cadayn ugu helo duulaankiisa. Waxayna jariidadu intaas raacisay: Itoobiya waa cadawga taariikhiga ah ee Soomaaliya.

Waxaa warku intaas ku daray in Khamiistii uu safiirka Maraykanka u fadhiga Kenya, Michael Ranneberger, uu qiray in duqayntii Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya aan lagu dilin xubno ka mid ah al-Qaeda ee la raadinayey. Hadalkaas oo buriyey sheegashadii xubno ka tirsan DFKMG.

Waxaa warku intaas raaciyey in duqayntii ay ku dhinteen 70 qof oo xoola dhaqato ah sida ay sheegtay hay'dada gargaarka ee fadhigeedu yahay dalka Ingriiska ee Oxfam.

Waa kan markii ay Telegraph ka hadelysey kufsiga hadalkii ay qortay:

  • Five men in Ethiopian army uniforms also allegedly raped a woman near the Kenyan border, Western aid workers said. "This is not the only incident. We are receiving many of these reports," said one. "War is not an excuse for these actions, nor is victory." http://www.telegraph.co.uk

Jariidadda EritreaDaily oo faallo ka bixineysey in Zenawi uu cadayn u keeni waayey in ay Soomaaliya ku qabteen dad haysta dhalashada Ingriiska, waxa ay tiri: "Once a liar, always a liar" oo ah qofkii hal mar been sheega, weligsiis been sheeg iskama daayo.

  • Mudaharaad: Bannaanbax looga soo horjeedo Itoobiya oo Sabtidii ka dhacay dalka Switzerland ka akhri halkan...

FARRIIN KU SOCOTA SHACABKA SOOMAALIYEED
oo uu soo tebiyey oday Soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo C/raxdmaan Maacaallin Axmed, oo jooga Muqdisho, waxana uu hadalkiisa ku bilaabay: Anigoo ah Oday Soomaaliyeed da’diisuna tahay 80-jir, lana socda arrimaha Soomaaliya muddo ka badan 50-sano, illaa gobonnimo doonkii 1943-kii, waxaa ka socda Soomaaliya arrin fool xun oo ay ka wadaan dowlado shisheeye oo ku tashaday inay baabi’iyaan Dhammaan Soomaaliya jiritaankeeda, Diinteeda iyo Dadkeeda.... Akhri Qoraalka oo dhan...


Wararka kale ee Maanta: Jan 14, 2007

  • Ma Dhabaa In Baarlamaanku Diyaarinayo Mooshin Xilka Lagaga Qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan?
  • Guddoomiyaha Warsheekh: “Xubnihii la shaqeyn jiray Maxkamadaha waa inay saldhigyada booliiska iska xaadiriyaan”
  • Hogaamiyeyaasha dagaalka oo saddex cisho loo qabtay inay hubkooda ku soo wareejiyaan
  • C/llaahi Yuusuf iyo Gen. Morgan oo Villa Somalia kulan ku yeeshay
  • Odayaal ka socda beelo ku dagaalamay Maxaas iyo Wabxo oo maanta gaaraya deegaannadaas
  • Hawlgalo Hub Ururin ah Oo ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia Ka Wadaan Caasimadda iyadoo Saaka Hubkii Isbitalka Carataaf ay la wareegeen

Britain ;Oo Xukuumadda Addis-Ababa Ka Dhawraysa In ay caddeymo Rasmi ah ka Bixiso Muwaadiniin British ah Oo Gacanta Lagu Dhigay Xilligii Dagaalkii Maxaakimta iyo Itoobiya oo muuqataa mid ku Hungowday in ay cadeyn ka bixiso,

Xukuumadda London ee wadanka Britain, ayaa wali ka dhowraysa Dowladda Ethiopia, in ay caddeymo rasmi ah ka bixiso rag la sheegay in ay sitaan Baasabooro Ingiriis ah oo ka qeybgalay dagaalkii Maxkamadaha Islaamiga ay kala hortageen Ciidamada Dowladda KMG oo ay Ethiopia taakulaynayso.

R/wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi, ayaa dhawaan ku sheegay in ay qabqabteen Maxaabiis fara badan oo ay ku jiraan Muwaadiniin ajinabi ah oo qaarkood ay sitaan Baasabooro Ingiriis ah .

“Xog ay soo gudbiyeen sirdoonkeena waxa aynu ku haynaa ilaa 7 ruux oo Somali ah haystana dhalashada wadanka Ingiriiska, oo gacanta lagu dhigay iyagoo ka barbar dagaalamaya ciidamada midowga Maxkamadaha Islaamiga” sidaana waxaa yiri Meles Zenawi.

Arintan oo si weyn uga dareenkeeda u kicisay Dowladda Ingiriiska, ayaa Ethiopia, waxa ay u muuqataa mid ku Hungowday in ay cadeyn ka bixiso, waayo mudadii laga sugayey cadeynta waxa ay aheyd jimcihii lasoo dhaafay, waxaana ilaa iyo haatan ay Wasaaradda arimaha Dibadda ee Britain sheegaysaa in ay jawaab cadeyn ah ka sugayso Ethiopia, hadii kalana ay raali gelin buuxda ka bixiso.

Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, ayaa haatan waxaa ku sugan guddi ay Dowladda Ingiriiska u saartay baaritaanka iyo cadeyn ka bixinta arintani sheegashada Ethiopia ee ah waaba hadii ay dhab ka tahaye.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com


Ma Dhabaa In Baarlamaanku Diyaarinayo Mooshin Xilka Lagaga Qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan?

Warar laysla dhexmarayo Oo ay Xaqiijiyeen illo ku dhow dhow Mudanayaasha Baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xildhibaano badan ay is diiwaan gelinayaan islamarkaana ay isu diyaariniyaan Mooshin ka dhan ah sidii xilka Looga qaadi lahaa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mooshinkan ayaa yimid kadib markii uu gudoomiyaha baarlamanka shariif xasan sheikh aadan uu ka fikir duwanaaday masuuliyiinta dowlada ugu sarsaraysa iyo mudanayaasha baaralaamankaba islamarkana taasi ay soo dedejinayso Mooshin kasamaysmay xurgufta siyaasadeed in xilka lagaga qaado.

Dhanka kale Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isaga iyo 20 xildhibaan oo ay isku feker yihiin waxay shalay Booqasho ku tageen magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, isagoo gudoomiyuhu si cad uga horyimid ansixintii shalay ee xaalada deg deg ah ee baarlamaanka soomaaliya ay ansixiyeen , islamarkana guudomiyaha shariif xasan ayaa xusay inuusan xalaal aheyn go'aankaasi ay qaateen baaralaamaanku .

Si kastaba ha ahaatee Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili Xildhibaanada Diidan joogitaan Ciidamada Ethiopia ay Joogaan Gudaha wadanka soomaaliya ay iska hor yimaadaan masuuliyiinta ugu sarsaraysa dowlada .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com


Guddoomiyaha Warsheekh: “Xubnihii la shaqeyn jiray Maxkamadaha waa inay saldhigyada booliiska iska xaadiriyaan”

qore: Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Guddoomiyaha Degmada Warsheekh Sheekh C/raxmaan Macallin Axmed oo maanta saxaafadda ugu warramay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xubnihii ka tirsanaa maxakamdaha ee la shaqeynayay Maxkamadaha cafis yihiin, isla markaana aan wax dacwad ah loo haysan.

“Dadkii Duqeyda ahaa iyo kuwii kale ee la shaqeynayay Maxkamadaha; balse aan mas’uuliyadaha hayn waxaan u caddeynaynaa inay cafis yihiin, balse aan la cafin karin kuwii wax ka qabtay maamullada kala duwan ee Maxkamadaha” ayuu yiri Sheekh C/raxmaan.

“Xubnihii maamulka ka noqday degmada Warsheekh ee ku shaqeynayay magaca Maxkamadaha waa inay iska xaadiriyaan saldhigyada Booliiska ee ugu dhow, waxaana cafin karta xubnahaas dowladda oo qura” ayuu mar kale yiri Guddoomiyaha Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellada Dhexe Sheekh C/raxmaan Macallin Axmed.

