SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Dec 11, 2006

  • Dhaqdhaqaaq aad u xoogan oo laga dareemey aagga Hore ee ay isku horfadhiyaan
  • Miles Zenawi oo looga digay in uu yimaado Mgaalada Baydhabo..
  • Magaalada Baydhabo oo aysan ku sugneyn Saddexda Masuul ee ugu sareeysa Dowladda.
  • Soomaaliya oo laga xusay maalinta Baaqa Caalamiga ee Xaquuqul insaanka..

Dhaqdhaqaaq aad u xoogan oo laga dareemey aagga Hore ee ay isku horfadhiyaan ..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa magaaladaasi laga dareemay dhaqdhaqaaqa aad u xoogan oo ay wadaan Ciidamada Itoobiya oo ay wehliyaan Ciidamada Dowladda Federaalka.

Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa xalay ka baxay Magaalada Baydhabo, ilaa iyo haddana lama garanayo halka ay u dhaqaaqeen ciidamadaasi, balse warar ayaa waxay sheegayaan in ay u dhaqaaqeen dhinaca aaga Diinsoor, warar kale ayaa waxay sheegayaan in Degmada Waajid ay kulan qarsoodi ah ku yeesheen saraakiil Itoobiyaan ah iyo kuwa Dowladda Federaalka, waxaana halkaasi looga hadlay sida la sheegay qaabka loo wajahayo ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo iyagu marba marka ka dambeysa ku soo siqaya magaalada Baydhabo oo xarun u ah Dowladda Federaalka ee lagu soo dhisay Magaalada Nayroobi.

Miles Zenawi oo looga digay in uu yimaado Mgaalada Baydhabo..

Waxaa maalmahan la hadal hayey in Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya uu ku soo fool leeyahay Magalada Baydhabo oo xarun u ah Dowlada Federaalka ayna ku sugan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah oo loo qorsheeyey inay weeraraan Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana la sheegay in Miles Zenawi uu u tagayo Baydhabo arrimo la xiriira sidii uu dhiiragelin u siin lahaa Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo, warar kale ayaa sheegaya in Ra’isul Wasaaraha Itoobiya lagu wado in uu dhex dhexaadiyo khilaafka u dhexeeya saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida. Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga ah ee Al-Bayaan Sheekh Max’ed Ibraahim Bilaal ayaa uga digay Miles Zenawi uga digay in uu yimaado Magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in uu kala kulmi doono cawaaqib xumo uu weligiis ka sheekeyn doono. “ujeedooyinka uu Miles Zenawi u imaano Magaalada Baydhabo ayaa ah sidii uu u xalaaleysan lahaa dhulka Soomaaliyeed” ayuu yiri Max’ed Ibraahim Bilaal oo sheegay in Dowladda Itoobiya ay qorsheyneso sidii ay Soomaaliya gebi ahaanba u qabsan lahayd. Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga ah ee Al-Bayaan waxaa kale oo uu u soo jeediyey Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Baydhabo in ay inta ay goori goor tahay ay ka soo baxsadaan Dowladda Federaalka, waxaa kale oo uu sheegay in Maxaakiimta Islaamiga ah ay ka go’an tahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Magaalada Baydhabo, isla markaana uga saari lahaayeen Ciidamada Itoobiya ee xoogga ku haysta magaaladaasi iyo waliba deegaano kale oo Soomaaliyeed.

Magaalada Baydhabo oo aysan ku sugneyn Saddexda Masuul ee ugu sareeysa Dowladda.

Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in magaalada Baydhabo ay haatan ka maqan yihiin mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka, lama garanayo sababaha ay mas’uuliyiintaasi uga maqan yihiin Magaalada Baydhabo oo xarun u ah. habeen hore ayay ahayd markii Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed uu ka baxay magaalada Baydhabo uuna u kicitimay degmada Waajid ee Gobalka Bakool, waxa uuna halkaasi kula shiray saraakiil Itoobiyaan ah oo ka yimid magaalada Adis-Ababa.

Madaxweynuhu intii uu san tegin Waajid ayaa waxa uu booqday xerada Manaas, isagoo kula hadlay ciidamada halkaasi ku xareysan, una soo jeediyey in ay dalka ka difaacaan wax uu ugu yeeray kooxaha Argagixisada ah.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cali Max’ed Geedi oo isna shalay la filayey in uu soo gaaro Magaalada Baydhabo ayaa dib u dhigay safarkiisa, iyadoo lagu waramay in Maxaakiimta Islaamiga haatan qorsheynayaan in Magaalada Baydhabo ka weeraraan dhowr meelood oo aan la ogeyn halka ay noqon doonaan, waxana shalay magaalada Muqdisho lagu arkayey Guddoomiyaha Golaha Shuurada oo xiran labiskii Ciidamada, sidoo kale sarkiisha Ciidamada Islaamiga ah ayaa iyana loo dhaqaajiyey dhinaca safka hore ee dagaalka, sidoo kale waxaa magaalada Baydhabo ka maqan Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isna ku sugan dalka Yemen.

Soomaaliya oo laga xusay maalinta Baaqa Caalamiga ee Xaquuqul insaanka..

10-ka December waxay ku beegan tahay sanadguuradii 58-aad ee ka soo wareegtay baaqa caalamiga ah ee Xaquuqda aadanaha, waxaana munaasabad ku aadan maalintaasi lagu qabtay Hotel Ambassador, waxaana soo qaban-qaabiyey xarunta Dr Ismaaciil jimcaale ee Xaquuqda Aadanaha, waxaana ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana ugu horeytnii halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Ismaaciil Jimcaale Maryan Xuseen Awreeye, waxayna sheegtay in 10-ka December ay tahay maalin ay beesha Caalamku u degsatay in la dhowr xaquuqda Aadanaha.

Waxaa kaloo ka hadlay Cabdi Muxumud Amiin oo isna sheegay in Qaaradda Afrika ay tahay meel aad ugu liidato dhowrista Xaquuqda Aadanaha, sidoo kale waxaa ka hadlay C/llaahi C/raxamaan oo isna sheegay in Xaquuqda Aadanaha ee Soomaaliya ay tahay mid si aad ah loogu xad-gudbay, isagoo tilmaamay in arrintaasi looga hortagi karo iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay keligood heshiiyaan. Sidoo kale waxaa ka hadlay Cabdi Nuur Xaaji Max’ed oo isna halkaasi ka sheegay sheego ka hadleysa xaquuqda aadanaha ee Qaaradda Afrika.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2006

hooyoSoomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo

Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD