SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GARGAAR

Nairobi: Masjidka Islii oo kaalmo dhan $60,000 loogu Ururiyay Dadka ku Tabaaloobey Fataahada...

  • Masaajidka Ugu wayn Islii oo sadexdii habeen ee aan soo dhaafnay tabarucaad kaalmo dhan $60,000 loogu ururiyay dadka ay dhibaatadu ka soo gaartey Fataahada ee ka qayb qaato walaalka muslimka ama walaasha muslimka ah meel kastoo aad joogtid tabarucaadaasi....

Waxaa habeenkii Isniinta (Dec 4, 2006) ahayd Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda islii ee ay somalidu ka dagto caasimada Kenya masaajidka ugu wayn ee la yiraahdo Abuubakar ama 6 Street lagu soo gaba gabeeyay tabarucaad lacag loogu ururinayo dadka somalida ah ee ku wax yeeloobay fataahada wabiyada  ee gobolka waqooyi bari ee Kenya iyo waliba gobolada koonfurta dalka Somalia.

Tabarucaadka ayaa bilaabtay habeenkii sabtida waxaana ka soo qayb galay muslimiin aad u badan iyadoo ay dadka halkaasi ku qaabilayeen culumaa’diinka Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo ugu waynaa Shaikh Maxamed Cabdi Umal ‘ iyo waliba Sheikh Maxamuud Maxamed Shibil , sidoo kale waxaa joogay nin wadaad ah oo la yiraahdo Sheikh Cali Guure oo isagu magaalada Garissa ee xarunta gobolka waqooyi bari habeenkaasi ka soo galay .

Sheikh Cali Guure ayaa waxaa uu halkaasi ka jeediyay warbixin naxdin ku reebtay dhammaan dadkii dhagaysanayay waxaana uu yiri "waxaan indhaha soo saaray yaxaas, Jeer, Libaax, wiyil iyo dadka oo isku meel ka soo galay daadadka iyo fataahada," hadalkiisa isagoo sii wata ayaa waxaa uu yiri "wabiga Tana River ee magaalada Garisa mara ayaa waxaa uu kusoo fatahay dadka ku dhaw dhawaa aagiisa ka dib markii qar qarka loo jabiyay meel biyo xirayn ah oo kuruntada laga dhaliyo balse aysan ka faaidaysan dadka deegaankaasi"

Sheikh Maxamed Cabdi Umal imaanka masajidka kana mid ah culumaa’diinka soomaaliya iyo Kenya sida wayn looga yaqaan ayaa bilaabay tabarucaadka isagoo dadka ku dhiiri galiyay in ay bixiyaan waxii EEBE siiyay,dadka sadaqada bixiyay kuma koobneen kuwa jooga Nairobi balse waxaa jiray dad iyagu kaga qayb qaadanayay Alaada Enternetka PalTalk cidii doonayso in ay iyada oo dibada joogta ka qayb qaadato arintaasi hoos ka ka akhir sida aad u soo diraysaan lacagta tabarucaada ah.

Sheikha ayaa isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri '' dad badan ayaa dhihi doona lacagtaan waxaa loo bixin taageerida dad argaggaxiso ah balse waxaas wax jira ma ahaan doonaan oo waxaa la siin oo meesha ay joogaan lagu gaarsiin dadka dhibaataysan ee fataahadu ku habsatay, wax kasta ha dhahaan dadka, inta badana dadka lacagta ku qaata dhibanayaasha ayaa yiraahdo wararka caynkaasi ah.''

Waxaan sadexdaasi habeeen u kuur galay lacagtaasi la dadku dhiibayeen iyadoo ay farax wayn qalbigayga ku reebtay markii aan arkay dadka intiisa badan oo dhiibayay  aad u fara badan sidi $5000 nin dhiibay, 6 nin oo dhiibtay $4000 iyo kuwa badan oo dhiibay inta u dhexayso $50 ilaa $3000, isku cel celis qiyaastii lacagtii la ururiyay ayaa waxaa ahayd $60,000.

Waxaana la filayaa in dhawaan la gaarsiiyo lacagtaasi ama waxii lacagtaasi lagu iibiyo meelaha ugu daran ee dhibaatooyinku ka dheceen sida oo sheegay Sheikh Maxamed Cabdi Umal imaamka masaajidkasi kana mid ah culumada somalida laga dhex qadariyo.

Sheikha ayaa sheegay in arintaan aysan ahayn tii ugu horaysay oo masaajidku sameeyo waxaana uu shegay in abaarihii dhawaan gil gilay gobolada koonfurta somalia iyo waliba waqooyi bari kenya ay gaarsiiyeen lacag dhan 3 malyan oo kenya lacagteeda ah.

Habada Dhammaan dadka islaamka ah ee akhirya warkaan ee ka  qayb qadan karo tabarucaadaasi waxaa ilaah uga baryaynaa in Janadii Fardawsa ahayd geeyo kana qayb qaataan tabarucadaan .

Cidii doonayso in ay ka qayb qaadato waxaa lagu wargalin in ay la soo xiriirdho maamulka masaajidka Abuubar ee Nairobi kenya

Sheikh Cabdiraxmaan Cadaani
254-722641946 ama kala xiriir sixmosque@hotmail.com

Waxaa warkan soo tebiyey
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Botaan1@hotmail.com
SomaliTalk Nairobi, kenya

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2006

Soomaalida Minnesota oo $20,000 u ururiyey
Dadka Soomaaliyeed ee ku tabaaloobey fatahaada iyo daadadka ka dhacay webiyada iyo xeryaha qaxootiga Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD