Fatahaadda
Webiga ee Degmada Afggooye Yaa U
maqan?
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916
Safar aan ku soo sameeyey
meelaha halista daadadka ee
degmada afgooye oo ka tirsan
gobolka Shabeellada Hooose ayaa
waxay ka mid tahay goobaha ay
halakeeyeen fatahaadda webiga
Shabeelle ,Degmadan oo uu kala
baro webigu ayaa xaafadaha ka
dhow labada dhinac ee webiga ay
gebi ahaanba uu webigu ku
fatahey ,iyadoo guryihii halkaas
ku yaalley intood badan ay
biyuhu qaarkood qariyeen qaarna
ay meel dhaxe u joogaan .

Dadkii xaafadahaas deganaana
waxay qaxooti ku noqdeen
magaalada dhaxdeeda iyo
banaankeeda ,halka qaarkoodna
meel ay aadaan inta waayeen ay
Biyaha dhaxdooda degan yihiin ,waxaana
dadkaas haysata macluul iyo
jirooyin ay keeneen Biyaha ku
soo fatahey ,waxana cudurrada ay
dadkaas la il daran yihiin ka
mid ah Mallaariyada iyo shuban
Biyood .Xaafadaha ugu daran ee
ay biyuhu sida weyn u
maasheeyeen waxaa ka mid ah
Xaafadda Damalleey ,waxana dadka
halkaas ku barakacey iyo kuwa
biyaha dhaxdooda ku dhibaateysan
tiradooda gaareysaa 400 oo qoys
sida uu noo sheegey guddoomiyaha
xaafadda Muzamil Axmed Dooraale
.

Wareysi aan la yeelanney
guddoomiayaha bal inay wax
kaalmo ah ka soo gaartey
maamulka Degmada ,ee uu madaxda
u yahay Cirfe ,ama Golaha
Maxaakiimta iyo hay’adaha
gargaarka ,ayaa ku cowdey
inaysan haba yaraatee aysan soo
gaarin wax kaalmo Bani’aaddanimo
ah .Wuxuuna ku cowdey in
kaalmooyinka gurmadka ee loo
ururinaayey dadka fatahaadda
webiyada iyo daadadka raoobku
halakeeyeen ee gudaha iyo
dibadda Soomaaliya ay Golaha
Maxaakiimtu ururiyeen aan haba
yaraatee waxba laga soo
gaarsiinin,wuxuuna Beesha
caalamka ka codasadey in lala
soo gaaro Raashiin ,Daawo
Busteyaal ,iyo Maro kaneecooyin
Iwm.

Dhibaatada ka muuqatey dadka
halkaas degan waa mid aad u
daran haddii aan kaalmo
Bani’aaddanimo lala soo gaarinna
waxay ku sugan yihiin halis weyn
oo wax ka qabashadeedu adkaan
doonto,waxaa isbeddeley xitaa
Biyihii ku soo fatahey iyadoo
meelaha qaarkood urka ka soo
baxaya uu keeni karo Cuddurrada
Faafa oo halisteeda leh ,Masuulkan
u hadlley xaafadda Damalleey
ayaa wuxuu si gaar ah Codsi
gurmad ah u dirayaa dadka ka doo
jeeda degmada Afggooye ee wax
haysta dibad iyo gudaha intaba .

Si kastaba ha ahaatee Dhibaatada
fatahaadda webiga shabeelle ee
Gobolka Shabeellada Hoose ayaa
weli waxay halis ba’an ku haysaa
meelo badan oo ka mid ah Gobolka
waxaana hadda qax ka billowdey
tuulada Warmaxan .oo Biyo daad
ah oo ka soo rogmadey
Shabeellada Dhaxe ay qaxiyeen
tuulooyin badan oo hoos yimaada
Degamada Afggooye iyo inta u
dhaxeeysa Wanlaweyn ,iyadoo
horey uu u Barakiciyey dadweyne
fara badan oo ku dhaqan
Degmooyinka K/waarreey iyo
Qoryooleey. Guddiga Fatahaaadda
iyo Daadaka Roobka ee ay Golaha
maxaakiimtu magacaabeen ayaan
weli wax kaalmo ah soo
gaarsiinin degmadaas sida ay noo
sheegeen dadka halkaas ku
dhibaateysan ee degmada Afggooye.

Waaxda
Caafimaadka GMIS oo soo xidhay
ololihii cidhibtirka Cudurka
Dabeysha
Madaxa Waaxda Caafimaadka ee
Golaha Maxaakiimta Islaamka Dr.
Muxudiin Max’ud Cumar ayaa
maanta si rasmi ah u soo xidhay
ololihii cidhib tirka cudurka
dabeysha ee ka socday
degmooyinka Gobolka Banaadir.
Munaasabad ballaadhan oo lagu
soo gababeynayey ololaha
talaalka cudurka dabaysha,
laguna qabtay Hotel Peace ee
magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka
soo qeyb galay Madaxa
caafimaadka ee Golaha
Maxaakiimta Islaamka Sh.
Muxudiin Max’ud Cumar, Dr. Cabdi
Axmed Jiye oo ka tirsan Waaxda
Caafimaadka ee GMIS, Wakiilka
hay’adda caafimaadka adduunka
(WHO) xafiiska Soomaaliya Dr.
Max’ud Max’ed Cali (Fuje),
Madaxa Talaalka Hay’adda UNICEF
Max’ed Xuseen Cumar iyo waliba
xiriiriyaha ciribtirka cudurka
dabeesha ee Shabeelooyinka
Max’ed Shire Max’ud.
Madaxda Waaxda Caafimaadka ee
GMIS Dr. Muxudiin Max’ud Cumar
oo munaasabadaas hadalka
jeediyey ayaa aad ugu mahad
celiyey hay’adaha WHO iyo UNICEF
oo iyagu fulinayey howlaha
ciribtirka cudurka dabeysha,
sidoo kale Dr. Cabdi Axmed Jiye
oo halkaas ka hadlay ayaa
sheegay in hay’adaha caafimaadka
looga baahan yahay in ay la
shaqeeyaan maamullada ka jira
goobaha ay howlaha ka fulinayaan,
wuxuuna intaas ku daray in kuwa
ka shaqeynaya gobollada ay
maamulaan Maxkamadaha in ay la
socodsiiyaan Waaxda Caafimaadka
ee GMIS.
Dr. Max’ud Max’ed Cali (Fuje) oo
ah wakiilka WHO Soomaaliya ayaa
uga mahad celiyey golaha
maxakadaha Islaamka Soomaaliyeed
Nabaddii ay ka sameeyeen goobaha
ay maamulaan taasoo fudeysay in
la gaaro goobo loo gaari waayey
amni xumo darteed.
Dr. Fuje waxa uu ku nuux nuuxday
in seddaxdii maalmood ee uu
socday ololaha tallaalka la
talaalay 306,000 (Sadax boqol
iyo lix kun) oo ah carruurta ka
yar shanta sano ah. Dr Fuje
wuxuu tilmaamay in sanadkan sii
dhammaanaya la helay 32 kiis oo
cudurka dabeysha ah, halka
sanadkii hore laga Soomaaliya
189 ciis, ololihii la sameeyeyna
uu halkaas ka muuqdo wax
tarkiisa.
Dhanka kale waxaa baaqday
ololihii laga fulin lahaa
gobolka Sh. Dhexe sababo la
xiriira daadadka iyo xaaladda
bini’aadamimo darted.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 14,
2006