SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Mar Dr Gabboose oo kalaa Xabsi  la Geshaa 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Dr. Gabboose! Waa kuma Dr. Gabboose? Waxaa la sheegaa inuu ku dhashay Walwaal oo ka mid ah ceelasha ugu caansan carro Dannood. Sida ku dhacday dad badan oo ku dhashay dhulka Soomaaliyeed ee Xabashidu heysato ayaa dhaqtarka loo qoray inuu ku dhashay deegaan kale. Warqaddiisa dhalasho waxaa ku qoray inuu ku dhashay Gaalkacyo. Gaalkacyo ayuu ka bilaabay dugsi Qur’aanka iyo waxbarashada hoose. Isagoo gaban ahna Muqdishaa la geeyey halkaas oo uu waxbarashadiisa ka sii watay ilaa uu ka dhammeeyey dugsigii sare ee Banaadir. Dabadeedna wuxuu ku biiray jaamacadda caafimaadka/daawada ee Soomaaliya isagoo ka galay kaalinta koowaad. Sida la sheegay, si loogu diyaariyo inuu macallin ka noqdo kulliyaddaas, waxaa loo diray inuu takhasus ku soo qaato Talyaaniga siina kordhiyo aqoontiisa caafimaad. Mar kale ayuu kaalinta koowaad ka galay jaamacaddaas. 

Waxaa magaca dhaqtarku dhegohayga kusoo dhaceen dhowr sano ka hor intuusan caan ka noqon isbitaallada, kulliyada dhaqtarnimada iyo wasaaradda caafimaadka. Anoo labadii sano ee dugsiga sare iigu dambeysay ka dhiganaya Banaadir ayaan ka ogaaday dad aan daris ahayn oo qaraabo la ahaa Dr Gabboose inuu dhigan jiray iskuulkaas. Waxay ii sheegeen inuu ku fiicanyahay waxbarashada sidoo kalana ahaa nin aan lagu aqoon dhib, ceeb iyo waqti-is-dhaafin midna. Micnuhu waa wuxuu ku mushquulsanaa waxbarasho. Hal mar baa magaca Dr. Maxamed Cabdi Gabbose bud soo yiri! Waxaa la is yiri: war wiilkan, ma shanta nin ee horboodayey golihii sare ee kacaankaa dhalay mise qaraabo u ah? Ma wasiir kalaa dhalay? Mise….? Iyadooy joogaan dhaqaatiir isaga dhalikarta oo weliba u ahaa macallimiin buu siduu isagu cadceed yahay iyaguna xiddigo qariyey. Illeyn wiilka waxaa gubaya waa aqoon iyo dadaal uu Ilaahay ku manneystay. Iyadoo dadka Soomaaliyeed  u shaqeynayeen qaab qabiil haddana wiilkaasi ma ahayn mid qabiilkiisu meel geeyey sababtoo ah meeshuu ku dhashay iyo meeluhuu ku soo korayba waa looga badnaa qabiilkiisa. Marka Ilaahay baa caqligiisa ku gargaaray.

Haddaad fiiriso taariikhdiisa shaqo, wey adagtahay inaad aragto qof sidaas oo kale sallaanka jagada u fuuli kara. Waxaa la sheegaa inuu 1986 loo doortay agaasimaha guud ee isbitaalkii Digfeer. Sanadkii ku xigay 1987-kii wuxuu noqday wasiir-ku-xigeenka caafimaadka. Waxaa u sii raacay wasiir-ku-xigeenka dalxiiska iyo warfaafinta. Wuxuu kaloo noqday dhaqtarka khaaska ah ee madaxweynaha. Dadka taageera xisbiyada kale ee mucaaradka ah waxay dhahaan abtigiis baa Maxamed Siyaad ahaa! Ma fahmin waxay ka wadaan. Ma madaxweynihii Soomaaliyeed baa iskuul u dhigay? Ma isagaa ka dhigay inuu koow ka galo kulliyadda caafimaadka? Waa qofkee, qofkaan rabi lahayn in Dr Gabboose dhaqtar u noqdo? Ileyn caqli badnaantu waxay keeneysaa in dhaqtarku fahmo waxyaalo aysan dhaqaatiirta kale arki karin. Sidaas darteed, xaq buu u lahaa in madaxweynuhu ka raadsado daaweyn dhaqtarkaas. Iska daa madaxweyne Soomaaliyeede xitaa haddii dadkii ajnabiga ahaa ee Soomaaliya ku noolaa u soo raacsadaan dhaqtarka inuu daaweeyo waxaa khasab ku ahayd inuu daaweeyo. Dhaqtarku xudduud ma leh. Waa inuu daaweeyaa gacal iyo cadow labadaba. 

Hadalkii siyaadeed ee ugu horreeyey ee Dr. Gabboose 

Dr. Gabboosihii aan ku soo korin dhulka qabiilkiisu dego sidoo kalana heystay waxaas oo jago, magac iyo nimco ah wuxuu ka doortay inuu iskaga tago Soomaaliya. Ma filayo in si shakhsi ah cidi igu dhibtay Xamar ee keliya wuxuu uga tagay mabda’. Waxaa la sheegaa in 1989 ama 1990 mar laanta Afsoomaaliga BBC-du weydiisay inuu wax uga taabto caafimaadka madaxweyihii Maxamed Siyaad ayaa wuxuu Dr. Gabboose bixiyey jawaab la yaab ku noqotay wixii dhegeysanayey isagoo dhaqtarku sheegay in aan la bixin akhbaarta u dhaxeysa dhaqtar iyo qofkuu dabiibayo! Waa jawaab qofkii caqli lihi ka fahmi karo caqliga iyo mas’uulnimada uu xambaarsanyahay dhaqtarkaasi. Waxay tuseysaa xammilaadda iyo dulqaadka dhaqtarkaas, isagoo iska ilaaliyey inuu sheego sirta uu ka hayo bukaankiisa, ugana  faa’iideysan xurguftii siyaasadeed. Iska daa Soomaaliye, waa yartahay inaad adduunka ku aragto qof noocaas oo kale ah. Hadalkaas kaddib ayaan gartay in dhaqtarkaasi noqon karo hogaamiye caaqibo leh haddii Soomaalidu ka faa’iideysato. 

Burburkii Soomaaliya kaddib, wax aad ah kalama socdo taariikhda dhaqtarka oon ka ahayn inuu Somaliland ka qabtay jagooyin sarsare. Marka taas waxaan naga shaafinaya dadka reer Waqooyiga ah. 

Maxaa xabsi loo dhigay Gabboose? 

Labada korneyl ee Soomaaliya midna qorigii buu weliba dadka la dhacayaa midna waxaan xabsi-gelin ahaynba ma yaqaan. Riyaale imisa qof buu xiray? Meeye dadkii Soomaali Galbeed ka yimid? Culumadii? Nabaddoonnadii? Iyo hadda oo dhaqtarkii iyo siyaasiyiintii kale uu xiray. Soow Soomaalidu ma tiraahdo: fartaad taqaan qor? Ama: qofna qowlkiisu hadlaa, qorina qiiqiisuu uraa. Waa uun dadka Soomaaliyeed dadka inta beerta geed aan miro dhalin haddana jawaanno u tosha iney ka gurtaan hoobaan bislaatay. 

Dhaqanka Soomaalidu waa ka liitaa kii mushrikiinta! Inkastoo mushrikiintii Makaad ay dhibi jireen muslimiintoo dhan haddana marna isku si ulama dhaqmi jirin nabiga (SCW), Abuu Bakar (RC) iyo Cismaan Binu Cafaan iyo muslimiinta kale sida Bilaal (RC), C/hi Binu Mascuud (RC) iyo Yaasir (RC). Maxaa yeelay gaaladu iyagoo muslimiintoo dhan neceb haddana marna ma inkiri jirin kaalinta ay Abuu Bakar iyo Cismaan lahaayeen. Hadda dadka Soomaaliyeed waxay ceyda iyo dhibka ku bilaabayaan dadka noogu mudan sida dhaqtarka oo kale. Mar uu Abuu Bakar (RC) Maka iskaga guuray ayaa waxaa dariiqa uga horyimid nin mushrik ahaa oo ay Qureysh xulufo ahaayeen. Ninkii wuxuu Abuu Bakar (RC) ku yiri: war ma adoo kalaa tolkiis saaraa?! Waxaad u miciintaa masaakinta, waxaad caawisaa kuwo dhibaateysan. Waxaad soortaa martida. Waxaad magangelisaa ciddii kusoo magangasha. Wuxuu tiriyey sifooyin badan oo Abuu Bakar (RC) lahaa. Gaalkii wuxuu yiri na celi anaa Qureysh la hadlayee. Kaddibna sidii baa Abuu Bakar (RC) ugu noqday Maka. Qiyaas, Meles Zenawi oo xukuumadda Riyaale ku leh: war soow Dr Gabboosihii caqligii la arkey lahaa maaha? Soow ninkii isagoo dhallinyaro ah kasoo dhexbaxay dhaqaatiirtii kale maaha? Daaya oo ha xirina! 

Hindidu waa maqleen Gaandhi halka reer Hargeysa ay ganafka ku dhufteen Dr. Gabboose! Waxaa ugu daran: Feysal Cali Waraabe waa hogaamiye mucaarad ah. Riyaalana waa madaxweyne halka Dr. Gabboose la leeyahay urur kama mid noqon karo! Waxaan xasuustaa Feysal Cali Waraabe oo soo dhoweynaya xisbiga Qaran isagoo leh: waa soo dhoweyneynaa. Dhowr maalmood ka horna wuxuu lahaa: lama ogola wax ka badan seddex xisbi? Ma waxay dadka u qabaan xoolo sidii la rabo laga yeelikaro? 

Dhaqtarka iyo ragga la xirin, inkastooy awalba dahab ahaayeen haddana dabkan iyo imtixaankan (xariga) wuxuu usii kordhinayaa saafinimo iyo iney soo baxaan iyagoo ah kuwa ka sii caansan kana fiiro-dheer siday awalba ahaayeen. Run bey sheegeen odayaashii lahaa waxay noqon doonaan Madeelaha Soomaaliya. Marka halkii maalin oo ay xabsiga kusii jiraanba waxay sii helayaan taageero badan. 

Waxaan dadka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Waqooyiga kula talinlahaa iney iska daayaan qabiilka baas ee halkaas dhigay. Kuwo waxaad arkeysaa Riyaale u taageeraya hebel iyo hebel oo ay isku qabiil yihiin baa faa’iido ku heysta xukuumaddaas isagoon fiirineyn Somaliland. Waa sida aan horay ugu arkey dadka Puntland. Intaas oo sano baan ku hayey: aan iska deyno dadka aan iska dabo ordeyno. Aan fiirinno sawirka guud iyo waxa dadkoo dhami dan ugu jirto. Reer Puntland taladii markey diideen waxay dhaxleen iney weli la sii dagaalayaan qabiillooyinkii Soomaaliyeed. Iney gaareen heer Boosaaso la soo dhigo mashiinno lacag lagu sameeyo markey galeen dagaal qaab daran oo dhaqaalihii Boosaaso ka soo bixi jiray ku filnaanwaayey. Marka maxay tahay dimuqraadiyadda ay Somaliland ka hadleyso haddii qofkii xisbi ka hadlaba xabsiga la dhigayo? Miyeydaan arag in Britain uu hal xubin oo baarlammaan uu xisbi sameystay? Waa George Galloway. Sidee Dr. Gabboose, saaxiibada kale oo qaarkood soo ahaa SNM iyo intaas oo aqoon yahan loo dhihi karaa xisbi ma furan karaan? Marka caqliga isticmaala oo soo dhoweeya dhaqtarka iyo wixii la halmaala. Mise waxaa dastuurka idiin ku qoran: qofkii caqli iyo karti leh ma furan karo xisbi umana tartami karo madaxweynanimo? 

Marba haddii Feysal Cali iyo Riyaale xisbiyo ka furankaraan Hargeysa halka Dr. Gabboose iyo kuwii ka tirsanaa SNM aysan furan karin ayaan jeclaan lahayn inaad noo ogolaataan haddaan reer Koonfur nahay inuu noo soo wareego Dr Gabboose. Annagoo idiin ku beddeleyna kuwii soo laayey dadka reer Waqooyiga si ay xisbiyada UCID, UDUB ugu biiraan ama kuwo cusub u furtaan. Ileyn idinkaa kuwii idin soo dhibay ama aan wanaag laga arag hoosta ku wata halka kuwii la arkey kartidooda la liidayo. Marka waxaan ka baqayaa in la arko xisbi ay leeyihiin “walaalaha Tigree”. Maddaama wiilkaasi kusoo barbaaray waxna ku soo bartay dhulka la yiraahdo Koonfurta Soomaaliya, ayaa dadka reer Koonfureed waxay jeclaanlahaayeen iney isku qabiil yihiin Dr. Gabboose oo iyaga loo tiiriyo halka reer Waqooyiga qaarkood qarinayaan caqliga iyo kartida dhaqtarka si mid ay isku qolo u yihiin uu meesha u joogo. Ka reer Mudug ahaan waxaan ku faannaa warqaddiisa dhalasho ee ay ku qorantahay inuu ku dhashay Gaalkacyo marka uu jaamacadaha iyo meelaha la isagu tago ka daho waxaan ku dhashay Gaalkacyo. Idninkuna inta isagii oo socda idiin yimid baad ka faa’iideysan la’dihiin. 

Waxaan leeyahay waa in la sii daayo dhaqtarka iyo ragga la xiran si shuruud la’aan ah. Sidoo kalana waa in loo daayo xisbigooda laguna taageero.

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Xooluhu (Xildhibaannada) ma la Xisaabtami Karaan Dhaqtar Xoolaad Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 3, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com