SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoJan 13, 07: Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan Magaalooyinka: Galkacyo (50), Baydhabo (29), Beledweyne (21), Muqdisho (18), Kismaayo (14)..
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa....
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Wararka Maanta:::

  • Baaq ku aadan dowlada FKMG ah oo ay soo sareen Urrurka Dhalinyarada ee Kismayo ee gobolka j/hoose...
  • Baaritaan saakay Ciidammada Dowladda FKMG ay ka billaabeen xaafadda Buulo-xuubeey ee Muqdisho
  • Maanta oo uu mar kale ka doodayo Baarlamaanka Soomaaliya Xaaladda dag-dagga ah ee dalka lagu soo rogay
  • Muuse Suudi oo sheegay in dowladdu ay dadka kasbato, balse aysan noqon hoggaamiye kooxeed kale
  • Ismaaciil Cumar Geelle: “Mareykanka waxaan uga digaynaa inuu Jabuuti ka weeraro Soomaaliya”
  • Hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho oo xalay lala beegsaday bam kuwa qoryaha laga tuuro ah, geystayna dhimashada hal ruux
  • Suuqyada Xoolaha Degmada Qardho ayaa Gabi ahaanba wax shaqo ah aaysan ka socon.
  • Kulankii Maanta Ee Baarlamanka DFKMG Somaliya Oo Lagu ansixiyay in xaalad deg deg ah lagu soo rogo dalka.
  • Waa sidee Xaalada Villa soomaaliya oo shalay dagaal ka dhacay
  • Ururka Al-Islaax oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ku aaddan duqeynta Mareykanku ka geysanayo Soomaaliya iyo Xaladda Deg-degga ah
  • Ethiopia fails to prove British jihadis caught in Somalia

Baaq ku aadan dowlada FKMG ah oo ay soo sareen Urrurka Dhalinyarada ee Kismayo ee gobolka j/hoose...

Jan 13, 2007: Waxaa soo gaaray shabakada wararka SomaliTalk.com baaq ay soo saareen ururrada dhallinyarada gobolka j/hoose waxaana warqadan ku saxiixnaa gudoomiyaha ururka dhalinyarada KYC C/risaaq Maxamuud Ibraahin waxuuna u qornaa sidan.

ku: Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya

Waxaan dhammaan Maamulka dowladda iyo haayada dowliga ah u sheegaynaa in ay si taxadar leh uga fiirsadaan wax kasta oo keeni kara iska hor imaad bulshada dhexdeeda ah.

Waxaan Maamulka Dowalada kasugaynaa in ay soo faro galiyaan dhamaan wax kasta oo laga yaabo in ay keenaan dhibaato gaar ahaan is haysiga ka dhexeeya Maamulka ladhisay ee uu magacaabay Wasiirka Difaacu iyo kan ay doonayaan in ay dhisaan dadka deegaanku.

Waxaan rajaynaynaa in la tixgalin doono waanadayada .

NB: waxaan ka digaynaa in uu ku dhaqaaqo wasiirka difaacu aargoosi uu kula dhaqaaqo dadka ka soo horjeeda Maamulkiisa isagoo ugu marmarsoonaya waxaad tihiin argagixiso iyo wax lamid ah, doonayana in uu ku soo nooleeyo Isbahaysigii Dooxada Jubba.

Waxaa hada soo ifbaxaysa in ninkii ay nin maalin hadal isdhaaf sadeenba uu doonayo in uu ku sheego argagixiso ama Al-Qeada sidaas wax lamidana waxaa ku dhaqaaqay wasiirka difaaca oo soo kaxaystay dad isku sheegaya in ay yihiin ama yidhi waxaanu u dhaxaynaa itoobiya iyo soomaaliya oo ku hanjabaya hadii aan naloo yeelin waxa aan rabno waxaad tihiin Al-Qeada taasina waxay ka soo horjeedaa mabaadiida aasaasiga ah iyo horriyada Aadamaha lamana aqbali karo sheegashadooda.

