Warar: Dec 17, 2006
- Ciidamada Itoobiya
oo khamri fara badan soo geliyey Magaalada Baydhabo.
- Ciidamada Itoobiya
ee ku sugan Baydhabo oo dil iyo dhaawac ka gaystay…
- 3-kun oo Loor oo
Bur ah oo shalay lagu gubay…
- Ciidamada Itoobiya
ee ku sugan dalka oo uu..
- Dowladda Canada oo
walaac ka muujisay..
- Aqoonyahano
soomaali-yeed oo Dowladda..
- Abwaan Abshir
Bacadle oo loo doortey Gudoomiyaha Golaha Abwaanada
Islaamka soomaaliyeed
- Dufcaddii 38-aad oo
ka qalinjabisay Machadka Al-Cimra Branch Laba-Dhagax
Ciidamada
Itoobiya oo khamri fara badan soo geliyey Magaalada Baydhabo.
Ciidda Kirismiska oo ay
u diyaargaroobayaan…
Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa
waxaa la sheegay inay Magaalada Baydhabo ku soo daldaleen
Khamri farabadan oo qaarkood ku jiray Jirgaamo, waxaana
Khamrigaasi Magaalada Baydhabo loo keenay iyadoo foodda ay
nagu soo haysto Ciidada Kirishtaanka oo ku beegan 25 bishan.
Khamrigaan ayaa loogu talagalay inay ku cabaan Ciidamada
Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo xilliga Krismaska,
hase yeeshee qaar ka mid ah Khamrigaasi ayaa si aad ah ugu
faafay magaalada Baydhabo, iyadoo ciidamada Itoobiya mararka
qaar ay dadka siinayaan Khamrigaasi.
Dadweynaha ku nool Magaalada Baydhabo aya si aad ah uga
walaacsan khamrigaasi lagu soo daadgureynayo magaalada
Baydhabo, waxayna Culimada ku nool Baydhabo ay shacabka uga
digeen in ay ka fogaadaan khamrigaasi, maadaama uu Illaah
xarimay.
Dhanka kale warar ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada
Itoobiya ay doonayaan inay Magaalada Baydhabo ka furaan
Kalaabyo ku meel gaar ah oo ay ku caweeyaan ciidamada
Kirismiska, waxaana haatan xeryaha ay degan yihiin laga
diyaarinayaa kalaabyadaasi, iyadoo Ciidamada Itoobiya ay ku
jiraan Haween aad u fara badan.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa lagu
qiyaasay ilaa iyo 12-kun sida ay sheegeen Maxaakiimta
Islaamiga ah, kuwaas oo la sheegay inay goobaha ay ku sugan
yihiin ka wadaan waxyaabaha liddi ku ah Diinta Islaamka.
Ciidamada Itoobiya ee
ku sugan Baydhabo oo dil iyo dhaawac ka gaystay…
Wararka naga soo gaaraya Baydhabo, waxay sheegayaan in
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo ay gaysteen dil iyo
dhaawac kaddib markii ay rasaas ku fureen Gaari xamuul ahaa
oo ku soo dhawaaday meel ay ku sugnaayeen, gaar ahaan halka
lagu magacaabo Isha Baydhabo.
Waxaa halkaasi ku dhintay hal qof, waxaana ku dhaawacmay
saddex kale, waxayna Ciidamada Itoobiya ku andacoodeen in uu
Gaarigu uu siday waxyaabo qarxa, hase yeeshee markii la
baaray waxaa la ogaaday in gaarigu uu ahaa gaari xamuul ah
oo ku soo jeediyey Baydhabo.
Dhibkaan ay gaystay Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa si weyn
uga xumaaday dadweynaha Baydhabo oo ay shucuurtoodu aad u
kacsan tahay waxayna sheegeen in falkaasi ay Ciidamada
Itoobiya mar un ka aarsan doonaan, hase yeeshee waxaa markii
dambe arrinta galay Dowladda Federaalka oo ku guuleysatay
inay qaboojiso.
3-kun oo Loor oo Bur ah
oo shalay lagu gubay…
Maalintii shalay ahayd ayaa Dugsigii ee Tababarka Xalane
lagu gubay 3-Kun oo loor oo la sheegay in uu ahaa bur ay
tayadiisu aad u hooseeso oo aan laga gadi Karin Bulshada,
sida ay sheegtay waaxda Caafimaadka ee Golaha Maxaakiimta
Islaamiga ah.
Burkaan oo ka soo degay degmadda weyn ee Magaalada Muqdisho
ayaa waxaa soo rartay ganacsato Soomaaliyeed oo doonayey
inay ka iibiyaan shacabka Soomaaliyeed, hase yeeshee qaar ka
mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa waxay ku doodayaan in
burku uu yahay mid nadiif ah balse uu ku soo qoyey badda
gudaheeda, hase baaritaan ay sameeyeen waaxda caafimaadka ee
Maxaakiimta ayaa waxay ku sheegeen in burku uu yahay mid aad
u liidata oo aan gali Karin wax ganacsi ah, waxaana ka
qaybgalay gubidii burkaasi dadweyne aad u fara badan oo ku
faraxsanaa sida ay Maxaakiimtu ula dagaalamayaan ganacsatada
caadeysatay in ay dadka ka iibiyaan waxa dhacay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Maxaakiimtu gubaaan bur ay
tayadiisu hooseeso, kal hore ayay ahayd markii 10-kun oo
Loor oo bur ah ay Maxaakiimtu ku gubeen dugsiga Tababarka ee
Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Itoobiya ee
ku sugan dalka oo uu..
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa haatan
waxay u muuqdaan kuwo u waqtigu ka sii dhamaanayo, maadaama
waqtigii ay qabteen Maxaakiimta Islaamiga ah ay ka harsan
tahay labo maalmood.
Talaadadii hore ayay ahayd markii Golaha Maxaakiimtu ay
sheegeen in todobo maalmood ay u qabteen in Ciidamada
Itoobiya ay uga baxaan dalka Soomaaliya, haddii kalse ay la
kulmi doonaan cawaaqib xumo balaaran.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka haatan uma muuqdaan
kuwo u hogaansamaya arrinkaasi, iyadoo Mas’uuliyiinta
Dowladda Itoobiya ay sheegeen in hadalka ka soo yeeray
Maxaakiimta uu yahay mid ay horey u soo saari jireen oo ay
sheegeen in uusan ahayn wax cusub. Ilaa iyo 12-kun oo
ciidamo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan dalka Soomaaliya ilaa
iyo haddana lama garanayo talaabada ay ciidmada Maxaakiimtu
qaadayaan maadaama uu waqtigii ay qabteen ku ek yahay
maalinta Isniinta ah habeenka talaadadu soo galeyso saacaddu
markay tahay Lixda Habeenimo.
Dowladda Canada oo
walaac ka muujisay..
Dowladda Canada ayaa walaac ka muujisay xaaladda murugsan ee
haatan ka taagan dalka Soomaaliya, waxayna sheegtay Dowladdu
in Xaaladda Soomaaliya lagu qaboojin karo wada hadal ay
isugu yimaadaan Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta
Islaamiga ah.
Dowladda Canada waxay sheegtay in kooxaha isku haya
Soomaaliya looga baahan yahay inay la yimadaan isku tanaasul
taas oo ay sheegtay Canada in lagu baajin karo dagaal ka
dhaca Soomaaliya.
“Haddii dagaal dhaco waxa uu dhibka ugu weyn gaarayaa dadka
rayidka ah” ayuu tiri dowladda Canada oo sheegtay in loo
baahan yahay in ay Golaha Maxaakiimta iyo Dowladda
Federaalka ay isugu yimaadaan miiska wada hadalka si loo
dhameeyo khilaafka jira.
Aqoonyahano
soomaali-yeed oo Dowladda..
Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Dibaddiisa ayaa
warqad qoraal ah u gudbiyey Dowladda Mareykanka taas oo ay
kaga dalbanayaan in ay gacan ka gaysato sidii loo dejin
lahaa xaaladda Soomaaliya, isla markaana Soomaaliya looga
joojin lahaa faragelinta shisheeye.
“Dagaal dhex mara Maxaakiimta iyo Dowladda itoobiya waxaa
baajin kara Dowladda Mareykanka” ayay yiraahdeen
Aqoonyahanadaasi oo mareykanka ugu baaqay in ay dhex dhexaad
ka noqoto arrimaha Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay aqoonayahano Soomaaliyeed
Dowladda Mareykanka ka codsadaan in ay gacan ka gaystaan
sidii meel la isugu keeni lahaa Maxaakiimta Islaamiga ah iyo
Dowladda Federaalka taas oo ah mid lagu joojin karo dagaal
dhex mara labda dhinac.
Abwaan Abshir Bacadle
oo loo doortey Gudoomiyaha Golaha Abwaanada Islaamka
soomaaliyeed
Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Naasahablood ee Magaalada
Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu dhisayey gole la magacbaxay
Golaha abwaanada Islaamka Soomaaliyeed, waxaana ka qaybgalay
mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah, Abwanada
Soomaaliyeed iyo martisharaf kale, waxanaa xafladdaasi intii
ay socotay lagu soo badnhigay gababyo ka hadlayay sidii
wadanka loog difaaci lahaa Dowladda Itoobiya, waxayna
Abwaanada qaarkood ay tiriyeen gababayo dadka aad u
kicinayey, waxaana ka mid ahaa abwaanadii halkaasi isugu
yimid, Abwaan Max’ed Gacal Xaayow, Abwaan Taakow Macallin
Ciise, Max’ed Faarax Dhuugaal, Abwaan Cusmaan Cabdule Guure,
Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) iyo Abwan Raage Max’ed
oo isagu ka yimid dalka dibadiisa una yimid sidii uu ula
jihaadi lahaa caddowga Soomaaliyeed.

