-
Warbixinta Raashin
Qaybinta Sh/Hoose
-
Jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee
Norway iyo Holland
oo deeqo lacageed
soo gaarsiiyey
Guddiga Farahaadaha
iyo gargaarka deg-degga
ah.
Warbixinta Raashin
Qaybinta Sh/Hoose
Waxaa gobolka Sh/Hoose
qaybo ka mid ah Shaqo kaalmo qaybin ah ka fuliyey Golaha
Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayey
Guddoomiyaha Golaha Sh. Axmed Maxmed Suleymaan,
isagoo ay hawshaas u wakiisheen Guddiga Fatahaadaha &
Gargaarka Deg degga ah ee Midowga Maxaakimta Islaamiga ah,
howshaas oo socotay muddo 13 maalmood oo ka bilaabata
30/11/2006 ilaa 12/12/2006, ayaa waxaa laga fuliyey meelaha
fatahaadda webiga Shabeelle iyo daadadka Roobabka aad u
saameeyeen ee gobolka Sh/Hoose ka mid ah , gaar ahaan
Degmooyinka kurtunwaareey , Janaale iyo Tuulooyinka raacsan
oo isu geyntooda gaareyso ilaa 28 degmo iyo tuulo, waxaana
ka mid ah degmooyinkaas Al-Mustaqbal, Duuraay, Buulo warbo,
k/waarey, Afgooye yareey, Banaaney Cadimoole, Malable,
Janaale iyo kuwo kale.
Tirada Raashinka la gaarsiiyey waxay dhan tahay 158.53 tan ,
oo isugu jira galley, Timir, Saliid, Dhar, Maacuun, Maro
kaneecooyin, Baco iyo Raashin kale, waxaana loo qaybiyey dad
tiradooda gaareyso 16,000 qof.
Qaybinta raashinka waxay u dhacday si aysan weligood arag
dadka halkaas ku dhaqan oo caddaalad ku saleysan , waxayna
aad ugu duceeyeen dadka walaalahooda ah ee deeqdaas u
fidiyey.
Deeqdan waxay isugu jirtay
mid ay urursheen shacabka Soomaaliyeed dibad iyo gudaba iyo
mid ay ku deeqday Jimciyadda Al-Xunayn Al-kheyriyah.
Waxaana qaybinta
musaacadaadkaas gacan ka geystay Maamulada Gobolka Sh/Hoose
iyo Hay'adda C E D oo iyadu Doonyo lagu daabulo kaalmada ku
deeqday meelo ka mid ah dhulkaas .
Xaaladda Goobahaas
Meelaha ugu daran
fatahaadda Webiga iyo Roobabka waa deegaanka raacsan Degmada
k/waarey, iyadoo ay Webiga ka goosteen faro gaaraya ilaa 5-
Farood oo qaarkood si xoog ah u socdaan, meelihii beeraha
ahaan jiray qaarkood ayaa isu bedelay Bad doonyo loo
adeegsado ,Sida aagga Tuulada Al-Mustaqbal iyo Buulo xaaji
aagga janaale iyaga beeraha waxaa gooyey daadad roobab
Sababeen.
Hadaba dhibaatada u daran hadda waa :-
1 - Faraha webiga ka
goostay oo raba in si dhakhso ah loo xiro
2 - Dadka gobolka oo guud ahaan macluul hayso mar hadii
intii badneyd beerahoodii Roob iyo biyo Webi gooyeen.
3 - Waxaa goobahaas faro
baas ku haysa kaneeco aad u tiro badan oo sababeysa cudurka
Mallaariyada , waxaa kaloo jira cuduro kale ,Sida Shubanka
T.B-da, Nafaqo darida Iwm.
4 - Jidadka isgaarsiinta oo aad u liita una baahan dayactir
, hadii aan toos wax laga qaban xitaa kaalmada meelo badan
lama gaarsiin karo.
Baaq
Waxaan Ummadda Soomaaliyeed
ugu baaqeynaa inay sii laba laabaan kaalmo ururinta inta
xaaladdu taagan tahay, intii horey wax ka geysatayna waxaan
leennahay kheyr Alle ha idinka abaal mariyo.
La soo xiriir:::- Tel: 854155, 235646, 930773: Mobile:
577471 ,506308 , 987371
Kunasoo hagaaji wixii tabarrucaad ah
Accounada, G.S.H.S
Qaran Express |
117 |
Dahabshiil
Bank: |
2283 |
Amal Bank: |
11073 |
Global Money
Transfer : |
21042 |
Mustaqbal Bank |
22315 |
Tawakal Bank |
309 |
LACAGTA KU BAXDAY SH/HOOSE
Ganleey
|
1980 Loor |
13002 $ |
Terisboor:- |
Gaadiid,Doon,
Cagaf |
4250 $ |
Kharash:- |
Xamaali,Shaqaale,Shidaal,Masaariif |
1270 $ |
Total:- |
…………………………… |
18522 $ |
Lacagta la soo
shubay |
…………………………… |
18522 $
|
………………………… |
…………………………… |
00000 |
Jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee Norway iyo Holland oo deeqo lacageed
soo gaarsiiyey Guddiga Farahaadaha iyo gargaarka
deg-degga ah.
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka Norway
iyo Holland ayaa soo gaarsiiyay lacago gaaraya
15,887- Dollar-ka Mareykanka ah, waxaana lacagahaan
loogu talo galay in wax loogu qabto dadka ay
fatahaaduhu waxyeellada u geysteen.
Sheekh Baaruud Gurxan oo ah Guddoomiyaha Guddiga
Fatahaadaha iyo gargaarka Deg-degga ah ayaa
saxaafadda uga warramaya deeqdaas lacageed iyo sida
ay tahay, waxaana uu sheegay in deeqdaan ay tahay
mid cusub isla markana ay kaga mahadceliyaan dadkii
soo dhiibay ee deeqdaas lacageed bixiyay.

Sheekha waxa uu sheegay in weli ay jiraan
dhibaatooyinkii ay fatahaaduhu ka geysteen gobollada
dalka qaarkood, waxaana uu sheegay in looga baahan
yahay shacabka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool in
gacantooda loo bahaan yahay, isla markaana ay
walaalahooda ku kaalmeeyaa, waxaana uu ALLE uga
baryay inuu ka abaalmariyo deeqaha lacageed ee ay
soo gaarsiiyeen walaalahooda u baahan.
Dhanka kale Sheekh Xuseen Buulle oo ah ganacsade
Soomaaliyeed isla markaana Jaaliyadda Soomaaliyeed
ee Norway u wakiilatay lacagaha ay soo dhibeen oo
gaaraya isu geytooda 13,137-Dollar ayaa saxaafadda
lacagahaas la soo diray ayaa yiri:
"Jaaliyadda Norway ee Oslo ku nool waxay ku deeqeen
lacag gaaraysa 4387_Dollar, sidoo kale Jaaliyadda ku
dhaqan Waqooyiga Norway ayaa iyaguna ku deeqay lacag
dhan: 8753-Dollar" waxaana uu sheegay Sheekh Xuseen
Buulle in lacagahaas ay yihiin kuwo loogu deeqay
dadka walaalaha ah ee u baahan kaalmadaha
walaalahooda lacagaha soo gaarsiiyay.
Sheekh Xuseen ayaa uga mahadceliyay sida qiimaha leh
ee ay deeqdaas uga guddoomeen guddiga Farahaadaha
iyo Gargaarka Degdegga ah oo uu madaxda ka yahay
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.
Sidoo kale waxaa halkaas isna ka hadlay Sheekh Aadan
Sheekh Cilmi oo ah Afhayeenka Guddiga Fatahaada iyo
gargaarka deg-degga ah waxaana uu carrabka ku
dhuftay in deeqdaas ay ka aqbaleen walaalahooda soo
diray, isla markaana ay EEBBE uga baryayaan inuu
Jannadii Fardowso ahayd ka waraabiyo.
Deeqda kale ee ka timid Holland ayaa waxaa isku soo
ururiyay Dugsi lagu magacaabo IQRA, waxaana ay
gaaraysay lacagta ay soo dhiibeen 2750-Dollar,
waxaana ay noqonaysaa deeqo wax u tara dadka ay
fatahaaduhu waxyeellada u geysteen.
Guddigaan ka shaqeeya fatahaadaha iyo garagaarka
deg-degga ah ayaa waxay ka shaqeeyaan inta badan
meelaha ay fatahaaduhu ka yimid Webiyada Jubbada iyo
Shabeellada ka geysteen gobollada dalka qaarkood,
iyagoo dhawaanna Gobolka Shabeellada Hoose
gaarsiiyay deeqo kala duwan oo isugu jiray, lacago,
Raashin iyo waxyaabo kale oo ay dadka ay fatahaaduhu
waxyeelleeyeen u bahan yihiin.
yaaasiin
maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
5580916
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 17, 2006


|