Waxaadna moodaa in wasiirka difaacu uu doonayo in uu ka aargoosto wixii loogu gaystay dagaalkii Bu'aale, waxaadna moodaa in uu ilaaway waxa loogaystay ragii ka soo horjeeday iyo dhibaatada ku dhacdayba ragaas oo ilaa hada aan lahaynba.

Xiligii maxaakiimta waxaa jirtay in ninkii nin dakano kagalay beri uu soo qaato shaadh maxkamadeed oo lagu jeedlo suuqa dad badan laysiguna hanjabo shaadhka maxakiimta oo ninkii aan maalintaas maxakiimta ku jirin ama qaraabo ku lahaynu noqdo nin laga fiican yahay ama lagu sheego wuxuu lajiraa kufaata oo loola jeeday Dowlada iyo dadka taageera , tii oo kale hada waxaa boodhka ka jafaya wasiirka Difaaca ee Dowlada iyo rag la socda . Hadaba hadii lasheegay in la cafiyayo ragii taageerijiray maxakiimta waa maxay waxa wasiirka iyo ragiisu sheegayaan mise Dowlada ayaan isla soconba .

Tankale waxaa meesha laga waayay Qabqable dagaal xiligii maxaakiimta wayna kala dhuunteen markaas waa maxay Dowladii ayaa nagu soo celisay iyagoo tay gashane ? sideese laga yeelayaa Isbaarada ay u muhanayaan ileen waxay la soo kaceen luxudkee. maa iilka lagu celiyo mise Dowlada ayay qaraabo layihiin.

Hadiise aan ka hadalo Wasiirka Difaaca Dowalada oo ubartay xiligii Isbahaysigii Dooxada Jubba in uu siduu doono ka yeelo dadka reer Kismaayo ,mana jirto mana jiri doonto in sidii dadka Kismaayo loogu tuman jiray in hada oo Dowladii timidna loogu tunto loona duudsiyo xaqooda iyadoo loo soo qaatay shaadh dowladeed , waxa uu soo dhisay wasiirka difaacu waa Isbahaysigii Dooxada Jubba waana dadkii dadka Kismaayo dulaystay mudadii ay haysteen Isbahaysigii talada waayay markii maxaakiimtu kala wareegeen talada kismaayo markii layidhi war dadka deegaanka haloo daayo doorashadooda ayuu yidhi waxaad tixiin maxaakiimtii taas oo uu moodayo in ay hadalada noocaasi hada shaqaynayaan .

Hadiise dadka qaar loogu hanjabo waxaad tihiin maxaakiim anagana maxaa naloogu hanjabi doonaa? Mise dadka reer kismaayo ee aan raacin talada wasiirku waa maxaakiimta?.

Gabagabadii Dowlada waxaa looga fadhiyaa xal dhab ah.

Email: abdirazk@hotmail.com
chairman of Kismayo Youth Center. (K.Y.C.)
Abdirazak Hajji Mohamud:

Waxaa soo tebiyey:
yaasiin fayatin
yaasiin2006@hotmail.com



Baaritaan saakay Ciidammada Dowladda FKMG & Itoobiya ay ka billaabeen xaafadda Buulo-xuubeey ee Muqdisho

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com

Ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed ee DFKMG iyo dowladda Ethiopia ayaa waxay ka billaabeen deegaanka Buulo-xuubeey ee Gobolka Banaadir, hub ururin guud.

Dadka deegaanka Buulo-xuubeey oo ka tirsan Degmada Wadajir ah ee Gobolka Banaadir ayaa waxay sheegeen inaysan guryahooda ka bixi Karin, isla markaana ay aad u xaddidan yihiin u socodka dadka iyo gaadiidka deegaankaas.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa waxay sidoo kale sheegeen in dadka ay guryahooda aysan ka soo bixi Karin, waxaana ay sheegeen in xaafadaha dhexdooda ay ku arkayaan cidammada dowladda iyo kuwa Ethiopian-ka ah.

Hub ururintaan ayaa waxay timid kaddib markii deegaankaas oo caan ku noqday Qaraxyo waaweyn oo lala beegsado goob saldhiga ah oo ay ka daggan yihiin deegaankaas.

Sidoo kale waxaa la sheegay in howlgalkaas lagu soo qabqabtay laba ruux oo sida la sheegay u dhashay dalka Ethiopia gaar ahaan qowmiyadda Orommada oo la sheegay inay qayb ka ahaayeen dagaalladii Maxkamadaha ay la gashay Dowladda Federaalka ciidammadooda.

Labadan ruux ayaa lagu sheegay in lagu kala magacaabo Axmed iyo C/jabbaar waxaana labdooda la sheegay in ay kaxaysteen ciidammada dowladda iyo kuwa Ethiopia, iyadoo aan la garanyn halka ay ula dhaqaaqeen.

Dhanka kale, warar madax bannaan ayaa waxay sheegayaan in in baaritaanka hub ururinta ah uu hakad ku yimid, lama sheegin sabab dhab ah oo keenay in ciidammada dolwadda ay hakiyaan howshaan oo saakay ka billaabeen deegaaankaas. [Warbixin dheeraad ah hoos ka akhri]

Maanta oo uu mar kale ka doodayo Baarlamaanka Soomaaliya Xaaladda dag-dagga ah ee dalka lagu soo rogay

Kulan uu maanta yeelanayo golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu ansixiyo qorshaha xaaladda deg-degga ah ee dalka lagu soo rogay dalka.

Qorshaha deg-degga ah ee dalka lagu soo rogay ayaa noqonaya kii labaad oo uu baarlamaanka Soomaaliya ka shiro, waxaana lagu wadaa in kulanka maanta uu noqdo mid lagu ansixinayo qorshahaan, maadaama baarlamaanka horay loogu qaybiyay qoraal ku saabsan qorshahaan maanta la ansixinayo.

Arrimaaha sida weyn ay xildhibaannada uga biyo diideen maalintii khamiista ahayd kulankii ay yeesheen ayaa waxaa ka mid ahaa in la sameeyo maxkamado gaar ah oo dowladdu ay ku shaqeyso inta qorshahaan saddexda bilood ah uu socdo, in hantida shacabka lala wareego iyo qorshayaal kale oo ku xusnaa qoraalkii loo qaybiyaya xildhibaannada.

Xeerka la ansixinayo ayay wararka qaarkood sheegayaan in wax laga baddalay, waxaana haddii maanta la ansixiyo uu soconayaa qorshayaan xaaladda deg-degga ah ee dalka lagu soo rogay muddo 90-casho ah iyadoo ay qorshayaan hormuud ka noqon doonaan ayna wadi doonaan muddaddaas xubnaha kala ah:

Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, Wasiirka Arrimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid, Wasiirka Gaashaandhigga, Barre Hiiraale, Wasiirka Garsoorka Sheekh Aadan Madoobe, Wasiirka Amniga Qaranka C/llaahi Cabdi Garruun iyo Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka C/llaahi Sheekh Ismaaciil.

Sharcigaan ayaa dowladda wuxuu ogolaanayaa inay xasiliso dalka oo dhan, isla markaana ay hub ururin guud dalka ku soo rogto, waxaa kale oo uu sharcigu ogolaanayaan inay nabadda ku soo celiyaan si xoog ah haddii ay u baahdaan.

Muuse Suudi oo sheegay in dowladdu ay dadka kasbato, balse aysan noqon hoggaamiye kooxeed kale

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow oo in ku dhow hal toddobaad dalka ku sugan kana mid ahaan xubnihii shalay la hadlay Madaxweyanha iyo Ra’iisul wasaaraha ee hoggaamiye kooxeedyada ahaa ayaa sheegay in dowladda ay ka doonayaan inay marka hore iyadu dadka kasbato.

Al-xaaji Muuse Suudi Yalxoow ayaa sheegay inuu shaqsiyan ogol yahay inuu hubka iska dhigo, isla markanaa uu dowladda kala shaqeeyo xasilinta dalka, waxaase uu sheegay in dowladda ay ka doonayaan inay nabad ku soo dabbaalaan gudaha dalka oo dhan.

“Dowladda waxaa laga doonayaa inay dadka kabsato, isla markaana ay noqoto mid dadka hubkooda ay u dhiibaan, balse haddii ay kasban waydo dowladduna waxay noqonaysaa hoggaamiye kooxeed kale” ayuu yiri Muuse Suudi Yalaxoow.

Hadalkaan ka soo yeeray Muuse Suudi ayaa wuxuu hordhac u yahay fikirka ay qabaan hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho, isla markaana wuxuu shaaca ka qaadayaa shakigii laga qabay hoggaamiye kooxeedyada ee ahaa in ay doonayaan inay dib ugu laabtaan howlahooda, inkastoo ay afka ka ilaashadeen inay ka sheegaan sidaas.

Dowladda ayaa dhankeeda waxay horay uga dhawaajisya inay qorshayaal u sameysay hoggaamiye kooxeedyada isla markaana ay dhawaan ku hagi doonto inay dowladda la shaqeeyaan, waxaana shalay ay ka dhawaajiyeen inay ogolaadaan hoggaamiyeyaashu inay hubkooda ku wareejiyaan dowladda.

  • "..sharci maaha in meel kale xilka la iiga qaado ayadoo cid kale la iska soo magacaabayo aan dadka Gobolku dooran.. Maxamed Dheere.....

Ismaaciil Cumar Geelle: “Mareykanka waxaan uga digaynaa inuu Jabuuti ka weeraro Soomaaliya”

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa daboolka ka qaaday in dowladdiisu ay uga digay dowladda Mareykanka inay ka weerarto dalkiisa gudaha Soomaaliya.

Mr. Geelle oo hadalkaan ka sii daayay warbaahinta dalkiisa, isla markaana siiyay wakaaladaha wararka ee caalamka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladda Mareykanka aysan duqeyn u geysan gudaha Soomaaliya, maadaama Mareykanka ay sheegeen inay ku guul-darreysteen inay dilaan kooxo ay ku sheegeen inay yihin Argagaxiso Caalami ah.

"Ogolaan maynno haddaan Jabuuti nahay in dalkeenna laga weeraro dalka aan walaalaha nahay ee Soomaaliya, waana mid aan hadda caddeynayo inaan ka soo horjeeno" ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo qalabka warbaahinta wabixin siinayay.

Sidoo kale mar uu ka hadlay aragtidiisa ku wajahan ciidammada Ethipoia ee ku jira gudaha Soomaaliya ayaa yiri: "Dowladda Ethiopia inay kala baxaan ciidankooda gudaha Soomaaliya, waxaana ka codsanaynaa mar kale caalamka inay ka shaqeeyaan nabad lagu soo dabbaalo Soomaaliya, balse aan ciidammo shisheeye ah la geyn".

Hadalkaan ka soo yeeray Madaxweynaha Jabuuti ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo ay dowladdaas ku diidan tahay in dalkeeda laga weeraro Soomaaliya, balse diiyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ee duqeynta ka geystay Koonfurta Soomaaliya waxay ka soo duleen saldhig uu Mareykanku ku leeyahay dalka Jabuuti.

Ciidammo gaar ah oo ka tirsan Mareykanka oo lagu arkay koonfurta Soomaaliya

Sida warar laga soo xiganayo ilo wareedyo ku sugan Koonfurta Soomaaliya ay sheegayaan waxaa galay koonfurta dalka Soomaaliya ciidammo kuwa lugta ah oo ka tirsan ciidammada Comandos-ka Mareykanka.

Ciidammadaan kuwa lugta ah ee Mareykanka ayay sheegtay Dowladda Mareykanka inay kula dagaalamayso kooxo ay ku sheegtay inay yihiin argagaxiso, oo ay sheegeen Mareykanka inay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya oo ay garaaceen Diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Warkaan ku saabsan gelidda ciidammada lugta ee Mareykanka ayaa waxaa qoray Wargeyska Washington Post oo ka soo baxda dalka Mareykanka, waxaan jariidaddu ay qortay in ciidammadaan ay ku raadjoogaan saddex nin oo lagu sheegay inay qaraxyo u geysteen safaaradihii Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania.

Saddexdaan ruux ee uu Mareykanku sheegay inay raadjoogaan ayaa waxay kala yihiin magacyadooda: Fazul Abdalla Mohamed oo u dhashay Jasiiradaha Commoros, Daha Al-Sudani oo u dhashay dalka Sudan iyo Mid u dhashay dalka Kenya oo lagu magacaabo Saalax Nabhaan Saalax.

Ciidammadaan lugta ee Mareykanka ayaa ah kuwii ugu horreeyay oo soo gala gudaha Soomaaliya muddo ka badan 12-sano, markasoo Mareykanka uu isaga baxay gudaha Soomaaliya, kaddib howlgal uu ku fashilmay oo loogu magac-daray Rajo soocelinta Soomaaliya.

Hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho oo xalay lala beegsaday bam kuwa qoryaha laga tuuro ah, geystayna dhimashada hal ruux

Jan 13: Qarax aan la garanayn cidda ka dambeysa ayaa xalay gilgilay markii ugu horreysay Hotelka Laf-weyn oo ku yaalla qaybta waqooyi ee Soomaaliya, waxayna tani ka dhigaysaa markii ugu horreysay oo qarax noocan oo kale ah uu ka dhaco waqooyiga Muqdisho.

Qaraxaan ayaa geystay dhimashada hal ruux oo lagu sheegay inuuy ka mid yahay askarta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ilaalo ka ahaa hotelkaas oo uu dagganaa sida la sheegay Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe).

Wararka ku saabsan qaraxaan oo laga helayo xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in qaraxaas lala damacsanaa in lagu dilo taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya, balse ay noqotay mid suurogal noqon wayday.

Taliyaha booliiska Cali Madoobe ayaa ka soo guuray habeen hore Hotelka Ambassador oo ay weerar bambaano ah ku qaadeen hubeysan kuwaasoo bamkaas la beegsanayay sida la sheegay gaari uu lahaa taliyaha ciidanka booliiska Cali Madoobe, balse aysan suurogal u noqon inay la helaan.

Qaraxaas bam ee habeen hore lala beegsaday hotelka Ambassador ayaa isagna waxaa ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ilaalada taliyaha booliiska Cali Madoobe.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee qaraxyada loola beegsanayo goobaha uu ku sugan yahay Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaalieed Gen. Cali Maxamed Xasan Looyaan (Cali Madoobe).

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Ciidamada DFKMG ah iyo Kuwa Ethiopiyanka oo Baaritaano Ku sameeyey xaafado kamida Magaalada Muqdisho .

Xaafada Buulo xuubey oo katirsan degmada madiina ayaa saaka ku waaberiisatay ciidamada dowlada FKMG ee soomaaliyeed iyo kuwa Ethiopiyanka ah oo Gaafwareegaya wadooyinka xaafada dhexdeeda islamarkaana Baaritaano la xiriira hubka ku samaysay deegaankaas iyadoo ay usii talaabeen deegaanada ku dhow dhow xaafadaas .

Goob joogayaal ku sugnaa xaafadaas ayaa somalitalk.com U xaqiijiyey in ay galeen guryo badan islamrkaana ay baritaano ku aadan hubka oo keliya ku samaynayeen ,Mid kamida dadka degan xaafadaas oo magaciisa ku sheegay c/waaxid oo aan xiriir khadka telefonka ah la samaynay ayaa sheegay inay ciidamada Huwanta ah ee Ethiopiyanka iyo kuwa dowlada soomaaliya ay si wada jir ah guryaha u barayeen islamarkana ay galeen ayuu yiri guriga aan deganahay iyagoo albaabka noosoo gargaraacay kadibna nagta codsaday inay radinayaan hubka kala duwan islamarkana aanu sidaa ugu fasaxnay ,markii aysoo baareena iska baxay.

Mar aan waydiiyey c/waaxid ma jiraan wax hub ah oo xafadahaas laga helay oo aad indhahaagu qabteen ,ayuu ii sheegay inay ka heleen ''xaafada aan ku suganahay hub aan sidaa usii badnayn oo u badan qoryaha Ak47 iyo bastoolado ayaa laga helay ''.

Waxaan kaloo waydiiyey Manoo sheegi kartaa tirada hubkaas laga helay guryaha la baaray inta ay le,eg yihiin waxuuna ku jawaabay '' maya Ma garanayo qorayaha iyo hubka inta ay leeg yihiin balse waxaan in dhahaygu qabanayeen ilaa dhowr qori ''.

Si kastaba ha ahaatee dadka shacabka ah ee degan xaafadaha magaalada muqdisho ayaa arintan walaac xoogan ka muujiyey islamarkana sheegay inaysan haboonayn hubka in loo baaro sidan oo kale oo layska gelayo xaafadaha iyo guryaha ,iyagoo ka Codsaday in dowlada inay ka joojiso Baaritaanadan oo ay ka imaan karaan Gacnagacnaysi ama bililiqo islamarkaana aysan ku haboonayn xiligan arintan ku aadan Baaritaanka guryaha ilaa iyo inta laga helayo sharci lagu baaro guryaha iyo gudi u xilsaaran.

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiin2006@hotmail.com


Suuqyada Xoolaha Degmada Qardho ayaa Gabi ahaanba wax shaqo ah aaysan ka socon.

Jan 13, 2007: Suuqyada xoolaha degmada qardho ayaa gabi ahaanba wax shaqo ah aaysan ka socon .

waxaa saakay gabi ahaanba la furin suuqyada xoolaha degmada qardho ka dib markii Maamulka dowlada hoose ee degmada qardho ayaa ku soo rogeen canshuuro saa'id ah xoolaha suuqyada la keenayo.

mar aan saakay soo dhex qaaday Suuqyada xoolaha degmada qardho ayaa gabi ahaanba wax shaqo ah aaysan ka socon dhanka kale ayaa waxaa ii suurta gashay in aan wax ka weydiiyo qaar ka mid ganacsatada xoolaha ee degmada qardho waxaa ii sheegeen in shaqo joojinta saakay la sameeyay aay ka timid ka dib markii Maamulka dowlada aay cashuuro saa'id ah ku soo rogeen waxaa aay ii sheegeen in neefkii xoolaha ah markii hore lagu cashuuri jiray 10,000 oo sh.so taas oo bishii noqoneysa 300,000 sh. so ah .hase ahaatee kordhinta canshuurta leysin dowlada hoose ayaa waxa aay sababatey in aay shaqo joojin ku dhaqaaqaan saakay .

Arinkaasi markay dhacay ayaa waxaan isku dayey in aan maamulka Dowlada ee Qardho aan wax ka weydiiyo balse waay i suurta geli weysaysay .
suuqyada xoolaha ayaa waxaad dareemeysaa in gabi ahanba in wax isbadaleen oo dadkii hilbaha gadan jiray iyo kuwo iibin jiray aaysan intaba joogin waxaa guud ahaan magaalada saakay laga dareemayey hoos u dhaca aad u weyn tan iyo intuu uu go'aankaan soo baxay.

Maraan la kulmay dumar ka mid ah kuwo ka kuwo ariga qala ayaa waxa aay ii sheegeen in aaysan awoodin in aay bixiyaan canshuur intaas la eg waayo waxanu ka Masruufnaa Caruur taasna aaysan suurta gal noqon karin aanu bixino lacag intaas la eg.

Neefka ariga waxaa laga qaadi 10,000, basle hada qiimaha intaas wuu ka badan yahay taas ayaa waxaa aay meesha ka saareysaa ina aay dhammaan Dadkii hilbaha cuni jiray aay ka soomaan maantay guud ahaan magaalada Qardho.

C/weli Xasan Gooni
gooni2@hotmail.com
somalitalk.com
Qardho,Puntland


Kulankii Maanta Ee Baarlamanka DFKMG Somaliya Oo Lagu ansixiyay in xaalad deg deg ah lagu soo rogo dalka.

Jan 13, 2007: Baarlamanka DFKMG Soomaaliya Ayaa Maanta Kulan Ay Ku Qaateen Xarunta ADC ee Magaalada baydhabo ku ansixiyay sharciga xaaladda deg dega ah ee lagu soo rogayo dalka Soomaaliya Mudo sadex Bilood ah.

Kulankan ay Maanta Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ay ku ansixiyeen qodobada xaaladda deg dega ah ayaa waxaa ka hor Akhriyay Baarlamanka Wasiirka dastuurka iyo arimaha Federaalka C/laahi Sheekh Ismaciil ,islamarkaana Qodobada sharciga xaaladda deg dega ah oo horey u ahaa 14 qodob ayaa maanta lagu soo koobay 5 qodob oo keliya ka dib dood dheer iyo falanqayn socotay mudo ayaa markii dambe guddi loo saaray islamarkaana ay isku afgarteen in lagu soo koobo shantan oo keliya oo ahaa qodobo la soo xulay ,islamrkaana qodobada laga tegey ayaa waxaa ka mid ahaa in lala wareegi karo hantida shacabka iyo tan dowladda .

Sidoo kale Qodobada la ansixiyay ayaa waxaa ka mid ahaa.

1-Ku dhowaaqida Xaaladda deg dega ah,

2-Ujeedooyinka xaaladda deg dega ah,

3-dhowrista xuquuqda aasaasiga ah ee Muwaadinka,

4-Ciqaabta cid alaale iyo cidii sharciga jabisa marka laga reebo Mudanayaasha Baarlamanka hadii uusan faraha kula jirin fal dambiyeed.

Si kastaba ha ahaatee Mudanayaasha Baarlamanka ee maanta ku sugnaa xarunta Hoolka shirarka ee magaalada baydhabo ayaa tiradoodu ahayd 156 Mudane oo isku raacay qodobadan , marka laga reebo labo mudane oo aamus ku jawaabay ,K/xigeenka labaad ee baarlamanka Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqorre ayaa cod gacan taag ah ka dib ku dhawaaqay natiijada islamarkaana sheegay inay ansax yihiin Qodobadu.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com


Waa sidee Xaalada Villa soomaaliya oo shalay dagaal ka dhacay

Jan 13, 2007: Xarunta madaxatooyada ee villa soomaaliya oo tan iyo intii uu soo degey madaxweyne c/laahi yuusuf ahayd goob ay aad u buux dhaafiyeen ciidamada isku dhafka ah ee Ethiopiyanka iyo soomaalida ayaa waxaa maailntii shalay ahayd shaqaaqo gacan ka hadal ah oo sababtay dhimasho iyo dhawac kadib la ciirciiraysay dhaawacyada uu gaystey dagaalkii dhex maray milayshiyada hoogaamiye kooxeedyada iyo kuwa dowlada soomaaliyeed .

Warar isqilaafsan ayaa kasoo baxaya dhaawaca iyo dhimashada ay gaysteen dagaalakaasi oo aan ilaa iyo hada laga hayn tiro rasmi ah ,ma jiraan warar dhexdhexaada oo xaqiijinaya inta dhimatay iyo dhaawacaba .

Sidoo kale waxaa si rasmiya loogu arkayey xarunta madaxtooyada ee villa soomaali dhirta waaweyn ee ku dhex taala dhaawacyo badan oo daadsan oo aan tiradooda la cayimin basle laysugu keenay halkaasi .

Xarunta madaxtooyada oo uu soo gaaray burbur xoogan tan iyo intii ay dalka ka jireen dhibaatada ay gaysteen dagaalada sokeeye ayaysan helin wax dayac tir ah marka laga reebo dhismayaal iyo qurxin badan oo ay sameeyeen maamulkii golaha maxaakiimta mudadii lixda bilood ahayd.

Si kastaba ha ahaatee xarunta madaxtooyada villa soomaaliya ayaa muuqata mid si weyn amaankeeda loo adkeeyey islamarkaana ay ku hareeraysan yihiin ciidamada Ethiopyanka ee taageeraya dowlada fkmg ah ee soomaaliya .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com


Ururka Al-Islaax oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ku aaddan duqeynta Mareykanku ka geysanayo Soomaaliya iyo Xaladda Deg-degga ah

Maalmahan dalkeena Soomaaliya waxaa ka socda isbedelo waaweyn waxaa suuro gashay inuu caasimadda Muqdisho uu soo gaaro madaxweynaha Soomaaliya mudane C/llaahi Yuusuf iyo ra’iisal wasaaraha Prof. Cali Max’ed Geeddi oo kulamo is daba joog ah la yeelanaya qeybaha bulshada.

