SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWIDZERLAND
ItoJan 14, 07: Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan Magaalooyinka: Galkacyo (50), Baydhabo (29), Beledweyne (21), Muqdisho (18), Kismaayo (14)..
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa....

Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland 

Sabtidii oo aay taariikhdu tahay 13.01.2007, ayey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland ku qabatay xarunta qaramada midoobay ee Geneva horteeda bananbax weyn oo looga soo horjeedo qabsashada itoobiya ee Soomaaliya iyo weerarada dhulka iyo cirka ee lagu hayo shacbiga ku dhaqan dagmooyin badan oo ka tirsan J/Hoose ee koonfurta Soomaaliya iyada oo lagu marmar siyoonayo argagixisa ayaan raadinaynaa. 

Dadkii banaanbaxan isugu soo baxay oo qaarkood aay ilmiinayeen ayaa dhamaantood  ka sinaa xumaanta aay ka xunyihiin in maanta wadankeenii xorta ahaa uu gumeysiga itoobiya gacanta ugu jiro oo aayan sahal uga baxaynin iyo xasuuqa deegaanada Soomaaliyeed min Dhoobleey ilaa Raaskambooni. 

Banaanbaxayaashu waxay ku dhawaaqayeen hal ku dhagyo lid ku ah joogitaanka ciidamada shisheeye ee wadankeena iyo in uu maraykanku joojiyo is la markaana magdhaw ka bixiyo xasuuqa uu ka geeystay koonfurta soomaaliya. 

Intii uu socday banaanbaxa ayaa dadkii dhalinta yaraa waxay fursan u heleen in aay dhageestaan warbixino taariikhi ah oo aay soo jeedinayeen odoyaal ruug cadaa ah oo qaarkood aay ka mid ahaan jireen baarlamaankii rayidka ahaa ee ka horeeyay dowladii kacaanka ahayd. 

Odoyaashu waxay ku boorinayeen ummadda in lala yimaado midnimo soomaaliyeed si looga baxo dhibaatada dalka iyo dadka ku dhacday, sidoo kalana  waxay sheegeen in aan dowlad lagu noqon karin ayadoo aay ku ilaalinayso ciidamo shisheeye. 

Weey dhici kartaa in dal uu cadowgiisu qabsado laakiin kuma waaro taasna taariikhda ayaa marqaati ka ah ayay yiraahdeen. 

Ugu danbeeyntii waxay xubnaha Jaaliyadda Ilaah ka baryayaan in uu Alle dowladnimadeenii iyo jiritaankeenii noo soo celiyo isla markaana uu awooda dalka gacanta u galiyo kuwa dalka iyo dalkaba ka naxa. 

Sawirada bannaanbaxii::

 

Abdullahi Maxamed
abdimoh@hotmail.com

Warbixin dheeraad ah hoos ka akhri....


Banaanbax ka dhacay shalay magaalada GENEVA ee wadanka SWITZERLAND


Bannaabax ballaaran oo looga soo horjeeday joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo weerarada gardarada ah ee ay ciidamada mareykanka iyo kuwa Itoobiya ku hayaan koofurta Soomaaliya ayaa maalintii sebtida aheyd ka dhacay magaalada Geneva ee dalka switzerland. Bannaabaxaas oo ay kasoo qeyb qaleen dadweyne aad u fara badan oo isugu jiray haweenka, culimada, aqoonyahannada, waxgaradka, cuqaasha, dhalinyarada iyo carruurta soomaaliyeed ee ku nool wadanka Switzerland kuwaasoo ka kala yimid gobolada dalka.

Bannaanbaxa ayaa waxaa uu ka billowday kasoo horjeedka xafiiska UN ka ama qaramada midoobay ay ku leedahay dalka switzerland ee GENEVA. Dadkii halkaas isugu soo baxay ayaa waxey ku dhawaaqayeen ereyo ay kaga soo horjeedaan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo gardarada qaawan ee ay ciidamada mareykanku ku baabiìnayaan shacabka soomaaliyeed. Bannaanbaxayaasha ayaa waxey tageen xafiiska midowga Europe iyadoo qabanqaabiyeyaasha bannaanbaxa ay halkaas kula kulmeen Ergey gaar ah oo ay qaramada midooway u xilsaartay loona gudbiyay qoraalo ku aadan banaanbaxa  asagoo u balanqaaday inuu farriintooda gaarsiin doono madaxda ugu sarreysa Ururka Qaramada midoobey una gudbiyeen bayaan dheer oo aan kasoo qaadan karno arimaha soo socda:   

    • Itoobiya waa inay si deg deg ah ugala baxdaa ciidamadeeda dhulka soomaaliya
    • Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland waxey cambaareyn kulul dusha uga tuuraysaa dhammaan hawlgallada melleteri ee ka dhacaya wadanka soomaaliya, waxeyna soo jeedineysaa inaan xoog waxba lagu xalli karin ee wadada kaliya ee lagu gaari karo nabadda iyo horumarka ay tahay miiska wadahalka iney isugu yimaadaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed.
    • Dowladda Mareykanka waa iney joojisaa xasuuqa dadka rayidka ah ee soomaaliyeed, isla markaana ay kala baxdaa ciidamadeeda
    • Bulshada caalamka waa iney kasoo baxaan waajibaadka kaga aadan arimaha soomaaliya, isla markaana ay fiiro gooni ah u yeeshaan waxqabadka iyo dhaq dhaqaaqa dowladda ku meelgaarka ah

Bannaanbaxaas ayaa waxaa ka hadlay odayaal, siyaasiyiin, waxgarad oo ay ka mid ahaayeen 1)Maxamuud xasan cabdi 2)Aadan ibrahin 3)x.Axmed x c/raxman, iyo dad badan oo run ahaantii shucuurtooda wadaniyad aad  u kacsaneyd maadaama lagu xadgudbay shucuurdii caalamiga iyo kuwii dalka. 

Waxaa lagu soo gunaananay abaahiriii 16H00 galabnimo laguna balamay in lasii wadi doono kacdoonkaan oo kale ee lagu doonayo in soomaaliya xornimadeeda iyo madaxbanaanideeda laxaqiijiyo.

Mahadsanidiin 
Abukar Mursal Cabduqaadir (Sanka)
Switzerland
somsuisse@net2000.ch

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 14, 2007
 

zenawe

Shan Ka Tirsan Ciidamada Itoobiya oo Kufsaday Qof Dumar ah oo Soomaaliyeed

Kufsigaas oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya, warkaas iyo Itoobiya oo Cadayn u weydey in ay dagaalkii Soomaaliya ku Qabatay dad haysta baasaboorka.. akhri halkan... Jan 14

 


finlandBANNAANBAX KA DHACAY MAGAALADA HELSINKI, FINLAND


Bannaabax ballaaran oo looga soo horjeeday joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo weerarada..... Akhri...


Akhri: Wararkii Jan 13, 2007::

  • Baaq ku aadan dowlada FKMG ah oo ay soo sareen Urrurka Dhalinyarada ee Kismayo ee gobolka j/hoose...
  • Baaritaan saakay Ciidammada Dowladda FKMG ay ka billaabeen xaafadda Buulo-xuubeey ee Muqdisho
  • Maanta oo uu mar kale ka doodayo Baarlamaanka Soomaaliya Xaaladda dag-dagga ah ee dalka lagu soo rogay
  • Muuse Suudi oo sheegay in dowladdu ay dadka kasbato, balse aysan noqon hoggaamiye kooxeed kale
  • Ismaaciil Cumar Geelle: “Mareykanka waxaan uga digaynaa inuu Jabuuti ka weeraro Soomaaliya”
  • Hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho oo xalay lala beegsaday bam kuwa qoryaha laga tuuro ah, geystayna dhimashada hal ruux
  • Suuqyada Xoolaha Degmada Qardho ayaa Gabi ahaanba wax shaqo ah aaysan ka socon.
  • Kulankii Maanta Ee Baarlamanka DFKMG Somaliya Oo Lagu ansixiyay in xaalad deg deg ah lagu soo rogo dalka.
  • Waa sidee Xaalada Villa soomaaliya oo shalay dagaal ka dhacay
  • Ururka Al-Islaax oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ku aaddan duqeynta Mareykanku
  • http://www.somalitalk.com/2007/jan/13jan097.html

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH