SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OGEYSIIS

Fariin deg deg ah oo ku socota dhamaan jaaliyadaha Warsangali ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisa

Kismaayo: Waxaa fariintan nasoo gaarsiiyey Dr. Maxamed Nuur Xassan Axmed (Gacma Dheere) oo kusugan Magaalada Kismaayo, Jubada Hoose oo ka mid ah meelihii Masiibadii Fatahaada sida weyn u saameysay, halkaas oo ay ka soo barakaceen ugu yaraan 1500 (kun iyo shanboqol) oo qoys kuna abtirsada Beesha Warsangali. Dr Maxamed ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidatan:


Salaan ka dib walaalayaal waxaan dhanbaalkaan idinku soo gudbinaynaa dhibaatooyinkii saameeyey fatahaada gobolada jubooyinka beesha Warsangale. Dadkii dalagii ay beerteen ay qodeen biyaha xiligii ay ku baahi bixi lahaayeen, dhanka kalena dad badan oo xoolalay ahaa ayaa xoolahoodii ku ba,een abaarahii fatahaada ka horeeyey.

Sidaa awgeed dadkii waxay yimaadeen magaalada Kismaayo, gaar ahaan xaafada calanley, dadkii waxaan u xaaqnay meel banaan ah waa ugu yaraan kun iyo dhowr boqol oo qoys, waxaa meesha ku soo booqday hayado badan sida WFP iyo MAXAAKIIMTA ISLAAMIGA, walow aan waxba wali loo qaban hase yeeshee  balan qaadyo ayaa jira.

Hadaba anigoo ah DR.MAXAMED NUUR XASAN AXMED (GACMA DHEERE) ayaan waxan qaxootiga u sameeyeey afar jiko oo cuntada lagu kariyo cuntadaasoo aan ka soo aruuriyo shacabka beesha Warsangeli, waxaana garab igu siiyey SULDAAN XUSEEN BOOROW IYO AXMED BASO DHAGAX IYO SACIID CASHARO  hadaba  waxaan si xurmad leh uga codsanaynaa jaaliyadaha warsangele inay soo taakuleeyaan QAXOOTIGA KAAMKA LUQMAN

Waxaad nalaga soo xiriiri kartiin tel:0025215581207

Email soomaali770@hotmail.com

Guddoomiyaha arimaha samafalka jubooyinka beesha Warsangali

Dr. MAXAMED NUUR XASAN AXMED (GACMA DHEERE)

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2006

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD