Howlo isugu jirta indho
fiiqid qaliin daaweyn ,
ceelal qodid iyo
daryeelka guud oo ay
dhaqaatiir reer masar ah
ka wadeen muqdisho iyo
gobolada u dhow dhwo oo
la soo gabagabeeyey
howlahaan oo socday 4tii
bishaan ilaa 16kii isla bishaan ayaa waxaa ka faaiidaystey
dad badan oo u baahnaa isla markaan aan heli karin qarashkii
ay isaga bixin lahaayeen iyo dhaqaatiir aqoon u leh cudurada
haayo ,,
Dr.Muuse Xuseen Cumar,
agaasimaha isbitaalka Carafaad aya ugu horey u mahadceliyay
dhaqaatiirta u dhalatay dalka Masar kaalintii ay ka qaateen
howlihii samafalka iyo taageerada isugu jiray ee ay ummadda
soomaaliyed ee tabaleysan u qabteen, wuxuuna sheegay in
howshaan ay tahay mid ku timid heshiis ay siwadajir ah u
gaareen hay-adaha Al=jimciya al sharciya al ra'iisiyah iyo
Zam-zam, taasoo uu sheegay in howlahi ay socdeen mudadii u
dhaxeysay 4tii ilaa iyo 16ka bishan, isagoo cadeeey in
waqtigasi ay dhaqaatiirta iyo hay-adu ay ummadda
soomaaliyeed ka taakuleeyeen dhinacyada caafimaadka,
waxbarshada, daryeelka aqoonta, xeryaha ay ku jiraan dadka
soo barakacay iyo goobaha lagu cibaadeysto, wuxuuna Dr Muuse
ugu baaqay dhaqaatiirtaasi inay sii wadan kaalmooyinka ceynkaasi
oo kale ah oo ummadda soomaaliyeed lagu gargaarayo.

Sidoo kale waxa isna
halkaasi ka hadlay agaasimaha hay-ada wadaniga e Zamzam Dr
Shuceyb Cabdiladiif Sheekh Bashiir oo ka waramay dadaalkii
ay hay-ada Zamzam u soo gashay sidii dadka soomaaliyeed ee
tabaleysan loo gaarsiin lahaa kaalmooyinka ay u baahan
yihiin isagoo tusaale u soo qaatay dadka ay waxyeeladu u
geysteen fataahada wabiyada iyo kuwa soo barakacay ee ku
nool Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka, wuxuuna cadeeyey
in hay-adu ay sii wadi doonta badi goobta ay ugu jirto in
kaalmooyin la gaarsiyo dadka soomaaliyeed e tabaaleysan.
sidoo kale dadkii ka
faaiidaystey ayaa waxaa ka mid ahaa haweenka kala ah
1 xabiibo maxamed nuur 25
jir ah degan xaafada carafat oo iyadu isu furaad sida ay ii
sheegteyna ku gaabsatay wax la iga qalay ma garanayo .
shamso xaashi geele oo
iyana laga qalay minka iyo xaliimo cumar yaxye oo iayana
laga qalay buro mcaloosha uga tiilay , dhaqtarada waxey kala
ahaayeen sided oo kala ahaa
- Dr Cali Fu: aad
- Dr Caadil
- Dr daariq
- Dr ashraf
- Dr Mugdii
- Dr islaam
- Dr Cali
- Dr Maxamed
kuwaas oo dhamaantood la
siiyey hadiyado lagu weyneynaayo shaqada ay u qabteen
bulshada smaliyeed waxaana ka mid ahaa waxyaabihii
lasiinayey cawisyo iyo shaarar ka sameysan dharka loo
yaqaano aliindiga ee lagu farsameeyo wadanka gudihiisa taas
oo ay aad ugu farxeen samafalayaashaa reer masar
isaga oo saxaafada la
hadlaayo agaasimaha ispitaalka mudane muuse xuseen cuimar (
muuse afay ) ayaa waxaa hadaladiisi ka mid ahaa
"Anaga oo aad iyo aad ugu
faraxsan ilaahayna ugu xamdiyeyna sida farxada iyo rayn
raynta leh ee ay noogu soo gabgabeeyeen howlihii daryeelka
iyo taakulaeynta caafimaadka ee bulshada somaliyeed loo
qabanayey , iyada oo la fulinayo heshiskii wadajirka ahaa oo
ay wada galewen Al_jimciya Al_sharciya Al raisiyah iyo
hayd.adda wadaniga ah ee zemzem , heshiiskaas oo jamciyada
Al sharciya Al raisiyah oo si walaaltinimo ah ugu soo
gurmatey ummada somaliyeed ee 16 ka sono dowlad la.aanta
ahaa uguna sii darsantay abaaro iyo fatahaado ,oo si weyn oo
xusuus iyo taariikhba leh wax uga qqabatey cudurada kala ah
Cafimaadkaguud , caruurta ,maqaarka ,haweenka ,indhaha
baarista , daawo siinta ,iyo qaliinka , waana howlo
xusuusweyn ku reebtey maskaxda umadda som,aliyeed abaal weyn
uga heyndoonto Aljimciya Al_sharciyah Al raisiyaha wax
qabadka qalbiga saameeyey .
howshaan guusheeda waxey ku
timid fadli ilaahay ka sokow ,iskaashiga iyo wada shaqeynta
xoogan Al jamciya Al sharciyah Akl raisiyah iyo hay .adda
wadaniga ee zemzem ugana wakiil ahayd howlaha fulintooda
maamulka taqaatiirta iyo shaqaalaha ispitaalka carafaat ,
annagoo aad iyo aad
mahadweyn ugu celineyno Aljimciya Al_sharciyah Al raisiyaha
guusha weyn ee ay gaartey ujeedada iyo himilada ay ugu tumid
somaliya , shacbiga reer masar iyo shacabka somaliyeedna
xiriir soo jireen ah uu ka dhaxeeyo ayaan wax qabadkaas ku
amaaneynaa , sidoo kale waxaa amaan taa la mid ah mudan
hay.adda wadaniga ah ee zemzem oo mar walbo ku fikirta siday
uga samata bixin laheyd dhibaatada heysata bulshadeena
dhinacyada :>
Caafimaadka dad iyo duunyo
, waxbarashada , daryeelka agoonta , goobaha lagu
cibaadaysto ( sida masaajidada iyo dugsiyada quraanka ) iyo
celka qodista dhulka oonleyda ah . Aljimciya Al_sharciyah Al
raisiyaha gobihii ay ka shaqaysay laga swoo bilaabo 4tii
bishaan il;aa 16 ka bishaan , waxeyna kala yihiin isbitaalka
carafaat , fatahaada gobolka sjhabeellada dhexe ,ispitaalka
lasaleeti ee dadka waalan lagu xanaaneeyo , iyo xeryo
qoxooti ee gobolka banadir qaarkood , ayada oo markastaba ay
ahayd saldhiga laga hogaamiyo howlaha oo dhan isbitaalka
carafaat , oo najaxad howlaha door weyn ku leh .
anigoo ku hadlaayo magaca
dadweynaha aad daryeelka caafimaad u fidiseen iyo
dhaqaatiirta iyo shaqaalaha ispitaalka carafaat waxaan
isdiin so gudbinayaa hambalyo iyo bogaadin qalbiga ka soo
go.day , ayaga oo weligood ay idin xasuusan doonaan sida aad
ugu so gurmateen , waxaana ilaahay idiinkaga baryeynaa in uu
idinka siiyo ajar iyo xasanaad badan oo aad ku heshaan
aduunyo iyo aaqiro traam ah , sidoo kale waxaan idinka
rajeynaynaa in aad mustaqbalka daryeel kan ka xoog badan
kana waxtar badan aad u fidin doontaan dad weynaha
somaliyeed ee walaalihiin ah islaamkana idin la ah
qoralkaan ayaa waxaa ku
saxiixnaa isla markaana saxaafada u aqriyey agasimaha guud
ee ispitaalka carafaat muuse xusen cumar ( muuse afay )
dhakhtar tiro qaliin
cudurada maqaarka waxaa
la daaweeyey 2.490 qaliina waa 19
cudurada haweenka waxaa
la daaweeyey 1.610 qaliin 28
cudurada indhaha waxaa
la daaweeyey 2.277 fiiqid 92
cudurada guud
waxaa la daaweeyey 3.539
cudurada caruurta
waxaa la daaweeyey 3.198
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 17, 2006


|