Wararkii: Dec
13, 2006
-
Maxaa ka soo baxay kulankii C/llaahi
Yuusuf iyo Geedi
-
Geeddi “Hadalka ka soo yeeray
Maxaakiimta waa mid Riyo ah..
-
Maxaakiimta Islaamiga ah oo todobo
maalmood u qabtey Ciidamada Itoobiy
ee ku sugan Soomaaliya
-
Ciidamo sahan ah oo ka tirsan
Maxaakiimta oo gaarey Degmada
Tiyeeglow...
-
Dowladda Federaalka oo isku
khilaaftay in la hor fariisto
Maxkamadaha
-
Dowladda Yemen oo dhex dhexadineysa
Maxkamadaha iyo Dowladda federaalka..
-
Dood ku saabsan sidii shacabka u
heli lahaayeen Biyo Nadiif oo lagu
qabtey..
-
Maxaakiimta oo dagaalkii ugu
balaarnaa ku haya Qaadka…
Maxaa
ka soo baxay kulankii C/llaahi
Yuusuf iyo Geedi
Maalintii shalay ahayd Magaalada
Baydhabo waxaa soo gaaray Ra’isul
Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo isagu
safaro ku soo kala bixiyey wadamada
Nayjeeriya, Itoobiya iyo Kenya, waxa
uuna markiiba kulan ay albaabadu u
xirnaayeen Ra’isul Wasaaruhu la
yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
Amxed oo la xiriira sidii Dowladdu
ay u difaacan lahayd Magaalada
Baydhabo, maadaama Maxaakiimtu
sheegeen in Todoba beri gudahood ay
Ciidamada Itoobiya uga baxaan gudaha
dalka Soomaaliya, haddii kalese ay
la kulmi doonaan cawaaqib xumo.
Saraakiil ku dhow dhow madaxtoonyada
C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxay noo
sheegeen in xoogaa is afgaranwaa uu
soo kala dhex galay Madaxweyne C/llaahi
Axmed iyo Ra’isul Wasaare Geeddi oo
ku saabsan kaddib markii
Madaxweyunuhu uu soo jeediyey in
wada hadal lala galo Golaha
Maxaakiimta Islaamiga ah halka
Ra’isul Wasaare Geeddi uu arrintaasi
ku gacansaray.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la
filayay in uu safar caafimaad ugu
kicitimo wadanka Ingiriiska ayaa la
sheegay in uu dib u dhac ku yimid
kaddib markii uu Ra’isul Wasaaruhu
sheegay inay sugayaan hawlo fara
badan oo la xiriira sidii Dowladda
ay isku difaaci lahayd. Warar kale
ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul
Wasaruhu uu martiqaad ka helay
Dowladda Yemen oo iyadu wada sidii
ay meel isugu keeni lahayd
Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka.
Ra’isul Wasaaraha oo shalay dib ugu
laabtay magaalada Nayroobi ayaa waxa
uu intii uusan ambabaxin uu kulan
la yeeshay saraakiil ka socota
wadanka Itoobiya oo ay isla soo
qaadeen sidii looga hortagi lahaa
Maxkamadaha Islaamiga ah oo iyadu si
aad ah ugu sii siqaya Gobalka Baay
oo ay ka haystaan labo magaalo oo
kala ah Buur-Hakaba iyo Diinsoor oo
ay dhawaan gacanta ku dhigeen. [Warbixin
dheeraad oo ku saabsan khilaaf soo
kala dhexgalay DFKMG hoos ka akhri]
Geeddi “Hadalka ka soo yeeray
Maxaakiimta waa mid Riyo ah..
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi
ayaa intii uusan ka ambabixin
Baydhabo ayaa waxa uu qabtay Shir
jaraa’id, waxaana wax laga weydiiyey
hadalka ka soo yeeray Maxaakiimta
Islaamiga ah ee ahaa in Ciidamada
Itoobiya todobo maalmood kaga baxaan
dalka Soomaaliya, waxa uuna
hadalkaasi ku tilmaamay mid riyo ah.
Geedi waxa uu sheegay in Dowladda
Federaalka ay is daafici doonto,
waxa uuna shacabka ku nool Magaalada
Baydhabo u soo jeediyey inay is
dejiyaan, isagoo sheegay in Dowladda
Federaalka ay awood buuxda u
leedahay in ay la dagaalamaan waxa
uu ugu yeeray kooxaha argagixisada
ah.
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi
waxa uu sheegay in Ciidamo Shisheeye
oo ka tirsan argagixisada caalamiga
ah ay ku sugan yihiin magaalooyinka
Buur-Hakaba iyo Diinsoor, waxa uuna
beesha Caalamka u soo jeediyey in
gacan laga siiyo sidii kooxahasi
looga hortagi lahaa oo iyagu doonaya
inay dagaalo iyo qalalaaso ka
abuuraan wadamada Geeska Afrika,
waxaa kaloo Ra’isul Wasaare Geedi u
soo jeediyey wadamada Soomaaliya u
ballanqaaday ciidamada inay sida ugu
dhaqsiyaha badan ugu soo diraan
ciidamadaasi.
Maxaakiimta Islaamiga ah oo todobo
maalmood u qabtey Ciidamada Itoobiya
ee ku sugan Soomaaliya
Madaxa Amniga Maxaakiimta Islaamiga
ah Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha-Cadde)
ayaa ku dhawaaqay in Maxaakiimta
Islaamiga ah ay todobo maalmood u
qabteen in Ciidamada Itoobiya ay
isaga huleylaan geyiga Soomaaliya.
Sheekh Yuusuf waxa uu sheegay
inaysan duulaan ku aheyn dalka
Itoobiya, balse ay duulaan ku yihiin
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka
Soomaaliya, isagoo tilmaamay inay
xaq u leeyihiin in ayla dagaalamaan
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka
Soomaaliya.
Mar wax laga weydiiyey sababta ay
todobadaan maalmood u soo saareen ay
tahay sidii ay Beesha Caalamka u
ogeysiin lahaayeen in aysan cidna
weerar ku aheyn balse ay yihiin rag
doonaya inay dhulkooda ka saartaa
Dowladda Tigreegaa.
Hadalka ka soo yeeray Sheekh Yuusuf
Max’ed Siyaad (Indha-Cadde) waxaa si
kulul dhaliilay Ra’isul Wasaare
Geeddi oo ku tilmaamay mid riyo ah
oo isagoo sheegayin Dowlada
Federaalka ay is difaaci doonto.
Dowladda Federaalka oo isku
khilaaftay in la hor fariisto
Maxkamadaha...
Afhayeenka RPP oo
Digniin Kulul u diray Zenawi:
Afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party[RPP] ee midoowga Yurub C/Naasir
Guure Faarax [jeer] ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku canbaareeyay
go'aankii ay golaha barlamaanka maamul Gobaleedka Puntland ay kusoo
dhaweeyeen cuno qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.
Akhri... |
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi
ayaa si weyn isugu khilaafay in mar
kale la hor fariisto Maxaakiimta
Islaamiga ah kaddib markii uu codsi
uga yimid madaxweynahadalka Yemen
Cali Cabdalla Saalax kaas oo u soo
jeediyey in Dowladda Yemen ay
dooneyso in ay dhex dhexaadiso
Maxaakiimta Islaamiga ah iyo
Dowladda Federaalka.
Madaxweyne C/llaalhi Yuusuf ayaa
isagu qaba in mar kale shir la isugu
yimaado oo ku aadan sidii loo
heshiisiin lahaa Maxaakiimta iyo
iyaga, halka Ra’isul Wasaare Cali
Max’ed Geeddi uu ku gacanseyray,
waxa una sheegay in Dowlddu aysa mar
dambe hor fariisan doonin
Maxaakiimta.
Saddex mas’uul ee Dowladda ugu
sareeya ayaa haatan u muuqda kuwo ku
sii kala fogaanaya arrimaha dib u
heshiisiinta iyadoo Guddoomi-yaha
baarlamaanka uu horey heshiis ula
saxiixay Maxaakiimta Islaamiga
waxaase ku gacanseyray labada
mas’uul kale
Ciidamo sahan ah oo ka tirsan
Maxaakiimta oo gaarey Degmada
Tiyeeglow...