Sheekh C/raxmaan ayaa si weyn u dhalliilay maamulkii ay Maxkamaduhu ka higeliyeen degmada Warsheekh oo uu isagu guddoomiye ka ahaa, isla markaana xoogga loogala wareegay maamulkiisii, waxaana uu caddeeyay in maamulkaas uu ahaa mid aan sax ahayn oo ku shaqeynayay nin jecelaysi iyo eex.

“Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellada Dhexe waxay ahayd deegaanka ugu nabadda badan Shabeellada dhexe marka loo eego ka hor maxkaamdaha, balse maxkamadaha markii ay gaareen halkaas wuxuu noqday meel ay ka dilaaceen nin jeclaysi iyo eex sababtay inay dadkii deegaankaas isaga baxaan halkaas” ayuu yiri Sheekh C/raxmaan oo sheegay in haatan ay dadka deegaanka Warsheekh ee Gobolka Shabeellada Dhexe ay dib ugu laabteen deegaankooda.

“Dadka deegaanka waxay taageersan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna ballan ku qaadeen inay la shaqeynayaan dowladda, iyagoo muujinaya inay diyaar u yihiin inay dowladda la shaqeeyaan” ayuu yiri Sheekh C/raxmaan.

Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in looga baahan yahay Shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaailya Soomaaliya isla markaana ay ka shaqeeyaan ammaanka deegaannada ay ku sugan yihiin.

Sidoo kale Guddoomiyaha Warsheekh Sheekh C/raxmaan wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay wax ka qabtaan xubnihii Maxkamadaha ka mid ahaan jiray ee iska jooga gudaha dalka, isla markaana aysan u ogolaan inay hormuud ka noqdaan howlaha ay dowladdu waddo.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Hogaamiyeyaasha dagaalka oo saddex cisho loo qabtay inay hubkooda ku soo wareejiyaan

Iyadoo dalka Soomaaliya uu cagaha la galay xalaad deg-deg ah oo lagu soo rogay ayay dowladda Federaalka KMG Soomaaliya ka codsatay hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho inay hubkooda ku soo wareejiyaan muddo aad u gaaban.

C/raxmaan Diinaari oo u hadlay Dowladda Federaalka Soomaaliya ahna afhayeenka Dowladda ayaa maanta saxaafadda u sheegay in dowladdu ay ku wargelisay hoggaamiye kooxeedyada inay hubkooda sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo wareejiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Dowladdu waxay u sheegtay hoggaamiye kooxeedyada inay hubka ay haysataan ku soo wareejiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana taasi ay qayb ka tahay heshiis ay dowladda la galeen hoggaamiye kooxeedyada” ayuu sheegay C/raxmaan Diinaari oo intaas ku daray: “Dowladdu waxay u sheegtay hoggaamiye kooxeedyada inay hubkooda yaryar ee ay wataan ilaaladooda xitaa ku soo wareejiyaan dowladda”.

Afhayeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in looga baahan yahay in hoggaamiyeyaasha dagaalka ay raacaan amarrada ka soo baxaya dowladda, isla markaana ay tixgeliyaan ballantiii ay qaadeen markii ay la hadleen Madaxda Dowladda maalin dhaweyd.

“Hoggaamiye walba waxaa laga doonayaa hubka uu haysto, waxaana lagu wargelinayaa inay hubkooda ku soo wareejiyaan saddexda maalmood ee soo socota gudahood, haddii kalena ay dowladdu qaadayso tallaabo ay hubka kaga qaadayso” ayuu mar kale yiri C/raxmaan Diinaair oo sheegay in loo baahan yahay in hoggaamiyeyaashu ay iyaga is xilqaamaan.

Warar ka imaanaya ilo si qarsoodi ah u hadlay ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha kooxaha loo qabtay inay hubkooda ku sool wareejiyaan maalinta talaadada ah, haddii kale ay dowladdu tallaabo ka dhan ah qaadanayso.

