Kulankii
Engineerada Soomaaliyeed

SomaliTalk.com Muqdisho, Dec
15, 2006: Kulan ay isugu
yimaadeen qaar ka mid ah
Engeneeerada Soomaaliyeed ee
Dalka ku sugan ayaa maalintii
shalay ahayd ka dhacay Hoteelka
Nabadda ee Magaaladan Muqdisho,
kulankaas oo looga hadlayay
Mashruuca Ururinta Xogta
aqoonyahanada Muhandisiinta
Soomaaliyeed ee dalkaiyo dibada
ku sugan.
Kulankan oo ay iska kaashadeen
Jaamacadda Banaadir iyo Hay’adda
Shaqaalaha Adduunka ee marka
magaceeda la soo gaabiyo loo
yaqaan ILO ayaa ah mid loogu
gogol xaarayo dhismaha Ururka ay
ku mideysan yihiin Engeneerada
Soomaaliyeed ayaa ugu horreynba
waxaa halkaa war bixin dheer ka
soo jeediyay Hormuudka Kuliyadda
Ingeyeeriyada ee Jaamicadda
Banaadir Eng. Aweys Cadde
Maxamed isagoo sheegay in
Mashruucan uu yahay mid lagu
diyaarinayo hawlaha dib u dhiska
Dalka Soomaaliya oo iminka ka
soo kabanaya bur burkii dhowr
iyo tobanka sana ahaa ee uu
dalkan ku sugnaa.
Aweys Cadde ayaa intaa ku daray
in kulankan gogol xaarka ah ee
lagu diyaarinayo Aqoonyahanka
dalka gudihiisa ku sugan inuu
xigi doono kulan kale oo
ballaaran oo ay ka soo wada qayb
galayaan Aqoonyahanada
Soomaaliyeed ee ku kala sugan
dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
Eng. Cadde ayaa intaa raaciyay
inay dhici doonto doorasho xor
ah oo lagu dooranayo xubnihii
guddiga fulinta, oo ay yeelan
lahaayeen Engeneerada
Soomaaliyeed kuwaasoo sidoo kale
dooran doona Guddoomiye,
Guddoomiye ku xigeen iyo
xubnihii meteli lahaa Urur
weeynaha ay yeelan doonan
Engeneerada Soomaaliyeed.
Xubnihii Shirkaa ka soo qayb
galay ayaa waxaa loo qaybiyay
waraaqo caddeynaya qaabka ay
tahay inay u buuxiyaan ka soo
qayb galayaashii kulankaas
iyadoo isla markaana ay halkaa
ka hadleen mas’uuliyiin kala
geddisan oo ku hadlayay magaca
Enjineerada Soomaaliyeed.

Waxaa isaguna munaasibadda ka
hadlay Guddoomiyaha Dhaqaaqa
Bulshada Rayidka Cabdulqaadir
Ibraahim Gacal “Abkoow” oo
Engeyeerada Soomaaliyeed kula
balamay in aqoontooda iyo
maalkoodaba ay u huraan sidii
dalka dib u dhiskiisa ay gacan
uga gaysan lahaayeen maadaama ay
iyagu cashuurtii dalkan ay wax
ku soo barteen si bulshada
Soomaaliyeed ay uga baxaan
dhibaatadii bur burka lahayd
mudada dhowr iyo tobanka Sano
isagoo si aad ah ugu mahad
celiyay hay’adihii iska
kaashaday abaabulidda Mashruucan
loogu magac daray Ururinta Xogta
Aqoonyahanada Muhandisiinta
Soomaaliyeed ee dalka iyo
dibadda ku sugan .



wixii faahfaahin ah kala soo
xiriir Jaamacaddda Banaadir
qaybteeda kulliyadda Injineeriya
Tel: 002521- 225363/
002521-658995/ 002525-934724
Fax: 2525- 920287
E-mail:
banadir_CET@yahoo.com
E-mail:
aweysadde@yahoo.com
Waxaa isku soo dubaridey
W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15,
2006