Xarakada Islaax oo ka amboqaadeysa mabaadii’da caamka ah iyo siyaasaadkeeda ku wajahan marxaladan, waxay ku baaqeysaa qodobadan soo soca:-

1)- Xarakada islaax waxay si weyn u cambaareyneysaa duqeynta cirka ee ciidamada Mareykanka ay ka fulinayaan Soomaaliya, taas oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah, waxyeelooyina ka soo gaareen duunyo badan iyo deegaamba, falalka noocaas ahna waxay sii hurinayaan cadaawad, waxayna ka soo horjeedaan xeerarka caalamiga ah.

2)- xarakada islaax waxay ka walwalsan tahay xaaladda deg deg ah ee dalka lagu soo rogay dhaqan gelinta xaaladaasi waxay keeni kartaa dhibaatooyin cusub iyo xadgudubyo xuquuqda aasaa siga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

3)- Xarakada islaax waxay u aragtaa in xalka Soomaaliya ay sal u tahay dib u heshiisiinta bulshada, wadatashiga, iscafinta iyo soo celinta hay’addaha dowladda oo howshooda gudan kara.

Sidaasi darteed, xarakadu waxay bogaadineysaa imaanshaha madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ee magaalada Muqdisho, wadatashiyada is daba jooga ahna la qaadanaya madaxweyneyaashii hore, bulshada qeybeheeda kala duwan iyo hogaamiye kooxeedyada.

Xarakadu waxay u aragtaa dhaq dhaqaaqaasi inuu bilow u yahay tilaabooyinka la rabo in loo qaado dhanka saxda ah.

4)- xarakada islaax waxay taageereysaa isla markaana bogaadineysaa mowqifka mideysan ee ururada bulshada rayidka ah iyo ganacstada magaalada Muqdisho ay ka soo saareen xaaladda Soomaaliya, 7-da bishii Janaayo 2007 iyo dedaalada ay ugu jiraan u ololeynta iyo ka qeyb qaadashada howlaha nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo u adeegida bulshada.

5)- Xarakada islaax waxay ugu baaqeysaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana reer Muqdisho inay khilaafkooda xalistaan wada jirna u taageeraan howlaha lagu hirgelinayo dowladnimada Soomaaliyeed.

6)- xarakada islaax waxay ugu baaqeysa dowladdaha caalamka, gaar ahaana dowladdaha Carabta inay si deg deg ah ugu yaboohaan ciidamo ka qeyb qaata sugida nabadda Soomaaliya iyo inay shacbiga iyo dowladda Soomaaliyeed ugu deeqaan kaalmo dhaqaale iyo mid farsamo oo suuro gelin karta soo celinta hay’addaha qaranka, dedejinta keenista ciidamadaas waxay horseedeysaa in sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan ciidamada Itoobiya dalka Soomaaliya.

7)- xarakada islaax waxay ugu baaqeysaa bulshada caalamka inay deg deg ula soo gaaraan gar gaar bani’aadamnimo dadka ku tabaaloobay dagaalada, abaaraha iyo fatahaadaha.

Xarakadu waxay si gaar ah ugu baaqeysaa in mudnaan gaar ah la siiyo dadka rayidka ah ee ka cararay dagaaladii dhowaan dhacay oo hadda ku xayiran xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

ALLAAHU AKBAR WALILAAHIL XAMDU

DR. IBRAAHIM DASUUQI
AFHAYEENKA XARAKADA ISLAAX

Waxaa soo tebiyey
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2007

Golaha Muslimiinta Ingiriiska oo cambaareeyey weeraradii Mareykanka ee Soomaaliya
iyo warbixintii Washingtonpost ee ciidamadii Maraykanka ee galay gudaha Soomaaliya... Akhri...

calanka
Maxamed Dheere: Waxaan aaminsanahay inay dowladu dhowri doonto Sharciga Federaalka.
"..sharci maaha in meel kale xilka la iiga qaado ayadoo cid kale la iska soo magacaabayo aan dadka Gobolku dooran.. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH