HOWLAHII OLOLAHA CIRIBTIRKA
DABAYSHA OO LA SOO GABAGABEEYEY:
MAS.UULIYIIN KA KALA SOCOTEY
GOLAHA MAXAAKIIMTA .WHO.IYO
UNICEIF OO LA QEYB GALAY
xaflad balaaran oo ay ka
qeybgaleen mas.uuliyiin ka kala
soctey waaxda caafimaadka ee
midowga maxkamadaha islaamiga ah
hay.ada who iyo uniceif ayaa
lagu qabtey hotel peace ee
magaalada Muqdisho.
Xafladaan oo lagu soo
gabagabeynaayey xiritaanka
wareega sagaalaad talaal cudurka
dabeesha .ayaa waxaa ugu horeyn
ka hadlay mas.uuliyiinta hay.ada
uniceif oo uu ka mid ahaa
xiriiriyaha Ciribtirka Cudurka
Dabeesha ee Hay’adda Unicef
Maxmuud Shirre oo ku dheeraaday
heerarkii uu soo maray cudurka
dabeesha iyo siyaabaha loo kala
qaado.
“ Sida la wada ogsoon yahay 1988
golaha guud ee ururka
caafimaadka aduunka iyo
Dowladaha dunida ka jira waxay
ku wada heshiiyeen in cudurka
dabeysha laga ciribtiro dunida
sidii horay looga ciribtiray
cudurka furuqa si looga badbaado
dhibta cudurkaan ku hayo dunida
taas oo ay cadayneyso in
sanadkaaas 1988dii laga helay
diunida 350.000 cunug oo
naafeeyay cudurkaa dabeeysha,
kolkii la bilaabay ololayaal
kagu cirib tiraayo cudurkaan
ayaa waxaad garan kartaa in
sanadkii 1998 in dunida laga
helay cudurkaan caruur dhan 6227
canug, sandkaan 2006 waxaa uu
asiibay caruur dhan 1647 canug
waxaad garan kartaa heerka uu
joogay markii la bilaabay
ololaha iyo heerka uu hadda
dunida ka marayo .

“Sanadkaan 2006 waxaa laga
qabtay dalkeena Sagaal wareeg oo
ah ololaha ciribtirka Cudurka
Dabeysha waxaana dalkeena laga
helay 32 cunug oo u asiibay
cudurka dabeysha galkii uu ja
ahaa sanadkii 2005 ilmo dhan 189
canug .
“Haddaba waxaan ka rajaynayaan
cidkasta oo Somali ah ayna ku
dheehan tahay Islaanimo in ay ka
qeybqaataan howlahaan lagu
badbaainaayo caruurta yar yar ee
aan Masuulka ja wada nahay “
ayuu yiri Maxamuud Shirre
xiriiriyaha ciribtirka cudurka
dabeysha.
Sioo kale waxaa halkaas ka
hadlay Maxamed Xuseen Cumar
Madaxa Caafimaadka iyo Talaalka
UNICEF, Madaxa Hey’adda WHO Dr.
Maxamed Maxamuud Fuje iyo Madaxa
caafimaadka iyo Fayodhowrka ee
midowga Maxaakiimta Muxyadiin
Maxamuud Cumar, waxeyn
mas’uuliyiintaas ku booriyeen
dadweynaha oo idil inay ka qeyb
qaataan ka shaqeynta sidii loo
ciribtiri lahaa cudurka dabeysha.
Ololahaa lagu ciribtirayo
Cudurkaan dabeysha ayaa waxaa ka
faaiidaystey kunanaan kun oo
caruur somaliyeed ah waxaana
lagu wadaa in sanadka cusub
bilaha ugu horeeyo uu mar kale
si habsami leh uga bilowdo dalka
somaliya magaalada madaxdiisa ee
muqdisho iyo gobolada iyo
damooinka dalka oo idil wuxuuna
socon doonaa inta laga
ciribtiraayo guud ahaa aduunka
gaar ahaana somaliya sidii loo
ciribtiray cudurkii furuqa
waxaana mar kale loogu baaqay
mas.uuliyiinta hay.adaha who iyo
uniceif ugu baaqeen bulsho
weynta somaliyeed in ay gacan ka
geystaan howlahaan la xiriira
ciribtirka dabeysha
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 14,
2006