Waxa wax lala yaabo,
in badanna lala murugoodo ah in “xulkii qaranka soomalaiyeed” iyo
“gar-wadeenkii siyaasaddu” ay maanta kuraas madaxa iskala dhacaan,
iyagoo weliba jooga aqal ay marti ku yihiin.
Dawladda Kenya
waxay kuraasta u dhigtay in xubnaha Barlamanku ku wada xaajoodaan,
xalna ugu raadiyaan dalkooda “madhaleyska” noqday. Waxay masuuliinta
Kenyaatigu moodayeen in ay hoolka shirka ka dhammeeyeen waxyaabaha
dagaalka loo adeegsankaro sida ulaha iyo middiyaha. Hase yeeshee
“xulkii qaranka” ayaa kuraastii loogu dhigay in ay ku fariistaan
kuna wada xaajoodaan waxay u rogeen hub ay madaxa iskaga garaacaan.
Hadday ogyihiin malaha dhulka fariista ayay oran lahaayeen!
Waa ayaan darro
in golihii ugu sarreeyey ee ay shacabka soomaaliyeed ku
hanwaynaayeen in uu xal iyo dib-u-heshiisiin u keeno, in ay iyagii
u baahdaan wax kala jiid-jiida.
Majara habaabin ula kac ah:
Dadka
soomaaliyeed dhammaantood waxay ogaayeen in fadhigan uu Barlamaanku
isku laayey looga doodi lahaa keenista iyo keenis la’aanta ciidammo
ka socda dawladaha safka hore. Waxaase layaab iyo khiyaano aan geed
loogu soo gabban noqotay markii Raysalwasaaraha iyo kooxda u
ololaynaysay in ciidammada safka hore la keeno; ay saaka soo
kallaheen iyagoo indhaha soo xanjaystay, oo waliba doonaya in ay
Barlamaanka iyo Somali oo dhanna indhaha faashad kaga dhajiyaan.
Waxay soo bandhigeen qorshe ka duwan kii la sugayey, waxayna soo
jeediyeen in Barlamaanku u codeeyo “ciidammo Carbeed iyo kuwo
Afrikaan ah!” iyadoo aan la kala qaadin safka hore iyo saf danbe
toona. Taas waxay guruubka Cali M Geeddi uga dan lahaayeen in loo
ansixiyo in ciidammo ka socda Ethiopia la keeno dalka, iyadoo aan
lagaba doodin. Sow khiyaano ma ahan in laga boodo wixii la sugayey
oo laga doodo wax aan meeshaba oollin?!
Dulqaad yarida
taageerayaasha Dawladda:
Barlamaannada
adduunka waxaa lagu yaqaan in mooshin la keeno si looga doodo,
qolada mooshinka wadata iyo kuwa ka soo hor jeedaba waxay diyaar u
yihiin in ay aqbalaan waxa codbixintaasi ku dhammaato. Haddii aan la
aqbalayna macne ma samaynayso in loo codeeyo go’aan aan la aqbali
doonin. Waana intaas falsafadda uu barlamaanba ku dhisanyahay.
Markii shalay
kooxdii uu hoggaaminayey R.Wasaaruhu laga tiro batay, ama ay arkeen
in haddii la codeeyo laga rayn doono, waxay ku habboonayd in ay
oggolaadaan cod qaadista, ama ay ugu yaraan si nabadgelyo ku jirto
wax u mucaaradaan. Waxaase nasiibdarro noqotay in R.Wasaarihii oo ah
madaxa ugu sarreeya ee xukuumaddu uu isku dayey in uu hor istaago
“dimoqraadiyaddii” uu afka ka sheegijirey.
Waa ceeb waana
wax ka soo hor jeeda falsafadda “barlamaan” iyo nuxurka
“dimoqraadiyadda[1]”
in buuq iyo rabshad lagu abuuro madal lagu wada xaajoonayo, waana
fal-danbiyeed in dagaal iyo gacan ka hadal wax lagu raadiyo, lakiin
maxaanu samaynaa haddii “madaxdii dawladu” ay yihin kuwa falkaas ku
kacaya?.
Haddii arrin
sidaas u sahlan “ciidan dal shisheeye in la keeno” sidaas la isugu
laayey, maxaa laga sugayaa “dawladdan inoo curatay” markii ay dhex
gasho hawlaha badan ee masiiriga ah ee horyaalla???
Garwadeenkeedi baa
sidaas ah!
Shacabka
soomalaiyeed markii uu tobannaan sano is dilayey, oo uu dareemay
baahida loo qabo nabadda iyo dib-u-heshiinta ayuu taageero buuxda oo
aan horay loo arkin siiyey dawladda Cabdullahi iyo Geeddi. Wuxuuna
shacabku sugayey in uu Barlamaanku xalliyo dhibaatadii 15ka sano
lagu kala irdhaday.
Waxaase la
illaawey in meesha dhibaatadu ka jirto iyo cidda soomaaliyi ka
dhaqaaqi la’dahayba ay yihiin kooxdan ceebowdey ee dadka guryohooda
isku dilaya. Soomaalidu waxay ku maahmaahaan “Ruqo ninkii lahaa
dabada hayo ma kacdo”.
- Waxaa dhab
ah in jiilka maanta jooga aanay u muuqan kuwii ummadda badbaadin
lahaa.
- Waxaa dhab
ah in aynu nahay bulsho gablantay.
- Waxaa dhab
ah in aynu waddo khaldan cagta saarnay.
- Waxaa dhab
ah in aynu nahay qaran jabay iyo qolo laga adkaaday.
Maxaa Barlamaanka ka
khaldan?
Waa su’aal u
baahan in ay xubnaha barlamanku is waydiiyaan, jawaabna u helaan.
Muxuu Barlamaanka soomaalidu isu laayey?
Anigu waxaan is
leeyahay arrimaha soo socda ayaa ka khaldan xubnaha Barlamaanka:
o Waxaan
jirin aragti siyaasadeed oo ka timid gudaha Barlamaanka, waxa golaha
lagaga doodayana waa siyaasado ay dawlado kale soo dhiibeen. Waxaana
taas tusaale ugu filan waraysigii uu shalay R.Wasaaruhu siiyey BBCda,
oo dhammaantiisba ka tarjumayey quusta iyo rajo xumada meesha taalla
iyo sida xukuumadda Geeddi aanay u lahayn aragti siyaasadeed oo la
jaanqaadi karta marxaladda qallafsan ee uu dalku marayo.
o Nin
walba wuxuu rabaa in uu fikraddiisa -oo kaliya- marsiiyo,
maskaxdiisana kuma jirto “haddii lagaa diido maxaad yeelaysaa?”. Wuxuuna
si ootamaatik ah ugu gacan sayrayaa aragti walba oo tiisa aan ahayn,
waana halka ay soomaalidu ka dhahaan “Cadyohow ama ku cunay ama ku
ciideeyey”.
o Waxay
ahayd in l kala saaro Xukuumadda iyo Barlamaanka, haddase waxaa
golihii Barlamaanka dhex fadhiya dhammaan golihii xukuumadda macaa
R. Wasaareheedii, waana shirqool ay markii horeba ugu tala galeen in
aanay mucaardo ku imaanin. Laakiin “meeshii wax ka socdaan dameeraa
weylo dhala!” oo waa taas ay waxba u socon waayeen.
o Rajo
xumo: Haddii qofku, kooxdu ama bulshadu aanay lahayn wax ay
rajeynayso ama ku naaloonayso waxaa caado u noqota is qabqabsi iyo
is xagxagasho, waxayna ku danbaysaa in qofkaasi isagu is dilo ama uu
dadka kale laayo, waana taas waxa shalyto Barlamaanka ka dhex dhacay.
Bal dhageyso sida uu R.Wasaaruhu u hiifayo oo u haaraamayo Shariif
Xasanka Barlamaanka.
Danaha qaran ee somaaliya yarad ma loo bixin karaa?
Dhibaatada
meesha taalla baa ah in Madaxwaynaha iyo R.Wasaarihiisuba ay meesha
ku yimaadeen “Barakada Ethiopia” isla markaana ay doonayaan in ay u
abaal gudaan. Marar badan oo ay shalay ugu danbeysey, oo labada nin
la waydiiyey sababta ay ugu adkaysanaay in ciidammo ka socda
dawladaha deriska ah la keeno dalka, ayay waxay ku jawaabeen:
“Dawladaha deriska ahi iyaga ayaa shirka dib-u-heshiisiinta soo
wadey, intaasna soo gaarsiiyey, wayna na caawiyeen, haddaba
abaalkoodu ma noqonkaro in la yiraahdo ha noo imaanina”.
Haddaba waxaa
masuuliinta ka maqan laba arrimood oo kala ah:
1. In
soomaaliya aanay gaarin xilligii ay bixin lahayd “deymeheeda
siyaasadeed” ama ay dawladihii soo taageeray “abaalkoodii” siin
lahayd. Dalku wuxuu ku jiraa xaalad gaar ah oo u baahan in hawluhu
sida ay u kala horreeyaan loo kala hor mariyo. Soomaalidu waxay ku
maahmaahdaa “majo dhooqo midba mar baa la siibaa” “oodo dhacmeed
siday u kala sarreeyaan baa loo qaadaa” “sidaad u jabtid ayaa loo
dhutiyaa”.
Haddaba marka
hore waxaad dhammaystirtaan hawlaha dibu heshiisiinta, dhisa oo hawl
geliya hay’adihii dawladda, “deymaha siyaasadeed” ee la idinku
leeyahayna u daaya xukuumadaha dabadiin imaan doona. Shacabka
soomaaliyeedna ka abaal dhici maayo ciddii abaal u gashay.
2. Haddii
aad gacan iyo abaal u haysaan dawladaha deriska ah oo ay ka
shaqeeyeen sidii aad u qabanlahaydeen xilalka dalka ugu sarreeya,
waxaa caadi ah in ay idinka idiinku muuqato wax weyn oo mudan in
laga abaal gudo. Haddaba ha illaawina in abaalkaasi aanu
gaarsiisnayn in “ dawladahaas yarad loo siiyo danaha qaranka
soomaaliyeed”. Danaha ummaddu ma ahan erayga “thank you”. Taas
waxaan uga jeedaa in dadka diidan ciidamada safka hore, ay ku
doodayaan in arrintaasi khatar galinayso “ammaanka qaranka” iyadoo
dawladahaasi si toos ah iyo si dadbanba ay ugu lug leeyihiin
dhibaatada gudaha soomaalia, si caadiyana ula kala jiraan kooxaha
aad idinku qaar hoggaaminaysaan. Cabdullaahi Yuusuf wuu ogyahay in
hubka somaalia yaalla dhammaantiis uu ka yimid dawladda Ethiopia,
Geeddina taas ma mooga.