Waxaa jirta oraah oranaysa Soomaalidu
waa ''Oral society'', dad hadla aanse wax qorin waxna akhrin. Haddaba, maxaa
ka jira arrintaas, saamayn intee le’eg bayse ku leedahay bulshada?.
Dhammaan dadka diraaseeya
cilmiga bulshadu waxay isku waafaqsanyihiin in bulsho walba uu garaadkedu ku
dhisanyahay hadba inta ay aqoonteedu le'egtahay. Ummad walba oo uu hooseeyo
heerkeeda aqooneed, waxaa hubaal ah in garaadkeeda, wacyigeeda, wax-soosaarkeeda
iyo fursadda ay u leedahay siijiritaanka mustaqbal ay hoosayso.
Hiraal cad iyo higsi muuqda oo
bulshadaasi ay yeelatana ay ku xirantahay, koboceeda aqooneed.
Waxay arrintaas ummaduhu kala
midyihiin qofka shakhsiga ah, iyo sida ay aqoontu u saamayso heerkiisa
garsho, garaadkiisana u kordhiso, darajada uu bulshada dhexdeeda ku
leeyeheyna kor ugu qaaddo.
Haddaba waxaa mudan in la is
weydiiyo: waa tee isha aqoonta laga helaa? Ama haddaan si kale u dhigo:
waynu ognahay oo qofna aqoonta kuma dhashee, miyey kusoo degtaa? mise maahee
aqoontu waa wax ay ummadiba ummad ka dhaxashay, jiil walbaana soo
gaarsiiyo kan ku xiga? Qoran oo ku jira diiwaanno iyo kutub ay jiilashii
hore ku tiir iyo tacabbeeleen?. Arrintaasi danbe ayaa sax ah.
Dadyowga aduunka joogaa aqoonta
way wadaagaan, xaqiiqada cilmiga oo ka timid bari, waxaa laga isticmaalaa
bugux, tan waqooyi lagasoo tabiyeyna waxaa laga helaa koonfurta aduunka,
Sidaas Caksigeedna waa sax.
Habka ugu da,da weyn, uguna mugga
iyo baaxadda weyn ee ay aqoontu ku socoto, bulshooyinkuna ay ku kala helaan,
aqoonta, tijaabooyinka nolosha, taariikhda waayihii lasoo maray, suugaanta
iyo hal-abuurka waa habka (qoraal & akhris).
Soomaalida iyo wax qoridda & wax akhrinta
Haddaba oraahda aynu horay
kusoo tibaaxnay ee oranaysa soomaalidu waa ummad hadasha oo aan waxna qorin
waxna akhrin, ma saxbaa mise waa khalad?.
Arrintaasi haddii aan
diraasad iyo is barbardhig ku sameeyey -nasiib darro- waxaa ii caddaatay, in
ay ilaa xad, sax tahay. Waxaa jira boqollaal soomaali ah oo Prof. Eng. PhD.
wada ah, maxay wax u qori waayeen? haddii aad damacdid, inaad carruur
soomaaliyeed oo qurbaha joogta, ka caawisid af-soomaaliga, mushkiladda
koowaad oo ku helaysaa waa yaraanta qoraallada ku qoran af-soomaaliga, ama
waxaaba laga yaabaa inaadan helin, wax buugaag ah oo ku qoran af-soomaali.
Maxaadse ula yaabaysaa, yaa
akhrisanaya oo ay wax u qoraan, waxbaba ma akhrinee? Ninbaa waxaa la sheegaa
inuu yiri: afar iyo tobankiyo boqolka quraanaka (114-ka suuradood) baan
dusha ka aqaanaa, markaasuu kii uu u sheegayey
ku yiri oo yaa kaa
akhrisanaya?,
waa sidaas tan haysata maanta ciddii soomaali wax u qor is tiraahda, waana
tan ku kalliftay aqoonyahano
badan oo soomaaliyeed inay afaf qalaad wax ku qoraan.
Haddii aad tareen (Train)
kasoo raacdid magaalo
adoo u socda magaalo kale,
waxaa tareenka kula
soo fuulaya dad aad u fara
badan, hase
yeeshee maqli maysid wax
qaylo iyo sawaxan ah, qofwalbaa wuxuu boorsadiisa kalasoo baxayaa buug,
majallad ama joornaal, wuxuuna soo rogayaa meel u calaamadsanayd oo uu
akhriskiisu u joogey, halkaas ayuuna kasii wadanayaa. Haddiise aad bas (Bus)
ama baabuur lasoo raacdid 6 qof oo soomaali ah, waxaa hubaal ah, inaad
dhagaha faraha gashanaysid, qaylada iyo sawaxanka halkaas ka yeeraya. Taasi
waa marag ma doonto.
Haddaba waxaa hubaal ah in
arintaasi ay tahay, mushkilad ijtimaaci ah, oo haysata ummadda soomaaliyeed
aynatahay in ay xallinteeda iska kaashadaan dhammaan aqoonyahanka
soomaaliyeed, meel ay joogaanba.
Sidee
mushkiladaas wax looga qaban karaa?
Sidee kor loogu qaadi karaa
kartida wax qorid - akhris ee qofka iyo bulshada soomaaliyeed?
Waa maxay dhibaatooyinka ay
arrintaasi ku hayso qofka iyo qaranka soomaaliyeed?
Waxaan jeclaan lahaa in qof
walba oo soomaali ah, oo arrintaas wax ka og, ama aqoon u leh, amase doonaya
inuu fikrad iyo dareen ka dhiibto inuu fikraddiisa ii
soo diro,
Aadna waan uga
mahad celindoonaa,markii
ay fikrado mowduucaas ku saabsan isoo gaaraana
waxaan ballan qaadayaa inaan idiinsoo bandhigo
doono insha allaah..
Cabdisamad Xoday
hoday30@hotmail.com
Faafin: Ogost 2004
LINK:
http://somalitalk.com/xoday