Madaxa war-faafinta Golaha Maxaakiimta C/rixiim Muudeey oo
isna ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in Golaha Maxaakiimtu
ay soo dhaweynayaan suugaanta saldhiga u ah Diinta Islaamka,
waxa uuna u soo jieediyey Abwaanada Soomaaliyeed in ay
bulshada ku baraarujiyaan difaaca wadankooda, waxaa kalloo
ka hadlay madaxa dhallinyarada iyo Waxbarashada ee
Maxaakiimta Islaamiga ah Fu’aad Max’ed khalaf oo isna si aad
ah uga hadlay in Maxaakiimtu ay soo dhaweynayaan gole
noocaan oo kale ah, oo uu sheegay in uu ka tarjumayo
dhaqanka Islaamka, sidoo kale waxaa ka hadlay madaxa
Bulshada ee Golaha Maxaakiimta Sheekh C/llaahi Max’ed Fanax
oo isna ku dheeraaday taariikhdii Abwaanada gaar ahaan
waqtigii Islaamka, waxa uuna sheegay inay waajib tahay in
aad carabka ku difaacdid Diinta Islaamka.
Ugu dambeyntii waxaa halkaasi looga dhawaaqay Gole la
magacbaxay Golaha Abwaanada Islaamka Soomaaliyeed, waxaana
Guddoomiye loogu doortay Abshir Nuur Faarax (Bacadle),
waxaana Guddoomiye ku xigeen loogu doortay Abwaan Taakow
Macallin Ciise, halka Afhayeenna loogu doortay Cusmaan
Cabdule Guure.
Golahan waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu af iyo
adinba kula dagaalamo caddowga Soomaaliyeed, waxaa kale oo
uu Goluhu sheegay inuu garab iyo gaashaanba u yahay Golaha
Maxaakiimta Islamiga ah.
Dufcaddii 38-aad oo ka
qalinjabisay Machadka Al-Cimra Branch Laba-Dhagax
Dufcaddii 38-aad ee dhinaca Saxaafadda ayaa ka qalinjabisay
Machadka Al-Cimra Branch Laba-Dhagax ee Magaalada Muqdisho,
waxaana xaflad ku aadan qalinjabintaasi ay ka dhacay xarunta
HADHSO ee Magaalada, waxaana ka qaybgalay Maamulka Machad
Al-Cimra, Ardayda, Walaadiin iyo Saxafiyiin, waxaana intii
ay socotay xafladdu ay dadku daawadeen Ruwaad loogu
magacdaray Cilmi Caashaq Wareeray oo uu sameeyay Abwaanka
da’da yar ee Abwaan Ilka-Case, waxaa kaloo halkaasi Ardayda
ka qalinjabisay dhinaca Saxaafadda ay ku soo bandhigeen
waxyaabihii ay ku barteen machadkaasi, iyagoo ku hadlayey
Idaacad uu leeyahay Machadu oo lagu magacaabo ICA.

Xafladdaa waxaa warbixin ka soo jeediyey Maamulaha Machadka
Max’ed Cusmaan Xuseen (New York), waxa uuna sheegay in
Ardaydii ka qalinjabisay Machadkaan ay haatan shaqaale ka
yihiin Hay’adaha warbaahinta ee dalka ka jira, isagoo
sheegay in Machadu leeyahay qaybo ay Ardaydu ku
baraatikeeyaan, waxaa kaloo ka hadlay Agaasimaha Idaacadda
SIMBA Max’ed Xasan Sahal (Faynuus) waxa uuna sheegay in
Idaacadiisa ay ka shaqeeyaan arday ka qalinjabisay Machadka
Al-Cimra, isagoo sheegay in ay tixgelin gaar ah siin doonaan
Ardayda ka soo baxda Machadkaasi, waxaa sidoo kale ka hadlay
C/Samad C/qaadir Hanad oo isna macalin ka aha Machadka Al-Cimra,
waxa uuna sheegay in Saxaafaddu ay tahay wax dhib badan,
basle loo baahan yahay in mar kasta qofka ku jira uu la
yimaado mas’uuliyad dheeraad ah, sidoo kale waxaa ka hadlay
Max’ed Maxamuud Dhoore oo ka mid ah weriyaasha Hornafrik,
waxa uuna sheegay in Machadka Al-Cimra uu yahay mid soo
barbaariya Saxafiyiinta oo qaarkood maanta ay u shaqeeyaan
qaybaha kala duwan ee warbaahinta. Ugu dambeyntii ardaydii
ka qalinjabisay Machadka Al-Cimra ayaa la guddoonsiiyey
shahaadooyin aqoonsi u noqon doona.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
C/llaahi Yuusuf
oo sheegay in ay xirmeen Albaabadii waan waanta
.Maxkamadaha oo si kulul uga jawabay hadalkii Mareykanka..
.Sheekh Fu’aad “Mareykan, Ingiriis iyo Itoobiya waan ka..
.Maxaa ka soo baxay kulankii ka dhacay Nayroobi...
.Geeddi oo Magaalada Nayroobi kulan kula yeeshey Saraakiil..
.Maxkamad Islaami ah oo looga dhawaaqay Caabutwaaq
.Dallad ay ku mideysan yihiin Toban Dugsi looga dhawaaqay
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...
Dec 16
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 17, 2006


|