C/llaahi Yuusuf iyo Gen. Morgan oo Villa Somalia kulan ku yeeshay

Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia Gen, Maxamed Siciid Xirsi (Morgan).

Kulankaan oo la sheegay inuu ahaa mid ay albaabbadu u xiran yihiin ayaanay jirin cid sid dhab uga hadli karta waxa ay kaga wadahadleen Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana saxaafadda loo diiday in wax war ah laga siiyo kulankaas.

Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya oo baryahaan waday inuu kulammo gaar gaar ah la qaato Cuqaasha, Waxgaradka, Saraakiisha, Siyaasiyiin iyo Culummada Soomaaliyeed ayaa kulankaan waxaa la sheegay inuu kuwaas qayb ka yahay.

Ilo wareedyo ku sugan Madaxtooyada ayaa sheegaya in kulankaan ay kaga wada hadleen Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Gen. Morgan xaaladda dalka uu maryo iyo sida loogu baahan yahay in saraakiishii hore ee Dowladda ay kaga qaybgalaan ammaan ku soo celinta Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Gen. Morgan ayaa ku sugnaa Magaalada Muqdisho muddo dheer, waxaana uu ka mid ahaa xubno dhowr ah oo ay Maxkamadaha kala tashan jireen xaaladaha Milateri, marka ay doonayaan inay deegaan ka mid ah Soomaaliya dagaal ku qaadaan.

Odayaal ka socda beelo ku dagaalamay Maxaas iyo Wabxo oo maanta gaaraya deegaannadaas

Maanta ayaa lagu wadaa in odayaal ka socda beelaha Murusade iyo Xawaadle oo ay dagaallo ku dhex mareen inta u dhexeysa Maxaas iyo Wabxo ay wadahadallo ku yeeshaan deegaankaas si ay heshiis waara uga gaaraan dagaalka dhex maray.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Maxaas ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay ku sii qulqulayaan odayaal labada dhinac ah oo lagu wado inay wadahadallada yeeshaan si ay nabad uga gaaraan colaaddaha ka soo dhex cusboonaaday beelaha ay ka soo kala jeedaan.

Dagaal halkaas ka dhacay labadii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 7-ruux oo labada dhinac ah, iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen in ku dhow 10-ruux oo kale oo labada dhinac ka tirsan, waxaana tani ay qayb ka tahay dagaallo ka curtay beelaha Soomaaliyeed dhexdooda.

Beesha Murusadaha oo la sheegay inay soo weerareen deegaanka ayaa wuxuu weerarkooda salka ku hayay aanooyin qabiil oo la sheegay inay labada beelood horay u kala galeen, waxaana beesha Murusade ay geysatay dilka laba ruux sida la sheegay isla markaana waxaa iyadana laga dilay laba kale, taasoo sababtay inuu dagaalku noqdo mid sii xoogeysta.

Guddoomiyaha Cusub ee loo magacaabay Gobolka Hiiraan Xuseen Ayax ayaa ka mid noqon doona wafdiga ka tagaya Magaalada Baladweyne ee Nabadeynta u tagaya Deegaanka Maxaas ee gobolka Hiiraan, isagoo sheegay inay dowladdu dhexdhexaadinta qayb libaax leh ka qaadanayso.

Ciidammada Dowladda oo dajiyay xaaladda Deegaanka Biyo-cadde oo ay ku dagaalameen laba jufo oo ka soo jeeda hal beel

Ciidammo aad u xoog badan oo ka tirsan Dowladad Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku haynta Deegaanka Biyo Cadde oo ay dagaallo qaarar ku dhex mareen laba beelood oo ku abtirsata beesha Abgaal.

Beelahaan ayaa dagaalkooda wuxuu sababay inay ku dhintaan dad lagu qiyaasay 15-ruux oo la sheegay inay dhammaantood ahaayeen kuwii ka qaybgalay dagaalkii ka dhacay deegaankaas.

Ciidammada dowladda ayaa la sheegay inay xasillooni ku soo rogeen deegaankaas isla markaana ay billaabeen inay ugaarsadaan kuwa doonaya inay dagaallada sii wadaan, waxaana tani ay noqonaysaa markii labaad oo ay ciidammada dowladda la wareegeen goob ay ka jirto xasillooni darro iyo dagaallo sokeeye.

Dhanka kale, wararka ka imaanaya Degmada Jowhar oo deegaankaas uu dhanka bari ka xigo 50-km ayaa lagu wadaa inuu ka ambabaxo guddoomiyaha Shabeellada Dhexe Maxamed Dheere oo ay wehliyaan odayaal ka soo jeeda beelaha halkaas ku dagaalamay si nabad loo dhex dhigo.

Odayaasha deegaankaas ayaa lagu wadaa in galabta loo dhigo golgol ay ku heshiiyaan, waxaana lagu wadaa in la soo afjaro dhammaan qulqulatooyinka ka taagan deegaankaas.

Xaaladda deg-degga ah oo maanta si rasmi ah uga billaabatay Magaalada Muqdisho

Maanta ayaa waxaa si rasmi ah uga billaabanaya dalka Soomaaliya xalaadda dagdagga ah ee uu ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya maalintii shalay ahayd, waxaana durba maanta ka billowday Magaalada Caasimadda ah sugidda ammaanka iyo hub ururin ka dhacday xaafadaha Muqdisho qaarkood.

Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya ayaa waxay noqotay goobtii ugu horreysay ee uu saameeyay xalaadda dag-dagga ah ee dalka lagu soo rogay, waxaana saakay aroortii hore laga bilaabay xaafadaha Magaalada Muqdisho qaarkeed in hubka laga ururiyo.

Warar ku dhowdhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay daboolka ka qaadayaan in maanta lagu wado in sahan ay ciidammada Booliiska kormeerro ku soo sameeyeen deegaannada isgoysyada Magaalada Muqdisho iyo meelaha lagu tuhmayo inay ammaandarrada ka imaan karto.

Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegay inay si buuxda uga howlgeli doonaan saldhigyada Booliiska Gobolka Banaadir si ay nabadda uga shaqeeyaan isla markaana xasilinta magaalada Muqdisho ay qaybta ay ka leeyihiin uga qaataan mudada 3-da bilood ee uu dalka ku jirayo xaaladda deg-degga ah.

Xaaladdaan deg-degga ah oo dalka lagu soo rogay ayaa waxay qayb libaax leh ka qaadanaysaa sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa magaalada caasimadda ah oo ah xudunta Soomaaliya, laguna tabayo inay ka jiraan ammaandarrooyinka ugu badan ee dalka ka jira.

Qiimaha Hubka oo si weyn hoos ugu dhacay xaaladda deg-degga ah awgeed

Suuqyada hubka lagu kala iibsado ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta ah kuwo aanay wax gacansi ah ka socon, kaddib markii dadka Soomaaliyeed ay ka fogaadeen inay hubka ka gataan suuqyada hubka ee Magaalada Muqdisho.

Suuqa ugu weyn ee hubka lagu kala iibsado Magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Cirtoogte ayaa maanta u muuqda mid aanay ka socon wax howl ah, waxaana qaar ka mid ah ganacsatada ka beecmushtara hubka ay ii sheegeen in aanay wax hub ah iibin labadii maalmood ee la soo dhaafay maantana ay ugu daran tahay.

"Ma jirto cid hubka naga iibsanaysa, waayo waxaa dalka lagu soo rogay xaalad dagdag ah, waxayna taasi keentay in hubka qiimahiisu aad hoos ugu dhaco, waxaana qorigii joogay laba boqol oo doollar uu maanta marayaa 50-dollar" ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada suuqa hubka ee Cirtoogte ee Magaalada Muqdisho.

Miisaska lagu gado hubka ayaa intooda badan saakay ahaa kuwo haawanaya waxaana ganacsatadu ay sheegeen in ay ka baqeen inay saameyn ku yeelato xalaadda dagdagga ah ee lagu soo rogay dalka oo sheegaya in hubka lala wareegi karo.

Ganacsatada Hubka ka ganacsada ayaa waxay sheegeen inay damacsan yihiin inay hubka iska dhiibaan maadaama aan laga gadanayn wax hub ah, waxayna carrabka ku dhufteen in hubka uusan waxba u tarayn haddii laga gadan waayo.

"Xabadda AK47-ka ah waxay joogtaa 500-shilling Somali ah, halkii ay awal ka joogi jirtay 7000-shilling Somali ah, marka waa wax lala yaabo in hubka qiimahiisa uu gaaro meesha ugu hoosaysa oo aanu abid gaarin" ayuu ku dooday mid ka mid ah ganacsatada hubka oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu hubkiisa ku wareejiyo dowladda maadaama aan laga gadanayn.

Xaladdda dagdagga ah ee lagu soo rogay dalka ayaa waxay shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho ka war-dhowrayaan sida ay u saameyso hubka oo ah khatarta ugu weyn ee uu shacabku ka cabanayo.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com


Hawlgalo Hub Ururin ah Oo ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia Ka Wadaan Caasimadda iyadoo Saaka Hubkii Isbitalka Carataaf ay la wareegeen

Ciidamada Dowladda KMG oo ay la socdaan Ciidamo Ethiopianka ah, ayaa saaka hawlgalo adag oo hub ururin ah ka bilaabay wadada weyn ee warshadaha ee Magaalada Muqdisho, islamarkaana uu isu socodka gaadiidka uu hakad galay.

Saaka Waabarigii ayaa lagu soo waaberiistray ciidamo xad dhaaf ah oo ku hareeraysan xaafadaha Isgoyska Towfiiq Isbitalka Carafaat ilaa Isgoyska Ifka Xalane ee wadada Warshadaha, iyagoona si xoog ah ku galaya dhismooyinka ganacsi ee halkaasi ku yaala.

Hubkii Ilaalada Isbitalka Carafaat, ayey ciidamadani Ethiopianka iyo kuwa Dowladda ay si xoog ah kula wareegeen, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee Isbitalkaasi Carafaat.

“Meel kasta gacanta ayey gelinayaan, oo xitaa ilaa isbitalka gudihiisa waa ay baarayaan” sidaana waxaa yiri mid ka mid ah hawlwadeenada Isbitalka Carafaat ee gabi ahaanba hubkiisii lagala wareegay .

Si kastaba ha ahaatee Ciidamada Huwanta ah ee kmg iyo kuwa Ethiopiya , ayaa fariisino cusub kasamaystay dhanka wadada xabaalaha Al-Barakaat,ee degmada yaaqshiid iyagoona halkaasi isku balaarinaya Hawlgalka milatari ee ku aadan hub ururinta ee ay ka wadaan.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com


Akhri: Wararkii Jan 13, 2007::

  • Baaq ku aadan dowlada FKMG ah oo ay soo sareen Urrurka Dhalinyarada ee Kismayo ee gobolka j/hoose...
  • Baaritaan saakay Ciidammada Dowladda FKMG ay ka billaabeen xaafadda Buulo-xuubeey ee Muqdisho
  • Maanta oo uu mar kale ka doodayo Baarlamaanka Soomaaliya Xaaladda dag-dagga ah ee dalka lagu soo rogay
  • Muuse Suudi oo sheegay in dowladdu ay dadka kasbato, balse aysan noqon hoggaamiye kooxeed kale
  • Ismaaciil Cumar Geelle: “Mareykanka waxaan uga digaynaa inuu Jabuuti ka weeraro Soomaaliya”
  • Hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho oo xalay lala beegsaday bam kuwa qoryaha laga tuuro ah, geystayna dhimashada hal ruux
  • Suuqyada Xoolaha Degmada Qardho ayaa Gabi ahaanba wax shaqo ah aaysan ka socon.
  • Kulankii Maanta Ee Baarlamanka DFKMG Somaliya Oo Lagu ansixiyay in xaalad deg deg ah lagu soo rogo dalka.
  • Waa sidee Xaalada Villa soomaaliya oo shalay dagaal ka dhacay
  • Ururka Al-Islaax oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ku aaddan duqeynta Mareykanku
  • http://www.somalitalk.com/2007/jan/13jan097.html

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH