SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XODAY

WAXAAN QOONSADAY QORMADA FAHAD

Run ahaantii markii aan soo galo bogga somalitalk.com ma wada akhriyo waxa ay qoraan dadka wax ku qora boggan oo dhan, ee waxaa jira dad fara ku tiris ah oo qormooyinkoodu ay isoo jiitaan. Dadka aan qoraaladooda akhriyo waxaa ka mid ah Fahad Yasiin Xaaji-Daahir. Fahad waa nin dhallinyaro ah oo aad u niyad wanaagsan, sida aan ka fahmo qoraaladiisa. Anigu Aqoon Shakhsiyadeed oo dheer uma lihi Fahad; inkastoo aanu hadda ka hor isku aragnay magaalada Nairobi sannadihii 1999-2000. Waxaanna u malaynayaa inaanu magacayga xusuusan karin, haddiise uu sawirkayga arko uu xusuusan lahaa, maxaayeelay anba sawirkiisa ayaan ku xusuustay. 

Waxaan horay u arkay dad Fahad ku maagaya qoraallo iyo waraysiyo uu qaaday, laakiin waxay ahaayeen kuwo aragti qabiil ama nin jeclaysi ka duulaya, sida aan ku arkay maagid uu hadda ka hor qoray nin lagu magacaabo Shaafici Xasan. Mase ahan qoraalkaygu mid ka duulaya aragtiyaha noocaas ah, waxaanna jeclahay inuu noqoto mid mawduuci ah. 

Inta badan qoraalada Fahad Yasiin waa qoraallo waxku’ool ah, kana tarjumaya niyadsamida iyo qiirada Fahad, waxaana u rajeynayaa mustaqbal qoraanimo oo wanaagsan.

Waxaase jira waxyaabo aan marmar ku qoonsado Fahad!

Hadallo ay ku habboonayd inuu si u dhigo oo uu si kale u dhigay

Go’aano uu daraasooyinkiisa qaarkood ku gaadhay, loona baahnaa in uu si qotodheer u daraaseeyo. 

Waxaa dhab ah in shaqada qoraanimadu ay tahay shaqo aad u adag, maxaayeelay waxaad la hadlaysaa dad ay kala duwantahay: Maskaxdooda, qaabfakarkooda, koboca garaadkooda, saldhiggooda aqooneed iyo siyaasadeedba.

Haddaba waxaa lagaa doonayaa –qoraa ahaan- inaad ku xisaabtantid natiijada uu qofwalbaa kala soo bixikaro qormadaada, iyo miraha uu ka goosankaro.

Inaad xulatid erayada aad isticmaalaysid, una meel-daydid tilmaamaha aad bixinaysid. 


“maan rag waa mudacyo caaraddood”


Waa run oo lama helikaro wax dadka oo dhan wada qanciya, soomaaliduna waxay yidhaahaan “maan rag waa mudacyo caaraddood” haddana sidaasoo ay tahay ayaa waxaa la rabaa inaad xeerisid kala duwanaanta akhristayaashaada. 

Magac aad shay ku magacawday, ama tilmaan yar oo aan ka badnayn dhawr eray ayaa laga yaabaa inay saamayso fikradda uu qofkaasi ka qaadanayo arrinta aad ka hadlaysid, iyadoo haddii aad magac kale ama tilmaan kale dooratidna oo go’aan kale qaadan lahaa, iyadoo weliba labada eray ee aad kala dooratay macna ahaan isku mid yihiin. 

Tusaale ahaan maxay ku kala duwanyihiin:

  •  Hebeloow waa maxay waxa dhaladan aad sidatid kuugu jira?

  •  Waa malab shinniyeed walaal.

Iyo:

  •  Hebelow maxaa dhalada kuugu jira?

  •  Waa shinni mataggeed!

Ninkaasi labada jeerba run buu sheegay hase yeeshee waa labo hadal oo kala macaan.

  • Way kala duwantahay inaad qofka magaciisa ugu yeertid iyo inaad “title” iyo darajo ugu yeertid:

  • War Cali sidee tahay iyo Dr. Cali sidee tahay!

  • War Geelle iyo Sheekh Geelle!

  • Cali waa Wahaabi iyo Sheekh Cali waa Caalim Sunni ah.

Qormadii ugu danbaysay ee uu Fahad soo daabacay isniintii lasoo dhaafay 27/12/04 ee uu ku tirtirsiinayey abwaanka Abshir Bacadle ayaan markii aan akhrinayey waxaan ku qoonsaday dhawr eray oo aan jeclaystay in Fahad si kale u dhihi lahaa. Erayadaasi lama xiriiraan mowduuca fahad ka hadlay, waase kuwo soo dhex-galay: 

1.  Tusaale ahaan markii uu tilmaamayey Sheekh Nuur Cali Colow (Allah ha u naxariistee) oo ka mid ahaa culimadii ugu horraysey amaba la odhankaro waa kii ugu horreeyey ee isku dayey inuu la dagaalamo shirkiyaatka iyo bidcooyinka dalkeena ugu faafsanaa sida aan caadiga ahayn, isla markaana dhibaato farabadan usoo maray arrintaas wuxuu Fahad ku tilmaamay:

Aabihii iyo saldhigihii Wahaabiyada” ma eray ka qurxoon baad weydey?        

2.  In la faafiyo Tawxiidka dadkana loogu baaqo inay Ilaahay oo kaliya tuugaan, loona hawlgalo sidii loo suulin lahaa dadka isbaarooyinka dhigtay ee u dhexeeya Ilaahay iyo Aadamaha, sida uu Fahad ku tilmamaay Suufiyada Dariiqooyinkaba, arrintaasi waa dacwadii Nabiyada lalasoo diray, kutubtana loosoo dejiyey, mana ahan qofkii dacwada noocaas ah ku baaqa in lagu tilmaamo magacyo gooni ah.

Taasi waa mid ka hoos baxday Fahad Yaasiin, isagoo u isticmaalay erayga “Wahaabiya” Waxaa ka mid ahaa erayadiisii: Goortii Bacadle uu kamid noqday Wahaabiyada, wuxuu go'aansaday inuu faafiyo Tawxiidka, meelna uga soo haro Suufiyadii ku hawlanayd iney u dhaxeeyaan dadka iyo ilaahay, si ay qurbaan iyo nolol joogta ah uga helaan. Bacadle wuxuu tirin-jiray Gabayo tiro badan, oo dhamanatood kusoo wada biya shubaynaya in ilaahay kaligiis la baryo” 

Afka soomaaligu waa af hodan ah, wixii aad doonaysidna si quruxbadan oo aan turxaan lahayn ayaad ugu sheegi kartaa. Haddaba in aad eray, tilmaan iyo magac dooratid iyo in aad ku celcelisidba waxay ka qayb qaadanayaan samaynta fikradda uu xanbaarsanyahay qoraalkaagu.

Bal u fiirso inta jeer ee uu Fahad ku celceliyey erayga “wahaabiya”:

saaxiibadiisii Wahaabiyada iyagoo masaajidda un ku kooban oo aan shacabka xiriir weyn lalahayn ayuu Bacadle suuragaliyey in Wahaabiyadii ay u gudubto sheekada dadweynaha, iyadoo suugaan ahna ay dadku isku tabinayaan

Ma ahan fikradda uu Fahad ka hadlayo mid khaldan, laakiin sidaynu horay usoo sheegnayba xulashada erayadu ahmiyaddeeda ayay leedahay.

Erayga “WAHAABIYO!”

Haddii Ilaah idmo waxaan asbuuca danbe soo gudbin doonaa qoraal ku saabsan erayga “wahaabiya”, taariikhdiisa, cidda bixisay ama faafisay, wahaabiyah ma mad-hab jiraa mise waa male awaal?.

Cabdisamad Xoday
Hoday30@hotmail.com
01/01/05

QORAALADII HORE EE XODAY::: Guji...

LINK: http://somalitalk.com/xoday

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2005

Faaladi Isniinta ee Fahad:
ABSHIR BACADLE: GABYAAGII WAHAABIYADA MAXAA HADAL LOOGA WAAYEY
Waxaad tahay gabyaa ay dadbadani sugayaan ee intaanoo dhacdo wax ka dheh... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD