SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Xubno ka mid ah Soomaalida Minnesota oo maanta (maalinta xuquuqda aadanaha adduunka) ka munaaqashoodey xaaladaha adaga ee Horyaal Soomaalida
  • Senator Norm Coleman oo warqad u direy wasiirka arrimaha gudaha ee Dalka S. Africa Ms. Mapisa Nqakula 
  • Senator Coleman oo difaacay xaqa uu Congreman Keith Ellison u leeyahay inuu ku dhaarto Quraanka

Xubno ka mid ah Soomaalida Minnesota oo maanta (maalinta xuquuqda aadanaha adduunka) ka munaaqashoodey xaaladaha adaga ee Horyaal Soomaalida

Xubnahan waxay isla qaadaa dhigeen xadgudubyada lagula kaco shacabka Soomaaliyeed hadday ahaaan lahayd Soomaaliya  gudahiisa ama dalka South Africa ama Minnesotada aan joogno 

Shafi Hashi oo ah abaabule bulsho oo hadalka furey ayaa aad uga deyriyey dulmiga lagu hayo xoogsatada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota asagoo ku baaqay is wax laga qabto. 

Xussein Samatar oo ah xubin ka tirsan maamulka maktabadaha Minneapolis ayaa sheegay in xuquuqda adaamamiga  ilaalintiisu tahay xaquuq asaasi ah  gaar ahaan shacabka soomaaliyeed oo ku daalay dagaal sokeeye iyo dulmi ku raagay.  Xuseen waxaa uu yiri asagoo soo daliishaday aayad quraan ah “ qofka bani aadamka ilaahay baa karaameeyey”. 

Imaam Xassan Jaamici oo wax ka dhiga mid ka mid ah jaamacadaha Minnesota yaa ganka ku dhuftay in hal maalin la xuso xuquuqal insaanka asagoo sheegay in diinta Islaamku qabto  in daqiiqad walba la ilaaliyo xuquuqda insaanka

Waxaa kale oo uu walaac ka muujiyey dulmiga lagu hayo xoogsatada Soomaaliyeed ee Minnesota kuna raacay Shaafi in wax laga qabto 

Dr. Nuur Faarax oo xog ogaal u ah tacadiga lagu hayo xoogsatada Soomaaliyeed ee South Africa ayaa ka waramay sida loola dhaqmo xoogsatadaas asagoo sheegay haddii lagu xad gudbo in booliska aanu xil iska saarin baaritaanka bal ayagaba la iska xiro badanaa.  Marka uu ka hadlayey Dr. Nuur Faarax  xalka Soomaaliya waxaa uu yiri “ Soomaalida waa hal qoys oo isku mid ah xalkoodana waxaa uu ku jiraa in diinta islaamka la raaco. 

Mudane Daandurey oo aad wax uga qoray dhibaatada haysata xoogsatada Soomaaliyeed ee South Africa ayaa ku waramay in Dalka South Africa ay u diyaar garoobayso marti gelinta cayaaraha adduunka oo ay u jilicsan tahay in la cadaadiyo si ay u ilaaliso xoogsatadaas Soomaaliyeed.  Waxaa uu ku baaqay in cadaadiska la sii wado. 

Eng. Ali Cigaal  oo mudo dheer la shaqaynayey maxkamadaha madaniga ee gobolka Minnesota aadna ugu xog haya waxa kala haysta Soomaalida iyo maxkamadaha Minnesota  ayaa dadka ku baraarujiyey inay jirto dhibaato badan oo dhanka miyirka ah oo haystada Soomaalida haba u sii dheeraadeen haweenka.  Eng. Cigaal waxaa uu ku baaqay in reer Minnesota xal keenaan inta aanay South Africa u gudbin. Eng. Cigaal waxaa kale oo uu walaac ka miijiyey dagaalada soo kordhaya ee u dhaxeeya soomaalida dhexdeeda ama Ethiopia iyo soomaalida. 

Xubno kale oo ka hadlay shirkan ayaa soo jeediyey talooyin wax ku ool ah nasiib daro ma soo wada koobi karo dhamaan hadalada laga yiri meesha laakiin waxaa dhab ah in munaaqashada xuquuqal insaanka si wanaagsan loo guda galay arrimo muhiim ah. 

Senator Norm Coleman oo warqad u direy wasiirka arrimaha gudaha ee Dalka S. Africa Ms. Mapisa Nqakula 

Senator Norm Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa

Cadaadis iyo codsi badan oo uga yimid Soomaalida Minnesota awgeed Senator Coleman waxaa uu bilaabay inuu codkiisa ku biiriyo baaqyada ku socda South Africa.  Asagoo halkaas ka ambaqaadaya ayuu dhowaan u direy warqad culus wasiirka arrimaha gudaha ee dalka South Africa. 

Senator Coleman warqadiisa waxaa uu ku muujiyey wel welka uu ka qabo mudo yar gudaheeda in lagu dilo qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya 20 ilaa 40.  Waxaana uu ku sheegay warqadiisa in shacabka Soomaalida ee uu matalo ay saameyn kuyeelatay waxa ka dhacaya South Africa.  Waxaana uu codsaday in arrintaas wax laga qabto.

Warqaddii Coleman ka akhri halkan.... GUJI.. (pdf)

Senator Coleman oo difaacay xaqa uu Congreman Keith Ellison u leeyahay inuu ku dhaarto Quraanka

Keith Ellison for U.S. CongressNin xag jir ah oo mayal adag oo leh radio aad loo dhagaysto oo la yiraahdo Denis Prager ayaa boggiisa internet ku soo qorey qoraal uu si aad ah ugu weeraray Congressman Keith Ellison asagoo ku eedeynayay inuu bedelayo hidahii iyo dhaqankii USA.  Prager waxaa uu yiri America waxa aan ahayn kitaabka masiixiyiinta (bible) uma baahna.  Keith Ellison waa inuu ku dhaartaa Bible haddii kale aan loo ogolaan inuu noqdo Congressman.   

Dastuurka maraykanka ma dhigayo in lagu dhaarto Bible ama qof lagu qasbo diin ama qof lagu imtixaano diin dhaarashada xildhibaanada ay ku dhaaranayaan kitaabkii ay doonaan waa maamuus ee maahan qasab. 

Arrinta la yaabka leh ma aha inuu Dennis waxaas yiraahdo ee waxaa la yaab leh in congressmen and Senators intaba aay ku dhici waayeen inay naqdiyaan xataa kuwa ay isku xisbiga demoqraadiga yihiin.  Aamuskooda ayaa ka daran hadalka Denis.  Waxaa kale oo ayana yaab leh in dad aad u badan oo shacab ah aad u taageereen Dennis Parager hadalkiisa. 

Senator Coleman ayaa cadeeyey inuusan ku raacsanayn Dennis Prager iyo In Keith Ellison xor u yahay inuu isticmaalo kitaabkii uu doono. Hase yeeshee Senator Coleman ma taageerin in Dennis Preger laga cayriyo xubunnimada Holocoust Museum. 

Senator Coleman oo laga soo doorto Minnesota ayaa noqday Senatoorkii ugu horeeyey ee la safta Congressman Keith Ellison asagoo qadarinaya dadka soo doortay Congressman keith Ellison waa degmada 5naad ee Minnesota oo Soomaalida aad ugu badan tahay. 

Senator Coleman ayaa cadeeyey inuusan ku raacsanayn Dennis Prager iyo In Keith Ellison xor u yahay inuu isticmaalo kitaabkii uu doono.

Maxamuud Wardheere
mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2006

hooyoSoomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo

Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD