-
8 Askari oo ka fakatay
Itoobiya oo Gaarey Eritrea
-
Norway: Qoyska Soomaaliyeed
ee Yurub iyo loolanka labada
dhaqan.
-
Maxkmadaha Degmada Baraawe
ka taliya oo kasoo
horjeestay goob ay ka jirtay
waxa ay soomaalidu u taqaano
xuska...
-
Jamciyadda Alkheyrriyah oo
Deeq Raashiin ah gaadhsiisay
Tuulooyin Hoos Taga
Degmooyinka Baraawe iyo
Afgooye:
8
Askari oo ka fakatay Itoobiya oo
Gaarey Eritrea

Askarta ka fakatay Itoobiya
Sida ay faafisay wasaaradda
warfaafinta ee Eritrea, siddeed
(8) askari oo ka fakaday
ciidanka Itoobiya ayaa gaarey
dalka Eritrea, askartaas oo
sababta ay u soo fakadeen ay
tahay iyagoo ka soo horjeeda
weerarka xukuumada Tigreega (TPLF)
ay ku tahay Soomaaliya. Mid
kamid ah askarta oo magaciisa la
yiraahdo Alelign Simeneh ayaa
shaaca ka qaaday in ciidamada in
ciidamo ka tirsan Itoobiya oo
galeen gudaha Soomaaliya iyagoo
ku xad gudbaya xornimada dalka
Soomaaliya, waxana uu intaas ku
daray in xukuumada Itoobiya ay
xabsiga u taxaabtay saraakiil,
askar, iyo shaqaale caafimaad
kaddib markii laba sarkaal ay ka
fakadeen Itoobiya.
Siddeeda askarta ah magacyadoodu
waa: Kamel Kemalo Sheik, Hassan
Mohammed Ibrahim, Wegari Gidina
Mokjera, Abyot Sheferaw Hunde,
Teyib Haji Temam Suleiman, oo ah
qabiilka Oromo, iyo
Alelign Simeneh Gezu & Adane
Mekuanint Ayichew, oo ah Amxaara
ah iyo Abdi Saleh Mohammed oo ah
Tigrayan.
Norway: Qoyska Soomaaliyeed ee
Yurub iyo loolanka labada dhaqan.

Xarunta Iskaashiga Soomaalida
Norwey (Xisno)waxay oogu
bishaareyneysaa Bulsho-Weynta
Soomaaliyeed ee ku dhaqan
Wadamada Scandaneefiya qabashada
Mu,tamar sanadeedkii labaad oo
cinwaankiisu yahay:
Qoyska Soomaaliyeed ee Yurub iyo
loolanka labada dhaqan.
Mu,tamarka waxaa la qabanayaa
inta u dhexeysa 24-26 Disembar
2006,waxaana lagu qabanayaa:
(Elvebakken Videregaende
skole)Cinwaankiisuna yahay
Vestre Elvebakken 3.0182 Oslo.
Mu,tamarka waxaa ka soo
qeyb-galaya Culimo aqoon u leh
Diinta Islaamka iyo ku
dhaqankeeda,Culimadaas oo kakala
imaanaya Wadamo kala duwan.
Xarunta Iskaashiga Soomaalida
Norwey
Calmayres Gata 8-0106
Oslo.Tel:22993672,ama
99377102,ama 92426404
Email: Somsamsenter@email.no
Waxaa soo tebiyey: Suldaan
Godo-Godo :
tiibo_talyaani@hotmail.com
Maxkmadaha Degmada Baraawe ka
taliya oo kasoo horjeestay goob
ay ka jirtay waxa ay soomaalidu
u taqaano xuska...
Wararka ka imaanaya Degmada
Baraawe ayaa waxay sheegayaan
inay gabi ahaan burburiyeen
Maxkamaduhu goobta lagu
sameynayay xuskan, iyagoo sidoo
kalena daadiyay cunnooyinkii
halkaas ay ku karsadeen dadkii
sameysanayay xuskaasi
islamarkana maxkamadaha oo
sheegay inay halkaasi ka jireen
inay raga iyo dumarka ajnabiga
kala ah oo Alle kala xarimay ay
is dhex daadsanaayeen.
Xubno ka tirsan Maamulka Baraawe
oo hoos-taga Maxkamadaha ayaa
waxay sheegeen in xuskaas uu
ahaa mid ay ku arkeen inay isku
dhex jiraan ragga iyo dumar
sidaa daraadeedna ay raacayaan
waxii Alle faray oo ay joojiyeen
gabigiisaba , waxaana uu sheegay
inay xidhxidheen qaar ka mid ah
dadkii xuska sameysanayay.
Dadka laga xayiray inay
sameeyaan waxan loo yaqaano
xuska ayaa waxaa inoo suuro
gashay inaan ka helo warar ku
saabsan arrintaan xubno ku sugan
deegaanka Baraawe, oo arrintaas
goob joog ka ahaa, waxayna
tilmaameen, in Maamulada
hoostaga maxaakiimta ay ku
dhaliilayaan degdega oo loo
baahnaa inay marka hore dadka
wax u sheegaan waloow uu
sheegayaan inay xaq yihiin
waxani xaaraan raga iyo dumarka
is dhex jooga ee ajnabiga kala
ah, sidaas waxaa yiri Axmed Cali
Xasan oo ku sugan degmada
baraawe oo goob joog ka ahaa
arintan oo saxaafada u waramay.
Dhanka kale Maaha markii ugu
horaysay ee ay golaha
maxaakiimta islaamka
soomaaliyeed ay kasoo
horjeestaan waxyaalaha munkarka
ah ,magalada muqdisho ayaa waxay
ku burburiyeen meelo badan oo
lagu isticmaali jiray waxa loo
yaqaano mingiska ,saarka iyo
meelaha ay joogaan dadka
adeegsada waxa loo yaqano faalka
oo intuba kasoo horjeeda ku
dhaqanka shareecada islaamka ,sidoo
kale waxay shalay kaga
dhawaaqeen magaalada muqdisho
golaha maxaakiimtu ,inaysan jiri
doonin xiliga salaada dukaan ama
meel ganacsi oo furnaan karta
islamarkana ay hadii ay la
kulmaan meel ganacsi oo furan ay
sharciga marsiin doonaan .
Si
kastaba ha ahaatee Golaha
maxaakiimta soomaaliya ayaa
dadaalo dheeraad ah ugu jira
sidii ay dadka uga dhaadhicin
lahaayeen ku dhaqanka sharciga
islaamka ,sidoo kalena had iyo
gooraale ku booriya dadka inay
Qaataan tarabiyada islaamka
waloow ay jiraan caqabado soo
jireen ah oo had jeer ka
horyimaada golaha maxakiimta
islamaka soomaaliyeed .
Jamciyadda Alkheyrriyah oo Deeq
Raashiin ah gaadhsiisay
Tuulooyin Hoos Taga Degmooyinka
Baraawe iyo Afgooye:
Hay’adda NGO islaami ah oo ay
iska leeyihiin dad ka soo jeeda
Gobolka shabeellada hoose ayaa
raashiin gurmad ah gaarsiiyey
dadka dhibaatadu ka soo gaartey
fatahaadda webiga shabeelle iyo
daadadka roobka qaybo ka tirsan
G.Shabeellada hoose .
Guddoomiyaha jamciyaddan oo
magaciisa la yiraahdo sheikh
Xasan Siid Cali Cabddoow oo
xafiiskiisa warbixin ku siiyey
saxaafada ayaa sheegey inay
tuulooyin badan oo hoos taga
Degmada afgooye deeqo kala duwan
gaarsiiyeen dadka halkaas ku
dhaqan ,meelaha ugu daran ee ay
wax gaarsiiyeen ayaa waxaa ka
mid ah Tuulooyin dhowr ah oo
hoos taga degmada Afggooye ,sida
Ma Guurto,Buulallow,Siigaale ,Baalgorey
Mareerrey, iyo Barriirre.
Raashiinka halkaas la gaarsiiyey
ayaa waxaa ka mid ah Bariis iyo
Timir ,kaas oo ay aad ugu
baahnaayeen dadka halkaas ku
dhaqan .Sidoo kale waxaa deeq
taas la mid ah la gaarsiyey
dhowr tuulo oo hoos taga Degmada
Baraawe ,waxaana tuulooyinkaas
ka mid ah ;Kuunya Barroow iyo
Xaramka oo ay dhibaato ba’an ka
soo gaartey Roobabka mahiigaanka
ah ee halkaas ka da’ey ,mucaawinada
halkaas la gaarsiyey ayaa waxay
iskugu jirtaa Bariis iy Timir
sida uu noo sheegay Gudoomiyaha
jimciyadan allkayriyah.
Ma aha markiii ugu horaysay ee
jamciyaddan ay deeqo gaarsiisey
Gobolka ,mar kasta oo
Dhibaatooyinka dabiiciga ahi
dhacaan sidan oo kale ayay ugu
gurmataa dadka Gobolka ku dhaqan
,Guddoomiyaha ayaa ballan
qaadaey inay mucaawino taas la
mid gaarsiyaan meelaha ay
dhibaatadu ka jirto ,mar aan
weydinney inay gaarayaan meelaha
dhibaatadu ka dhacdey ee gobolka
sida AWdheeglle iyo K/waarreey
wuxuu noo sheegey inay ku tala
jiraan haddii ilaahey Idmo insha
allaah.
yaasiin maxamed
cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15,
2006