Wararka ka imaanaya Magaalada Xudur
waxay sheegayaan in Ciidamo Sahan ah
oo ka tirsan Golaha Maxaakiimta ay
gaareen magaalada Tiyeeglow oo ka
tirsan Gobalka Bakool, waxayna
ciidankaasi sahanka ah kulamo la
qaateen odoyaal iyo waxgarad ka
tirsan deegaankaasi, waxaana la isku
afgartay in Ciidamada Maxaakiimta ay
sida ugu dhaqsiyaha badan u soo
gaaraan degmada Tiyeeglow.
Ciidamo aad u fara badan oo ka
tirsan Maxaakiimta ayaa maalintii
doraad ahayd ka yimid magaalada
Baladweyne ee gobalka Hiiraan,
kuwaas oo loogu talagalay in ay
gacanta ku dhigaan Bakool.
Ciidamada Maxaakiimta ayaa u muuqda
kuwa isku balaarinaya guud ahaan
dalka Soomaaliya, haddii ay galaana
Tiyeeglow waxay noqoneysaa degmadii
ugu horeysay oo ka tirsan Bakool ay
la wareegaan Maxaakiimta Islaamiga
ah.
Mas’uul u hadlay Golaha Maxaakiimta
ayaa waxa uu sheegay in aysan ku
jirin wax is balaarin ah balse
degmooyinka ay tagayaan ay ku
tagayaan rabitaanka shacabka
halkaasi degan, waxaana la filayaa
in Tiyeeglow maalmaha soo socda
looga dhaqaaqo maxkamad Islaami ah.
Dowladda Yemen oo dhex dhexadineysa
Maxkamadaha iyo Dowladda federaalka..
Dowladda Yemen oo horey ugu
guuleysatay inay dhex dhexaadiso
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasan Sheekh Aadan ayaa haatan waxay
waddaa qorshayaal ay ku dooneyso in
ay isugu keento Maxakiimta Islaamiga
ah iyo Dowladdaha Federaalka oo
iyagu si aad ah isaga soo horjeeda
siyaasadda Soomaaliya.
Gudaha dalka yemen waxaa haatan ku
sugan wafdi uu hogaaminayo
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasan oo isagu kal hore Magaalada
Muqdisho heshiis kula gaaray
Maxaakiimta Islaamiga ah, waxanaa
heshiiskaasi garabka ku dhiftay
Dowladda uu madaxda ka yahay Cali
Max’ed Geeddi, kuna tilmaamay
heshiiskaasi mid lagu hurinayo
dagaalo ka dhaca wadanka Soomaaliya.
Maxaakiimta Islaamiga ah iyo
Dowladda Federaalka labo jeer ayay
ku kulmeen magaalada Khartuum ee
dalka Suudaan, hase yeeshee wareegii
saddexaad ahaa mdiba midka kale ayaa
waxa uu shirka hor dhigay shuruudo
adadag kuwaas oo aaqiritaankii
keenay in uu gebi ahaanba burburo
shirkaasi, hase yeeshee Dowladda
Suudaan ayaa waxay sheegtay inay
weli taalo.
Dood ku saabsan sidii shacabka u
heli lahaayeen Biyo Nadiif oo lagu
qabtey..
Maalintii shalay ahayd ayaa xarunta
Resource Center ee Magaalada
Muqdisho lagu qabtay dood ku
saabsaneyd sidii shacabka
Soomaaliyeed u heli lahaayeen biyo
nadiif ah, waxaana ugu horeytnii
halkaasi ka hadlay Dr. Xuseen Imaan
oo ah Guddoomiyaha Hay’adda
Deegaanka iyo Biyaha, waxa uuna
sheegay in shacabka Soomaaliyeed
aysan 90% cabin biyo nadiif ah,
isagoo sheegay in Hay’addoodu ay
daraasad u sameysay xaaladda Biyaha
ee Soomaaliya.waxaa halkaa ka Hadley
wasiirka Macdanta iyo Biyaha
Maxamuud Salaad Nuur oo u
mahadceliyey intii soo qabanqaabisey
xaalada Biyaha ee soomaaliya oo uu
sheegey In shacabka soomaaliyeed ay
dhibaato ku qabaan sidii ay ku heli
lahaayeen Biyo nadiif

Xubnihii ka qaybgalay doodaasi waxaa
ka mid ahaa Xildhibaan Cabdi Cabdule
Siciid (Jinni Boqor) oo sheegay in
shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn
u qabaan sidii ay ku heli lahaayeen
biyo Nadiif ah, taasna ay suuragelin
karto inay bulshadu iskaashato,
waxaa sidoo kale ka hadlay
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho
Cali Sheekh Axmed (Abuu-Bakar) oo
sheegay in Jaamacadda Muqdisho ay
waddo qorshayaal ay shacabku ku heli
lahaayeen biyo Nadiif ah,
barnaamijkaan oo uu xiriirinayey
Cumar Aadan Qaadi oo ka socday
Hay’adda UNDP ayaa waxaa kaloo ka
hadlay Sahro Cumar Maalin oo iyana
sheegtay in aqoonyahanada
Soomaaliyeed looga baahan yahay in
ay u guntadaan sidii shacabka biyo
nadiif ah loo gaarsiin lahaa , waxaa
kaloo ka hadlay madaxa Qorsheynta
Maxaakiimta Islaamiga ah C/qaadir
Cumar C/llaahi
Maxaakiimta oo dagaalkii ugu
balaarnaa ku haya Qaadka…
Markii dhawaan Golaha Maxaakiimtu ay
mamnuuceen Qaadka ayaa dadka ka
ganacsada waxay isku dayeen inay
sida ugu macquulsan ku soo geliyaan
Magaalada Muqdisho iyo gobalada kale
ee ay maxaakiimtu ka taliyaa, hase
yeeshee ciidamada Maxaakiimta ayaa
arrintaasi is hor taagay iyagoo ku
guuleystay in ay gubaan qaad fara
badan, isla markaana ganaaxaan
dadkii ka ganacsanayey.
Ciidamada oo sameystay koontaroolo
aad u kooban iyo isgaarsiin ayaa
waxay qabteen Qaad lagu soo qariyey
meelo kala duwan, waxaana ugu
dambeeyay markii Gawaari ay
leeyihiin Maxaakiimta Islaamiga ah
lagu soo qaaday Qaadkaasi lagu
qabtay Ex-Koontarool, iyadoo raggii
waday Baabuurtaasi iyo raggii Qaadka
lahaaba kuligood loo taxaabay
xabsiga, iyadoo qaadkiina lagu
gubay meel fagaare ah.
Ciidamada Maxaakiimta ayaa dabagal
ku haya dadka soo qaada Qaadka,
waxanaa Gobalada iyo degmooyinka
dalka Ciidamada Maxaakiimta ee ku
sugan iyana ay qabteen Qaad lagu soo
raray gawaari waaweyn, waxaadna
arkeysaa Koontaroolo ay joogaan
Maxaakiimta oo rarka laga dejinayo
Gawaari waaweyn si looga baaro in
Qaad lagu soo qariyey.
Rag horey guur u diiday kuna
mashquulayay Qaad ayaa haatan fursad u
helay inay guursadaan, sidoo kale
rag waqtigooda u waayey inay waxbartaan ayaa haatan bilaabay inay
waxbartaan waqtigoodana ka
faa’iidyestaan ayaa qaarkood waxay
bilaabeen inay haatan u duceeyaan
maxaakiimta Islaamiga ah.
400 oo Kun (afar boqol oo kun) oo Doolar in ku dhow ayaa
maalin walba Soomaaliya Qaad looga
qaadi jiray, taas oo hoos u
dhigtay dhaqaalihii Soomaaliya.
Mid ka mid ah dadkii cuni jiray
Qaadka ayaa Maxaakiimta u soo
jeediyey inay sida ugu dhaqsiyaha
badan wadooyinka uga qaadaan
kabaradihii Qaadka lagu gadi jiray si
ay dib ugu soo laabato bilicsamadii
Magaalada Muqdisho.
Nin isna ka mid ahaa raggii qaad
cunayaasha ayaa isna Maxaakiimta u
soo jieediyey in sameystaan ciidamo
dabagal ah si xitaa Qaadka soo gala
gudaha Magaalada Muqdisho u keenaan
warar rasmi ah oo ku saabsan haba
lagu soo geliyo iyo waliba qaababka
loo qaybiyo iyo dadka qarsoodi ku
keenaba.
Xeeladaha mararka qaarkood
Qaadka lagu soo geliyo
Muqdisho.
Wararkii Dec 7, 2006
: Markii Maxaakiimta ay gebi
ahaanba joojiyeen ama ay
mamnuuceen ka ganacsiga
Qaadka iyo cunistiisa ayaa
haddana mararka qaarkood,
waxaa si dhuumaaleysi ah oo
aad u adag qaad lagu soo
geliyaa magaalada Muqdisho.
Dadka ka ganacsada Qaadka
ayaa isticmaala xeelado fara
badan oo mararka qaarkood u
marta sidaasna ay qaad ku
soo geliyaan magaalada.
Markay qaad ka soo qaadayaan
Magaalada Baydhabo waxay
isticmaalaan xeelado aad la
yaab u leh, xeeladahaasi
waxaa ka mid ah, in ay
dhacdo in ganacsatada qaadka
ay mararka qaar qaadka soo
geliyaan Albaabada isaga
kala gooshta Muqdisho iyo
Baydhabo, markii ay dhowr
jeer arrintaasi u martay
ayaa markii dambe lagu
ogaaday, waxaa sidoo kale
dhacday in Nin uu qaad ku
soo qarsaday Tarmuusyada
Shaaha, ninkaas oo aan la
kulmay ayaan weydiiyey, inta
Tarmuus ee uu qaadka soo
geliyey, waxa iigu jawaabay
ilaa iyo Toban Tarmuus oo
xitaa dhalooyinka aan ka
jabiyey, waxaan sidoo kale
weydiiyey in tarmuusyadu
lacag ugu fadhiyaan iyo in
kale, waxa uun iuguy yiri ?Haa
waa iigu fadhiyaan laakiin
waxaan ka helayo ayaa ka
badan?.
Waxyaabaha kale ee la yaabka
leh waxaa ka mid ah markii
nin sheegay in uu xanuunsan
yahay (ama is jirinaya) oo
faleebo ay suran tahay,
Joodariga uu ku jiifana uu
qaad hoosta uga buuxo,
markii uu marayo
Koontaroolada ugu adag, ayaa
waxa uu Darawalku yiri Nin
xanuunsan oo deg deg ugu
baahan Isbitaal, waxayna
Ciidamada Maxaakiimtu u
muujiyeen naxariis, iyagoo
xitaa ugu dara dhowr Faataxo,
oo ay yiraahdeen ?Ka gaarsii
anagana Faataxada ayaan kaa
soo daba tuureynaaye?.
Waxyaabaha kale ee iyana la
yaabka leh waxaa ka mid ah,
markii iyana Haweenay ay
caloosha soo gashatay qaadka
oo ay isku ekeysiisay in ay
Uur leedahay, sidaana
Koontaroolada ku soo martay.
Dhacdooyinka kale ee la
yaabka leh waxaa ka mid ah
markii dhowr Neef ah oo Lo?
ah oo Baydhabo inta lagu soo
qalay caloosha laga bixiyey
kaddibna jaad lagu cabeeyay,
laga dhigay in Dibadda loo
dhoofinayo sidaana Xamar
lagu soo geliyey.
Haddaba ma yara xeeladaha
Qaadka lagu soo geliyo
Magaalada Muqdisho, waxaa
kaloo soo raaca kuwaas,
markii inta qaadka baco lagu
xiray kaddibna la dhex
dhigay Salbatooyada
Baabuurka.
Cabdullaahi Yuusuf oo Ka
Walwalsan Xiriirka Sii
Xoogeysanaya ee Geeddi iyo
Zenawi.
Wararkii
Dec 7, 2006 :
Madaxwayne C/laahi Yuusuf
Axmed ayaa waxaa la sheegay
in si aad ah uga walwalsan
yahay xiriirka sii
xoogaysanaya ee u dhexeeya
Ra?iisulwasaare Cali Max?ed
Geedi iyo Ra?iisul waasraha
Itoobiya ka dib markii
waxyaabo fara badan aan
lagala tashan Madaxwayne C/laahi
Yuusuf Axmed ay isla soo
qaadeen Ra?iisul wasaaraha
Itoobiya iyo Ra?iisul Cali
Max?ed, dhawaan ayaan
Madaxwayne C/laahi Yuusuf
Axmed aan lagala tashan ka
dib markii uu codsaday in la
xaddido tirada Ciidamada
Itoobiya oo ku sugan
Soomaaliya ka gadaal markii
Ra?iisul Cali Max?ed Geedi
uu o golaaday in aan wax
fara galin ah aan lagu
sameynin tirada Ciidamada
Itoobiay ee ku sugan
Soomaaliya.
Waxyaabaha kale ee wal-walka
ku beeray Madaxwayne C/laahi
Yuusuf Axmed ayaa waxaa ka
mid ah markii uu soo
jeediyey in kor loo qaado
awoodda Ciidamada Xoogga
Dalka Soomaaliyeed balse
Ra?iisul Cali Maxamed Geedi
iyo Dowladda Itoobiya ay
isku mowqif ka noqdeen in
waqtigaan aan loo baahneyn
in la xoojiyo Xoogga Dallka
Soomaaliyeed taasina waxay
keentay in C/laahi Yuusuf uu
si wayn uga caroodo, sidoo
kale Madaxwnayne C/laahi
Yuusuf Axmed ayaa soo
jeediyey in wadahadal lala
fura Maxaakiimta Islaamiga
ah lana sii xoojiyo shirkii
ka socday Dalka Suudaan
Caasimadiisa ee Khartuum
halka Ra?iisul wasaare Cali
Max?ed Geedi uu sheegay
inaan wax wadahal ah aan
lala gali Karin Maxaakiimta
islaamiga ah ayadoo
maalintii shalay Ra?iisul
wasaare geedi ay ka soo
yeertay hadaladii ugu
kul-kululaa uu u adeegsado
Saxaafadda ka dib markii uu
sheegay in Ciidamada
Dowladda fedaraalka ay u
diyaar garoobeen sidii
wadanka uga saari lahaayeen
waxa uu ugu yeeray Kooxaha
Argagixisada sidoo kale waxa
uu sheegay in Dowladda
fedaraalka ay kaashan doonto
Ciidamo Itoobiyaan ah si
looga hortago Kooxaha "Argagixisada"
ah oo uu sheegay in ay halis
ku yihiin Wadamada Geeska
Afrika, dhawaan ayey ahayd
markii Wasiirka Arrimaha
Dibadda ee Itoobiya uu
dhexdhexaadiyey Madaxwanyne
C/laahii Yuusuf Axmed iyo
Ra?iisul Wasaare Cali Max?ed
Geedi.
|
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2006
Soomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka
badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri...
Dowladda oo ka
walaacsan Isbalaarinta ay wadaan Maxaaakiimta..
.Qadaafi oo wada qorshe uu isugu keenayo DFKMG iyo..
.Ciidamada Itoobiya oo laga yaabo in ay dib uga gurtaan
.Ciidamo ka tirsan Maxaakiimta oo u dhaqaaqey Deegaanka
.DFKMG oo si kulul u beenisay Kharriradii ay soo Bandhigeen..
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Dec 12
Xukuumada
Puntland oo wada qorshe lagu dhimayo shaqaalaha Dowladda
Ciidamo cusub oo
hor leh oo ka soo goostay DFKMG
Xubno ka mid ah
Soomaalida Minnesota oo ka munaaqashoodey xaaladaha Horyaal Soomaalida
.Senator Coleman oo warqad u direy Koonfur
Afrika
.Sen. Coleman oo difaacay Ellison inuu ku dhaarto
Quraanka
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
Dec 11
Xildhibaannada
Muqdisho ku sugan oo soo Bandhigay Khariidad Muujinaysa
in Ethiopia ay Soomaaliya Dalkeeda ku Darsatay. Waxana ay xildhibaanadu
cambaareeyeen Qaraarkii UN ee...
Akhri...


|