La yaab
ma lahan in dal gaalo ahi gabar muslimad ah ku yiraahdo waddankayaga
xijaab kuma qaadan kartid! Ama iska dhig ama orod waddankayaga nooga
tag, waxaase layaab ah in dowlad muslim sheeganaysaa soo rogto
sharci mamnuucaya xidhashad xijaabka.
Arrintaasi waxay fajiciso ku noqotay dadka muslimka ah ee dalka
Tuunis markii ay dawladdu soo rogtey sharci xaaraamaynaya in dumarku
madaxooda qariyaan.
Waxay
dawladdu sharcigaas u cuskatay in xijaabku yahay dib-u-socodnimo,
dhar kooxi leedahay iyo mid dastuurka khilaafsan.
Waziirka Arrimaha diinta ee Tuunis Abubakar Akhzury ayaa warbixin uu
sii daayey ku sheegay in xijaabku yahay “caado soo galooti ah” iyo
weliba “wax qaynuunka khilaafsan”.
Haweeney barto ka ah jaamacadda Zeytuunah ee aadka loo yaqaan kuna
taal dalka Tuunis, Manjia Sawaaixi, ayaa iyaduna waraysi uu la
yeeshay kannaal laga leeyahay Lubnan (ANB) xijaabka ku tilmaantay
“dhaxal laga soo gaadhay Giriigga iyo Romankii hore weligiisna aan
ahayn dhaqan islaam” iyadoo carrabkeeda dheer aanu ammaan ka helin
saxaabiga weyn ee Cumar bin Khaddaab (rc) oo ay ku tilmaantay
“cadawga ugu weyn ee dumarku abidkoodba yeesheen.” Waxayna inkirtay
in diintu xijaabka amartay.
Dawladda iyo kooxaha daba taagan ee “cilmaaniyiinta” ah ayaa
gulufkan ay “ganbada” hablaha madaxooda saaran kula halgamayaan
waxay u cuskanayaan sharci la soo saaray 1981 oo lagu xarrimayey in
gabadhu madaxeeda masar ku xidhato.
Fufka xijaabka:
Haddaba
xijaabka ayaa sannadahan danbe si xoog leh ugu soo laabtay dumarka
reer Tuunis, iyadoo aad si fiican waddooyinka ugu arkaysid gabdho
asturan ama masarro qaba. Arrintan soo noqoshada xijaabka ayaa si
aad ah uga xanaajisay dowladda iyo xooxaha cilmaaniyiinta. Mid ka
mid ah kooxaha cilmaaniyiinta oo joornaalka “Xaqaa’iq” wax ku qora
ayaa -isagoo aad uga xun- yidhi: “waxay naga qarinayaan timohoodii
jilicsanaa iyo jidhkoodii macaanaa, waxayna noo diideen in aanu
gacanta ku salaanno, hadde waa salaan”
Culumada Islaamka ee gudaha iyo dibedda Tuunis ayaa si xooggan u
dhaleeceeyey dagaalkan lagula jiro xijaabka oo ah waajib diini ah oo
Rabbi amray gabdhaha muslimka ah.
Sh.
Waniis Mabruuk oo ah bare wax ka dhiga kulliyad Islaami ah oo ku
taal dalka Ingiriiska ayaa ku yidhi wakaaladda Kudus Press: “warkan
uu sheegay waziirka arrimaha diintu waa wax ay khatar tahay in uu ku
hadlo waziir diineed ee Tuunisi ah” wuxuuna ku sii daray “waxay si
toos ah uga hor imaanaysaa aayad Qur’aan ah oo aan la nasakhin, oo
ay Ummadda Islaamku ku soo dhaqmaysey tan iyo xilligii Nabiga (scw)
ilaa maanta, firqo ahlu-qiblo ah oo arrintaas khilaaftayna ma jirin”
waxuu sheekh Mabruuk intaas ku sii daray “arrintani waa ku tumasho
aan geedna loogu soo gabban oo lagu tumanayo xaq muqaddas ah oo ka
mid ah xuquuqda aadanaha oo ah in uu qofku doorto dharka uu isagu
xidhanayo” wuxuu kaloo yidhi: “waa diidmo loo diidayo gudasho waajib
faral ku ah”
Sidoo
kale Sh Raashid Qannuushi ayaa isna ku tilmaamay wax aan ku cusbayn
taliska madaxweyne Bin Cali oo isagu caado ka dhigtay in uu
xayuubiyo xuquuqda muwaadinka isagoo sheeganaya horumar. Ma ahan in
uu faragelinayo arrimaha siyaasadda oo uuba iyada macne tirtay, ee
xataa wuxuu u soo dhigtay wixii ugu yaraa ee qofka khaaska u ahaa
sida guurkiisa, dharkiisa iyo muuqaalkiisa. Culumo badan oo gudaha
Tuunis jooga ayaa iyaguna sidaas oo kale tilmaamay.
Muftigii hore ee Tuunis, Muxamed Mukhtaar Sulaami, ayaa laba asbuuc
ka hor caddeeyey in hadallada waziirku yihiin kuwo siyaasadeed, oo
duruufaha taagani u yeedhiyeen aanay diinta saxda ah lug ku lahayn.
Meesha uu ka sheegay in hadallada ka soo yeedhay haweeneyda
jaamiciyadda ahi aanay mudnayn in laga jawaabo.
Ma ahan
culumada kaliya ee waxaa iyaguna mowqifka dowladda si weyn u
dhaleeceeyey xooxaha u dooda xuquuqda aadamaha iyo gar yaqaanada oo
dhammaantood isku waafaqay in arrintani tahay ku tumasho iyo duudsi
xuquuqda gabadha reer Tuunis oo lagu khasbayo in ay is qaawiso.
Dhibaatada
Haysata gabdhaha Tuunis ee xijaaban:
Dhammaan
hay’adaha dowladda ayaa isku bahaystay falal waxshinimo oo dhinac ka
ah gabdhaha xijaaban.
Booliska, jaamacadaha, iskuulada, isbitaalada iyo xafiisyada
dowladda ayaan u kala harin qaawinta gabdhaha.
Wazaaradda caafimaadku waxay soo saartay go’aan isbitaalada ka
mamnuucaya in ay qaabilaan dumarka khimaarka hagoogan. Waxay kaloo
ka mamnuucday dhakhaatiirta iyo kalkaalisooyinkaba in ay xijaabka
xidhaan.
Saciido
Cikramii oo ah gabadh u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha ayaa tidhi:
“waxaa ila soo hadlay hablo farabadan oo ii sheegay in iskuulkii
laga soo caydhiyey, xijaabka dartiis. Kuwo kalana shaqada ayaa isla
sababtaas looga caydhiyaa”
Nisriin,
waa ardayad dhigata kulliyadda xuquuqda. Waxay tilmaantay dhibaatada
haysata hablaha hagoogan, iyadoo leh: “marnaba lama suuraysan karo
silica haysta gabadha xijaaban oo mar walba dareemaysa in la
caydhsanayo, xijaabkeeda dartiis. Qofna uma adkaysan karo in uu
habeen iyo maalin cabsi ku jiro. Cabsi ay ka cabsanayso wixii ku
dhacay gabdho badan oo jaamacadaha laga eryey. Tan waxaa loo diidey
in ay soo gasho maalintii imtixaanka. Tanna waxaa dhegta laga soo
qabtay qaacada imtixaanka. Kuwo kale waxaa laga googooyey masarkii
ay hagoognaayeen iyadoo weliba lagu jeesjeesay”
Nisriin
waxay layaab ka muujisay rafaadka la marsiinayo hablaha jidhkooda
qarsaday iyadoo kuwa kale xorriyad loo siiyey in ay u labistaan
sidii ay doonaan. Iyadoo ay ka muuqato caloolxumo ayay Nasriin ku
soo khatintay: “Gabadhu –hadde waa gabadh walba- waxay xaq u
leedahay in ay u labisato sidii ay iyadu doonto. Inay doorato
labiskeedu waa xaq ay dammaanad qaadeen xeerarka oo dhan, waaba wax
iska cad oo fudud”.
Tuunis
waa dal muslim ah oo ku yaal waqooyiga Afrika.
Dhammaan gabdhaha muslimka ah
waxaan ugu baaqayaa in ay xijaabka sharciga ah qaataan; sidaas baa u
asturan Ilaahoodna uu ku jecelyahay.