Waxaan akhriyey
maqaal uu qoray nin magaciisa ku sheegay Asad Caddaani oo uu cinwaan
uga dhigay “Muusannowga Fahad iyo Ciidammada Itoobiya” kuna
raddinayey qoraal uu horay u faafiyey Fahad Yasiin oo uu kaga
hadlayey “In ciidammo shisheeye Soomaaliya la keeno iyo sida ay
ururada islaamku u arkaan”
Run ahaantii Asad
wuxuu taageero buuxda iyo weliba difaac hagar la’aan ah siiyey in
dalka Amxaaro la keeno, isla markaana la aamino inay midnimada
soomaaliya ka shaqaynayaan. Waxaa hadalladiisa ka mid ahaa in ay
mugdiga inaga saarayaan. Wuxuu weerar ku qaaday “ururada islaamka”
oo uu ku eedeeyey inay yihiin kuwo siyaasad ahaan fashilmay,
waxqabadkooduna ku egyahay la dagaalanka Shirkiga!. Waa sida uu
hadalka u yidhiye.
Haddaba anigoo soo
koobaya ayaan waxaan doonayaa inaan Asad uga jawaabo meelaha uu
gacan togaaleeyey. Waxaan kaloo doonayaa in aan dareensiiyo arrin uu
ka boodayo oo ah: maxay soomaalidu u diidanyihiin Itoobiyaanka?
Asad wuxuu ku
eedeeyey Fahad inuu ka hadlay Reer Muqdisho oo kaliya iyo sida ay
uga soo hor jeedaan ciidammada Amxaarada ! wuxuuna ka dalbaday in
aanu u daymo la’aanin gobollada kale sida Puntland iyo waxa laga
aaminsanyahay.
Haddaba waa adiga
leh Reer muqdisho soomaali ma matalaan, haddii ay tahay in ciidammo
shisheeye la keenana waa in reer Puntland la waydiiyee, horta waxaan
ku waydiinayaa ma Muqdishaa ciidammada shisheeye loo dalbanayaa mise
Garoowe?
Ciidammada shisheeye
Teeda kale,
haddaad ciidamada shisheeye ee aad u gacan haadinaysid mooddey inay
nabad, xasillooni, dhereg iyo horumar keenayaan; waxaan leeyahay
taasi waa dhalanteed, waxaana caddayn u ah natiijadii ay la kulmeen
iyo wixii ay keeneen ciidammadii UNSOM ee adduunyada oo dhan ka
socdey qorshohooduna uu ahaa in ay fuliyaan hawsha aad hadda adiga
iyo raga kula aragtida ahi ugu yeedhaysaan Itoobiyaanka.
Waxaa
siyaasad-xumo ah in magaaladii koox kooxaha muqdisho ka tirsani ay
kaligeed ka baacsatay Aduunka oo Ameerikaan hogaaminayo in maanta
Amxaaro loo dalbado! Iyagoo weliba hal meel ah looga soo wada jeedo.
Waxaa iyana
diraasayn iyo wax ka-qaadasho mudan ciidammada la yidhi nabadda ayay
ilaalinayaan ee jooga Ciraq iyo Afghanistan. Waxaa la yidhaahdaa
ninka ayaanka lihi waa kan qeyrkiis wax ku qaata oo dhacdooyinka
duruus ka qaata, ee ma ahan kan isaga lagu cibro qaato. Bal ii sheeg
waxa ay keeneen oo aan ahayn ceebihii Abuqureyb iyo rag la fuulo?.
Waxaa iyaduna
tusaale dhow ah mushkiladda hadda taagan ee ay abuurtay joogista
ciidammada Suuriya ee ku sugan ciidda Lubnaan. Labada dal waa laba
dal oo la oran karo “waxay wadaagaan wax walba” ama “waa saaxiib”
haddana khalalka iyo ammaan darrada ay ka abuuraty Lubnaan sow ma
aragtid? Waliba waxaad taas ku darsataa iyadoo ciidammada Suuriya
aanay wax hawl-gal ah ka wadin gudaha Lubnaan ee arrintu ay tahay
joogitaankooda oo kaliya. Sow ma ogid in xidhiidhka Lubnaan-suuriya
aan marnaba la barbar dhigi karin kan Somaaliya-Itoobiya?.
Wuxuu Asad is
waydiiyey su’aal odhanaysa: “hadii la yidhi ciidamo isku dhafan oo
shisheeye hala keeno ilayn innagu is maqli weynaye maxaa ku jaban?”
Waxaan odhanlahaa
Asadoow arrintu sida aad u sahlaysid uma sahlana, waxayna ku
qotontaa “National Security” ama Amniga Qaran ee dalkeenna.
Haddii aanse isla
daaqadda aad ka fiirisay anna ka istaago waxaan kugusoo celinayaa
su’aal oo waxaan leeyahay: “oo annagu sow dalkayaga iskama lihin?
Miyaanaan diidi karin ciddii aanaan raalli ka ahayn, inay dalkayaga
ciidammo keenaan?” Teeda kale, haddii arrinta ciidammada shisheeye
daacad laga yahay oo aanay khiyaano ku jirin; maxaa Amxaarada
naloogu khasbayaa? Sow maanaan diidin? Haddii dantayada la wado, maa
ciidammo kale oo aan iyaga ahayn naloo soo diro? Waxaan u malaynayaa
markaas buuquba wuu yaraan lahaa, illayn nabadda waa loo oomanyahaye!
Waxaan leeyahay
Soomaalidu waxay xaq u leeyihiin in ay dalkooda u diidaan ciddii ay
u arkaan in aanay dantooda ka shaqaynayn. Waana nooc ka mid ah
“amniga qaran ee ay tahay inaynu difaacanno” iyo “sharafta ummadeed”.
Reer Xamar waad istaahishaan in Amxaaro la idiin
dalbado!
Markii runta loo
hadlayo soomaaliyi waxay waayadan u xannibnayd Reer Muqdisho, kuwii
oo aan xagga iyo xagga toona u soconin. Waxaa hubaal ah in haddii
iyadoo gobolada kale aanay xasilloonayn ay muqdisho xasili lahayd in
dalka oo idili uu xasili lahaa. Maantase arrintu waa rogantahay, oo
gobolladii kale oo dhan way ka xasillooni badanyihiin muqdisho,
qaarkoodna waxaaba ka dhisan nidaam iyo kala danbayn. Waxaan reer
muqdisho kula talinayaa in ay ogaadaan in haddii aanay sidan wax ka
beddelin ay xaaladdu noqonayso mid ka mid ah arrimahan soo socda:-
o
In gacan shisheeye wax looga qabto. Taasina uma eka
mid suurtoobaysa haddaan iyaga [reer Muqdisho] xal laga helin.
o
In soomaalinimadii ay halkaas inoogu ekaato,
midnimadii dalka oo awalba baalashii laga rifayna, ay kala daadato.
Haddii ay tani dhacdana waxaad ogaataan saddex khataroodba inaad
gasheen. 1-Waa midda koowaade dheg-xumo idiin soo hoyata iyadoo
jiilasha danbe ku sheekaysan doonaan Xamar waa magaaladii dalka
cuntay! 2-Tan labaad oo aad ka dhaxlaysaan baa ah in Xamar ay weydo
xamarnimadeedii iyo caasimadnimadeedii haddaanay jiritaankeedaba
waayin. 3-Dhaxalka saddexaad ee aad ka helaysaan ayaa noqonaya in
Amxaaradii aad ka baqayseen ay Jowhar iyo Balcad idiin soo
fariistaan, halkaasna farta idiinku yeeraan.
Ururada Islaamiga ah
Waxyaabaha kale ee Asad isaga ka
khaldan waxaa ka mid ah: kaalinta ay kooxaha islaamiga ahi ku
leeyihiin nolosha soomaalida, gaar ahaan wixii ka danbeeyey
qaran-jabkii soomaalida. Waxaa layaab ah in urur ama koox lagu
ceebeeyo inay la dagaalamaan shirkiyaadka iyo gaalnimada, sida uu
sameeyey Asad, isagoo is weydiiyey su’aal aan u kala garan waayey
inkiraad iyo garasho la’aan, wuxuuna hadal dheer ka bacdi yidhi:
“miyaanay ahayn kuwo Fashilaad Siyaasadeed uu kaga habsaday Geeska
afrika, oo ilaa iyo xilligan aan joogno aan lahayn wax Faa’iido ah
oo aan ka ahayn in ay shirkiyaadka la dagaalamaan”
Run ahaantii, qof
walba iyo urur walba oo soomaali ahi wuu eedaysanyahay, qaddar
masuuliyad ahna wuu ku leeyahay xaaladda dalku marayo, inkastoo
eeddaas loo kala dhabar weynyahay. Ururada islaamku waxay ka mid
ahaayeen bulshadaas soomaaliyeed, khaladaad iyo gaabisnimana kama
madhna, laakiin waxay ahaayeen kuwa ugu wax-qabadka badnaa gobollada
ay ka jiraan oo dhan.
Haddaan taas ka gudbo waxaan leeyahay:
o
Marka koowaad, waxaan leeyahay haddii
ururada islaamka ee soomaaliya ay la dirireen Shirkiyaadka way ku
mahadsanyihiin. Sow shirkigu ma ahan cudurka ugu weyn ee ay tahay in
bulshada lagala dagaalamo?
o
Waa marka labaade, fashilaadda aad
sheegtay oo ay soomaali inteeda kale kaga duwanyihiin maxay tahay?
Haddaan si kale u dhigo: ii sheeg urur aan islaami ahayn oo ku
guulaystey siyaasadda soomaaliya? Haddiise soomaali ay fasahaaddey
oo xalkeedii adkaaday; ma xal sixir ah baa laga sugayey ururada
islaamiga ah? Mase haysaa cid kale oo xal keentay?
Waa gabdho Soomaaliyeed oo dhigta dugsiga
Al-Emamal-Nawawi ee magaalada Qardho ee Woqooyi Bari ee
Soomaaliya.
Sawirkan waxaa qaaday AP, Feb. 2, 2005
|
o
Midda saddexaad, walaal indhahaagu ma
qaban waayeen guulaha waaweyn ee ay ururada islaamku ka soo hoyiyeen
dhinacyada: Dacwada, wax-barashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo
wacyi gelinta bulshada? Miyaadan arkin tobannaan kun oo carruur ah
oo iskuulada Nawawi, Shaafici, Alwaaxah iyo kuwo kale usii dareeraya,
oo ay dadaalkooda shakhsiga ah ku hirgeliyeen, Alle ka bacdi. Waxaan
odhan lahaa mar kale dib u akhri waxa hareerahaaga yaalla iyo
waaqica kugu xeeran.
o
Waa midda ugu danbaysee, haddii uu
hirgeliwaayey barnaamijkii siyaasadeed ee soomaalida daacadda ahi
soo jeediyeen, oo ay ka mid yihiin wadaadadu, waxaan leeyahay waxa
bushiyey ama hor istaagayi waa gacna-gacnaynta shisheeye ee ay
hurmuudka ka ahayd Itoobiyada aad hadda gacanta u lulaysidi.
Muhimadda siyaasadeed ee ururada aad
sheegtayi ma ahan sida aad adigu u fahantay. Islaamnimada iyo
isqarxintuna ma ahan laba walaala ah. Kooxaha “islaamiga” ahina
kaama mudnayn inaad qarax iyo maqiiqnaan la xidhiidhisid. Markii aan
hadalkaagan akhriyey waxaa isla markiiba iisoo baxay aragtida ama
“impression-ka” ay reer galbeedku ka qaataan markay maqlaan “islaam”
ama “jihaad” ama “Islamic State”.
Waxaad mooddaa in walaalkay uu xalka
islaamiga ah u fahmay si khaldan.
Gunaanad
Waxaan kusoo gunaanadayaa, ciidammo
shisheeye waxay shaqayn karaan kaliya haddii shacabka soomaaliyeed
la shaqeeyo, soo dhaweeyo, isku waafaqsanyahay islamarkaana aanu ku
tuhunsanayn inay hoosta kala shaqaynayaan kooxo gaar ah. Shuruuddaas
oo dhan laga heli maayo Ciidammada Amxaarada.