SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
March 29, 125

MUNAASABAD LAGU XUSAYO 58 GUURADA BAAQA CAALAMIGA AH EE XUQUUQDA AADMIGA OO MUQDISHO LAGU QABTAY

Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo 58 guurada ka soo wareegay baaqa caalamiga ee xuquuqda aadamiga ayaa maanta lagu qabtay Hotel Ambasador ee magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabaddan ay soo agaasintay xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee xuquuqda aadanaha.  

Xubnihii ka hadlay munaasabaddaas waxaa ka mid ahaa abwaan Cabdi Muxumed Amiin oo sheegay in muddadii ay qaadatay xornimada Soomaaliya ilaa iyo hadda ay ummadda ku jirto cabburin, wuxuuna sheegay in ilaa iyo haatan aysan helin xorriyadda uu xaqa u leeyahay qofka bini’aadamka ah. 

Sidoo kale xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Aamino Xaaji Cilmi guddoomiyaha ururka Haweenka Dalladda SSWC, Sahro Cumar Maalin guddoomiye ku xigeenka INXA, Dheere Sheekhey Dheerre. 

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadashay oo qudbad dheer ka soo jeedisay Drs. Maryan  Xuseen Max’ed Awreeye oo ah guddoonka Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale, waxayna tiri “Waxaa sharaf weyn inoo ah inaan kala qeyb qaadano dhammaan dadyowga adduunka xuska 58 guurada ee ka soo wareegatay markii lagu dhawaaqay baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha sanadkii 1948dii oo ku beegan maanta oo ah 10ka December 2006.”  

Dunida aynu ku nool nahay waxay u soo joogtay dagaallo ba’an oo lagu hoobtay sida dagaal weynayaashii koowaad iyo labaad oo dhaxalsiiyay malaayiin dad ah xadgudubyo ay ka dhasheen falal bahalnimo ah oo isugu jira dil, faraxumeyn, jirdil, addonsi, dhac, barakicin, isir-tir iwm.  

Arrimahaas iyo kuwo kale ayaa horseeday in qaramada Midowday ansixiso baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga oo ka kooban 30 qodob sanadku markuu ahaa 1948dii. Heshiiskan oo ay saxiixeen dhammaan dowladaha xorta ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya oo saxiixday sanadkii 1960kii, wuxuu ku waajibinayaa dowladaha oo dhan meel marin dhab ah iyo inay tixgelin weyn siiyaan dhowristiisa waxaa in la xuso mudan inay jiraan dowlado, kooxo iyo shaqsiyaad ku xadgudba xuququda aadamiga kuwaasoo adeegsada awoodo siyaada ah oo sababa inay dhacaan dagaallo lagu hoobto iyo barakac ku yimaada dadka rayidka ah.  

Haddii aan ka hadalno xaaladda dhabta ah ee xuquuqda Aadamiga Soomaaliya, waxaa muddo 16-ka sano ka jira xadgudubyo baahsan oo isugu jira xasuuq, dilal, faraxumeyn, jirdil, afduub, dhac, barakicin iyo u adeegsiga caruurta dagaallada sokeeye. Inkastoo sanadkan 2006-da billowgeedii ay dhaceen dagaallo ahli oo galaaftay nolosha in badan oo ka mid ah shacbiga Soomaaliyeed in kalana ay ku curyaameen kuwana ay ku barakaceen, waxaa in la xuso mudan tan iyo markii ay la wareegeen Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed bishii Juun inta badan koonfurta Soomaaliya qaasatan magaalada Muqdisho oo aheyd meeshii ugu xadgudubta badneyd inay si aad ah u yaraadeen xadgudubyadii lidka ku ahaa xuquuqda aadmiga ee dhici jiray waqti walba.  

Midowga Maxkamadaha oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin in dadaalka weyn oo ay ka sameeyeen nabad gelyada lagu bogaadiyo beesha caalamka waxaa waajib ku ah inay qiraan hanaanka nabad gelyo ee ka abuurmay inta badan koonfurta Soomaaliya siiba magaalada Muqdisho. 

Hadda waxaa nasiib darro ah in ay jiraan dagaallo hor leh oo ay ku lug leeyihiin awoodo shisheeye taasoo horseedeysa inay dhacaan xadgudubyo baahsan oo soo gaara dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed oo muddo 16 sano ah la nool xadgudubyo aad u xanuun badan oo damiiri ah.  

Xarunta Dr. ismaaciil Jimcaale waxay rumeysan tahay in faragelinta iyo awoodaha shisheeye ay Soomaaliya ka sii dhigi karaan meel ay ku sii baahdo masiibooyin iyo xadgudubyo cusub oo lid ku ah jiritaanka iyo sharafta dadnimo. Hadda waa inaan wada garwaaqsanaa in aan u wada istaagno annagoo iskaashaneyna wax ka beddelidda xaaladaha ba’an ee hakin doona nabadda iyo xasiloonida jirta.  

Dib u heshiisiinta iyo soo celinta qaranimada Soomaaliya waxay masuuliyaddu ka saaran tahay mamulada siyaasadeed oo ay ka mid yihiin midowga Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya iyo dowladda Federalka KMG ah ee Soomaliya.  

Xaruntu waxay ka codsaneysaa Midowga Maxkamadaha Islaamiga iyo dowladda federalka KMG soomaaliya in khilaafka u dhexeeya si deg-deg ah u xalliyaan iyagoo ka turjumaya dareenka runta ah ee ay bulshada Soomaaliyeed qabaan oo ah inay helaan dowlad damaanad qaadda nabad gelyadooda, xakameysana xadgudubyada lidka ku ah shareecada Islaamka, qaraarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga iyo dhaqanka Soomaaliyeed.  

Waxay kaloo xaruntu ka codsaneysa bulshada inay ku dadaasho xooggana saarta sidii dib u heshiisiin dhab ah looga dhex sameyn lahaa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya si loo baajiyo inay dhacaan dagaallo keena xadgudubyo cusub, sidoo kale xaruntu waxay ka codsaneysaa bulshada caalamka inay la soo gaaraan gar-gaar bini’aadanimo oo daboola baahidooda dadka Soomaaliyeed ee dagaallada, daadadka iyo abaaruhu waxyeelada weyn u geysteen.  

Munaasabaddan teeda kale waxaan shacabka Soomaaliyeed u rajeyneynaynaa inay ku gaaraan nabad, horumar iyo caddaalad” ayay ku soo gabagabeysay hadalkeeda Guddoomiyaha xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale Marwo Maryan Xuseen Awreeye.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya 
025215576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2006

hooyoSoomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo

Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.



HTML CD